Tuesday, January 15, 2008

Nuxurka Shirkii Hogaamiyeyaasha Qaran ee Ka Dhacay Finland

Written by Jama Gabush
Tuesday, 15 January 2008

ImageHelsinki(Hormoodnews)-Maalintii Axadii galabnimadeedii ayay ahayd markii uu 14.30 galabnimo furmay shir ballaadhan oo isugu jiray dhawr arrimood iyaga oo uu shirarka caadiga ah kaga duwanaa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo kasoo qaybgalay shirkan Helsinki ka dhacaya isaga oo xafiiskiisa magaalada Pisa ee dalka Talyaaniga fadhiya.

Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen dadweyne aad u tiro badani, ayaa lahaa saddex ujeedo. Ujeeddooyinkaas oo kala ahaa gardaadin ama bandhig buug cusub oo uu qoray Dr. Jaamac Muuse Jaamac lana magac-baxay "Gobonnimo Bilaash Maaha", warbixin iyo wacyi-gelin ku saabsan wadanka guud ahaan, gaar ahaanna horumarinta gobollada bari.

Haddaba, furitaankii iyo kelmad yar oo kooban kuna saabsanayd is-xusiisinta Illaahay oo Sh. Cabdisamad Aw Daahir jeediyey kedib, waxa dadkii madasha fadhiyey mar qudha ku war heleen Jaamac Muuse oo gidaarka dadka ka horeeya ka muuqda salaan gacaltooyana ku bilaabay hadalkiisii. Haddaba, hore ayuu Illaahay u sheegay in bani aadmiga wax kasta loo sakhiraye, waxay tani ka dambaysay markii ay Dr. Jaamac u suurtoobiwaayey safarkii uu Finland ku iman lahaa isaga oo hore ugu qornaa barnaamijka shirka oo in muddo ah la qabanqaabinayey. Dr. Jaamac, oo kamid ah inta yar ee aqoontooda iyo garashadoodu jiifka iyo joogga u diideen ee isu taagtay horumarinta garaadka dadkooda inta afsoomaaliga ku hadasha ayaa barnaamijka ku bilaabay hadal kooban oo ku saabsan nuxurka buugga iyo waxyaalihii ku kalifay in uu qoro. Waxay u baahantahay safxado dhaadheer in lasoo koobo hadalladii dhaxal-galka ahaa ee ku wareegayey qaybaha gobonnimada iyo macnayaasha ballaadhan ee ay huwan tahay. Waxase xusid mudan, murtidii uu qoraagu ku bilaabay hadalkiisa buuggana ku qoran taas oo tilmaamaysay dareenka ku kalifay in uu buuggan qoro oo ah sidii uu dadweynaha gaar ahaan dhalinyarada ugu gudbinlahaa qiimaha gobonnimadu leedahay wuxuuna yidhi isaga oo soo xiganaya Xassan X. Cabdillaahi Xasan (Xassan Geney) markuu lahaa:

Xornimo in ay qaali tahay
Xalaal Gobannimadu tahay
Calanka loo qubay xinjiro
Xabaal geesi ugu dhacay
Inuu xeeldheere yahay
Xilkuna uu saaran yahay
Dadweynahan xaadirka ah
Sideen u xusuusiyaa

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaalidu xoogga saaraan halganka gobonnimada loogu jiro hase ahaatee ilaashadka gobonnimadu ka muhiimsan yahay raadinteeda. Waxa kale oo uu tilmaamay in dad waliba leeyihiin cadaw halis ku ah gobonnimada isaga oo tilmaamay in aanay Somalidu lahayn halis qabyaaladda ka weyn oo gobonnimada wax u dhima. Dr. Jaamac waxa uu nuxurkii hadalkiisu ahaa, ahmiyadda dustuurku leeyahay iyo in ay lagama-maarmaan tahay in qof waliba khaas ahaan dhalinyaradu ogaadaan xuquuqda iyo waajibaadka faraha badan ee ku duugan dustuurkeenna si ay gobonnimadooda u ilaashadaan. Waxa uu qoraagu xaqiijiyey in aanuu buuggiisan u yeelin xuquuqda qoraalka (copy right) isaga oo sheegay in uu qof kasta u furan yahay in uu faafiyo oo sii daabaco ujeedadiisuna tahay fiditaanka dustuurka.

Intaa kedib, waxa iyaguna hadallo koobkooban buugga cusub iyo mawduuca gobonnimada ka hadlay masuuliintii qaranka ee shirka joogtay Xil. Maxamed Cali Xirsi, Gud. Faysal Cali Waraabe iyo Gud. Cabdiraxmaan M. Cabdillahi. Su’aalo, talooyin iyo guubaabo ayay u badnaayeen hadalladii kale ee dadweynihii shirka kasoo qayb galay.

Intaasi markay dhammaatay, waxa loo gudbay qaybtii labaad ee shirka oo uu furay xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo beryahanba safarro is-daba-jooga ugu jiray wacyigelinta la xidhiidha horumarinta gobollada bari ee dalka. Xildh. Maxamed oo ah nin dhalinyar Illaahayna ugu deeqay firfircooni iyo hadal miisaaman, ayaa ka waramay heerarkii horumarka ee dalku soo maray ilaa iyo intii uu ka gaadhayey tilmaamo cad-cad oo uu ka bixiyey faraqa u dhexeeya gobollada kala duwan ee wadanka tilmaanna ka bixiyey sida ay u kala tageen gobollada isla markaana loogu baahan yahay in la isa goo gaadhsiiyo. Waxa uu xildhibaanku warbixin ka bixiyey guddiga qaranka ee horumarinta gobollada bari qaabkii lagu soo dhisay iyo inta xubnood ee ay ka kooban yihiin isaga oo sheegay in ay aragti ahaan ka timid xisbiyada mucaaradka ah sidaa darteedna loo baahan yahay in ay axsaabta mucaaradka ahi ka hadlaan. Xildhibaanku waxa uu wax ka tilmaamay qorshayaasha loogu talogalay in gobolladaa lagu hormariyo iyo sida loogu baahiqabo in ay qurbajooggu kaalin weyn ka qaataan.

Waxa ka xigay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbixin dheer ka bixiyey waayaha wadanku ku sugan yahay gaar ahaan gobollada bari oo uu sheegay in uu ahaa masuulkii qaran ee ugu sareeyey uguna horeeyey ee booqda jiidda hore ee bari. Waxa kale oo uu Faysal tilmaamay in xisbiga UCID yahay xisbigii ugu horeeyey ee xafiis ka furta magaalada Laascaanood ee calan xisbi ka taaga. Intaa kedib, waxa uu guddoomiyuhu ku dheeraaday in isbedel wadanka looga baahan yahay hase yeeshee ay tahay in isbedelkaasi ku yimaado qaab sharciya oo xalaala. Waxa uu Guddoomiye Faysal naruuro ka muujiyey tirakoobka la qabanayaa in uu yarayndoono musuqmaasuq badan oo fasaadiya doorashooyinka soo socda. Intaa kedib, waxa uu Faysal ka hadlay BBC-da oo wadda tallaabooyin ay colaad kaga abuurayso Somaliland godaheeda isaga oo tilmaamay in ay hurinayso khilaafka ka jira bariga Somaliland oo waraysiyo colaad hurin ah la yeelanaysa ashkhaas aan cidna metelin xilna haynin.

Aakhirkii, waxa shirkaa ka hadlay Guddoomiyaha G. Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi oo hadal kooban kaga waramay xaaladda guud ee dalku marayo isla markaana ku guubaabiyey dadweynihii shirka kasoo qaybgalay in ay reer Finland kaalintii lagu yaqaanay ka galaan hirgelinta qorshaha horumarinta gobollada bari ee guddida qaranku wado. Waxa kale oo guddoomiyuhu ka waramay waxqabadkii golaha uu guddoomiyaha ka yahay isaga oo ka jawaabayey su’aalo la weydiiyey oo ku saabsanaa.

Image

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay dhalinyaro iyo masuuliin kale iyaga oo xisbiyada qaarkood tilmaamay in ay ka hawgalayaan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen mashruuca horumarinta gobollada bari. Waxa lagu ballamay in mar kale reer Finland isaga yimaaddaan sidii ay u hirgelin lahaayeen hawlaha wixii kaga soo aadan.

Jama Gabush

Helsinki, Finland.

No comments: