Monday, February 15, 2010

OODWAYNE TECHNICAL AND TECHNOLOGY INSTITUTE





















www.oodwayne.blogspot.com

Asalaamu Calaykum Warahmatulaahi Wabarakaatuh

Waxaan ilaahay ugu xamdi naqaynaa caafimaadka, barwaaqada, iyo caqliga inaan ku kala saarno xume iyo samaan isagaana allahu ku manaystay umaddiisa.
“Qinatal xayaat,,, Al Saha”. Nimco ka badan oo ilaahay la waydiistaa ma jirto iyo danbi dhaaf iyo ciibadadiisa oo la xejiyo. Guud ahaana nimcada kala duwan ee deeq bixiyo isaga mooyaane cid kale bixin awoodeedana isaga mooyaane cid kale lahayn. Alxamdu Lillahi Rabbil Caalamiin.
Waxaan haddaba wax yar ka taabanayaa qoraalkan oo ah gogol dhigga Machadka Farsamada gacanta iyo Teknoolajiga oo insha allaah haddii alle inagu simo aanu ku talo jirno in laga furo degmada Oodwayne sannadkan bilihiisa soo socda. Waxaana lagu sii meel gaadhsiin doonaa inuu gaadho heer qaabili doona arday wax ka barata oo ku takhasusa shaqooyinka iyo xirfadaha farsamada gacanta iyo Teknoolajiga sida Computers ka qaybo kala duwan oo la xidhiidha naqshadaha iyo Software applications loo isticmaalo warshadaha yaryar. Machadkani waa kii dabooli lahaa baahida xirfad la’aanta wayn ee ka jirta dalka.
Jaamacadaha Dalka oo ay ka soo baxaan arday aad u farabadan kana heli karayn shaqooyinkii ay qaban lahaayeen, waxaa halkaa soo foodsaartay ardayda inaysan wax xirfadi inaba aysan wadan oo daboosha inay shaqooyin kale oo ku sii meel gaadhaan ay helaan ama fursaddaba helaan. Waxaanu qorshaha dhow maalgalin ku samayn doonaa qalabaynta iyo bilowga Machadkani inuu noqdo kii ardayda heerka dugsiga sare loogu dari lahaa qaarkood inay ku takhasusaan Teknoolajiga ka dibna shahaadaddii heer jaamacadeed ay ku qaadan lahaayeen Computerska waxa loo yaqaano Distance Learning oo ah ardaygu inuu ku qaato duruusta degaanka uu joogo imtixaankana ka dhiibo Online Computerka qaarna uu ardaygu Imtixaanka ka dhiibo machadka duruusta IT ga iyo Computerskaba ka qaadan karo shahaadad Gudaha ah iyo mid caalami ah isagoo ka dhoofin dalkiisa hooyo, uguna shaqo tagi karo meel walba oo uu tago adduunka.
Waxaan in yar oo dardar galin ah farriina iga ah ugu baaqayaa in qurbajooga degaanka u dhashay isugu xilqaamaan horumarinta gobolka Oodwayne si loo daboolo baahiyaha ka jira xagga Daryeelka Caafimaadka, Horumarinta Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, adeega waxbarashada iyo inay guddida xaruntiisu tahay Abu Dhabi ee dalka imaaraadka loogu diro waxii taakulayn dhaqaale ah ee ay iyagu isku xilqaamay xog ururinta iyo xaqiiq raadinta inay soo ogaadaan waxii baahi jirta meel looga soo wada jeesto. Degaanka gobolkuna la jaan qaado Gobolada kale iyo sida isku duubnaanta leh ee ay u taakuleeyaan dadkooda iyo degaankoodaba.
Dedaalka iyo qorshaha inuu furmo machadkani waxaa ay bilaabantay bishii November ee sanadkii 2009, oo aanu ku falanqaynay sida degaanku ugu baahan yahay Machadka farsamada gacanta iyo Teknoolajiga ardayda ka soo baxdaana u noqon doonaan kuwa anfaca dadkooda iyo dalkoodaba.

Wa Billahi Towfiiq
Cabdinasir Maxamed Cabdille Sigis
Qorashaha Taakuleynta Horumarinta Oodwayne

Monday, January 18, 2010

XAFLADDII SANNAD GUURADA KOOWAAD EE URURKA DHALLINYARADA ODAWO

oodwayne.blogspot.com

Xafladdan ooahayd mid si heersare ah loo soo agaasimey, waxaa ka soo qayb galay madaxda gobolka daadmadheedh iyo xildhibaano ka soo jeeda degaanka.

waxaa lagu xusayey xafladdan sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka Oodweyne development association and welfare organization (ODAWO).ururkan dhallinyaradu ka sameeyeen iyo arrimaha wanaagsan ee ka hirgaliyeenba waxaa lagu soo qaaday xafladdan oo uu furay hadalka badhasaabka Gobolka Daadmadheedh Maxamed Cabdi Liibaan oo faahfaahin ka bixiyey sida wacan ee ururkani uga shaqeeyeen Horumarinta arrimaha bulashada iyo adeega degmada oo ay ka suurto galiyeen waxqabad lagu diirsan karo, waxaa uu ugu baaqay shacbigana inay la shaqeeyaan oo u suurto galiyaan guntigana ugu adkaystaan wax allaale waxii ka shaqaynaya horumarka gaar ahaan degaanka oodweyne iyo guud ahaan ka Gobolka Daadmadheedh.

waxaa ka sii qaatay hadalkii halkaa guddoomiyaha Ururka Odawo mudane cabdi xakiin nuur (Quule) oo si faahfaahsan uga warbixiyey waxqabadka ururka waxii u suurto galay waxa u dhiman ee higsanayaanba muddadii sannadka ahayd ee uu jiray ururkani, waxaa kaloo uu aad u qeexay sida isku duubnaanta leh ee reer oodweyne ugu soo jeesteen inay horumariyaan degaankooda walow ay wax badan u hadheen shaqo baaxad weyn lihina hortaalo, ilaahaybayna la kaashadeen sidii hawshan loogu soo dhamaystiri lahaa muddo dhow si gobolku u gaadho horumar ka dhamays tiran hawlaha iyo adeega bulshada guud ahaanba. waxaa lagu soo gabo gabeeyey waji aad u qurux badan oo loo riyaaqay.

www.oodwayne.blogspot.com

Saturday, January 16, 2010

Oodwayne Waa balad Wanaag iyo Qurux lagu Manaystee

HEESTANI WAA GOBOLKA Oodwayne.
Waxaa Curiyey Midhaha heestan Abwaan Cabdillahi Xasan Mataan


Oodwayne waa balad
Wanaagiyo qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joogtoo
Barashada tacliintuna waa baaxad weynoo
Ilaaha raxmaankoow balaayada hareer mari
Oo ka dhig meel barwaaqo ah

Bulsho weynta maantaay
Ma ogtihiin dhammaantiin
Xamar kii ka baaqiyo
Baladweyn dusheediyo
Boosaaso iyo bari
Badhtamaha hargaysiyo
Burco dacaladeediyo
Bulshadeena maydhiyo
Inta sheekha dhex joogtiyo
Go da daris wanaagiyo
Sool iyo sanaagiyo
Badhan macallin joogiyo
Baraa ceerigaabiyo
Dhulka beeralaydiyo
Ilamaa beer iyo wabi
Waa halkay ka beermeen
Waa gobol barwaaqiyo
Daadmadheedh bulshadu tidhi





Oodwyne waa balad
Wanaagiyo qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joogtoo
Barashada tacliintana waa baaxadweynoo
Ilaaha raxmaankoow balaayada hareer mari
Oo ka dhig meel barwaaqo ah

Barbaartii dadkaygaay
Aan idiin bidhaanshee
Bilan waxaad tidhaahdaa
Oodwayne waa bayd
waa barta lagu kulmaayee
Tacliinta lagu bartaayee
Wanaag lagu barbaarshee
Buugga iyo tacliintii
Barbaartii waa halkaad ka baratee
Beerka iyo wadnaha geli
Ana ii bushaaree nimcada iyo badhaadhaha
Adiguna bilk hayr noqo.


Oodwayne waa balad
Wanaagiyo qurux lagu manaystoo
Bulsho wacani joogtoo
Barshada tacliintana
Waa baaxad waynoo
Ilaha raxmaankoow
Belaayada hareer mari
Oo ka dhig meel barwaaqo ah.

HEESTANI WAA Heesta
GOBOLKA Oodwayne

Qorshaha Taakulaynta Horumarinta Oodwayne











Qorshaha Taakulaynta Horumarinta Oodwayne
Oodwayne Development Assistance Program

Oodwayne.blogspot.com
15-1-10
Asalaamu calaykum dhamaan Akhristayaasha qoraalkan aan rabo inaan in yar oo dhiiri galin ah ku taageero dhallinyarada mustaqbalka degaanka Oodwayne iyo shacbiwaynaha daneeya horumarinta, inaan waxyar ka taabto waxa muhiimka ah ee khuseeya nolosha mujtamaca kana qayb qaata aasaaska bulsho ka caafimaad qabta dhibaatooyinka baahida oo iyadu saamayn wayn ku reebta geeddi socodka nolosha ee qofka. Haddaba iyadoo markeeda hore qof waliba jecel yahay wax qabad uu ku higsanayo aayatiin wacan iyo horusocod meeshuu kaga hagaagi lahaa kana higsan lahaa inuu mustaqbal wacan ku heli lahaa degaankiisa, isaga oo meelna uga haajirin wadankiisa iyo dadkiisa.
‘ Maal adduun waxa uu qiimo iyo magacba ku leeyahay meel lagaa yaqaan’.
Waxaan u guda galayaa mawduucan aan ku soo qaatay ee degaanka Oodweyne iyo qorshihiisa horumarinta waa sidaan qabo ama ku talin lahaa shakhsiyan aniga oo daba socda weriyaha cabdishakuur heersare warbixinta wanaagsanayd ee
ku salaysnayd xaqiiqda dhabta ah iyo waxa ka jira degaanka baahiyo iyo waddadii lagaga bixi lahaa iyadoo siduu sheegay ay u soo tafa xayteen hay’ado caalami ah iyo wasaaradda Arrimaha gudaha iyo waliba wasaaradda Qorshaynta oo iyadu keentay mashaariicda lix da degmo lagu horumarinayo. Waxaa xaqiiqdii anigoo warka sidaan u qabo ay jiraan ballan qaadyo, haddana waligeed mashruuc 100% u taabo qaada sidii loogu talogalay oo ay hay’ado fulinayaan waxaan qabaa inuu yahay hal bacaad lagu lisay oo barako ma yeesho. Waxaan odhan lahaa waa in Qurba jooga degaanka oo guddidiisa wayn ee deggan dalka imaaraadku inay xoojiyaan dedaalka iyo horumarinta, waxaan kula talinlahaa in xidhiidhka la adkeeyo meel fiican bay ka qaadeen oo iskuulka sare iyagaa suurto galiyey inuu furmo taageero qurba joogna way ahayd miisaaniyadda ugu badani, waxaan leeyahay ooku adkaynayaa Oodwayne waxay u baahan tahay iskuulkii farsamada gacanta oo dalkii markuu wada jaamacad noqday shaqooyina aysan jirin xaalkuna sidan soo dhaafaynin in la maalgaliyo
*Iskuulada farsamada gacanta iyo tiknoolojiyada oo kabta shaqooyinka gacanta sida warshadaynta mustaqbalka jiilkii la jaan qaadi lahaa aqoonteedana u lahaana magac ku sheegtaan Oodwayne Technical Institute OTI Machadka Farsamada Gacanta ee Oodwayne.
*Xagga caafimaadka waa midaan laga fursanayn inay xoogga saaraan dhismaha cisbitaalka Guud ee Oodwayne oo ay hoos yimaadaan in ka badan 50 tuulo
Oo u baahan haqabtirka baahida caafimaadka xarumaha Gargaarka Caafimaadka Medical Health Center (MHC).
Kaasina waa sanduuq joogto loo bixiyo gudaha iyo dibada inta laga gaadhsiinayo heer lagu maamulo, oo sii taaba qaada gaadhsiiyana heer uu ismaamuli karo cisbitaalka iyo xarumaha hoos yimaadaa.
*Quba joogta North America oo midaysan iyo Yurub kaalinta ugu wayn ka qaata deeq bixinta imika hala bilaabo ha ugu horrayso reer Oodwayne deeq bixintu kama liitaan qurba joogta kale ee u dhashay gobolada kale ee Somaliland ee intaa u soo dedaalaya siday tacliin iyo caafimaadba horumar wacan uga gaadhsiin lahaayeen degaankooda, waayo dawladda waxaan ka sugaa waa waxaan qabsaday markay aragto inay kaalin ka geysato ee aanan uga sugin wax tar
Somalidaa ku maah maahda “nin baahan nin buka waxba looguma dhiibo”.
Wasiir aan waxar u dhiibanayaa ma jirayo oo majaraha igu koraa maanta horaan uga heli lahaa maalinta uu ii baahdona waan soo dhawayn oo marti sharaf dheh.
Runta ilaahay markaan ka hadlo aniga oo aan mucaarad iyo muxaafad midna geeska saarayn inaan sannad aan ku noolaa Somaliland cilmiga aan ka soo qaatay yahay ISKAA WAX U QABSO ayaa horumarkaagu ku xidhan yahay ee “ninkii dedaalaa xaaji cabbaasna waa gaadhi karaa waana dhhafi karaa”.
Gobolka ilaahay ku manaystay Beerihii Xoolihii Daaqii Biyihii Togaggii iyo Dooxooyin meelaad ka marto lahayn ee haddana baahida uu ka soo warramay wariyuhu caloosha ku wareejinayso, waa mid subxaana allee reer Oodwaynow fadhiga ka kaca. Waxaa jirtay taariikh hore oo ahayd markii calanka la qaatay Lixdankii sanado yar ka bacdi ayaa Guddoomiyihii gobolka Togdheer u yimi xaqiiq raadin bal waxay u baahan yihiin reer Oodwayne, wuxuu ka dhagaystoba nin walbaana hadalyoo wax sheeg waxay isugu biyo shubatay beerihii ayax baa gamta u joogsaday waxaanu kaloo uga taag la’nahay shimbiro oo hadhuudhkii aanu beernoba waxyar mooyaane waxba noogama soo baxaan. Waxaa la gudbiyey baahida reer Oodwayne soo qorteen waxaa laga joogay dhawr bilood waxaa timi diyaaraddii ayaxa oo ku soo degtay meel bannaan ah oo ka baxsan magaalada nin maalintii joogay shirkii ayaa soo cararay oo intuu soo galay magaaladii ‘ waar maantay ugu daran tahay ka soo kaca ninkii aan ku nidhi shimbiraa beerihii naga madhiyey waxaa uu soo diray tii ugu waynayd shimbiraha ee kaalaya oo ila shiida’.
Waxaan si fiican intaa dhextaalka uga dhigtay waa maanta hala taageero horumarinta Gobolka heer Ganacsi kobcinta ganacsiyada yaryar oo ah soo jiidashada degaanka iyo macaamiisha, caafimaadka, Waxbarashada aasaaska hoose ilaa farsamdii gacanta haddii dawladu shimbirtaa wayn keentana yaan la shiidineh soo dhaweeya, haddii maalgalin qurbajoog iyo mid hay’adeed la keenana sii Kobciya iyadaa taaba qaadi doonta guddida odayaasha iyo waxgaradkuna haku midoobeen Guddida Horumarinta ee Qorshaha Taakulaynta Horumarinta Oodwayne waxaan ka ballan qaadaynaa inaan si hagar la’aan ah ugu soo deeqi doono wax tar la taaban karo oo keena horumarka ay higsanayaan reer Oodwayne. Harooyinkii Biyo qabadka noqon lahaa waa ku Hodan iyo Laydhka laga dhaliyo hawada oo uu yahay Bananka Koonfur Galbeed ilaa bari waa ka ugu wax soo saarka badan isaga iyo ka saraar ,,,,,,,,,,, “Banka Tuuyo”.
Laydh iyo Biyo,
Beero iyo Seero
Banka Tuuyo iyo
Baaxadwayna beerato
Bash bash iyo barwaaqo
intaasuba waa barakee
Bilkhayr dhaha
beesha daadmadheedhow

Wa salaamu Calaykum
Wa billaahi Towfiiq.
Cabdinaasir M Cabdilleh (Six)
Toronto, Kanada.
www.oodwayne.blogspot.com

Saturday, January 9, 2010

Taageeridda Baajinta Shirka Horumarinta Beesha H Y

Oodweyne.blogspot.com
09/01/10
Taageeridda Baajinta Shirka Horumarinta Beelaha H Y

ASALAAMU ALAYYKUM WARAHMATULLAHI WABARAKATUH.

Salaantaa ka bacdi waxaan u mahadnaqaynaa golaha guurtida iyo odayaasha Habar Yoonis ee Togdheer markii ay kawada xaajoodeen isla meel dhigeena inaanay suurtagal ahayn in si kadis ah iyadoo loo soo shaaciyey muddo gaabana ay ahayd in la qabto shirkaasi. Inaysan suurto gal u ahayn sababo dhawr ah oo ku gedaaman inuu shirkani qabsoomo, waxaana ugu sii wayn inaysan suurto gal ahayn in martidii qurba joogta ahayd wada iman karaynin waqtigaas degdega ah
ee la soo sheegay inay muhiim tahay in si wacan looga sii tabaabushaysto.

Arrimaha la doonayo inla suurto galiyo horena looga sii anba qaado in guddida gudaha joogaa ajenda u samaystaan iyadoo wax bilaabmeen laga sii xoojiyo oo taageero maskax iyo maalba loo huro mashaariicda lana fuliyo qaybaha ay suurto galin karaan ee horumarineed sida waddada oo lasii xaadho grader la shaqo galiyo sanduuqana laga maalgaliyo shaqadaas.

Haddaba haddaan sida wanaagsan ee loo soo gorfeeyey inaysan waqtigan ku suurto galayn waxaan aad ugu mahad celinaynaa Golaha guurtida Habar Yoonis
Hambalyo iyo bogaadina u soo diraynaa sida ay isugu xilqaameen inaan laab la kac caadifiyad leh loogu degdegin shirka oo ay xilligan ku gedaaman tahay duruufo badan oo si yar u burburin kara inay maanta karaamadii iyo magacii reerka lagu waayo waxaan natiijo ka soo baxaynin oo khalkhal geliya beesha.

Waa ilaahay mahadiis waxaanu u sii tabaabushaysanay inaan heer dhaqaale sanduuq ah oo khuseeya Dekadda Maydh u samayno inta maalgalin wayn oo Dekad shub ah laga gaadhi doono. waxaan gacanta ku haynaa dekadaha loo yaqaan DOCKPORTS oo sida ganacsiga yaryar ee bagaashka iyo rarista xoolaha iyo qalabka guud ee ganacsiga suurto galiya waana ta aanu ku wadno inla keeno Maydh oo bilaabi ddonta shaqadeeda. Guddida iyo Guurtiduna haka wada xaajoodaan sii bilowga waddada Burco ilaa Hargaysa ee marta degmada Oodweyne si loogu soo celiyo Magacii taariikhiga ahaa iyo degaankii shacbiyadda badnaa ee degaanka Oodweyne iyo beerato, ayna maal gashadaan Tujaarta iyo Qurba joogga u dhashay degaanka Daad madheedh iyo ganacsatada kale ee maalgashi danaynaya waxii dantoodu ugu jirto.

Waxay ahayd Oodweyne waa layaqaan nin aan aqoona loo sheegi maayo waa tii ay ka soo baxeen waxbarashdeeda iskuulka sare,,, maanta raggii u abaal gudi lahaana way ka seexdeen, ilaahay baa gargaarka leh waxaa haddaba waqtigan suurto galinaysaa taariikhdu iyadaa isa soo celcelisee kontii sanaba mar, inay haddii alle idmo degaanka Oodwayne iyo tuulooyinka hoos yimaada oo konton ku dhow ay noqon doonaan mustaqbalka dhaw meelaha ugu wacan oo ka haqab tirmay adeega Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Wax soosaarka warshadaha yaryar, Biyaha iyo Laydhka waana xudunta ganacsiga hawd ilaa xeebaha dalak bari iyo galbeedba isku xidhi lahayd.

Astaanteeda loo yaqaan ee Daadmadheedhna runtii ay tahay xeradii togagga caqli iyo maal haddii la galiyana ay u raaci doonto waabkii harooyinka Daadmadheedh adduunkuna waxaa uu hore ugu maray waa dhaqaale soo jiita ganacsiga yaryar iyo shacbi weyn oo ah ka isticmaalka adeega bulshada oo dhamaystiran "Consumer & Service".

Wadadii Burco - Oodwayne - Hargaysa ,,,,,,,, iyo tii Oodayne ku xidhi lahayd laamiga xagga Berbera waxay suurto galinaysaa inay Oodweyne noqoto Xuddunta isku xidha Somaliland ( The Heart of All ) .

Inaanu qorshahayagu ku dhicin ceel waanu u mahad naqaynaa Guddida iyo Golaha Guurtidaba ilaahay baa idin waafajiyey talowanaag waana idiinku mahadiney

Wallahu Waliyu Towfiiq.

Cabdinasir M Cabdille Six
Toronto, Canada

Tuesday, December 1, 2009

Kulan Lagaga Hadlayay Adkaynta Nabadelyada ayaa ka Furmay Maamulka Gobolka Oodweyne Iyo War

Nov 30, 2009

Hargaysa,(Qarannews)
Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay adkaynta nabadelyada ayaa ka furmay xarunta maamulka ee gobolka Oodweyne.


Kulankaasi oo ay ka soo qayb galeen madaxda booliiska ee gobolka Oodweyne waxaana si qoto dheer loogu falan qeeyay adkaynta nabadgelyada iyo sidii wax looga qaban lahaa guud ahaan.


Kulankan oo socon doona dhawr cisho waxa lagu gorfayn doonaa habka wada shaqayneed ee maamulka gobolka iyo hay'adaha amniga ay u wada shaqayn lahaayeen iyadoo ay iskaashi la yeelanayaan dadweynaha gobolkaasi.

Wednesday, November 11, 2009

Guddoomiyaha Gobolka "Daad Madheedh" Oodwayne oo oo Dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato soo Gaadhsiiyey Qalabka Beeraha iyo 30 Dibi oo qoda beeraha


















Oodweynenews.com

Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh [Oodweyne] Oo OOWEYNENEWS.COM U Sheegay In dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato La Soo Gaadhsiyey Deeq Isugu Jirta 30 Dibi Iyo Qalabka Beer-qodaalka

Oodweyne (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheed Maxamed Cabdi Liibaan [Oodweyne] ayaa shaaca ka qaaday in Hay’ada waddaniga ah ee Candlelight ugu deeqday dadweynaha beeralayda ah degan dooxooyinka Galloolay iyo Qalloocato 30 Dibi oo ah kuwa loo isticmaalo beer-qodaalka, isla markaana waxa uu tilmaamay inay deeqdaas ay weheliyeen qalabka loo adeegsado beer-qodaalka ee dibida lagu xidho marka ay wax qodoyaan.

Gudoomiyuhu waxa uu sidan ku sheegay mar uu caawa khadka Telefoonka ugu waramayay xafiiska wararka ee Oodweynenews.com ee magaalada Hargaysa, isaga oo tibaaxay in deeqdaasi ahayd mid loogu talo-galay in kor loogu soo qaado dadaalada wax-soo-saarka ee dadka ku nool labada dooxo ee Galloolay iyo Qalloocato oo ka mid ah dooxooyinka waa weyn ee Gobolka Daad-madheedh.

“Haa, deeqdaasi way na soo gaadhay oo waxaa wadday Hay’ada waddaniga ee Candlelight oo ay wehelinasay Wasaarada beeraha oo uu ka socday Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha. waxaana ay ahayd deeq aad loogu baahnaa oo wax weyn ka taraysa baahida ay dadku u qabaan waxyaabaha loo adeegsado Beeritaanka.” Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Gobolka Daad-madheedh Maxamed Cabdi Liibaan oo ka jawaabayay su’aal ku tacaluqday inay deeqdaasi soo gaadhay.

Mar aanu Gudoomiyaha sii waydiinay noocyada deeqdaasi isugu jirtay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “Haddii aan wax idiinta tibaaxo noocyada deeqdaasi ka koobnayd, waxa ay isugu jirtay 30 Dibi oo ah kuwa loo adeegsado beer-qodaalka. Dibidaas 10 ka mid ahi waxa ay u tababaran yihiin qaabka wax loo qodo, halka 20 kalena ay u baahan yihiin in la carbiyo oo la baro qaabka wax qoditaanka. Waxaa kale oo la socday dhamaan noocyada qalabyada ah ee Dibidu beerta ku qodo.”

Gudoomiyuhu waxa uu uga mahad-celiyey Hay’ada waddaniga ah ee Candlelight Dibidaas iyo qalabkaas loogu deeqay dadka beeralayda ah ee ku dhaqan dooxooyinka Qalloocato iyo Galloolay.

C/shakuur Xaaji Muxumed Muuse [C/heersare]

Oodweynenews.com/ Hargaysa/Somaliland

Cabdiheersare01@hotmail.com/heersare2009@gmail.com

Burco:Baaq Tageero ah oo ka soo baxay golaha guurtida beesha Habaryoonis










Written by Qarannews

Nov 10, 2009
Burco,(Qarannews)-Kulun balaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen guurtida beesha Habaryoonis oo ka dhacay guriga guurtida Habaryoonis ee magaalada Burco, ayaa waxa ay guurtidu si buuxda u taageereen baaqii uu suldaan Yusuf Muxumed Xiiray doraad kaga dhawaaqay magaalada London, kaasi oo ku saabsanaa in beelaha Habaryoonis ay isugu yimaadaan kulan ka dhici doona magaalada Burco 20/1/2010, kulankaasi oo beeshu ku soo dhawayn doonto beesha Kuul Care oo in mudo ah ay kala maqnaayeen beelweynta kale ee Habaryoonis, iyo sidoo kale qodobadii uu suldaanku uu tilmaamay, kuwaasi oo dhamaantood ka baxsan siyaasada sidii uu suldaan Xiiray ku cadeeyay qoraalkii uu ka soo saaray magaalada London.

Afhayeenka golaha guurtida beesha Habaryoonis isla markaasna ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha mudane Ibrahim Yusuf Diiriye oo Burco kula hadlay shabkada qarannews ayaa soo dhaweeyay baaqii Suldaan Yuusuf Xiiray, waxana uu sheegay in hada waxii ka danbeeya loo dhaqaaqaayo qaban qaabadii shirkaasi dhici doona 20/1/2010.

Ibrahim Yusuf Diire waxa uu soo dhaweeyay baaqyada dhamaan ka imanaaya beel weynta Habaryoonis meel kasta oo ay joogtaba, waxana uu dhamaan qurba jooga beesha Habaryoonis ugu baaqay in ay shirkaasi ka soo qayb galaan, shirkaasi oo aan haba yaraatee wax siyaasad ah lug ku lahayn.

Shalay ayaa magaalada Ceerigaabo waxa iyana shirkaasi si buuxda u taageeray isla markaasina soo dhaweeyay Suldaan Siciid Cali Ducaale iyo Boqor Axmed Cali Ducaale oo ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada sida aadka ah looga qadariyo gobolka Sanaag.

URURKA LIIBAN- USA OO LAGAGA DHAWAQAY MAGAALADA MINNEAPOLIS EE GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA

MINNEAPOLIS(Oodweynenews)

SHIR BALAADHAN OO AY ISUGU YIMADEEN DHALINYARADA AHNA AQONYAHANIIN U DHALATAY BEELAHA HABARYOONIS EE KU SUGAN GOBOLKA MINNESOTA USA.

SHIRKASOO KADHACAY HOLKA WEYN EE SHIRARKA EE LO YAQAN UNIVERSITY HALL, KASOO AY KA SOO QEYB GALEEEN DHAMAAN ARDAYDA JAMACADAHA KA DHIGATA IYO KU WII KABAXAY JAMACADAHA GOBOLAKA MINNESOTA EE U DHASHAY BEELAHA HABARYOONIS, EE KU NOOL GOBOLKA MINNESOTA EE DALKA MAREYKANKA . HALKAs OO LAGU GO, AAMIYAY IN LAGAGA DHAWAAQO URURKA LIIBAN USA. MADAMA AYNU ARAGNAY HOWSHA WANAGSAN EE UU QABTAY URURKA LIIBAAN UK, MUDADII UU JIRAY URURKAA . INAGO AAD IYO AAD UGU FARAXSAN UGANA MAHAD CELINEYNA HOWSHA WANAGSAN OO AY KAWADAAN UK, IYO GUUD AHAANBA DALKII HOOYO .HADABA URURKA LIIBAAN UK , WAXAANU LE NAHAY HAMBALYO, HAMBAYO LIIBAAN UK.

INTAA KADIB URURKA CUSUB EE LIIBAAN USA,WAXA UU WAX WEEYN KA TARI DOONAA, HOR U MARINTA DEEGANADA BEELAHA HABARYOONIS EE KU KALA YAAL JAMHUURIYADA SOMALILAND IYO KILINKA SHANAAD EE ISMAAMULKA SOMALIDA ETHIOPIA. URURKA WAXA UU XOOGA SAARI DONA,SIDA HOR U MARINTA DHINACYADA WAXBARASHADA, CAAFIMAADKA IYO HOR UMARINTA BULSHADA.

URURKA LIIBAAN USA WAXA UU BALAN QADAYAA , CID WALBA OO KA TIRSAN BEESHA ,WAANU SOO DHAWEYN IN AAY KA QEYB QADATO DHISMAHA URUKA LIIBAAN USA.FADLAN CIDII DONAYSA IN AAY KA MID NOQOTA URURKA LIIBAAN USA. FADLAN LA SOO XIRIIR GUDIDA DHISMAHA URURKA LIIBAAN USA EE XARUNTIISU TAHAY MAGAALADA MINNEAPOLIS EE GOBOLKA MINNESOTA EE CARIGA MAREYKANKA.

FADLAN LASOO XIRIIRA .GUDOOMIYAHA GUDIGA QABAN QABADA EE URURKA LIIBAAN USA.

Suldaan Cabdi Wahaab Haji Omar Abdala.

Kulan Balaadhan oo Beelaha Habar Yoonis Isugu Iman Doonaan Magaalada Burco laguna Casuumay.














London(Oodweynenews)-Suldaan Yusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta beelaha Habaryoonis ayaa maanta shir jaraa'id ku qabtay gurigiga uu ka deganyahay magaalada London, shirkaasi oo uu suldaanku kaga hadlay qodobo dhowr ah wax uu dhamaan beelaha Habaryoonis ee dega dhamaan gobolada Somaliland iyo kuwa degan dalalka dibada iyo deriskaba ugu dhawaaqay in ay isugu yimaadaan shir ama kulan balaadhan oo dhici doona, 20'ka bisha 1'aad ee 2010'ka, shirkaasi ama kulankaasi oo uu suldaanku sheegay in uu ka dhici doono xarunta gobolka Togdheer ee magaalada Burco

Suldaanka oo ay saxaafadu waydiisay waxa xiligan ay beeshu ka wada hadli doonto ee uu kulankaasi ugu iclaamiyay? Ayaa waxa uu suldaanku sheegay in beeshu ka wada hadli doonto arimo dhowr ah taasi oo ay ugu horayso ama ay kow ka tahay sidii shirkaasi oo loogu soo dhaweynaayo beesha KUUL CARRE oo in muddo ah ay kala maqnaayeen beesha Habaryoonis inteeda kale. iyo sidoo kale dib u habaynta dekedda magaalada Maydh ,iyo wadada Tabaca ee isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Maydh iyo sidoo kale Dhismaha iyo hagaajinta wadada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco iyo sidoo kale waddada isku xidha magaalada Oodweyne iyo magaala madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Suldaanku waxa kale oo uu fariin u diray dhamaan beelaha dega Somaliland iyo beelaha kale ee ay oodwadaagta leeyihiin beesha Kuul Care in ay shirkaasi ka soo qayb galaan ka dhici doona magaalada Burco, oo lagu marti qaadi doono isla markaasina ay beelaha Habaryoonis soo dhawayn doonaan cidii shirkaasi ka soo qayb gasha.

Suldaan Xiiray waxa uu ka dhawaajiyay in aanu shirkani ahayn mid siyaasadeed ee uu yahay mid dhaqan isla markaasna uu u furanyahay oo lagu casuumaayo xukumada Somaliland iyo xisbiyada qaranka ee Somaliland, Golayaasha, qarankaculimo awdiinka, abwaanada, dhalinyarada saxaafda iyo cid alaale iyo cidii uu khuseeyo.

Suldaanku waxa uu sheegay in qaban qaabada kulankaasi oo in mudo ah socotay ay hada tahay mid si fiican loogu diyaar garoobay oo la qaban doono taariikhdaasi kor ku xusan.

URURKA HORUMARINTA G/ OODWAYNE OO BAAQ U JEEDIYEY QURBA JOOGA REER OODWAYNE

Dubai(Oodweynenews)

Gudida qaban qaabada shirka ee beesha H/Y waxay si buuxda u soo dhaweynayaan baaqa suldaan Yusuf Muxumed Xiirey ee lagu balamay magaalda Burco bisha 20/01/10 ,sidoo kale ururka horumarinta gobolka oodweyne ayaa fadhigoodii xalay ku gudoonsaday iney ugu baaqaan dhamaan qurba jooga beesha H/Y sidii ay uga qayb geli lahaayeen shirkaas oo sida uu suldaanku u shaaciyey ka madax banaan siyaasad,waxay gudiyadaasu ugu baaqayaan dhamaan wax garadka aqoonyahanka siyaasiyiinta maalqabeenka beesha H/y iney si buuxda uga soo qayb galaan,waxa kale oo gudiyadani hambalyo iyo bogaadin u soo gudbinayaan gudida beesha H/Y ee dalka U/K sida fir fircoon ay ugu hawshan yiin danaha beesha iyo dalka guud ahaan.

Friday, September 4, 2009

Xaaladda waxbarasho ee Gobolka Oodwayne

(oodweynenews 10/02/08)

Oodweyne Waxa soo if baxday Xaaladda Waxbarasho ee Degmada Oodweyne taasi oo lagu tilmaamay inay tahay mid Heer sare ah, Magaalada Oodweyne waxa ka Furan duygsiyo kala duwan Dugsi Hoose dhexe iyo Dugiga sare kaasi oo ay wax ka bartaan dhamaan Dhalinta Deegaanka, Dugsigaasi ayaa waxa uu ku baxaa Luqadda Carabiga sida ay sheegeen Maamulka Iskuulka.

Iskuulkaasi ayaa waxa la sheegay inay dhigtaan Arday fara badan kuwaasi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. Maamulka Iskuulka Hoose dhexe ayaa sheegay inay hawsha Iskuulku ay meel wacan marayso isaga oo farta ku fiiqay inaanay wax taakulayn ah ka helin dhamaan Hay"addaah waxbarashada Daneeya oo ay ka sugayeen macaawino.

Maamulka ayaa waxa kaloo uu sheegay inay dhawaan soo Gebagebeeyeen Xaflad loo qabtay Ardayda Iskuulka taasi oo Ujeedkeedu ahaa inay Abaal barin lagu siiyo Ardayda ka Baasta Intxiaanka Dhexe ama loo Yaqaan Term-ka.

Degmada Oodweyne ayaa waxa lagu tiriyaa inay safka hore kaga jirto xaga waxbarashada ee gobolka togdheer. Degmada Oodweyne ayaa waxa ay sheegeen dadka Deegaanu inuu yahay mid Aqoonta halkaasi lagu dhigaa ay tahay mid Loo bogay oo dhabaan soo jiidatay dad waynaha Deegaanka.

Macalimiinta Iskuulka kuwaasi oo ku bays-garysan heerka macalinnimo oo ah kuwa loo Tababaray inay dhigaan Iskuulada,taasina waxay sahlaysaa inay Ardayda iyo Macalimiintu Isla jaan qaadaan.

Saturday, August 8, 2009

Beeraleyda Oodwayne iyo Nawaaxigeeda oo Tababar iyo Qalab Shiniyeed loo qaybiyey

Beeralayda Oodweyne Iyo Nawaaxigeeda Oo Tababaro Iyo Qalabka Shiniyeed Loo Qeybiyey.

Saturday, August 08, 2009

Burco(HWN)- Shan iyo afartan xubnood oo ka mid beeralayda Tuulooyinka , Xaaxi, Caasho cado, iyo beerato oo ka mid degaanka Gobolka Oodweyne,uga furtay Tababarada Casriga ee Shinni dhaqashada, Islamarkaana waxay beeralaydaas u qaybisay Qalabka shinni dhaqashada oo dhamaystiran.



Furitaankii Tababaradaa Shinni Dhaqashada ayaa waxa ka hadalay Axmed Jamaac Faarax iyo Hussein Cali Maxamed oo ah khabiiro aqoon sare u leh habka casriga ah ee shinnida loo dhaqo,ahaana macalimiintaii Tababarka bixinayay ayaa ka sharaxaad ka bixiyay Ujeedada Tababardan iyo Muhiimada ay u leedahay Beeralayda,iyagoo arintaas ka hadlayana waxay yidhaadeen “Ujeedooyinka ee loo dajiyay barnaamijkan isdabajooga ahaa waxay ku salaysnayd in beeraleyda Somaliland lagu baraarujiyo waxtarka shinni dhaqashadu u leedahay dhaqaale kobcinta iyo daryeelka caafimaadka iyo sidoo kale doorka ay ka qaadato bacriminta beeraha iyo degaankaba,

Hay’add lagu magacaabo Beri-Somal Development, oo furtay tababarada ayaa waxay u diyaarisay malab soo sarayaasha sidii loogu heli lahaa malab tayo leh oo suuqa kula tartami kara malabyada kale ee wadanka la keeno, iyadoo ay Hay’adu keentey weelka malabka lagu shubo iyo label yadii lagu dhajin lahaa, lebaladaas oo xambaarsan astaanta Hay’ada Berri-Somal Developemt.Waxay intaas ku dareen Khabiiradan bixinayay Tababarada shinni dhaqashadu inay Beerlaydii tababarka la siinayay ay u qaybiyeen qalab ka kooban dharka shinnida laga xidho,saxaaradaha shinnida lagu dhaqo, gacmo gashi, brush ka shinnida, qiijiye, Buug ka hadlaya habka asaaska ah ee shinnida loo dhaqdo iyo qalabyo kale oo lagaga shaqeeyo shinnida,sidoo kale waxaan Qalabkan iyo tababaro siinay Afartan xubnood oo Beeralayda magaalooyinka Go’o iyo Cadaadley.

Waxay labadan khabiir ku soo xidheen hadalkoodii in Hay’addan oo ahayd tii ugu horeysay ee Somaliland soo gaadhsiisa barashada cilmiga Shinnida casriyaysan,islamrkaana ay u qorshaysan tahay ha,yadd ahaan inay sanadkan ka fuliso tababaradan oo kale magaalada Aleybaday, iyo gobolka Sanaag,waxayna u mahadceliyeen masuuliyiintii dawlada ee goobaha ay ka fuliyeen tababaradan.

Hay’addan ayaa saldhigeedu yahay magaalada Helsinki,ee wadanka Finland, lana asaasay 1996kii,oo ay asaaseen xubno u dhashay Somaliland,waxayna hore tababaro uga fulisay gobolada ay ka mid yihiin Sanaag oo ay tababaro ka fulisay sanadihii 2000 kii iyo 2003 halkaas oo lagu tabo baray ardey tiradoodu gaadhayso 150 xubnood, Sanadihii 2004,2005 iyo 2007 kiina ay tababaro ka fulisay gobolada Saaxil iyo Maroodi jeex.


TogdheerNews..Burco

Monday, June 9, 2008

Dhaqan Xumada yaa ka mas'uula Dhallinyarada mise Waalidka?.


















2008-06-07 (Hadhwanaagnews)

Runtii waxa ila wanaagsanaatay markaan eegay dhalinyarada Somaliland halka ay maanta marayso iyo caqabadaha haysta in aan waxa ka yidhaadho ama aan dhawr kelmadood aan ka qoro dhibaatooyinka maanta dhalin yaradeen haysta oo ah in marka wajiyo badan la eego kuwo aad u badan

Aan usoo laabto mawduucayga oo ah kumaa ka masuul ah dhaqankeenan sii lumaaya ma waalidka mise dhanlinta hadda jirta

Run ahaantii waxaynu ahayn dad aad dhaqankooda ugu adag, oo dhaqan iyo caadooyin soo jireen ah leh waxaad ka soo qaadaa waagii (1884)markii uu ingiriisku ina qabsaday waxay odayasheenii la dhigeteen heshiis ah in aanu ku dhalin wadanken waxay ilaashanayeen waxay ahayd dhaqankooda iyo caadadooda waayo hadii uu ku dhaldhalo waxa imanaay dhaqankii ingriiska oo dhaqanka somlaliland na wax baa iska bedelaaya dadka Somaliland waxay ku jireen dadka ugu dhaqanka dheer geeska Africa marka laga reebo Ethiopia, hadana waxaynu u muuqanaa maanta in aynu ka tagnay, caalamka waxa wadankasta lagu ogaadaa dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa soo jireenka hadaad maanta aragto wadankan jaarkeena ah ee jabuuti oo aad eegto siiba qabiilka ciisaha waxa uu si adag ugu dhegen yahay dhaqankiisa iyo caadooyinkiisa

Runtii hadaan ka hadlo waalidku waa qayb ka mid ah nolosha caruurta waa macalimiinta ugu horeeya ee uu qofku yeesho waa labad qof ee tabab Bara qofka uu ilahay ka dhexdooda ka dhaliyey siiba hooyadu waa ta qayb libaaxleh ka qaadata korinta iyo barbaarinta caruurta waalidku waa waxa aad uqiimo badan waalidku waaqaybta ubadka ku tarbiyeysa diinta, dhaqanka iyo waxyaabaha wanaagsan.

Run ahaanti hadaba hadaad maanta eegto dhalin yarada Somaliland waxa ay marayaan heer aad u xun taas oo ay iskaga tegeen dhaqankeenii suubanaa oo hiigsanayaan dhaqon aad u fool xun xun oo aynaan ab iyo isir u lahayn oo inagaga yimid wadamada yurub taas oo anay diinteen islamku aanay ogalayn sida hablaheenii waxay xidhanayaa dhajis aad ugu dhegen oo jidhkeeda sawiraayaa, inamadiina waxay samaynayaa ayagu waxay qaateen dhaqankii madawga markaykan ka kunool .

Inaga oo isalaam sheeganayna ayeynu dhalin yaradeeni samaynaysaa waxaan ay diintu diidan tahay oo aanay ogalayn, hadba su'aasha taala meesha waxa weeyaan maxaa sababay?

Runtii hadaan fikirkayga kaga jawaabo taas aniga waxa ay ilatay dhalin yaradani waa tarbiyad la'aan ay kala timid gurigooda oo waxa la odhan karaa waalidkii dhalay ayaa soo tarbiyadayn waayo waxaad arkaysaa waalid usoo iibinaay intiisi ama inakiisa i waxyaabaha dhaqankeenii bedalay ee maanta oo aan ku canaananayn waxa ay samaynayaan
waxaanan eeda saarayaa waalidka oo ah in uu ilmahiisa ku tarbiyeeyo dhaqankiisa iyo diintisa run ahaantii waxaan waalidka u sheegayaa in uu ka gaabiyey kaalintisii waalidnimo ah in uu edbiyo oo uu waxa wanaagsan ku edbiyo hadii uu walidkii dhalay maanta dhalinyaradaa waxaan hubaa in aanay samayn lahayn dhibkan


Waayo murti soomaaliyeed ayaa tidhaahda geedka waxa la toosiyaa marka uu yar yahay laakiin marka uu waynaado lama toosin karo waayo waa uu jabayaa. Sidaas ayey dhalin yaraduna tahay caruurta hadaan la tarbiyeyn ayaga oo yar marka ay waa waynadaan lama toosin karo

Maah maah soomaliyeed ayaa tidhaahda (WAANO DHALAN BAA KA ADAG)

Waxaan hadalkayga kusoo gebagebayn lahaa waar dhaqanka haloosoo noqodo oo ha la iska daayo dhaqamadan reer yurub ee in waalay ha laga fogado .

Waalidkuna ha cadaadiyaan carurutooda oo dhaqankooda ha hagaajiyaan runti adbay ufoo xintay inan hooyadeed arakayso oo dhajis iyo waxyaabo kale oo faal xun xun

War galin

Waxaan dhamaan dhalinyrada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan u shegyaa in maqaalkani yahay mid furan oo qofkastaaba uu ku soo darsan karo fikradiisa gaar ahaaneed

Anig oo ah A/kariin waxaan kugu soo dhawaynayaa with open hand

Iyo qalbi furan.

Mr.wadani

A/kariin Mohamoud Ibrahim

Somaliland republic

Hageisa capital city

Tell: 00252 2 4141990

Hanad_1999@hotmail.com

Saturday, June 7, 2008

Ceel Laga Qodayay Koonfurta Hargaysa Oo Laga Gaadhay Biyihii U Horeeyay

































Juun 6/2008
Oodwayne.blodspot.com

Hay'adda caalamiga ah ee ah in qof waliba uu helo biyo caafimaad qaba ,waxaanu xusay in magaalada Hargaysa iyo hareeraheedaba ay biyuhu ku yar yihiin balse hadii lagu guulaysto biyaha ceelkaasi in uu wax wayn ka taridoono biyo yaraanta,waxaanu umahad naqay sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada riigaasi qodayaba.

Wasiirka madaxtooyada md Nuur Aamiin oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in ceelkan iyo ceelasha kale ee loo qodi doono somaalilandba ay ka dambeysay safarkii madaxwaynuhu ku tagay Imaaraadka carabta ay tahay tani midhihii ka soo baxay.

Wasiirku waxa uu u mahadnaqay Sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada riigaasiba. Wasiirka beeraha md Aadan Axmed Cilmi oo isaguna hadal halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in riigani gaadhay calaamadihii biyaha, kuna rajo wayn yahay uu dhakhso u soo saaro kuwii loo baahnaa , islamarkaana waxa uu intaa raaciyay in ceelkaasi uu wax wayn ka tari doono biyihiisu Daanta Koonfureed ee magaalada Hargaysa oo biyo la’ayd, waxaanu umahadnaqay Madaxweynaha JSL, Wasiirka Macdanta iyo
Biyaha, Sheekh Xamdaan iyo hawlwadeenada. Riigan ayaa ah mid casriya.

Injineerka ku qodaya ceelkaasi riigan oo isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in ceelkaasi oo hada ay qodeen 300-Mitir oo biyo hordhaca ay ka gaadheen ay wadi doonaan qodistiisa ilaa 400-Mitir oo ay rajeynayaan in ay ku gaadhi doonaan biyihii loo baahnaa .

Waxa uu u mahad naqay xukuumada iyo dadweynaha jiidaasi ceelka ay ka qodayaan oo uu sheegay in ay si fiican u soo dhaweeyee

Tuesday, May 6, 2008

Isbeddelka Aragtida Xukuumadda Maraykanka ee Aqoonsiga Somaliland








Oodwayne.blogspot.com
May 06,2008

Source:(Oodweynenews)

Washington: Maamulka Madaxweyne Bush ayaa markii u horreysay muujiyey sida uu u danaynayo aqoonsi caalami ah dunida ka hesho Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 1991kii dib ugala soo noqotay madaxbannaanideeda midowgii aan wax shuruud ahi ku xidhnayn ee ay la gashay Soomaaliyada Talyaanigu gumaysan jiray 1960kii.

Arrintan ayaa daaha ka rogaysa isbeddel cusub oo ku yimi siyaasadda dawladda Maraykanka ee ku wajahan qaddiyadda Somaliland.

Masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga Washington, ayaa dhowaan si caddaan ah uga badheedhay siday uga go’an tahay in dawladda Maraykanku aqoonsato Somaliland, iyagoo doodooda sal uga dhigay in ay tallaabadaasi tahay siyaasad lagu badbaadinayo horumarka ay Somaliland ka samaysay dhinacyada nabadgelyada iyo dimoqraadiyadda, isla markaana lagaga moosayo in aan deganaanshaha ka jiraa ku dhex milmin burburka iyo hallaagga ku habsaday koonfurta Soomaaliya tan markii la afgembiyey dawladdii millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991kii.

Doodda arrintan ayaa soo ifbaxday waqtigan oo ay sii kordhayaan qalalaalasaha ka jira Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambaysa kor u sii kacaya, isla markaana dagaallada kooxaha mayalka adagi ku sii baahayaan caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena uu xilligan bilaabmay burbur ku habsaday dawladda Mbeghati ee itaalka darran.

Aragtida cusub ee xukuumadda Washington ee ku aaddan Somaliland waxa hindisay madaxda sare ee sargooya qorsha guud ee amniga qaranka Maraykanka, kuwaas oo aaminsan ku dhaqanka siyaasadda odhanaysa, si loo ilaaliyo danaha iyo maslaxadda Maraykanka waa in la isticmaalo awooaha horumarsan ee dhinaca millateriga si looga takhaluso cid kasta oo cadow ku ah masaaliixdooda.

Dagaalka lidka ku ah argagixisada oo maamulka Washington siyaasaddan ku isticmaalay, ayaa sababay in Maraykanku galay dagaallo fara badan oo natiijada ka soo baxday lagu tilmaamay mid ay ka faa’iidaysatay argagixisadu, marka loo eego hawlgallada ballaadhan ee kooxaha argagixsadu ka fulinayaan dunida dacalladeeda. Iyadoo haatan ay si caddaan ah u soo ifbaxday in Maraykanku ku guuldarraystay aragtida noocan ah, ayaanay haddana taasi noqonayn mid wax ka qaban karta caqabadaha qarnigan 21aad ka horimanaya danaha Ameerikaanka.

Sidoo kale, iyadoo Washington isku dayaysa inay wax ka qabato dhibaatooyinkaas, ayaa haatan waxa aynu aragnaa siyaasaddii Maraykanka ee caalamka oo weji cusub oo hor leh ku socota. Fikirkan cusub ayaa la sheegay inuu yahay mid aamisan in aanay siyaasadda caalamku keliya ku koobnaan dawladaha oo qudha, balse waxay dhiirrigelinaysaa in lala macaamilo dhinacyada kalee siyaasadeed iyo bulsho, iyadoo la adeegsanayo diblomaasiyad iyo qawaaniinta caalamiga ah dhinac ah iyo macaamil dhinaca millateriga oo isna gees ah.

Haddaba, marka aynu u soo noqono xaaladda dalka Soomaaliya, waxaynu ognahay in Maraykanku uu mar horeba ku isticmaalay siyaasaddan cusub, isagoo si toos ah ula macaamilay qabqablayaashii dagaal ee Muqdisho ka talinayey sannadaha badan, kuwaas oo uu ku maalgeliyey dagaalkii ay la galeen xoogaggii Maxaakiimta Islaamiga ah, iyadoo ay marag-ma-doon ahayd in Maraykanku ku kharash-gareeyey qabqablayaashaas hanti ka badan ta uu ku bixiyey samayntii dawladda Mbeghati.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa xukuumadda Washington si joogto ah uga siinaysay taageerooyin farsamo dhinacyada dimoqraadiyadda iyo horumarinta dhaqaale, iyadoo haatana xarunta Gaashaandhigga ee Pentagon-ku doonaysa in ay Somaliland ka mid noqoto xulafadeeda la-dagaallanka argagixisada, si taasi ugu suurtogashana waxay soo jeediyeen in loo fidiyo aqoonsi, tallaabadaas oo calaamad u ah isbeddelka aragtida cusub ee Maraykanka ee ku wajahan qaddiyadda gooni isutaaga Somaliland.

Monday, May 5, 2008

Wargeyska Faransiiska ee Le point oo Qoray Maanta in C/laaahi Yuusuf ku lugleeyahay falalka Burcad badeedka ee Puntland.






Oodwayne.blogspot.com
May 06,08
Madaxwaynaha Dawladda Ku meelgaadhka ah
(Cornel C/laahi yusuf)

hadhwanaag 2008-05-05 (Hadhwanaagnews) Afar ka mid ah lixdii burcad badeeda ahaa ee Faransiisku qabtay kadib afduub ay u geysteen doon lagu raaxeysto oo faransiisku leeyahay ayaa la sheegay in ay xiriir la leeyihiin Madaxweyne C/laahi Yuusuf, sida maanta lagu qoray boga internetka ee wargeyska todobaadlaha ah ee Le point ee Paris ka soo baxa.


Le point waxa uu qoray in dhalashadda ragaasi ee ah in ay madaxweynaha isla yihiin Daarood kana sii yihiin Majeerteen ay cadeeyeen dhowr ka mid ah saraakiisha dowlada Faransiiska.

Warkan ayaa la daabacay saacado ka hor kulan ay leeyihiin madaxweyne C/laahi Yuusuf iyo dhigiisa Faransiiska Nicolas Sarkozi, waxaana burcad badeedan la soo qabtay 11kii April oo ku beegneyd hal usbuuc kadib markii ay qafaasheen doontan magaceedu yahay Le ponant iyagoo madax furasho u heystay sodon shaqaale ah oo ka howlgalayey doontaasi, Waxaana soo qabashadooda fuliyey cutubyar oo ka mid ah, ciidamada Faransiiska kadib markii ay kooxdaasi qaateen madax furasho lacageed oo dhan labo milyan oo doolar dabadeedna ay sii daayeen la heystayaashii.

Eedeysanayaasha ayaa loo gudbiyey Faransiiska maalmo yar kadib ayaana ay bilaabatay baaritaanka dacwadooda ah inay ka tirsan yihiin koox dambiilayaal ah oo diyaarinayey fal dambiyeed, kuwaasi oo muteysan kara ugu badnaan xukun ah toban sano oo xabsi ah.


Wargeyska Le point ayaa soo xigtay ilo wareedyo militeriga Faransiiska ah oo shegaya in xiriirka eedeysanayaashu ay la leeyihiin madaxweynaha Soomaaliya aanan la ogaanin kahor intii aaney diblomaasiyiin Faransiiska ka codsan C/laahi yuusuf ogolaanshiyaha in ragaasi dacwadooda Faransiiska lagu qaadi karo.
Sarkaal Faransiis ah oo aanan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in isku daygii ku aadanaa in burcad badeeda lagu maxkamadeeyo Faransiiska la hakiyey isla markii C/laahi Yuusuf Axmed lagu wargeliyey magacyada iyo taariikhda dhalasho ee lixda burcad badeeda ah

_____________________________________________________________________

Warkii oo Af inglish hoos ka akhriso ama halkan guji

Report: Arrested "pirates of Ponant" related to Somali president

Paris - Four of the six Somali pirates arrested for kidnapping a French luxury yacht are related to Somali President Abdullah Yusuf Ahmed, the French weekly Le Point reported Monday on its website.
Le Point said their identities, as members of the same Darod- Majteen clan as the president, have been confirmed by several French government sources.

The report was published just hours ahead of a scheduled meeting between Ahmed and his French counterpart, Nicolas Sarkozy.

The six pirates were captured April 11, one week after hijacking the yacht Le Ponant and holding its crew of 30 for ransom.

They were arrested by a small unit of an elite French force after the ransom of about 2 million dollars was delivered and the hostages freed.
The suspects were transferred to France a few days later and an investigation was opened on charges of 'membership of a group of criminals preparing a crime,' which is punishable by a maximum sentence of 10 years in prison.
Le Point quoted a French military source as saying that the relationship of the four suspects to the Somali president was not ascertained until French diplomats asked Ahmed to allow their extradition to France.
The officer, who was not identified, said that attempts to have the captured pirates extradited were suddenly interrupted 'when Abdullah Yusuf Ahmed was informed of the names and dates of birth of four of the six pirates.'

Cabdifataax Maxamed Hilowle
Xafiiska Wararka
Hadhwanaagnews Media
Muqdisho,Soomaaliya
muqdishonews@hotmail.com

Iscasilaadda Xirsi, Dildillaaca Komishanka, Saamaynta Doorashooyinka iyo Dareennada Werwerka leh

Oodwayne.blogspot.com
Hargeysa (Jam)-

Guddoomiye-ku-xigeenkii Komishanka Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa shaaca ka qaaday inuu iska casilay xubinnimadii Guddiga Doorashooyinka, kadib markii xubnaha kale ee guddigu soo saareen go’aan ay kaga qaadeen xilkii uu ka hayey Komishanka.

Shir jaraa’id oo Md. Xirsi xafiiskiisa shalay ku qabtay 20 daqiiqo kadib markii ay xubnaha kale ee Komishanku u gudbiyeen go’aanka ay xilkii Guddoomiye-ku-xigeenka kaga xayuubiyeen, ayaa waxa uu go’aankaa ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo aan ahayn go’aan ay xubnahaasi gaadheen, balse uu yahay mid si toos ah ugaga yimi dhinaca Madaxtooyada, sidaa daraadeedna uu go’aansaday inuu iska casilo xubnimadii Guddiga Doorashooyinka, maadaama aanay suurtogal ahayn in uu sii wado hawshii loo igmaday.

“Waxaan maanta bulshada Somaliland, xisbiyada mucaaradka ah, xukuumadda iyo Komishankaba u caddaynayaa inaan iska casilay xubintii Komishannimo ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka laga bilaabo maanta (shalay), waxaanan u gudbin doonaa qoraal ciddii ay khusayso arrintaasi,” ayuu yidhi Md. Xirsi, waxaannu intaa raaciyey isaga oo sababaynayey iscasilaadiisa, “Waxaan ku sababaynayaa inaan iscasilo markaan waayey xorriyaddii komishannimo, markaan ka rajo dhigay Komishanka ila shaqaynaya ee saaxiibbaday ah inaanay ahayn qaar u garsoori kara ummadda, ayaan goostay inaan iska casilo xubinnimadii Komishanka, tusaale ahaan hadalada ay xuseen Komishanku waxa ka mid ahaa Madaxweynaha ayaad tidhi wuxuu la siman yahay Faysal iyo Siilaanyo, haa wuu la siman yahay, iminkana waan ku celinayaaye Mudane Madaxweyne waxaad noola siman tahay arrimaha doorashooyinka Guddoomiye Faysal Cali-waraabe iyo Axmed Siilaanyo, waa xaqiiqo biyo kama dhibcaan ah, Guddiga Doorashooyinkuna maaha wasaarad u shaqaysa Madaxtooyada ee waxay u igman yihiin inay qabtaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah, una dhexdhexaadiyaan xisbiyada Qaranka si caddaalad iyo sinaani ku jirto. Waxaan u cuskanayaa iscasilaadayda maadaama xukunkii ka soo baxay xubnaha Komishanku uu noqday mid ka soo baxay xukuumadda.”

Isagoo Mudane Xirsi caddaynaya in go’aankan xubnaha Komishanku xilka kaga qaadeen uu yahay mid ka yimi dhinaca xukuumadda, waxa uu yidhi; “Waxaan ku caddaynayaa shalay (doraad) waxa ii yimi ragga ugu sarreeya xisbiga UDUB, waxay ii sii sheegeen in la iga qaadayo Guddoomiyenimada, waxaanay igu qancinayeen sii joog iyagoo nasteexo iiga dhigaya, waxaan ku qancay markaa in xubnaha Komishanka telefoon laga hagayey waanan arkayey markii lala hadlayey, maadaama oo fariin ka timi xisbiga talada haya iyo xukuumadda ay xubnuhu igaga qaadeen xilka, isla markaana aanan kalsooni qabin aan qaranka ugu shaqeeyo oo aan ka werweri doono goormaa xilka lagaa qaadayaa, halkana waxaan u soo doontay xil madaxbannaan oo aan ummadda ugu shaqeeyo, waxaanan arkay in aannu xil madaxbannaani jirin, sidaa darteed waxaan ku qancay in aan iscasilo. Bulshoweyntii igula talisay in aan sii joogo waxaan leeyahay haddii aanan waxba ka qaban karayn halkan, waxaan go’aansaday in aanan dayicin bulshada oo aan jagada baneeyo hadday cidi igu dhaantana la keeno, ciddii ku haliilaysay in aan booskan baneeyo oo aan dhib ku ahayna in aan u hawl-fududeeyo.”

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in go’aanka xubnaha Guddiga Doorashooyinku kaga qaadeen xilkii Guddoomiye-ku-xigeenimo uu yahay mid ka dhashay hadalkiisii ugu dambeeyey oo uu Khamiistii toddobaadkii hore shir jaraa’id oo uu qabtay kaga waramay arrimo badan oo Komishanka ku saabsan, isagoo walaac ka muujiyey farogelin xukuumaddu ku hayso shaqadooda, Madaxweyne Rayaale uu arrintaas ka cadhooday. Waxa kale oo uu tilmaamay rajo-xumida uu ka qabo caddaaladda iyo dhexdhexaadnimada Komishanka inay ahayd arrin in muddo ahba soo jiitamaysay oo uu marar horeba ka hadlay.

Isagoo arrimahaa ka hadalyeyna waxa uu yidhi; “Hadalku waa xoriyaadka aasaasiga ah, waa wax ka da’ weyn xeer-hoosaadka iyo xeerarka yaryarba oo dastuurka ayey ku qoran tahay qofku inuu xor u yahay hadalka, in dembi la iiga dhigaana waa wax aan sharciga meelna kaga qotomin, waxaanse u fahmay oo aan hore u sheegay, isla markaana aan ahayn wax aan iminka la yaabayo maaha ee waa mid aan hore u sheegay Komishanku in aannu xor ahayn oo xukuumaddu maamusho, wax kastoo xukuumadda ka horyimaadana Komishanka loo qabsanayo, Komishan doorasho iyo wax kale toona caddaalad ka samayn kara ahayn, hore ayaan uga afeeftay oo waxaan sheegay haddii Komishanku xor noqonwaayo in aan xilka iska casilayo, si aanan u lug-goynin dadkii isoo doortay iyo bulsho weynta Somaliland ee rajada badan ka qabta qabashada doorashooyinka, si aanay taariikh madoobi iigu gelin taariikhda oo aanan ka mid noqonin xubnihii Komishanka ee waddanka lug-gooyey. Hadal ka cadhaysiiyey Madaxweynaha iyo golihiisa oo aan ku hadlay ayaa la yidhi waxa lagugu anshax-marinayaa in Guddoomiyenimada lagaa qaado, Guddoomiye-ku-xigeenka waxa ii doortay xubnaha Komishanka, marka ay doonaana way iga qaadi kari lahaayeen, laakiin aasaaska ah haddii aad la hadasho dawladda waxa lagaa qaadi doonaa xilka waa mid aanan ku qancin, waxaanan filayaa in muwaadiniintuna aanay ku qanci doonin.”

Waxa kale oo uu sheegay Md. Xirsi inuu horeba uga niyad-jabay muddadii dhaarintooda ee dheeraatay iyo sifihii Madaxtooyada loogu dhaariyey, isagoo markaa doorbidayey in goob fagaare ah lagu dhaariyo, balse ay xubnaha kale ee Guddigu ka dhego adaygeen soo jeedintiisii, iyaga oo waayey kalsooni ay Madaxweynaha ugu sheegaan in goob fagaare ah oo loo dhan yahay lagu dhaariyo. Waxaana uu sheegay in markii loo doortay jagada Guddoomiye-ku-xigeenka ay xukuumaddu ka cadhootay. “Waxay ka cadhaysiisay markii Guddoomiye-ku-xigeenka la ii doortay xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee uu ugu horreeyo Madaxweynuhu, waxay xubnaha Komishanku ii sheegeen in Madaxweynuhu u yeedhay oo uu ku yidhi maxaad u doorateen, waana nasiib-darro, waayo waxaan ahay muwaadin mudan in xilkaa loo doorto iyagoo xubnihii Komishankuna igu qancay,” ayuu yidhi Md. Xirsi.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in mar kasta oo loo dhiibo jago Guddiga Doorashooyinka dhexdooda ah olole lagu soo qaadayey, iyadoo loo adeegsanayey xubinta Komishanka ku jirta ee ay Madaxweynaha ay isku beesha yihiin, isaguna uu uga tanaasulay jagooyinka Afhayeenka iyo Guddoomiyaha Guddiga Diiwaangelinta oo uu u hayey Komishanka, isagoo sheegay inuu ka cararayey khilaaf soo kala dhexgala xubnaha Komishanka.

“Mar kasta oo xubnaha Komishanku xil ii magacaabaan olole ayaa la igu soo qaadayey iyadoo la ii adeegsanayey xubinta Komishanka ku jirta ee ay Madaxweynaha isku beesha yihiin, waxaanan uga tanaasulay jagadii Guddoomiyanimadii, kadib markii uu yidhi Guddoomiyenimo ayaan doonayaa oo la igula soo dardaarmay,” ayuu yidhi Md. Xirsi, waxaannu intaa raaciyey, “Marar badan baan saxaafadda la hadlay anigoon cidna ka fasax-qaadan, waxa ka mid ahayd maalintaan Dr. Gabboose naqdiyayey, kadibna Madaxweynuhu telefoon buu ii soo diray, markii dambena waatii igu keliftay in aan Shirweynihii KULMIYE ka sheego hoggaamiyenimada iyo geesinada uu leeyahay Dr. Gabboose, si aan Madaxweynaha u tusiyo in aan Guddiga Doorashooyinka difaacayey ee aanan Gabboose col la ahayn shakhsiyadiisa. Maanta in la igu dacweeyo wuu hadlay waa ayaan-darro.” Intaa kadib su’aalihii ay waydiiyeen suxufiyiintii shirkaa jaraa’id ka qaybgashay iyo jawaabihii uu ka bixiyey waxay u dhaceen sidan:

Su’aal: Mudane Xirsi markii xubinta UCID laga saarayey Komishanka ninkii ugu cadcadaa ee lahaa shaqo iskumay kaayo hadhin adiga ayuu ahaa, maantana adigaa halkii maray, maalintaa miyey kuu muuqan wayday inuu ku ag-fadhiyo xubintii xisbiga kale ee mucaaradka ah si uu u sheego dulmigaad tirsanayso?

Jawaab: Waa run oo ma dafirayo in lixdii xubnood ee saxeexay Axmed Bidaar inuu ka baxo Komishanka oo Madaxweynaha loo gudbiyo ayaan ka mid ahaa, laakiin Axmed Bidaar warqadiisii waan kuu hayaayey kumaanu eedayn wuu hadlay ee waxaannu ku eedaynay wax badan oo ay ka mid tahay dagaal iyo aflagaado. Markaa aniga waxa la igu eedeeyey waad hadashay.

S: Dhawaan kulan aad la yeelateen Madaxweynaha waxa la sheegay inuu xadhig idiinku hanjabay oo uu idinku yidhi waan idin xidhayaa, arrintaas maxaa ka jira?

J: Haa, waa waxyaabaha igu kelifay, waxaannu u tagnay Madaxweynaha fadhigayagii u dambeeyey wuxuu noogu hanjabay Madaxweynuhu sharcigaa la idin horgayn doonaa, haddii aad sharciga raaciwaydaan, sidii uu Baarlamankaba ka yidhi si la mid ah buu annaga oo khaas ah noogu yidhi.

S: Maadaama toddobadii xubnood ee Komishanku ka koobnaa aad labadiinii matalayey xisbiyada mucaaradku meesha ka baxdeen oo ay soo hadheen shan xubnood oo lagu tiriyo muxaad, sidee ayey Guddigii Doorashooyinku caddaalad looga sugayaa?


J: Aragtidayda dadkaan kala mid ahay oo werwer baa iga haya sida loo sii shaqayn doon. Waanan idiin sheegay in aanan rajo ka qabin inay doorasho qaban karaan, Guddigu mid diyaar u ah inay qaataan go’aan aan raaligelinayn Madaxweynaha maaha, waxaana caddaysay toddobadii xubnood ee aan maalintii hore ka hadlay ee ay joogin kariwaayeen, iyadoo telefoon uu u soo diray Madaxweynuhu, kadibna keliftay in 200 qof loo joojiyo toddobadaa qof awgood. Go’aankii labaad ee horyimaada Guddiga wuxuu noqday inay aniga go’aan iga gaadhaan, waxaanay ku dadaaleen inuu noqdo go’aan raaligeliya Madaxweynaha. Sidaa darteed haddii ay doorasho qabtaana ma kala go’aamin karaan.


Dhinaca kale, warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Mr. Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaboweyne) oo lagu shaaciyey go’aanka anshax-marinta ah ee xubnaha Guddiga Doorashooyinku xilka Guddomiye-ku-xigeenka kaga qaadeen, isla markaana digniin culus ugu jeediyeen, waxa uu u dhignaa sidan:


““Shir ay isugu yimaaddeen Xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranku, maalintii Sabtidii ee taariikhdu ahayd 03 May 2008, shirkaas oo ku qabsoomay xarunta Komishanka ee magaalada Hargeysa waxa guddoominayay Guddoomiyaha Komishanka waxaanna lagu gorfeeyey aadna looga dooday arrimo ku saabsan Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.


Mudane Xirsi waxa lagu eedeeyey inuu ku kacay falal gef ku ah wadashaqaynta ka dhexaysa Komishanka Doorashooyinka, isagoo sameeyey tallo-goosi u gaar ah oo aanay Guddiga intooda kale ku waafaqsanayn, qoraal horena looga digan, sidaa awgeed waxay Guddidu go’aamiyeen sidan hoos ku qoran:-


1- In laga qaado xilka Guddoomiye-ku-xigeenka Komishanka laga bilaabo marka ay taariikhdu tahay 04 May 2008.

2- In digniin kama dambays ah loo jeediyo Md.Xirsi, taas oo ah in aanu mar kale ku kicin gafaf noocaas oo kale ah oo ka dhana xeer-hoosaadka Guddida Doorashooyinka.


Waxaannu u sheegaynaa ummadda Somaliland in markasta naga go’an tahay guddi ahaan in aan gudano xilka nalagu aaminay oo aannu dhammaystirno si waafaqsan xeerka iyo shuruucda loo dhigay diiwaangalinta codbixiyeyaasha, doorashooyinka iyo xeer-hoosaadkaba. Waxa kale oo aanu u sheegaynaa ummadda in meel hawli ka socoto khaladaad laga waayayn, waxase muhiim ah in si wadajir ah markasta la saxo oo la toosiyo waxii khaldamay si loo gaadho himilooyinka qaranku higsanayo.

Waxa markasta waajib ah in xubin kasta oo ka mid ah Guddida Doorashooyinka Qaranka inuu ku dhaqmo xeer-hoosaadkooda si looga badbaado in lagu dhex milmo hawlaha siyaasadeed ee dalka, lana ilaaliyo dhex-dhexaadnimada iyo dhowrsoonaanta Guddiga Doorashooyinka Qaranka.”

Eng. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa noqonaya xubintii labaad ee ka tirsan toddobada xubnood ee loo soo xulay Komishanka cusub ee Doorashoyinka Qaranka ee shaqada ka taga, iyada oo hore go’aan guddi shaqada lagaga fadhiisiyey Mr. Axmed Bidaar oo ah xubintii uu soo xulay xisbiga mucaaaradka ah ee UCID, isla markaana aan ilaa hadda xal laga gaadhin cidii beddeli lahayd, sidoo kalena Eng. Xirsi yahay xubintii uu soo magacaabay xisbiga kale mucaaradka ee KULMIYE.


Khilaafka cusub ee markale waqtigan ka dhex dillaacay Komishanka Doorashooyina Qaranka, ayaa u muuqda mid xaabada u sii badinaya khilaafyada cakiran ee ku gedaaman saaxadda qabsoomidda doorashooyinka degaanka iyo madaxtooyada ee lagu muransan yahay xilliga ay dalka ka dhacayaan, arrintaas oo walaac iyo werwer hor leh ku abuurtay guud ahaan shacbiga Somaliland iyo cid kasta oo jecel geeddi-socodka hannaanka dimoqraadiyadda ee ka hanaqaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Roobab laxaadleh oo caawa fiidkii maasheeyay caasimda Somaliland iyo nawaaxigeeda







Oodwayne.blogspotcom
Written by Qarannews
May 05, 2008.

Waxa caawa helay magaalada Hargysa roob aad loogu diirsaday isla markaasna meel kasta biyo dhigay, roobabkani oo in mudo ah da'aayay ayaa ay dadweyanaha reer Hargaysa iyo nawaaxigoodubaayaad ugu diirsadeen, roobabkan ayaa ka da'aayay ayaamihii ina soo dhaafyba meelo ka mid ah gobolka Hargysa iyo gobolada la jaarka ahba.

Roobkani caawa helay caasiamda ayaa sidoo kale helay dhamaan degmooyinka uu ka koobanyhay gobiolka Hargaysa, sida , Salaxlay, Cadaadlay iyo Sabo wanaag iyo dhamaan degmooyinka kale ee gobolka Hargaysi uu ka koobanyahayba sidoo kale Suldaan Muxumed Xiiray oo shalay khadka telefoonka nagula soo xidhiidhay ayaa noo xaqiijiyay in ay roobablaxaadlihi ay maasheeyeen hawdka iyo ilaa inta u dhaxaysa Salaxlay iyo Oodweyne, iyo meelo badan oo ka mid ah gobolka saaxil,taasi oo uu suldaanku ku tilmaamay nimco Ilahay loogu mahad naqo.

Sideedaba waxa ay iyagana roobab aad loogu diirsadayay ka da'een gobolada Sool Awdal, Gabiilay iyo Sanaag oo ay ka jireen abaaro aad u darani iyo biyo laan xoogani taasi oo maanta ay ugu danbaysay magaalada Hargysa oo ayaamahba laga saadaalinaayay in ay roobab heli doonaan oo uu ilaa caawa fiidkii uu hayay.
Qarannews
Hargysa

Friday, May 2, 2008

Suldaan Yuusuf Xiirey Oo Kulan La Yeeshay Wefti Odayaal Ka Socda Maydh


Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews
May 02, 2008 at 05:27 PM

Hargeysa(Qaran)-Suldaan Yuusuf Max'ud Xiirey oo ka mida madax dhaqameedka Somaliland ayaa Galabta kulan la yeeshay wefti odayaal ah oo ka socda Degmada Maydh ee G/sanaag.

Kulankan oo ka dhacay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeisa ayaa ujeedadiisu waxay ahayd is xog waraysi la xidhiidha sidii loo dhisi lahaa Dekeda Maydh hawshaas oo wefti odayaal ahi beryahnba u joogeen Hargeysa.

Ugu horeyn waxa kulankan ka hadlay Xasan Ducaale oo ku hadlayay magaca weftiga isagoo ka waramay marxaladihii hawshu soo martay iyo baahida lagama maar-maanka ah ee bulshada Gobolku u qabto hirgelinta mashruucan[Ugu horayn Suldaan waxaan kaaga mahad celinaynaa kulankan aad nagala soo qayb gashay kaas oo ujeedadiisu tahay sidii loo sii anba qaadi lahaa hawsha dhismaha Dekeda Maydh oo hada mudo soo socday, Bilawgii waxa hawshan u kacay Nuur Cilmi oo ka mida Odayaasha Reer Somaliland ee ku dhaqan Wadanka Ingiriiska wuxuu Geeyay Injineero ku soo sameeya Qiimayn wixii lagama maar-maan ah eehawshu lagu bilaabi karayo taasi way soo dhamaatay hada waxay taagan tahay sidii hindisaha loogu bedeli lahaa ficil taas oo u baahan in layska kaashado shacbi iyo Dawladba mudadii aanu halkan joognay waxaanu la kulanay masuuliyiin ka tirsan Xukuumada kuwaas oo balan qaaday in dhinacooda ay diyaar u yihiin wixii hawshan kaga soo hagaaga kulankan maantana waxa lagama maar-maan noqotay in dhinaca Dhaqankana ad hawshaa wixii idinkaga aadan aad u guntataan] ayuu yidh Xassan Ducaale

Suldaan Yuusuf Max'ud Xiirey oo isaguna kulankan ka hadlay ayaa weftiga uga mahad celiyey hawshan ay isu xil qaameen taas oo ah waajib qofkasta oo Somalilander ah inuu kaalintiisa ka qaato[Aad baan idiinkaga mahad celinayaa kulankan maanta iyo hawsha aad isu xil saarteenba runtii waan ku faraxsanahay inaan dhinacayga wixii igala gudboon arintan ka qabto taas oo ah waajib muwaadin kasta inuu ka qayb galo wixii Dalkiisa iyo Dadkiisa lagu hor marinayo waxan balan qaadayaa hadii ilaahay idmo inaan alaab kasta garaaco sidii hawshan loo hir gelin lahaa]ayuu yidhi suldaanku

Kulankan ayaa Suldaanka lagu gudoonsiiey cajelad filmi ka sheekaynaya marxaladihii hawshani soo martay.



Source Dhanbaalnews