Sunday, November 25, 2007

Dallada Ururada Waxbarashada Dadban oo laga Aasaasay Gobolka Togdheer


Kulan lagu abuurayay daladii u horaysay ee ay ku midoobaan Ururada gacanta ku haya dugsiyada waxbarshada dadban ee gobolka togdheer oo ay ka soo qaybgaleen shan iyo todobaatan xubnood ayaa maalintii


jimcihii ka furmay Huteelka Cityplaza ee magaalada Burco.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Ururka Togoyovo,ayaa munaasibadii furitaanka waxa ka hadlay Gudoomiyaha W/Waxabarshada ee g/togdheer Cabdi Axmed Siciid,Isagoo sheegay inuu soo dhaweenayo Daladan ay ku midoobayaan ururada gacanta ku haya Dugsuyada waxbarshada dadban ee gobolku,waxaanu faahfaahin ka bixiyay muhiimada ugu weyn ee laga leeyahay samaynta daladan waxaanu yidhi “ujeedada samaynta daladan waa sidii iskaashi midaysan oo macalimiinta dugsiyada waxbarshada dadbani yeeshaan,,manhaj waxbarsho oo kaliyana loo dhigo ardayada oo barbar socota waxbarshada tooska ah.iyi in la fahmo faaiidada waxbarshadu leedahay lana raaco tubta ay u dhigtay wasaarada waxbarshadu.”.

Waxa uu intaa raaciyay in looga baahan yahay Bahweynta waxbarsho in dhegaha bulshada galiyaan Wadaniyad,Isagoo kala dardaarmay in ay ka fogaadaan Qabyaalad iyo cid jeclaysi “Ardayda aad wax u dhigaysaan maaha qabiil kaliya ee ummad kala duwan ayay ka yimaadeen.”.

Waxa kale oo isna goobtaa ka hadlay C/fataax Cali ,oo ka mid gudiga qabanqaabada, aya aka waramay in ujeedada aanu isugu nimi kulankani yahay sidii aanu u asaasi lahayn dalad waxbarsho oo ay ku midaysan yihiin Ururada gacanta ku haya dugsiyada waxbarshada dadban mudana aanu qabanqaabadeeda ku hawlayn balse hada kulankan lagaga dhawaaqi doona dalad ay ku bahoobeen Ururadu..

Sidoo kale waxa iyaguna hdalo kooban ka jeedisay Munaasibadaa furitaanka Gudoomiyaha Ururka Togoyovo Ismahaan Jaamac iyadoo tilmaantay in daladan noqondoonto tii u horaysay ee dhinaca waxbarshada laga sameeyo gobolka togdheer,islmarkaana aan u rajaynayo inay noqoto mid faaiido iyo waxtar u soo kordhisa gobolka,waxayna u mahadcelisay Hayada Unicef oo ay sheegtay inay gacan weyn ka siisay hirgalinta daladan.

Kulan oo socondoona mudo sadex cisho ayaa waxa maalgalisay Hayada Unicef,kaasoo gabagabada lagaga dhawaaqi doono daladii kulminaysay Ururada gacanta ku haya dugsiyada waxbarshada dadban ee g/togdheer,kaasoo ah daladii u horaysay ee ay ku midoobeen..

No comments: