Wednesday, January 16, 2008

Kulan Wadatashi oo Ku Saabsan Xuquuqda Haweenka oo Burco Ka Dhacay







Kulan balaadhan oo ku saabsan wadatashi laga yeelanayo sidii looga hadli laha xuquuqda haweenka soconayey muddo laba maalmood ayna ka qayb galeen 30 Xubnood oo ay ka mid yihiin Culimada Gobalka ayaa maanta lagu soo gebagebeeyey xarunta hayada Sayvo ee magaalada Burco, Gobalka Togdheer.

Kulankaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Dalada Haweenka Negaad, waxa ujeedada laga leeyahay ay ahayd in xuquuqda haweenka ay noqoto mid ka mida waajibaadka aasaasiga ee bulshada isla markaana culimada iyo madaxdhaqameedyada ay noqdaan kuwa ugu horeeya ee daahfura xuquuqda aasaasiga ah ee haweenka.

Kaltuun Shiikh Xasan oo ah madaxa Xuquuqal-Insaanka ee Dalada Negaad oo maanta xidhitaankii hadal ka jeedisay ayaa cadaysayin in aanay haweenku kaalin ku leeyihiin siday u heli lahaayeen xuquuqdooda ay ku leeyihiin dhinaca Waxbarashada, Shaqada, iyo weliba dhinaca Siyaasada.


Haweenaydani waxaa kale oo ay xidhitaanka kaga dhawaaqday Baaq Gunaanada oo ay Ururada Dhalinyarada, Cuqaasha, iyo Culam,udiinka ka qayb galay kulankani ka soo saareen xidhitaankii kaasi oo ay ku cadaysay inay haweenka aanay sharci yan jirin wax ka hor istaagaya inay galaan siyaasada.

Sidoo kalena Aadan Ismaaciil Geedi oo ah Gudoomiyaha Sayvo ayaa isagana ku tilmaamay shirkan mid fursad u noqon kara inay haweenka ku dhiiradaan furdaaminta caqabadaha ka haysta dhinaca Siyaasada.

Geesta kalena kulamada ku saabsan iftiiminta xuquuqda haweenka waxay saameyn balaadhan ku yeesheen haweenka Burco kuwaasi oo xilligan u abaabulan siday uga calaf qaadi lahaayeen Doorashooyinka Siyaasiga ee fooda inagu soo haya

Reported By: Yusuf Ibraahim Warsame

Ilka Case, Burco Somaliland

No comments: