Tuesday, February 26, 2008

URURKA TAF OO SOO GAADHSIIYEYE LACAG DEEQ AH URURKA HORUMARINTA TOGDHEER











Burco(Togdheernews..26feb.)Ururka TAF,ee fadhigiisu yahay cariga UK,ayaa maanta deeq lacageed gudoonsiiyay Gudiga Horumarinta Togdheer,oo iyagu gacanta ku haya dhismaha cisbitaalka Dimirka Burco.

unaasibada loo sameeyay gudoosiinta deeqdan lacageed oo lagu qabtay xarunta Jaamacada ayaa waxa ka soo qaybgalay xubnaha gudiga horumarinta,Salaadiinta,madaxda jaamacda,Abwaan Hadraawi, iyo waxgaradka iyo aqoonyahano badan.


Suldaan Jaamac Nuux,oo ka socday Dhalinyarada Ururka TAF(Togdheer Abroad Foundation) oo isagu siday deeqdan lacageed ayaa ka warbixiyay ujeedooyinka Ururka iyo hawlaha uu qabto waxaanu yidhi “Ururkan waxaa laga asaasay wadanka UK sanadkii 2005kii,ujeedooyinkiisuna waa inuu ka shaqeeyo Arimaha Caafimaadka,Waxbarshada iyo Ciyaaraha”.
Mudadii gaabnayd ee ururku jiray waxa uu gacan ka gaystay dhismaha cisbitaalka dhimirka oo uu siiyay ,21,000$ ,jaamacada Burco oo ugu deeqay 40buug oo qaamuus afsoomali ah.

Suldaan oo ka warbixinaya ururkooda...... Suld.Maxamud Guled Mire.

Suldaan waxa uu intaa raaciyay in ururku culayska saaray dhamaystirka cisbitaalka dhimirka ee togdheer,waxaanu ururka xubna ka ah 150 xubnood oo ku nool cariga ingirriska,sideed laamood ayuu ku leeyahay wadankaas,waxaanan mustaqbalka ku tala jirnaa inaanu laamo ururka ah ka sameyno wadanka.

Maxamed Xuseen Aadan.

Waxaanu ugu dambeyntii u mahadceliyay Gudiga Horumarinta togdheer iyo Abawaan Maxamed Ibaraahin warsame(Hadraawi).

Maxamed Xuseen aadan oo ka mid ah gudiga horumarinta togdheer oo gudoomay deeqdaas lacageed oo ka kooban 21,000,kun oo dolar ayaa ka warbixiyay dhismaha cisbitaalaka oo isagoo sheegay in cisbitaalkani yahay mid loogu talagalay dhalaanka iyo caruurta dadoodu tahay hal sano jir ilaa 25jir.


Hadraawi.
Waxa uu intaas ku daray,in cisbitaalkani ka kooban yahay laba qaybood oo kala qayb eegista ah iyo qayb dhigista ah,iyo deyr weyn oo ku xeeran,waxaana ku baxday lacag dhan 111.619,000kun oo dollar,dhaqaalahaas oo bankooda ay bixiyeen ayuu yidhi qurba joogu,siiba reer Uk.

Maxamed Xuseen waxa uu cadeeyay,in cisbitaalka la furidoono bisha Juun,ee sanadkan,isagoo xusay in hayad uu ka madax yahay nin reer Burco ahi oo jarmal ahi uu balan qaaday inay mudo afar sano ah gacanta ku hayndoonaan dawadiisa iyo kharshkiisaba.Waxaanu ugu dambeyntii u mahadceliyay Ururka Taf iyo cid kasta oo gacan ka gaysatay dhismaha cisbitaalkan.

Abwaan Hadraawi,oo isaguna munaasibadaa ka hadlay ayaa tilmaamay in bulshada ninba meel ay wax kaga dhaceenba,ma filayo xaqiiqdii in cidfayowbi “Nin waalan ayaa lagu yidhi waar waad ladnaatay beryahan,markaasuu yidhi maladnaane dadkii ayaa isoo gaadhay oo sidayda noqday”.

Abwaan Hadraawi,waxa uu intaa ku daray in dhibaatada ina haysata ay tahay mid aynu masuul ka nahay awal iyo aakhirba,oo diinteenu waa balaayo xijaab,balse hadaad gaalo ka jeclaato waad isku yaacaysaa oo buuqaysaa,xasiloonina heli maysid.

Isagoo Abwaanku sii faah faahinaya arimahaasna waxa uu yidhi “Maalin kasta ugu yaraan tobon qof ayaa ku biira suuqa waalida,walina dhibaatada ina haysata laysama odhan xalkeeda raadiya.

Waxaanu u si weyn ugu mahadceliayay qurbajooga Somaliland oo ku tilmaamay inay kaalinta ugu weyn ka qaateen horumarka adeegyada bulshada.

Waxa iyaguna munaasibadaa hadalo ka jeediyay Prof.C/salaan Yaasiin,Suldaan Maxaamuud Guuleed,iyo Sh.Cali warsame.

Kayse Axmed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

Monday, February 25, 2008

Xisbiga Udub oo Qaadacay Magacaabista Xubnaha Komishanka Burco















Written by Qarannews.
Feb 25, 2008 at 06:20 PM

Burco(Qaran)-Maamulka Sare ee Xisbiga Udub ayaa maanta si rasmiya u qaadacay ogolaanshaha xubnaha komishanka qaranka ee Gobalka Togdheer kuwaas oo ay ku dureen xubno aanay isla qaadan xisbiyada qaranka.

Warsaxaafadeed ay maamulka xisbiga Udub ay galabta ka soo saareen xarunta Burco ayaa waxay ku cadeeyeen in gebi ahaanba xubnaha maamul ee komishanka Togdheer ( Heer Gobol/Degmo ) toona aanay ahayn kuwo ay talo ku leeyihiin Magacaabistooda oo ay yihiin koox ay komishanka qaranka u calaamadsanaa.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobalka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim waxaa uu sheegay in gudiga komishanka qaranku ay diideen talo bixinta ay ka siiyeen Magacaabista kooxdan isla markaana aanay daacad ka noqon doonin siday doorasho xalaali uga qabsoomi lahayd gobalka..

Madaxdan Udub waxay kale oo ay ugu baaqeen komishanka qaranka in dib loo saxo arinta , waxaanay kale oo ay ka dalbeen Maxkamada Degmada Burco inaanay ansixin dhaarinta xubnahan.

Todobaadkan gudihiisa ayaa gudi ka tirsan komishanka qaranka ay soo saareen Magaalada Burco Magacaabista xubnaha Komishanka heeg Gobal/Degmo, kaasi oo ay qoraal ay ka soo saareen arintkan ka dalbaday Maxkamada Degmada Burco in la dhaariyo Xubnahan.

Geesta kalena Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Burco Maxamed Jaamac Cashuur ayaa isaguna qoraal kaga jawaabaya arintan ku hakiyey Dhaarta Xubnaha komishanka taasi oo uu ku sababeeyey inay Maxkamadu sugayso cida loo dhaarinayo.

Warsaxaafadeedkani waxa uu dhignaa sidan

Waxaa dhowaan Gobalka Togdheer xaruntiisa Burco yimid xubno ka socda komishanka qaranka SL, una yimi in ay dhisaan xafiiska komishanka doorashooyinka ee Gobalka Togdheer, iyo Degmada Burco, hadaba xubnaha komishanku waxay la shireen sadexda xisbi qaran masuuliyiintooda Gobalka Togdheer, waxana aanu kawada hadalnay sii loo dhisayo komishankii Gobalka Togdheer, waxanu aanu Xisbi Udub ahaan aanu cadaynaynaa arimahan hoos ku xusan oo aanu u aragnay in komishankii noo yimid ay ku kaceen khalad cad oo ay ku sheegeen in ay magacaabeen xubnihii Heer Gobal iyo Degmo ee komishanka doorashooyinkka Gobalka Togdheer.

Sidaa Awadeed Xisbi Udub ahaan waxaanu Saxaafada Madaxbanaan ku soo bandhigaynaa aragtiyada aanu ka qabno kooxdan la sheegay in loo doortay komishanka doorashooyinka ee Gobalka Togdheer, taasoo ah sidan.

1: Maamulka Xisibiga Udub ee Gobalka Togdheer wuxu cadaynayaa in aanaan ku qanacsanayn kooxdan la sheegay in loo magacaabay komishanka doorashooyinka Gobalka Togdheer, maadaama aan taladooda waxba nalaga siin, lana diiday wixii talo bixin ahaa ee aanu u soo jeedinay xubnaha komishanka qaranka ee kooxdan dhisay, kooxdaasin ay yihiin koox ay jeebka iskaga siteen xubnaha komishanka qaranka ee Gobalka Yimi, iyo Asxaabta mucaaradka ahi maadaama aan anaga waxba nalaga waydiinin.

2: Waxay noogu muuqataa in xubnahan komishanka qaranka ee Gob/ Togdheer yimi aanay daacad ka ahayn sidii ay Gobalka Togdheer iyo guud ahaan dalka J.S.L uga hir galilahayd diiwaan gelinta muwaadiniinta, taasoo carqalad ku noqonaysa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.

3: Waxaanu madaxda komishanka qaranka ugu baaqaynaa in arinkan dib loo saxo, Gobalka Togdheer na loo dhiso dad u qalma in dhex dhexaad u noqdaan asxaabta qaranka, maadaama kooxda lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan asxaabtu isku wada waafaqsanayn, arimahan oo kalena loo baahan yahay in lagu sameeyo taloo loo dhan yahay, lana doorto shakhsiyo lagu kalsoonaan karo xilkoodana gudan kara.

Reported By: Yusuf I Warsame

Ilka case. Burco

Burco dood kulul oo dhexmartay Kamooshinka Iyo Waxgaradka Burco













Written by Qarannews.
Feb 24, 2008 at 10:51 PM

Burco (Qaran)-Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay kulan balaadhan xarunta maamulmulka gobolka Togdheer kula yeeshay xubo isugu jiray salaadiinta iyo waxgaradka

Gobolka. Ujeedada Kulankaas oo ahayd mid ay xubnaha Komishanku uga gollahaayeen soo bandhigida qaabka ku talogalka ee diiwaangelinta iyo sida bulshadu afkaartoodu uga dhiiban lahaayeen.

Gudoomiye-ku-xigeenka guddiga komishanka Doorashooyinka qaranka, oo isagu horkacayay xubnaha waftiga, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay ujeedada socdaalkooda, oo uuku tilmaamay mid la xidhiidha sidii dadweynaha loogu soo bandhigi lahaa nidaamka diiwaangalinta, isla markaana loo furi lahaa xafiisyada komishanka Doorashooyinka iyo kuwa diiwaangelinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxa kale, oo guddoomiyuhu intaa ku daray in qaabka diiwaangelinta loo samaynayo si sharciga waafaqsan soona ansixiyeen saddexda gole qaran [Guurtida, Wakiiladaiyo Xukuumadu] Madaxweynaha iyo saddexda xisbi-na aqbaleen, iyaguna ay yihiin fuliyayaal, waxaa kaloo uu sheegay in xubnaha waftigoodu ka kooban yahay guurtida, xukuumada iyo xisbiyada, balse ay ka maqan yihiin wakiiladii, sababta aanu u soo kaxaynayna ay tahay inay markhaati ka noqdaan dareenka ay dadweynuha Gobolladu ka bixinayaan.

Guddoomiye-ku-xigeenku, waxa kaloo tilmaamay in guud ahaan goboladu ka siman yihiin labada arimood ee ah sida goobta looga codeynayo iyo wakhtiga ku haboonayn, “Aniga laftigayga ayaa duruqsi ku arkay nin saraareed ahaa oo halkaa ka soo hayaamay,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu xusay in muddada diiwaangelintu tahay 45 cisho oo loo qorsheeyay 25 cisho foomam buuxinta ah, 5 cishana tiro koobkaa dhacaya, 15 cisho wixii la khalday ama la dhaafay ayaa la saxayaa, isla markaana goobaha codbixinta eeTogdheer-na waa afar boqol iyo dheeraad. Waxa kaloo uu cadeeyay in diiwaangelintu dhaci doonto Bilaha May illaa iyo Juun, oo aanu ugu beegay iyadoo xilligii Guga ah. Haseyeeshee, waxa uu hadalkiisii ku soo koobay “Hadii wakhtigaas roobku baaqsado iska daa diiwaangelin iyo doorasho dhacdee, waxa la galayaa sidii dadka iyo duunyadaba loo badbaadin lahaa.”

Caaqil Xasan dhuux-yare oo ka mida madax-dhaqameedyada Togdheer oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto xaalad abaareed oo xumi, dadkiina ay noqdeen, wax tahriibay, wax xadka ka talaabay iyo wax socon kari waayay oo jiifa, markaa gurmad ayaanu maanta idiinka fadhinee maanu filayn tan aad u socotaan.” ayuu yidhi Caaqil Xasan.

Caaqil Xasan dhuux yare, oo arintaa ka maahmaahayaana waxa uu yidhi: “Laba inan ayaa u yimi nin oday ah markaasay ku yidhaahdeen aabayaashayo ka waran, markaasuu ugu jawaabay alle ha u naxariisto abaayashiin, waxa sidaa ka dhigan golyaasheenan qaar fadhiyaan halkan.”

Dayr Maxamed Cilmi, oo ka mid ah Odayaasha gobolka ee kulankaa ka hadlay, ayaa hadalkiisii ku bilaabay “Marka hore yaynaan isdhaafin reer guura raac iyo caruur waa loo kala waramaa ismana arkaan, tiro koobka in uu dhaco oo la qabto musticad ayaanu u nahay, balse ninka tira koobka doonayaa waxa haboon dadka uu ka doonayo ee madaxda u yahay inuu duruufahooda iyo dhibaatooyinkooda ka warhaya.”

Deyr waxa uu intaa ku daray in Abaarta maanta jirtaa ahayn biyo la’aan kaliya, balse uu xaaluf-na u weheliyo maanta ayaad noo timaadeen idinkoo baabuur cadcad wata oo biyo mooyo-saxana sita oo tidhaahdeen maanta ayaan hawsha bilaabaynaa in wakhtigii loo cayimay dastuuriyan gabay dhamaantiin komishan iyo dawladba. Qorshihiinuna maaha mid macquula oo la yeelayo, waxaanna idin leeyahay “Idinkuna dadkaad ka dhalateen dalkana waad u dhalateen ee calooshiina ha eegina ee caqligiina ka shaqaysiiya oo waayaha jira eega.”

Waxa uu intaa raaciyay Mr. Deyr dadku doorasho iyo diwaan galin waa u diyaar ee wakhtiga ku haboon eega, waxad tidhaahdeen bilaha Mey iyo Juun ayay dhacaysaa diwaangalintu, bal haddaba goormay dhacaysaa doorashadii dawladda hoose, waxaannu talo ahaan ugu soo jeediyay xubnaha Komishanka “Waxaad tihiin rag cusub markaa waxa laydinka baahan yahay sidii ragii hore ee ruugcadaaga ahaa hawsha u xasiliyeen ayaa laydinka rabaa.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in aanay dadkeenu ahayn kuwii la tira koobi lahaa, sababta oo ah ayuu yidhi: “Waa dad reer guuraa ah oo aan meel loogu soo hagaagayn. Mana aha in aynu ku dayano dimuqraadiyad iyo nidaamka reer galbeedka oo boqalaal sano ka soo gudbeen heerka aynu hada joogno.”

Waxa Suldaan Cismaan kula dardaarmay Komishanka Doorashooyinka in noqdaan xaqsoorayaal u dhexe ah Ummada, “Waxa imandoonta maalin nin walba xisaabtiisa la horkeeni doono, Akhiro iyo aduunyadaba waa la xisaabtami doona ee waxan idin leeyahay foojignaada oo dhowra xaqsoorka iyo masuuliyada idin saran.”

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Xasan, ayaa kulankaa komishanka ka waydiiyay su’aalo ku saabsan mida horaysa in warqadaha aqoosniga dadka la siiyo iyo tirakoobka iyo sida ay suurto gal u tahay in qofka ka diiwaangashan xaafad Burco ku taal aanu uga codeyn karin goob xaafad kale oo Burco ah ku taal.

Komishanka oo ka jawaabayey su’aalaha Suldaan Maxamed Xasan, waxa ay sheegay in dhibaatada codeynta goobuhu ay tahay mid dadka goboladu wada tilmaameen. Haseyeeshee, wada tashi dambe lagu eegi doono, tan kalena ee warqadaha aqoonsiga ku saabsana waa la samaynayaa oo waa mid muhiima.

Doodadahan kulul oo dhexmartay Komishanka doorashada iyo waxgardka Togdheer, ayaa ahayd mid komishanka loogu soo bandhigay arimo badan oo tilmaamaya in la eego duruufaha ku xeeran qabshada tirakoobka, hasayeeshee, waxa kulankaa aad loogu dhaliilay golayaasha guurtida iyo wakiilada oo lagu eedeeyay in ay ansixiyeen qorshe aanay ka fiirsan oo ka baaran degin, taasoo lagu tilmamay kuwa gabay masuuliyadu bulshadu u dooratay.

Kayse Axmed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

Sunday, February 24, 2008

Komishanka Qaranka oo Magacaabay Xubnaha Heer Gobal, Degmo ee Gobalka Togdheer











Xubnaha waftiga Komishanka Qaran oo uu hogaaminaya Gudoomiye -Ku Xigeenka Komishanka Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo saaray qoraal ay ku qoran yihiin Xubnaha loo magacaabay in ay noqdaan madaxda Komishan Heer Gobal iyo Degmo.

Warsaxaafadeedkaas oo dhignaa sidan waxaan ku soo gudbinaynaa qoraalkan xubnaha komishan Gobalka Togdheer sida uu dhigayo Dhaarinta Xubnaha Komishanka Gobalka Degmo in aad marisaan dhaarin wadareedka xeerku qeexay (Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo G/Deegaanada.


Komishanka isagoo gudanaya waajibaadkiisa uu qeexay xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Golaha Deegaanada wuxuu magacaabay xubnaha Magacyadooda hoos ku qoran yihiin


Xubnaha Gobalka


1: Siciid Xaashi Yusuf Gudoomiyaha Komishanka Gobalka Togdheer

2: Kayse Maxamuud Warsame Glkuxigeenka Komishanka Gobalka Togdheer

2: Cali Axmed Ismaaciil Xoghayaha Komishanka Gobalka Togdheer


Xubnaha Degmada


1: C/risaaq Maxamuud Guud Cadde Gudoomiyaha Komishanka Degmada Burco

2: Khadar Kaariye Cunne G/kuxigeenka Komishanka Degmada

3: Cali Jaamac Yusuf Xoghayaha Komishanka Degmada

4: Khadar Cismaan Xirsi Hubiye Komishanka Degmada Burco

5; Foosiya Jaamac Cilmi Tiriye Komishanka Degmada Burco

6: Saynab Yusuf Siciid Tiriye Komishanka Degmada Burco



Saxeexayaasha Komishanka Doorashooyinka Qaranka


1: Xirsi Cali Xaaji Xasan Gu/kuxigeenka Komishanka Qaranka

2; Maxamed Ismaaciil Maxamed Xubin Komishanka Qaranka

3: Xasan Maxamed Cumar Xubin

Monday, February 18, 2008

Hogaanka Urur-siyaasadeedka QARAN iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Is Dhaafsaday Qoraalo Xanbaarsan Jawaabo Cul-culus















(Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran)

hadhwanaag 2008-02-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Hogaanka Urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa daboolka ka qaaday fadeexad hor leh oo ku saabsan in aan Komishanka doorashooyinka Qaranka lagu dhaarin, dhaartii sharciga ahayd ee loogu talo-galay, iska markaana waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Xubnaha Komishanka in ay is-casilaan, maadaama oo ay arrintaa ku lug lee yihiin.

Masuuliyiinta Urur-siyaasadeedka QARAN waxa ay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga hadleen arrino badan oo kala duwan.

Ugu horayn War-saxaafadeed uu halkaaka ka akhriyey xog-hayaha warfaafinta Ururka QARAN Eng. Maxamed Jaamac Axmed, ayaa waxa uu u qornaa sidan:
“Ugu horeyn, Ururka Qaran isaga oo la wadaaga shacabiga Soomaliland, waxa uu bogaadin iyo mahadnaq u dirayaa Beesha Caalamka iyo isbadalka siyaasadeed ee ku wajahan Soomaaliland.

Waxa aanu la qabnaa in ay Somaliland u baahantahay isbadal dimuqraadiya, dhaqaalaha oo hore loo mariyo iyo qorshe laga fiirsaday oo mandaqadda Geeska Afrika ku soo dabaala nabad iyo xasilooni, horumar iyo deris wanaag.

Sidoo kale ayaanu xukuumadda Soomaaliland ugu baaqaynaa in ay u dhega-nuglaato caalamka oo ay la timaado talo iyo qorshe wax-ku-ool ah oo ka tarjumaya arrimahaas.

Iyada oo waaxyaha dawladdeenu aanay isku dheeli-tirnayn, oo xukuumaddeenu u dhaqmayso si macangagnimo ah oo aan xushmaynayn Dastuurka iyo shuruucda dalka, ayuu Uruka Qaran ku baraarujiyay Komishanka Qaranka, in aanay bodjeexin, oo ay ku dhaqmaan shuruucda hor-taala;

• Dastoorkii Qaranka iyo xuquuqda lama taabtaanka ah ee Muwaadinka ee ku xusan Qodobada 22 iyo 23/3.

• Xeerka Nidaaminta Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasadeed Ee Lam 14/2000, oo 8 jeer ku cel-celinaya cidda la nidaaminayaa inay tahay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadeed, doorashada lagu nidaaminayaana tahay ta Dawladaha Hoose oo shantii sanaba mar la qabto.

• Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Dawladaha Hoose Ee Lam 20/2001, oo isna ku cel-celinaya 18 jeer, cidda ku tartamaysa Doorashada Dawladaha Hoose inay tahay Xisbiyada iyo Ururada.

Jawaabtii aanu ka helnay Komishanku waxa ay noqotay, tan aanu u gudbinayno saxaafadda madaxa banaan. Taas oo ay ka muuqato duudsi iyo indho isku qabad.

Komishankeenu waxa uu guddoonsaday in uu ka garsooro tartan siyaasadeed oo aan loo dhammayn, oo xukuumaddu ku amar-ku-taaglaynayso xuquudii iyo xuriyaadkii muwaadiniinta.

Komishankeenu waxa uu guddoonsaday in uu ku hangalaysto doorashada, oo uu ku socdo lug kali ah iyada oo tii kale u laaban tahay. Su'aashu waxa ay tahay inteebuu ka gaadhi karaa garsoorka, caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda?

Hore waxaa inoo soo maray Komishanka oo inagu bilaabay, iyaga oo aan dhaarsanayn, si sharci darro ah, inay soo dhaariyaan xildhibaan laga lahaa muraad gaar ah.

Taasi waxay ahayd talaabadii koowaad ee xagga caddaalad-darida ay u qaadeen. Waxaa xigtay inay macaansadaan dhaarintii qayr sharciga ahyad ee lagu dhaariyay. Iyaga oo og, oo iska indho-tiraya dhaarta ku xusan Xeerkii lagu soo doortay oo ah Xeer Lam 20/2001. Taas oo u dhignayd sidan soo socota:

WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. INAAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.



Xeer No. 20/2001, Qodobkiisa 19-aad Xubintiisa 4-aad, waxa ay leedahay sidan:

Komishanku waxay mid mid, dhaarta kor ku xusan, kaga hor dhaaranayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Haddaba ma loo hogaansamay sharciga? Jawaabtu waa maya ee si sundululuxis ah, oo indho isku qabad iyo gasariir ah, ayay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ugu dhaariyeen xubnaha Komishanka dhaar kale oo aan khusayn mawduuca, oo u dhignayd sidan;

"WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".

Waxa aynu ognahay sharcigu in aanu ciyaarta aqoon, oo dhibic keli ahi ay qofka dili karto (a coma can kill a man). Kol haddaan Komishankii sharci lagu dhaarinna ma dhaarsan. Qof kasta oo maankiisa qaba wuu garan karaa, dhaartaas aan sharciga waafaqsanayni waxa ay daarantahay oo ah:

1. In marka la dhaarinayo Komishanka, la qariyo magaca 'URURADA' oo ku xusan dhaarta.

2. In aan dhex loo noqon ururada, xisbiyada iyo murashaxiinta, inta doorashadu socoto. Dhexdhexaad la'aantaas oo immikaba hor-dhaceedii si cad u muuqdo.

Sidaas darteed, Ururka qaran waxa uu ku baaqayaa:

• In ay is-casilaan dhammaan ciddii ka qayb qaadatay khiyaamadaasi, oo kala ah Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xubnaha Komishanka Qaranka.

• In Golayaasha iyo Hayadaha ku shaqada lehi ay daba-galaan arrinkan.

• In Beesha Caalamku sii xoojiso, oo ay ka midho-dhaliso, dhiiri-galinta Dimuqraadiyadda, horumarinta iyo aqoonsiga Somaliland.”

Qoraalkaa jawaab-celinta ah ee uu Komishanku u qoray Ururka siyaasadeedka QARAN, oo ku saxeexnaa Guddoomiyaha komiishanka Maxamed Yuusuf Cabdi, waxa uu u qornaa sidan:

‘Tax-raac qoraakiina ujeedadiisu ahayd xaqa tartanka doorashooyinka, sida lka muuqata cabashada Ururka QARAN, waxa ay ku salaysan tahay Xeer No. 14/2000 ee lagu dhisay Guddiga diwaa-ngelinta Ururada siyaasiga ah iyo ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa hawlihiinuna ku qeexan yihiin.

Wuxuu Guddigu si waafaqsan Xeer No. 14/2000 qodobkiisa 4-aad xubintiisa 11-aad uu siinayaa Ururadii buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ogolaansho ku meel gaadha oo uu ku hawl-galo, iyada oo Saddexda Xisbi Qaran ay si waafaqsan isla qodobkaa xubintiisa 11-aad ay yihiin kuwii ku guulaystay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Dawladaha Hoose, jiritaankooduna uu sharciga waafaqsan yahay Dastuurka Qodobkiisa 9-aad xubintiisa 2-aad.

Wuxuu isla xeerka qodobkiisa 2-aad xarafka (X) uu cadaynayaa in Guddiga ansixintiisa Saddexda Xisbi, ka dibna uu xilka sii haynayo muddo 6 bilood ah, oo manahiisu uu yahay in jiritaankiisa sharci uu noqonayo mid aan jirin.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku, waxa uu u igman yahay maamulka iyo ka garsoorida Doorashooyinka, si waafaqsan dastuurka iyo qodobada Xeer No. 20/2001

Sidaas darteed, Komishanka ma khusayso arrinta Ururka QARAN iyo hawlaha diwaan-gelinta Ururka siyaasiga ah ee uu khuseeyo Xeer No. 14/2000, oo sida aanu qoraalkan ku soo sheegnay uu noqday mid aan shaqaynin Guddigaasi.


S. War-saxaafadeedkinan wax ka muuqata fadeexad hor leh oo maanta soo baxday, oo ah in aan Komishanka Doorashooyinka lagy dhaarin dhaartii ku haboonayd, arrinkani waa maaha mid culus oo maaha mid yar, waxaa wadanka ka jira Xisbiyo sharciya, balse aan arrintan ka warhayn, Sideebaad idinku o gaateen arrintan, oo aanay ku ogaan Xisbiyada Qarabka?

J. Maxamed Cabdi Daa’uud: Waxaanu horta halkan idinku haynaa Cajaladii lagu dhaariyey xubnaha Komishanka, oo maqal ah, iyada o muuq iyo muuqaal ah-na dee magaalada oo dhan ayaa daawanaysay habeenkii la dhaarinayey, aniga [Maxamed Cabdi Daa’uud] lafdayduba waxaan ka mid ahaa dadkaa daawanayey, rag badan oo halkan fadhiyaa dadkii daawanayey ee arkayey ayay ku jiraan. Wax muran iyo dood geli kara maaha.

Waxaa timi in arrintani in ay tahay fadeexad, waa run fadeexad way tahay, kaaliin fadeexadaas marka aad aragto in lagu sii socdo khaladkii, oo lagu sii socdo, dee wax laga aamusi karo way noqon wayday.

Markaa waxa ay noogu muuqataa in aanu aragnay imika in nimankii [Komishanka] durbaba ay bilaabeen hawlo hor leh, oo aad moodo niman aan dhaarsanayn-ba in ay yihiin. Markaa dee waxaanu lee nahay ha la dhaariyo ama ha s casilaan ama wadadii looga warergayey ha looga wareego.


Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.

Wasiirka Dalxiiska Oo Kulan La Yeeshey Wefdi Ka Socda Safaarada Faransiiska Ee Jabuuti














Written by Faysal Cabdilaahi
Monday, 18 February 2008

Hargeysa(Hormoodnews)-Wasiirka dalxiiska iyo dhaqanka Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble ayaa maanta kulan kula yeeshey xafiiskiisa wefdi ka socda safaarada Raransiiska ee dalka Jabuuti.

Wefdiga oo dhawaan ku yini booqasho dalka waxa hoggaaminaya xoghaya koowaad ee
safaarada, waxaana ujeedada socdaalkoodu la xidhiidhaa sidii looo horumarin lahaa
asaarta qadiimigaah ee Somaliland.

Wasiirka oo la hadlayay wefdga waxa uu hadalkiisa ku bilaabey sidan:“Waxaanu idinka codsanaynaa inaad dawladiina aad gaadhsiisaan sidii aynu u sii xoojin lahayn heshiiska ku wajahan asaarta qadiimiga ah ee dalkayaga oo ah kuwo taariikhi ah.

"Waxaanu idinka rabnaa inaad fulisaan oo aad sanad kasta na siisaan deeqdii
waxbarasho ee aad balan qaadeen ee ahaa in sanad walba aad qof iskolar shib noogu
dirtaan jaamacadaha dalkiina" . Waxa kale oo uu ka codsadey xukuumada Faransiiska in ay gacan ka geystaan Tiyaatarkii Hargeysa sidii dib loogu dhisi lahaa. "Waxa kale oo aanu idinka codsanaynaa inaad wax nagala qabataan Tiyaatirkii Hargeysa oo dunsan iyo xarun carwo oo lagu kaydiyo dhinaca dhaqanka".Xoghayaha kowaad ee safaarada France ee Jabuuti, Mr Theiry, ayaaa isna dhiniciisa sheegay in ay wasaarada dhaqanka kala shaqan doonaan sidii shaqaalaha ka hawl galaya asaarta qadiimiga ah loogu soo tabobari lahaa wadankooda iyo dalalka kale ee adduunkaba.

Waxa kale oo isna ka hadley shirka agaasimaha guud ee wasaarada dalxiiska Xasan
Ismaaciil.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

Friday, February 15, 2008

ODWEYNE:21XUBNOOD OO BEERALAY AH OO TABABAR U FURMAY.










Odweyne(Qaran)-Kow iyo labaatan xubnood oo haween beeralaya ah ah,ayaa maalintii shalay tababar kor loogu qaadayo Aqoonta iyo tayada dhinaca beeraha uga furmay magaalada Odweyne oo ka tirsan G/togdheer.

Tababarkan ayaa ujeedadiisu la xidhiidhaa,sidii beeralayda loo bari lahaa qaababka loo nafaqeeyo Ciida,dalag gediska,aqbaalka.kaasoo ay fulinayso Hayada Germany Agro Action,ee xarunteedu tahay G/togdheer.

Marion Sass,oo ah madaxa dhinaca haweenka ee hayada GAA,oo munaasibadii furitaanka tababarkaa ka hadashay ayaa tilmaantay inay aad ugu faraxsan tahay haweenkan beeralayda ah,sidaas darteed ay rajaynayso inay si wanaagsan uga faaiidaysandoonaan tababarkan.
Waxay intaas ku dartay in aanu marwalba aanu ku dadaalayno sidii kor loogu qaadi lahaa,loona horumarin lahaa aqoonta iyo xirfada haweenka.

Waxa kaloo munaasibadaa ka hadshay Hana Cabdi qaadir oo ka mid ah masuuliyiinta Hayadaa Germany Agro Action,qaybteeda hawwenka,waxayna faahfaahin ka bixisay muhiimada tababarkani inuu yahay sidii xubnhan beeralayda oo ka socda Tuulada Beerato oo ka tirsan degmada Odweyne loo bari lahaa siyaabaha kala duwan ee nafaqeynta carada,dalag gediska iyo aqbaalida loo sameeyo.

Waxay intaas ku dartay Hana C/qaadir, in beeralayda lagu tababarayo laba siyaabood kuwaasoo mar beerta gudaheeda lagu samaynayo aqoontii la barayay si dhab ah oo la taaban karo,marna duruustii ay ku qaadanayaan qoraalo “Ujeedayadu waa si beeralaydu u fahanto wax loo dhigayo,si ay hadhow ugu dabaqaan waxbeeristooda” Ayay tidhi.

Isuduwaha beeraha ee degmada Odweyne oo ka hadlay furitankii ayaa soo dhoweeyay tababarkan kuna tilmaamay mid dhiirigalinaya haweenka beeralayda ah,waxaanu si weyn ugu mahadnaqay Hayada GAA,oo ku tilmaamay mid kaalin weyn ka qaadata horumarinta beeraha ee degaanka oodweyne.

Tababarkan ayaa ah kii u horeeeyay ee noociisa ee lagu qabto magaalada Odweyne,kaasoo ay soo qabanqaabisay garabka haweenka ee hayada Germany Agro Action ee Togdheer,waxaana maalgalisay Ururka Midowga Yurub.

Hayada GAA,oo fadhigoodu yahay Magaalada Burco ayaa ka shaqaysa dhinacyada Beeraha,horumarinta haweenka,fayodhowrka,islamrkaana ka hawlgasha gobolada Togdheer iyo sool.

Kaye Ahmed Digaale


MAAMULKA DEGMADA ALLAYBADAY EE Gobolka Hargeisa IYO URURKA UHWA OO FURAY 3 ISKUULO CUSUB.



Alaybaday(Qaran)-Maamulka Degmada Allaybaday oo la gaashana ururka UHWA ayaa furay iskuulo cusub iskuuladaasi cusub ee uu Maamulka Degmada Allaybaday ayaa ay tiradoodu dhantahay saddex iskuul oo ku kala yaala saddex tuulo oo ka mid ah Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Allaybaday,hadaba saddexdan tuulo oo ah tuulooyin ay ku xeeersan yihiin dadwayne fara badan ayaa ahaa deegaano baahi wayn u qabay iskuuladaasi, furitaanka iskuuladan oo uu iska lahaa Maamulka Degmada Allaybaday ayaa ku yimid markii ay wada tashi la yeeshay Mamulku waxgaradka deegaanadaasi uuna kala hadlay qiimaha waxbarashadu leedahay iyo sida uu ururka horumarinta waxbarashada allaybaday(UHWA) uga wado ololaha kobcinta waxbarashada guud ahaan deegaanka Allaybaday ee ay ka qaybta yihhin, taasi oo keentay waxgaradkii deegaamadaasi in ay la qaataan soo jeedintaasi Maamulka Degmada.

Kadibna ay sameeyaan babul ay ku soo ururiyeen Arday fara badan oo ku haboon da'da waxbarashada aasaasiga ah oo maanta nasiib u helay in ay wax ku bartaan deegaamadooda.

Hadaba saddexdan Tuulo oo magacyadoodu kala yihiin Magaalo FARXAAN, KAAM BARWAAQO iyo Tuulada DACARTA (MAGAALO Tol-jecle), Iskuuladaasi oo bilowgiiba ay ka soo qayb galeen arday fara badani ayaa waxa ay tiradoodu tahay siddan hoos ku xusan:



Ø 1 Iskuulka Maggalo Farxaan 70 arday

Ø 2. Kaam barwaaqo 57 arday

Ø 3. Iskuulka Dacarta (MAGAALO Tol-jecle) 93 arday

Oo uu dhamaan ardaydaasi Maamulka Degmada Allaybaday uu gudoonsiiyay balcadii ay iskuulka ku dhigan lahaayeen caruurtaasi iyo agabkii wax lagu bari lahaa sidda Samuuradihii,tamaashiirtii,iyo buugaagtii.

Hadaba saddexdan iskuul oo haba yaraatee wax dhismeyaal ah aan lahayn ayaa waxa ay yihiin qaar caruurta wax ku barato Waabab loo sameeyay aanay kuraas ahaan u isticmaalaan Daasado, iyo jirikaano, ayaa waxa dhamaan xadhiga ka jaray Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Md. XASAN Cabdi Cali oo halkaasi kula hadlay waalidiinta iyo waxgaradka tuulooyiinkaasi kuna dhiirigaliyay siddii ay ubadkooda ula dadaali lahaayeen waxbarashada, isaga oo sheegay in lagu jiro casri waxbarasho oo aanay caruurta xoolo la raaciyo wax kale wakhtiga kaga luminin,waxa kale oo Gudoomiyuhu ka hadlay xaalada Goobahan waxbarasho isaga oo sheegay in dalku soo wada maray marxaladan oo kale oo geedo iyo darbiyo hoostood wax lagu baran jiray, balse laga gudbay idina bari kamaalin aad ka gudbi doontaan.

Ugu danbaytii wuxuu Gudoomiyuhu ugu baaqay Wasaarada waxbarashada Haayadaha kalaba in ay gacan ka gaystaan siddii caruurta looga hadhayn lahaa ilayska qoraxda iyo dabaysha,wuxuuna sheegay Md Xasan in ay xilwayn iska saari doonaan ka Maamul ahaan hawlahaasi waxbarasho.

3 Dugsi ee cusub waxay noqonayaa dugsi 14 aad ee laga fura Degmada Allayaday, mudadii gaabnay ee ay degmada iyo ururka gacanta ku haya waxbarashada degmada uu jiray.

Wariyaha UHWA : ISMAIL ABDI MUXUMED (Hilqad)

Thursday, February 14, 2008

Axmed Xuseen Ciise oo Caawa soo Gaadhay Burco







Burco(TogdheerNews..14.feb.)
Xoghayaha Arimaha dibada ee Xisbiga Kulmiye Axmed Xussen Ciise ayaa caawa goordhayd soo gaadhay magaalada Burco ee xarunta u ah G/togdheer.

Axmed Xuseen Ciise,oo ay weheliyaan xubno kale ayaa la sheegay inay joogidoonaan ilaa laba maalmood magaalada Burco,Haseyeeshee lama oga ujeedada socdaalkooda ee xiligan.

inkastoo wararka qaarkood tilmaamayaan inuu kulamo la yeelandoono qaybaha Bulshada ee kala gedisan.Axmed Xuseen,ayaa isagu hore u sheegay inuu musharax M/weyne uga taagan yahay xisbiga kulmiye dhexdiisa.

wixii wara ee ka soo kordha dib ayaanu idinkala socodsiin.

Kayse Axmed Digaale
Burco.
Kdigale@yahoo.com.

Wednesday, February 13, 2008

Madaxweyne Rayaale Oo Wasaarada Waxbarashada Ku Wargeliyey Inay qorshahooda Ku Darsadaan in dalka Laga Hirgeliyo Dugsiyadii Farsamada Gacanta

















(Madaxweyne Riyaale )

Hadhwanaag 2008-02-12
Hadhwanaagnews Hargeysa-(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku war-geliyey Wasaarada Waxbarashada inay mustaqbalka dhow culeyska saarto sidii wadanka uga hirgelin lahayd dhismaha dugsiyadii farsamada gacanta, si marka ay ardeydu dhameystaan dugsiyada dhexe ay u shaqatagaan.Isla markaana loo dhimo culeyska iyo xadiga ardeyda dugsiyada Sare.

Sida waxa uu Madaxweynuhu ka sheegay Munaasibad uu maanta xadhiga kaga jaray Xafiisyo Cusub oo loo dhisay Wasaarada Waxbarashada loo iyo Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali

Xafaladii loo sameeyey xadhig-jarka xafiisyadaa cusub, waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiinta, Macalimiinta iyo hawl-wadeenada Wasaarada waxbarashada.

Madaxweyne Rayaale oo Xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Marka u horaysa waxaan amaan u soo jeedinayaa Bahda Waxbarasha Wasiir ilaa Macalin, iyo dhamaan inta ka shaqaysa waxbarashada dalkan [Somaliland], oo aan is-leeyahay meesha ay ka soo bilaabeen iyo meesha ay marinayaan,”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waa meel lagu faani karo horumar badan-na way ku talaabsadeen.”

I“Waxaan idiin sheegayaa markasta oo aan dibada tago oo aan cid la kulmo, horta labada wax ee aan laga hadlin waxa weeyaan, in aynu Caalamka kala hadalno waa Waxbarashada iyo Caafimaadka” ayuu yidhi President Rayaale

Madaxweyne Rayaale waxa uu tilmaamay in Wasaarada waxbrashada looga baahan yahay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tababarada iyo Koorasyada kala duwan ee lagu hormarinayo heerarka aqoonta macalimiinta iyo dadka kale ee Bahda waxbarasha.

Md. Rayaale waxa kale oo uu sheegay inay waxbarashada Somaliland wax badani qabsoomeen, isla markaana ay wax badani ka dhiman yihiin.

Mar uu Madaxweyne Rayaale la hadlayey Wasaarada Waxbarashada, waxa uu kula dardaarmay oo uu yidhi “Dar-daarankayga waxaan ka dhigi lahaa Dugsiga Farsamada Gacanta in xooga la saaro mustaqbalka dhaw, Markay Dugsiga dhexe ka baxaan Inamadu inay bartaan xirfada, si ay markaaba u shaqatagaan.”

“Waayo kuligeen Dugsi sare kama wada bixi karno, oo ma wada noqon karno Macalimiin ama Karaaniyaal. Markaa kuwaasna waa in aad qorshihiina ku darsataan, meelo badan oo aan kaga hadalnay-na way jiraan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey“Waxaan ogahay, horta Machadkii Burco qolo la raagtay ayaa jirta, oo waa SOS waana ay dhisayaan hadii Ilaahay ka dhigo”.

Waxaana Madaxweynuhu hadalkiisii ku soo afmeeray, oo uu yidhi “Waxaan idiin rajaynayaa maanta, hadal badan halkani uma baahna, oo ana farxadaa waxa idiin kordhay ayaan idinkala qaybgalay iyo Xafiisyadaa idiin kordhay, waxaanan idiin rajaynayaa in kuwo kalena kordhaan mustaqbalka.”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Waxbarashada Md Maxamuud Garaad Maxamed, oo isna xafladaa xadhiga lagaga jarayey xafiisyadaa cusub ka hadlay, waxa uu yidhi.“Mudane Madaxweyne aad iyo aad baan kuugu mahadnaqaynaa, aniga oo ka wakiil ah Wasaarada Waxbarashada iyo bahda waxbarashada.”

“Runtii waxaanu anagu dareesan-nahay, oo aanu isku xogaysanay, iskuna xan-sanay in aad u dhega-nugushahay Waxbarashada” ayuu intaasi raaciyey Wasiiru-dawluhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Wax allaale iyo wixii ay waxbarashadu kaaga baahatana aad si degdeg ah markiiba gacan uga bixiso, waa arrin run ah oo aanu isku xansan-nay.”

“Waxaa kale oo xusid muddan tusaalahaagii ahaa waar dal walba horumarkiisa waxaa laga qiimeeyaa heerkiisa waxbarasho, dardaarankii sidaa ahaa, runtii waxaan is-leeyahay meel fiican ayuu marayaa, oo illaa shantaa sanno meel walba waxaa kordhay 78% ayaa ugu yar. Markaa Md Madxweyne aad iyo aad baanu kugu mahadnaqaynaa oo aanu ku soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Maxamuud Garaad Maxamed.

“Aniga oo ka Wakiil ah Bahweynta Waxbarashada, waxaanu kugu hanbalyeynaynaa guulaha aynu gaadhnay ee arrimaha dibada iyo siyaasada dibada ee Xukuumada aad hogaaminaysaa gaadhay iyo ta gudaha,” ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Taas oo maanta la odhan karo Somaliland way dhan tahay, oo la odhan karo Adduunkiina yoolkeenii waxa aynu u jirnaa heer aqoonsi.”

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xadhiga ka jiray dhimse lagu kordhiyey Dusiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, oo loogu talo-galay in ay noqoto xarun Macalimiinta Iskuulka wax ka dhigaan ay wax ku diyaarsadaan.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu uu kormeer ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egak International Airpot ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ugu kuur-galayay geedi-socodka adeega iyo hawlada Madaarka, ka dib markii ay maalmahan-ba soo ifbaxayeen khilaafaad cakiran oo beryahaa soo kala dhex-galay Masuuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Hawada iyo Madaxda Hay’ada ICAO, ku shaqayn jirtay Madaarada Somaliland.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.

Sunday, February 10, 2008

Wareysi duqa Berbera kaga warramey adeegyada bulshada







Written by Faysal Cabdilaahi
Sunday, 10 February 2008

ImageBerbera-(Hormoodnews)Duqa Magaalada Berbera Cabdale Maxamed Carab ayaa maanta ka waramay dhinacyo kala duwan oo taabanaya adeegyada bulshada sida biyaha laydhka iyo bilicda Magaalada.Waraysigasi oo uu la yeeshey weriye Cabdisallan Xariir waxa uu u dhacay sidan:

S. Gudoomiye Waxaan ka warantaa Dawladda Hoose & Hawlaheedu guud ahaan siday yihiin?

J. Hawsha ugu baaxada weyn ee ay dawlada hoose haysaa waxa weeye dhameystirka wadada isku xidh Magaalada & Airport oo mudo iminka soconaysay qeybtii ugu adkeyd ayaa hadhay oo dhameystirkii ahayd ee ilaa 1 km aanu qaadnay ayaanu ku gudo jirnaa.

S. Gudoomiye Waxaad ka warantaa dhinaca fayo dhawrka iyo bilicda magaalada maxaad ka qabateen?

J. Horta waqtigu waa kan iminka nagu soo cidhiidhiga ah wadadana markaanu ka faraxalano waxa noogu xigi doonta wada isku xidhi batalaale iyo magaalada oo qiimo weyn noogu fadhida iyada waxbaanu ka qabanaynaa, kn fayo dhawrku horta waa joogto xaga nadaafada magaaladu aad bay ugu wanaagsantahay diniineshyada ama saaqiyada iyagana waa la safeeyaa iskorogooyinku way nagu filan yihiin waxase noo hadhay oo qeyb weyn ah bilicda magaalaa ama dhir aanu ku beerno ama kaabada aanu ku qurxino ama bilic kale aanu u sameyno barnaamijka yaga waxaanu kusoo gebogabayn doono.

S. Gudoomiye bal ka waran Laydhka oo qiimihiisa la kordhiyey?

J. Horta waxa weeyaan laydhka Xukuumadu way dadaashay lacag ilaa hal Bilyan ah ayay galisay Laakiinse waxa weeye wuxu markay bilaabmaan dhibaatooyin badan way iska leeyihiin magaalada dadka kusoo hadhaa way yaryihiin waxa kala yar badan mishiinku shidaalku waxa uu cunayo iyo dadka isticmaalaya, iminka markii la furay mudo bil ah bilaash ayuu dadka u ahaa, markii danbena qiimo jaban ayaa lagaga iibiyey oo waxaad moodaa inay kala yar bateen kharashkii warshada iyo isticmaalkii dabadeeto waxaanu nidhi bal yara kordhiya, dadku dabcan way dareemeen bil ay bilaash ku jireen iyo bil qiimo jaban, wax laydh oo qiimo badan ah lama kicin laakiinse waxaanu leenahay laydh 24 saac ah oo qiimihiisu aanu sareynay.

