Sunday, January 13, 2008

Wasiirka Difaaca Somaliland oo Ka Hadlay Dagaalkii Saaka Lagu Soo Qaaday Ciidamada Qaranka















Written by Faysal Cabdilaahi
Sunday, 13 January 2008

Hargeysa(Hormoodnews)

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ee ku sugan Jiida hore ee Sool ayaa Saaka abaaro 5:30 subaxnimo waxa weerar ku soo qaaday Maleeshiyada Majeerteeniya oo isku soo urursaday Aaga Dhabansaar,waxaana isla markiiba laga qabtay Taliyihii watay oo magaciisa layidhaahdo Kornayl Dayr iyo ku/xigeenkiisii Cabdi Iskatoos iyo 20 Askari oo Maxaabiis ah.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu faah faahiyay weerarkan, waxuuna uqornaa warsaxaafadeedka Wasiirku sidan : ‘’waxa saaka 5:30 subaxnimo ku soo qaaday Weerar ciidamada Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool Ciidamo isku soo urursaday Aaga Dhabansaar oo 70 km dhinaca Koonfur ee hawdka ka xigta Magaalada Laascaanood.

Halkaasna waxa lagu jabiyay cadowgii looguna geystay khasaare fara badan oo ay ka mid yihiin gaadiid , Isgaadhsiin iyo Maxaabiis intaba , iyadoo ciidanka Somaliland ka qabsadeen cadowga Fadhiisimadii ay weerarka ka soo qaadeen firdhadkoodiina ay ku noqdeen dhinaca Majeerteeniya.

Ciidamada Majeerteeniya ee soo duulay waxa laga qabtay 20 Askari oo Maxaabiis ahaan looga qabtay oo uu ku jiro Taliyaha Ciidamada Majeerteeniya ee aaga Koonfureed Kornayl Dayr Cabdi Iskatoos iyo Laba sarkaal oo kale .
Waxa kale oo cadowga laga qabtay gaadiid Tikniko ah iyo qalabka Isgaadhsiinta ee ciidamadu isticmaalaan oo faah faahintooda Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ay dib u soo sheegi doonto.

Somaliland iyo ciidamadeedu dib ugu dul qaadan maayaan cid alle cidii isku dayda soo fara gelinta xuduudaha Somaliland’’.



Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

No comments: