Wednesday, January 16, 2008

warkii socdaalka madaxweynaha JSL mudane Daahir Riyaale Kaahin








































Written by Hassan M. Adan
Wednesday, 16 January 2008

Washington DC(Hormoodnews)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo waftigii uu hogaaminayey ee booqashada ku joogay dalka Maraykanka ayaa shalay kulan heer sare ah laqaatay Boqolaal qof oo ka tirsan Jaaliyada Somaliland ee North America.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa shalay la kulmay Jaaliyadaha Somaliland ee ka kala yimid gobolada dalka Maraykanka iyo dalka Kanadaba. Kulankan dhexmaray Madaxweynaha iyo waftigiisa oo dhinaca iyo Jaalliyada Somaliland ee Waqooyiga Amerika ayaa ahaa kulan si heer sare ah loo soo agaasimay iyadoo gidaarada madasha uu kulanku ka dhacayeyna lagu wada sharaxay tilmaamo muujinaya Astaamaha dalka Somaliland oo ay ka mid tahay Khariidada dalka, calanka iyo sawiraanta Madaxweynaha.

Waxaana aad loo adkeeyay Amaanka goobta uu shirku ka dhacayey oo ahayd Hudheelka magaciisa layidhaahdo (Double Three)oo ku yaalla duleedka Caasimada Dalka Maraykanka ee Washington DC.

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa intaanay madasha shirku ka furmayey soo galin ayaa waxa soo gallay niman dharcad ah oo dhagaha ku sita qalabka wax lagu maqlo oo ah qalab ay xidhaan Secret Serviceka madaxweynayaasha dalka Maraykanku, qalabkan oo soo qabanaya sanqadh kasta oo jabaq tidhaahda.

Intaas kadib Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa yimid Hudheelka iyadoo lagu galbinayo Baabuur wada Mad-madow oo ay horkacayeen Dhug-Dhugleeyo iyo baabuurta ciidamada Booliisku kaxaystaan oo laydhka xaga sare uwada baxayey iyadoo dhamaan baabuurtii udhawaa jidka Madaxweynuhu soo marayey dhamaantood lawada joojiyay ilaayo intii madaxweynuhu kasoo gud-bayay.

Markii madasha shirku ka dhacayey ay fooda soo galiyeen madaxweynaha iyo waftigiisu ayaa waxa lagu soo dhaweeyay Sacab iyo Mushxarad ku qiiro galinaya oo ku tusaya sida ummada Somaliland ay usoo dhaweynayaan Madaxdooda, inyar kadibna waxa furmay shirkii waxaana lagu soo dhaweeyay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo runtii si qurux badan uga warbixiyay xaallada uu maanta dalku ku sugan yahay iyo mustaqbalka Somaliland oo uu madaxweynuhu carabka in badan ku cel-celiyey in maanta Somaliland Citiraafkeedu miiska saaran yahay loona baahan yahay, madaxweynuhu wuxuu kale oo uu xusay inuu guullo waaweyn kasoo hooyay socdaalkoodii ay kusoo mareen dalka Ingiriiska, halkana waa Maraykankee siwanaagsan wax ugu socdaan.Waxaanu ku dhiirigaliyey Jaaliyadaha Somaliland ee North America inay qayb libaaxle ka qaataan dib udhiska dalka iyo citiraaf uraadintaba.

Madaxweynuhu wax tafaasiil dheeraada kamuu bixin waxa ilaayo hadda uga qabsoomay dalka Maraykanka iyo waxa uu naawilayo inay uqabsoomaan, lakiin dad Jaaliyadda kamid ah oo u dhuun daloola Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa Shabakada Hormoodnews usheegay inuu Madaxweynahu lakulmay Madaxda Ciidamada Maraykanka isagoo Madaxweynahu kula kulmay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano Pentingon, sidoo kale warkan aanu kasoo xiganay xubnahan udhadhaw waftiga madaxweynaha ayaa intaas ku daraya inuu madaxweynahu kulan heer sare ah laqaatay madax ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Maraykanka ee loo yaqaano State Department.

No comments: