Tuesday, January 15, 2008

Wasiirka Qorsheynta oo furey shir ku saabsan bilowga barnaamijka dib udhiska Somaliland








Written by Faysal cabdilaahi
Tuesday, 15 January 2008

ImageHargeysa- (Hormoodnews)Wasiirka wasaarada qorsheynta Cali Maxamed Ibraahim ayaa maanta furey shir lagaga hadlayay barnaamijka horumarinta iyo dib u dhiska Somaliland ee shanta sano ee soo socda.

Shirkan maanta oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo heyadaha madaxabannaan ee dawliga ah, kuwa samafalka iyo saraakiil ka socdey qaramada midoobey,midoga yurub iyo baanka adduunka, waxa ujeedada shirkan lagaga hadlayay aheyd bilaabidda barnaamijkan.

Wasiirka wasaaarada qorsheynta oo hadal ka jeediyey furitaanka ayaa si qoto dheer uga Hadley marxaladaha uu soo marey mashruucani iyo heerka uu maanta marayo oo uu ku tilmaamey in uu yahay mid maraya bilaabidii iyo sidii loo hirgelin lahaa.



Mudane Cali waxa uu isaga oo ka hadlaya shirka uu yidhi,

"Waxa shirkan lagaga hadlayaa waa laba arrimood, maareynta deeqaha iyo fulinta sidii la iskaga kaashan lahaa, ee looga wada tashan lahaa socodsiinta Barnaamijka [RDP] , sida laga war qabo waa laga soo gudbay samaynta qorshaha barnaamijkaas, oo bishii November ee la soo dhaafay ayaa laga shiray, dibna loogu noqon maayo.

"Haddii aynu nahay xukuumada iyo shacbiga Somaliland, masuuliyad weyn ayaa ina saran, xilka aynu qaadnay waxa kow ka ah in la xaqiijiyo in deeqaha dalka imanayaa ay gaadhaan meeshii iyo dadkii loogu talo galay, xaga bahweynta Haayadaha caalamiga ah waxa iyagana laga doonayaa inay deeqdii ay balan qaadeen oo ay badka soo dhigaan, oo sanad kasta waxii loogu talo galay ay keenaan, oo aynu kula xisaabtano, inagana ay inala xisaabtamaan".

Wasiirku waxa kale oo uu yidhi,

"Waxay mashaariicdaasi ku xidhnaanayaan shan gudi Hawleed, oo dhaqaajinaya mashaariicda Beeraha,Xoolaha, Kalluumaysiga, deegaanka iyo reer miyiga, waxa isna mashaariicda garab soconaya ka hortaga xakamaynta iyo ka hortaga HIV/AIDS-ka.

Waxa uu sheegey in loo baahan yahay isbeddel, waxaanu yidhi,"Waxa aynu doonaynaa in is bedel lagu sameeyo, sidii hore ee loo fulin jiray mashaariicda, oo waxa aynu arki jirnay mashruuc yar oo Haa'yad la daba cararo lacagtana iyada la soo mariyo, oo wasaarad ama dad koobani daba socdaan, waxa imika aynu fulinaynaa mashaariic iyo Barnaamijyo waaweyn, waxana la doonayaa in isbedelo waaweyn la muujiyo"

Waxa kale oo ka Hadley shirka masuuliyiin ka socda maalgeliyeyaasha mashruuca.

No comments: