Sunday, January 13, 2008

Qado sharaf Borame loogu sameeyay Qaran iyo Booliskii magaalada oo cadaadis geliyay shirkii








Qaransomaliland - Hargeysa--13/1/2008

Siyasiiyinta Ururka Qaran ayaa maanta soo booqday magaalada Borame, halkaaso ay ku degeen hotel "Rays" oo ah hotelka magaalada ugu weyn. Waxaa halkaa loogu sameeyey qado sharaf ka timi Beesha Maxamed Case xildhiibano iyo caaqilo ka tirsan. Waxaa kaloo socdaalka siyaasiyiinta Qaran la socday xildhiibaano badan oo Hargeysa ka soo raacay.

Khudbado badan oo soo dhaweyn ah ayaa waxgaradka iyo cuqaasha u dhalatay beesha Maxamed Case halkaa ka soo jeediyeen kuna caddeeyeen ineynan raalli ka ahayn xabsiga loo geestay madaxda Qaran, kuna guubaabiyeen martida u time in walaaltinimadii ka dhaxaysay ay meesheedi weli taagan tahay.

Madaxda Ururka Qaran waxay mahad weyn u celiyeen sida wacan iyo kalgacaylka badan ee loo muujiyay, waxayna u caddeeyeen dadweynaha Borame inayan wax xumaata ama cadaawad u qabin dadweynaha Somaliland meel kasto ay joogaanba.

Shirkii oo geba-geba jooga ayaa taliyihii boliiska ee Boorama iyo askar tira badan meesha timi oo ku andacooneysa in shirkaani sharci darro yahay, waxayna ku dhaqaaqeen inay gacan saaraan wariyayaashi meesha joogay oo shirka tebinayay.

Xildhiibaanadii shirka joogay iyo askartii ayaa sii xoog leh halkii isku jiidhay qola walba cidda kale edeynesa. Arrinku marku halkaa gaadhay ayaa madaxdii Qaran taliyiihii booliska la hadleen kuna yidhaadeen meesha wax laysku xidh-xidho ama laysku laayo ma jiraan, shirkiina wuu noo dhamaaday ee nabad gelyo. Dabadeedna dadkii meesha joogay ayay mar labaad u mahad naqeen, kana soo ambabaxeen magaalada oo ku soo laabteen Hargeysa.

Dr Gabose oo khadka teleefoonka nagala soo xidhiidhay wuxuu tilmaamay inu u arko iney fadeexad weyn tahay in casuumad iyo sooryadii cadaada noo ahayd in maanta xukuumadda Rayaale garan weydey iney qadariso oo muujiso sharafta ay mudan tahay.

Qaransomaliland.com

No comments: