Wednesday, January 16, 2008

Kulan Wadatashi oo Ku Saabsan Xuquuqda Haweenka oo Burco Ka Dhacay







Kulan balaadhan oo ku saabsan wadatashi laga yeelanayo sidii looga hadli laha xuquuqda haweenka soconayey muddo laba maalmood ayna ka qayb galeen 30 Xubnood oo ay ka mid yihiin Culimada Gobalka ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey xarunta hayada Sayvo ee magaalada Burco, Gobalka Togdheer.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Dalada Haweenka Negaad, waxa ujeedada laga leeyahay ay ahayd in xuquuqda haweenka ay noqoto mid ka mida waajibaadka aasaasiga ee bulshada isla markaana culimada iyo madaxdhaqameedyada ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee daahfura xuquuqda aasaasiga ah ee haweenka.

Kaltuun Shiikh Xasan oo ah madaxa Xuquuqal-Insaanka ee Dalada Negaad oo maanta xidhitaankii hadal ka jeedisay ayaa cadaysayin in aanay haweenku kaalin ku leeyihiin siday u heli lahaayeen xuquuqdooda ay ku leeyihiin dhinaca Waxbarashada, Shaqada, iyo weliba dhinaca Siyaasada.


Haweenaydani waxaa kale oo ay xidhitaanka kaga dhawaaqday Baaq Gunaanada oo ay Ururada Dhalinyarada, Cuqaasha, iyo Culam,udiinka ka qayb galay kulankani ka soo saareen xidhitaankii kaasi oo ay ku cadaysay inay haweenka aanay sharci yan jirin wax ka hor istaagaya inay galaan siyaasada.

Sidoo kalena Aadan Ismaaciil Geedi oo ah Gudoomiyaha Sayvo ayaa isagana ku tilmaamay shirkan mid fursad u noqon kara inay haweenka ku dhiiradaan furdaaminta caqabadaha ka haysta dhinaca Siyaasada.

Geesta kalena kulamada ku saabsan iftiiminta xuquuqda haweenka waxay saameyn balaadhan ku yeesheen haweenka Burco kuwaasi oo xilligan u abaabulan siday uga calaf qaadi lahaayeen Doorashooyinka Siyaasiga ee fooda inagu soo haya

Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame

Ilka Case, Burco Somaliland

Madaxwaynaha iyo Wafdigii uu Hoggaaminayey oo Qado Sharaf Loogu Sameeyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka













2008-01-16
(Hadhwanaagnews)
Weftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa qado loogu sameeyay Xarunta Wasaradda Arrimaha Debedda (State Department-ka). Qadadaasi waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u fidiyey kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debdda Dr. Jendayi Frazer, waxa kaaliyaha ku weheliyey ku-xigeenka kaaliyaha Xafiiska Arrimaha Debedda, Agaasimaha Bariga Africa ee Arrimaha Debedda, Madaxa Xafiiska Arrimaha Somaliland iyo Somalia iyo Madax kala oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Isla maanta waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmay,Madaxa la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo Madax Sar Sare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u bilaabantay shalay oo ay bishu ahayd 14/10/08 kullamadii rasmiga ahaa, taas oo u wada hadal rasmi ah kula yeesheen kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debedda Dr. Jendayi Frazer iyo dhammaan hawlwadeenada xafiiskooda, waxa kaloo uu isla shalay Madaxweynuhu la kulmay kaaliyaha Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Arrimaha Africa, Ms. Theresa M. Whalan oo uu kula kulmay Xarunta Petagon-ka. Waxa kaloo weftiga Madaxweynuhu la kulmay USAID oo Hay’adda Horumarinta Caalamiga u qaabilsan Maraykanka. Waxa kaloo Madaxweynaha ku soo booqday Huteelka uu deggan yahay, La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Africa, Mr. Bobby J. Pittman.

Kullamadaasi dhammaantood waxay ku dhammaadeen jawi is-afgarad Buuxa, weftiguna waxa uu kala soo noqday jawi ididiilo.

Isla Habeenimadii Xalay, weftiga Madaxweynuhu, wuxuu ka qayb Xaflad ballaadhan oo jaaliyadda Somaliland u qabatay Madaxweynaha, taasi oo Madaxweynuhu uga waramay Jaaliyadda Somaliland ee Maraykan xaaladda Dalku marayo, wixii qabsoomay iyo waxa aynu rajeynayno inay dhawwaan inoo qabsoomaan, hadalkaa Madaxweynaha kadib, Jaaliyaddu waxay halkaasi Madaxweynaha ku weydiiyeen su’aalo farabadan oo dhammaantood Madaxweynuhu uga jawaabay si waafiya.

Kullamadaasi oo ay Madaxweynaha ku wehelinayeen, Wasiirka Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka, Mudane, Cabdi Haybe Maxamed , Wasiirka Caddaaladda, Mudane, Axmed Cali Xassan, Wasiir ku Xiggeenka Qorsheynta, Mudane, Axmed Xaashi Cabdi iyo Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane, Axmed Maxmed Ciise.


Allaa Mahad Leh

Amb. Sacad Sheekh Cismaan Noor
Wakiilka Somaliand ee Maraykanka.

warkii socdaalka madaxweynaha JSL mudane Daahir Riyaale Kaahin








































Written by Hassan M. Adan
Wednesday, 16 January 2008

Washington DC(Hormoodnews)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay dalka Maraykanka ayaa shalay kulan heer sare ah laqaatay Boqolaal qof oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee North America.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa shalay la kulmay Jaaliyadaha Somaliland ee ka kala yimid gobolada dalka Maraykanka iyo dalka Kanadaba. Kulankan dhexmaray Madaxweynaha iyo waftigiisa oo dhinaca iyo Jaalliyada Somaliland ee Waqooyiga Amerika ayaa ahaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay iyadoo gidaarada madasha uu kulanku ka dhacayeyna lagu wada sharaxay tilmaamo muujinaya Astaamaha dalka Somaliland oo ay ka mid tahay Khariidada dalka, calanka iyo sawiraanta Madaxweynaha.

Waxaana aad loo adkeeyay Amaanka goobta uu shirku ka dhacayey oo ahayd Hudheelka magaciisa layidhaahdo (Double Three)oo ku yaalla duleedka Caasimada Dalka Maraykanka ee Washington DC.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa intaanay madasha shirku ka furmayey soo galin ayaa waxa soo gallay niman dharcad ah oo dhagaha ku sita qalabka wax lagu maqlo oo ah qalab ay xidhaan Secret Serviceka madaxweynayaasha dalka Maraykanku, qalabkan oo soo qabanaya sanqadh kasta oo jabaq tidhaahda.

Intaas kadib Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa yimid Hudheelka iyadoo lagu galbinayo Baabuur wada Mad-madow oo ay horkacayeen Dhug-Dhugleeyo iyo baabuurta ciidamada Booliisku kaxaystaan oo laydhka xaga sare uwada baxayey iyadoo dhamaan baabuurtii udhawaa jidka Madaxweynuhu soo marayey dhamaantood lawada joojiyay ilaayo intii madaxweynuhu kasoo gud-bayay.

Markii madasha shirku ka dhacayey ay fooda soo galiyeen madaxweynaha iyo waftigiisu ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Sacab iyo Mushxarad ku qiiro galinaya oo ku tusaya sida ummada Somaliland ay usoo dhaweynayaan Madaxdooda, inyar kadibna waxa furmay shirkii waxaana lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo runtii si qurux badan uga warbixiyay xaallada uu maanta dalku ku sugan yahay iyo mustaqbalka Somaliland oo uu madaxweynuhu carabka in badan ku cel-celiyey in maanta Somaliland Citiraafkeedu miiska saaran yahay loona baahan yahay, madaxweynuhu wuxuu kale oo uu xusay inuu guullo waaweyn kasoo hooyay socdaalkoodii ay kusoo mareen dalka Ingiriiska, halkana waa Maraykankee siwanaagsan wax ugu socdaan.Waxaanu ku dhiirigaliyey Jaaliyadaha Somaliland ee North America inay qayb libaaxle ka qaataan dib udhiska dalka iyo citiraaf uraadintaba.

Madaxweynuhu wax tafaasiil dheeraada kamuu bixin waxa ilaayo hadda uga qabsoomay dalka Maraykanka iyo waxa uu naawilayo inay uqabsoomaan, lakiin dad Jaaliyadda kamid ah oo u dhuun daloola Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa Shabakada Hormoodnews usheegay inuu Madaxweynahu lakulmay Madaxda Ciidamada Maraykanka isagoo Madaxweynahu kula kulmay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano Pentingon, sidoo kale warkan aanu kasoo xiganay xubnahan udhadhaw waftiga madaxweynaha ayaa intaas ku daraya inuu madaxweynahu kulan heer sare ah laqaatay madax ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano State Department.

Tuesday, January 15, 2008

Wasiirka Qorsheynta oo furey shir ku saabsan bilowga barnaamijka dib udhiska Somaliland








Written by Faysal cabdilaahi
Tuesday, 15 January 2008

ImageHargeysa- (Hormoodnews)Wasiirka wasaarada qorsheynta Cali Maxamed Ibraahim ayaa maanta furey shir lagaga hadlayay barnaamijka horumarinta iyo dib u dhiska Somaliland ee shanta sano ee soo socda.

Shirkan maanta oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo heyadaha madaxabannaan ee dawliga ah, kuwa samafalka iyo saraakiil ka socdey qaramada midoobey,midoga yurub iyo baanka adduunka, waxa ujeedada shirkan lagaga hadlayay aheyd bilaabidda barnaamijkan.

Wasiirka wasaaarada qorsheynta oo hadal ka jeediyey furitaanka ayaa si qoto dheer uga Hadley marxaladaha uu soo marey mashruucani iyo heerka uu maanta marayo oo uu ku tilmaamey in uu yahay mid maraya bilaabidii iyo sidii loo hirgelin lahaa.



Mudane Cali waxa uu isaga oo ka hadlaya shirka uu yidhi,

"Waxa shirkan lagaga hadlayaa waa laba arrimood, maareynta deeqaha iyo fulinta sidii la iskaga kaashan lahaa, ee looga wada tashan lahaa socodsiinta Barnaamijka [RDP] , sida laga war qabo waa laga soo gudbay samaynta qorshaha barnaamijkaas, oo bishii November ee la soo dhaafay ayaa laga shiray, dibna loogu noqon maayo.

"Haddii aynu nahay xukuumada iyo shacbiga Somaliland, masuuliyad weyn ayaa ina saran, xilka aynu qaadnay waxa kow ka ah in la xaqiijiyo in deeqaha dalka imanayaa ay gaadhaan meeshii iyo dadkii loogu talo galay, xaga bahweynta Haayadaha caalamiga ah waxa iyagana laga doonayaa inay deeqdii ay balan qaadeen oo ay badka soo dhigaan, oo sanad kasta waxii loogu talo galay ay keenaan, oo aynu kula xisaabtano, inagana ay inala xisaabtamaan".

Wasiirku waxa kale oo uu yidhi,

"Waxay mashaariicdaasi ku xidhnaanayaan shan gudi Hawleed, oo dhaqaajinaya mashaariicda Beeraha,Xoolaha, Kalluumaysiga, deegaanka iyo reer miyiga, waxa isna mashaariicda garab soconaya ka hortaga xakamaynta iyo ka hortaga HIV/AIDS-ka.

Waxa uu sheegey in loo baahan yahay isbeddel, waxaanu yidhi,"Waxa aynu doonaynaa in is bedel lagu sameeyo, sidii hore ee loo fulin jiray mashaariicda, oo waxa aynu arki jirnay mashruuc yar oo Haa'yad la daba cararo lacagtana iyada la soo mariyo, oo wasaarad ama dad koobani daba socdaan, waxa imika aynu fulinaynaa mashaariic iyo Barnaamijyo waaweyn, waxana la doonayaa in isbedelo waaweyn la muujiyo"

Waxa kale oo ka Hadley shirka masuuliyiin ka socda maalgeliyeyaasha mashruuca.

Nuxurka Shirkii Hogaamiyeyaasha Qaran ee Ka Dhacay Finland

Written by Jama Gabush
Tuesday, 15 January 2008

ImageHelsinki(Hormoodnews)-Maalintii Axadii galabnimadeedii ayay ahayd markii uu 14.30 galabnimo furmay shir ballaadhan oo isugu jiray dhawr arrimood iyaga oo uu shirarka caadiga ah kaga duwanaa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo kasoo qaybgalay shirkan Helsinki ka dhacaya isaga oo xafiiskiisa magaalada Pisa ee dalka Talyaaniga fadhiya.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne aad u tiro badani, ayaa lahaa saddex ujeedo. Ujeeddooyinkaas oo kala ahaa gardaadin ama bandhig buug cusub oo uu qoray Dr. Jaamac Muuse Jaamac lana magac-baxay "Gobonnimo Bilaash Maaha", warbixin iyo wacyi-gelin ku saabsan wadanka guud ahaan, gaar ahaanna horumarinta gobollada bari.

Haddaba, furitaankii iyo kelmad yar oo kooban kuna saabsanayd is-xusiisinta Illaahay oo Sh. Cabdisamad Aw Daahir jeediyey kedib, waxa dadkii madasha fadhiyey mar qudha ku war heleen Jaamac Muuse oo gidaarka dadka ka horeeya ka muuqda salaan gacaltooyana ku bilaabay hadalkiisii. Haddaba, hore ayuu Illaahay u sheegay in bani aadmiga wax kasta loo sakhiraye, waxay tani ka dambaysay markii ay Dr. Jaamac u suurtoobiwaayey safarkii uu Finland ku iman lahaa isaga oo hore ugu qornaa barnaamijka shirka oo in muddo ah la qabanqaabinayey. Dr. Jaamac, oo kamid ah inta yar ee aqoontooda iyo garashadoodu jiifka iyo joogga u diideen ee isu taagtay horumarinta garaadka dadkooda inta afsoomaaliga ku hadasha ayaa barnaamijka ku bilaabay hadal kooban oo ku saabsan nuxurka buugga iyo waxyaalihii ku kalifay in uu qoro. Waxay u baahantahay safxado dhaadheer in lasoo koobo hadalladii dhaxal-galka ahaa ee ku wareegayey qaybaha gobonnimada iyo macnayaasha ballaadhan ee ay huwan tahay. Waxase xusid mudan, murtidii uu qoraagu ku bilaabay hadalkiisa buuggana ku qoran taas oo tilmaamaysay dareenka ku kalifay in uu buuggan qoro oo ah sidii uu dadweynaha gaar ahaan dhalinyarada ugu gudbinlahaa qiimaha gobonnimadu leedahay wuxuuna yidhi isaga oo soo xiganaya Xassan X. Cabdillaahi Xasan (Xassan Geney) markuu lahaa:

Xornimo in ay qaali tahay
Xalaal Gobannimadu tahay
Calanka loo qubay xinjiro
Xabaal geesi ugu dhacay
Inuu xeeldheere yahay
Xilkuna uu saaran yahay
Dadweynahan xaadirka ah
Sideen u xusuusiyaa

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaalidu xoogga saaraan halganka gobonnimada loogu jiro hase ahaatee ilaashadka gobonnimadu ka muhiimsan yahay raadinteeda. Waxa kale oo uu tilmaamay in dad waliba leeyihiin cadaw halis ku ah gobonnimada isaga oo tilmaamay in aanay Somalidu lahayn halis qabyaaladda ka weyn oo gobonnimada wax u dhima. Dr. Jaamac waxa uu nuxurkii hadalkiisu ahaa, ahmiyadda dustuurku leeyahay iyo in ay lagama-maarmaan tahay in qof waliba khaas ahaan dhalinyaradu ogaadaan xuquuqda iyo waajibaadka faraha badan ee ku duugan dustuurkeenna si ay gobonnimadooda u ilaashadaan. Waxa uu qoraagu xaqiijiyey in aanuu buuggiisan u yeelin xuquuqda qoraalka (copy right) isaga oo sheegay in uu qof kasta u furan yahay in uu faafiyo oo sii daabaco ujeedadiisuna tahay fiditaanka dustuurka.

Intaa kedib, waxa iyaguna hadallo koobkooban buugga cusub iyo mawduuca gobonnimada ka hadlay masuuliintii qaranka ee shirka joogtay Xil. Maxamed Cali Xirsi, Gud. Faysal Cali Waraabe iyo Gud. Cabdiraxmaan M. Cabdillahi. Su’aalo, talooyin iyo guubaabo ayay u badnaayeen hadalladii kale ee dadweynihii shirka kasoo qayb galay.

Intaasi markay dhammaatay, waxa loo gudbay qaybtii labaad ee shirka oo uu furay xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo beryahanba safarro is-daba-jooga ugu jiray wacyigelinta la xidhiidha horumarinta gobollada bari ee dalka. Xildh. Maxamed oo ah nin dhalinyar Illaahayna ugu deeqay firfircooni iyo hadal miisaaman, ayaa ka waramay heerarkii horumarka ee dalku soo maray ilaa iyo intii uu ka gaadhayey tilmaamo cad-cad oo uu ka bixiyey faraqa u dhexeeya gobollada kala duwan ee wadanka tilmaanna ka bixiyey sida ay u kala tageen gobollada isla markaana loogu baahan yahay in la isa goo gaadhsiiyo. Waxa uu xildhibaanku warbixin ka bixiyey guddiga qaranka ee horumarinta gobollada bari qaabkii lagu soo dhisay iyo inta xubnood ee ay ka kooban yihiin isaga oo sheegay in ay aragti ahaan ka timid xisbiyada mucaaradka ah sidaa darteedna loo baahan yahay in ay axsaabta mucaaradka ahi ka hadlaan. Xildhibaanku waxa uu wax ka tilmaamay qorshayaasha loogu talogalay in gobolladaa lagu hormariyo iyo sida loogu baahiqabo in ay qurbajooggu kaalin weyn ka qaataan.

Waxa ka xigay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbixin dheer ka bixiyey waayaha wadanku ku sugan yahay gaar ahaan gobollada bari oo uu sheegay in uu ahaa masuulkii qaran ee ugu sareeyey uguna horeeyey ee booqda jiidda hore ee bari. Waxa kale oo uu Faysal tilmaamay in xisbiga UCID yahay xisbigii ugu horeeyey ee xafiis ka furta magaalada Laascaanood ee calan xisbi ka taaga. Intaa kedib, waxa uu guddoomiyuhu ku dheeraaday in isbedel wadanka looga baahan yahay hase yeeshee ay tahay in isbedelkaasi ku yimaado qaab sharciya oo xalaala. Waxa uu Guddoomiye Faysal naruuro ka muujiyey tirakoobka la qabanayaa in uu yarayndoono musuqmaasuq badan oo fasaadiya doorashooyinka soo socda. Intaa kedib, waxa uu Faysal ka hadlay BBC-da oo wadda tallaabooyin ay colaad kaga abuurayso Somaliland godaheeda isaga oo tilmaamay in ay hurinayso khilaafka ka jira bariga Somaliland oo waraysiyo colaad hurin ah la yeelanaysa ashkhaas aan cidna metelin xilna haynin.

Aakhirkii, waxa shirkaa ka hadlay Guddoomiyaha G. Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi oo hadal kooban kaga waramay xaaladda guud ee dalku marayo isla markaana ku guubaabiyey dadweynihii shirka kasoo qaybgalay in ay reer Finland kaalintii lagu yaqaanay ka galaan hirgelinta qorshaha horumarinta gobollada bari ee guddida qaranku wado. Waxa kale oo guddoomiyuhu ka waramay waxqabadkii golaha uu guddoomiyaha ka yahay isaga oo ka jawaabayey su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa.

Image

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhalinyaro iyo masuuliin kale iyaga oo xisbiyada qaarkood tilmaamay in ay ka hawgalayaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen mashruuca horumarinta gobollada bari. Waxa lagu ballamay in mar kale reer Finland isaga yimaaddaan sidii ay u hirgelin lahaayeen hawlaha wixii kaga soo aadan.

Jama Gabush

Helsinki, Finland.

Sunday, January 13, 2008

Wasiirka Difaaca Somaliland oo Ka Hadlay Dagaalkii Saaka Lagu Soo Qaaday Ciidamada Qaranka















Written by Faysal Cabdilaahi
Sunday, 13 January 2008

Hargeysa(Hormoodnews)

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee ku sugan Jiida hore ee Sool ayaa Saaka abaaro 5:30 subaxnimo waxa weerar ku soo qaaday Maleeshiyada Majeerteeniya oo isku soo urursaday Aaga Dhabansaar,waxaana isla markiiba laga qabtay Taliyihii watay oo magaciisa layidhaahdo Kornayl Dayr iyo ku/xigeenkiisii Cabdi Iskatoos iyo 20 Askari oo Maxaabiis ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu faah faahiyay weerarkan, waxuuna uqornaa warsaxaafadeedka Wasiirku sidan : ‘’waxa saaka 5:30 subaxnimo ku soo qaaday Weerar ciidamada Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool Ciidamo isku soo urursaday Aaga Dhabansaar oo 70 km dhinaca Koonfur ee hawdka ka xigta Magaalada Laascaanood.

Halkaasna waxa lagu jabiyay cadowgii looguna geystay khasaare fara badan oo ay ka mid yihiin gaadiid , Isgaadhsiin iyo Maxaabiis intaba , iyadoo ciidanka Somaliland ka qabsadeen cadowga Fadhiisimadii ay weerarka ka soo qaadeen firdhadkoodiina ay ku noqdeen dhinaca Majeerteeniya.

Ciidamada Majeerteeniya ee soo duulay waxa laga qabtay 20 Askari oo Maxaabiis ahaan looga qabtay oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Majeerteeniya ee aaga Koonfureed Kornayl Dayr Cabdi Iskatoos iyo Laba sarkaal oo kale .
Waxa kale oo cadowga laga qabtay gaadiid Tikniko ah iyo qalabka Isgaadhsiinta ee ciidamadu isticmaalaan oo faah faahintooda Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ay dib u soo sheegi doonto.

Somaliland iyo ciidamadeedu dib ugu dul qaadan maayaan cid alle cidii isku dayda soo fara gelinta xuduudaha Somaliland’’.



Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

Qado sharaf Borame loogu sameeyay Qaran iyo Booliskii magaalada oo cadaadis geliyay shirkii








Qaransomaliland - Hargeysa--13/1/2008

Siyasiiyinta Ururka Qaran ayaa maanta soo booqday magaalada Borame, halkaaso ay ku degeen hotel "Rays" oo ah hotelka magaalada ugu weyn. Waxaa halkaa loogu sameeyey qado sharaf ka timi Beesha Maxamed Case xildhiibano iyo caaqilo ka tirsan. Waxaa kaloo socdaalka siyaasiyiinta Qaran la socday xildhiibaano badan oo Hargeysa ka soo raacay.

Khudbado badan oo soo dhaweyn ah ayaa waxgaradka iyo cuqaasha u dhalatay beesha Maxamed Case halkaa ka soo jeediyeen kuna caddeeyeen ineynan raalli ka ahayn xabsiga loo geestay madaxda Qaran, kuna guubaabiyeen martida u time in walaaltinimadii ka dhaxaysay ay meesheedi weli taagan tahay.

Madaxda Ururka Qaran waxay mahad weyn u celiyeen sida wacan iyo kalgacaylka badan ee loo muujiyay, waxayna u caddeeyeen dadweynaha Borame inayan wax xumaata ama cadaawad u qabin dadweynaha Somaliland meel kasto ay joogaanba.

Shirkii oo geba-geba jooga ayaa taliyihii boliiska ee Boorama iyo askar tira badan meesha timi oo ku andacooneysa in shirkaani sharci darro yahay, waxayna ku dhaqaaqeen inay gacan saaraan wariyayaashi meesha joogay oo shirka tebinayay.

Xildhiibaanadii shirka joogay iyo askartii ayaa sii xoog leh halkii isku jiidhay qola walba cidda kale edeynesa. Arrinku marku halkaa gaadhay ayaa madaxdii Qaran taliyiihii booliska la hadleen kuna yidhaadeen meesha wax laysku xidh-xidho ama laysku laayo ma jiraan, shirkiina wuu noo dhamaaday ee nabad gelyo. Dabadeedna dadkii meesha joogay ayay mar labaad u mahad naqeen, kana soo ambabaxeen magaalada oo ku soo laabteen Hargeysa.

Dr Gabose oo khadka teleefoonka nagala soo xidhiidhay wuxuu tilmaamay inu u arko iney fadeexad weyn tahay in casuumad iyo sooryadii cadaada noo ahayd in maanta xukuumadda Rayaale garan weydey iney qadariso oo muujiso sharafta ay mudan tahay.

Qaransomaliland.com