S. Gudoomiye Biyaha ka waran?

J. Su'aashaa Biyaha aad baan u jecelahay inaan u bayaamiyo nolosha Berbera waa magaalo xagaa ah Biyuhu Berbera labo meelood bay uga yimaadaan waa ceelal can ah oo la yaqaano oo faradero ku yaala iyo kuwa kale ee Dubaar, kuwaa turkey mudo dib u habayn laguma sameyn beebku waa sidiisii lama badelin daruufo dhaqaale ayaa nagu kalifaya kuwa faradeero lafteedu waxay u baahanyihiin dib loo habeeyo, adhigii ayaad ogtihiin inuu furmay waxay u baahantahay biyo joogto ah barnaamijkani waxa weeye barnaamij daraasad lagu sameeyey inay noqdaan arimo hareeraha laga fadhiyo oo isbixiya oo aanay noqon wax la kabo uun, ee aanay noqon mar walba wax la kabo uun halkan waxaanu isugu nimid Agaasimaha Guud iyo Enginerka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Dawlada Hoose, Unicef, & Bulshada Magaalada Berbera waxaan isweydiinay unicef-na tidhi barnaamijkani waxa weeye inaanu idinka caawino oo hareeraha aad ka fadhidaan oo maamushaan oo ay is bixiyaan oo aan la odhanhadii mishiin yari xumaado biyo lama hayo ee uu is bixiyo, barnaamijkan dacaayad badan ayaa laga sameeyey laakiinse ujeedadu waxa weeye inay dadku biyo jaban heleen weeye oo dadka deeqa danta laga leeyahay barnaamijkani waa intaas barnaamijka haayaduhu wax ku bixiyaan waa barnaamijkaas hareeraha la iska taago, hore waxa loogu tijaabiyey Borama.

S. Gudoomiye Borame oo kale marka aynu soo qaadano waxa laga bilaabay meel aan waxba jirin laakiin Berbera waxay haysataa biyo ku filan, markaa idinku dadka ma waxaad ku qancinaysaan haddii Hay'adaasi waxba qaban weydo Berbera biyo ayaa laga waayaya?

J. Horta waxa weeye Berbera & Borama isku mid maaha, Berbera waa magaalo xagaa ah nolosheeda nus saac lama joogi karo biyo la'aan markaa waxa weeye biyaha Berbera way kharash badan Faradeero ceelsheedo waa ceelal la qoday haddii ciidu buuxisana waxay u baahanahay inaynu rig soo kiraysano oo intaas dadku biyo la'aadaan, matalan waxa weeye biyihiinu inay noqdaan wax isku filan oo hareeraha ka joogtaan oo dakhli meel u yaalo oo nidaam loo sameysto oo loogu talo galo sodonka sano ee soo socda hadii wax dhibaati ahi ku dhacaan la kafayn karo.

S. Gudoomiye horta sanadkan ma ogola Biyaha privateka ah hadii aanay dadkii ogoleyn xagaad idinku ka dhaafaysaan?

J. Horta anagu dadkaana na soo doorta dadkan suuqa ka hadlayana noogama lexejeclo badna dadkiina waanu wada joognaa oo bulshada waabu wada joognaa nin iska dacaayad wada oo markaaaay wax cusubyihiin ee la doonayo in horumar wax laga gaadho hadiyo jeer dhibaatadee way leedahay, markaa dadkani waa dadka yagii anaga fahamsiin doona.

S. Dadku haddii ay doonayaa inay Biyuhu gacanta Dawlada Baaqi kusii ahaadaan idinku maxaad ku diidaysaan?

J. Horta dawladu faraha kala biximayso, Agaasimaha W/Macdanta & Biyaha ayaa nala joogay Dawadu iyadaaba waxan dusha ka maamulaysa ujeedada laga leeyahay waxa weeye inay Berbera hesho biyo jaban oo ku filan.



S. Waxa jirta in Hargeysa oo kale Barnaamijkan loo soo bandhigay oo ay diiday Waliba iyadoo Berbera ka biyo yar, idinku maxaad kaga duwantihiin?

J. Waxaynu inagu kaga duwanahay waa xagaa magaalo xagaa ah hadii maanta mishiinkaasi istaago ceebteenu magaalada way haysataa waxani waa wax mudo soconaya oo aanay cid gaari lahayn.

S. Gudoomiye dad badani waxay aaminsanyihiin inay UNICEF labo milyan oo dolar ku baayacayso haddii Private laga dhigo biyaha Berbera inay galinayso taasina ay tahay sababta dadka loogu qasbaayo Privateka, taas maxaa ka jira?

J. Hadalkaas waa iska been UNICEF wax weyn ayay inoo qabatay xaga caafimaadka, waxbarashada, mana aha in dadka wax kula qabto laga abaalka daro taasina waa been abuur Magaalada Berbera oo dhan, odayaal cuqaal, iyo waxgaradba way joogeen markaliya namay odhan lacagtaas idin siin mayno.

S. Maxay wax uga qaban waayeen haddii aanay taas shuruud ku xidhayn?

J. Haddii ay meel Maalgalinayaan Talo bixinta way ku leeyihiin inay yidhaahdaan sidaas iyo sidaas ayaa na anfacaysa.

Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka Xafiiskiisa kaga Guddoomay Shahaado Sharaf Ardayda Dibadda

Shahaado sharaf kaga gudoomay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada reer ee [Somaliland Youth Congress], oo ay xaruntiisu tahay wadanka Suudaan Ibraahim Cabdiraxmaan Sh. Bashiir.

Ururkan [Somaliland Youth Congres], oo ay ku bahoobeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ku kala nool Wadamada, Suudaan, Masar, Pakistan, India iyo Malaysia

Munaasibadii loo sameeyey gudoonsiinta shahaadadaas, oo Madaxweynuhu hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku tilmaamay Ururka dhalinyada ah inay muujiyeen dareen-wadaninimo, “Marka hore waxaan aad iyo aad uga mahadnaqayaa dareenkiinaa wadaninimo ee aad muujiseen, waxaan is-leeyahay anigu [Rayaale] xilkaygii ayuun-baan gudunayey ee wax dheeraad ah horta maan qaban,” ayuu yidhi

“Oo waajib ayey igu ahayd in aan xilkayga guto gudo iyo dibad-ba.” Ayuu yidhi Md Madaxweyne Rayaale,

President Rayaale waxa uu tilmaamay in taariikhda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ay tahay mid soconaysa, oo aan istaageyn, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Taariikhda Qarankuna [Somaliland] waa mid soo socota, oo soo bilaabantay wakhti fog, socotana ilaa imika, meel ay isku taagaysaana ma jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Waa taariikh socondoonta oo fac-ba fac ka dhaxli doono, ninkasta oo yimaadana waxa laga rabaa inuu wax uun ku daro, kuwii iga horeeyey [Madaxweynayaashii hore] wax bay soo qabteen, anna intayda in aan ku darro weeye, kuwa iga danbeeyana waxa laga rabaa inay iyaguna intooda ku daraan haddii ilaahay ka dhigo”

Madaxweyne Rayaale waxa uu tilmaamay in dhalinyartu labada siyaabood u cabiri karaan dareemada ay aaminsan yiin, “Ragga dhalinyarada ahi-na waxa ay is dheer yihiin, qaar-na waxa ay aaminsan yihiin ayay cabiri karaan, qaar-na way la aamunsan yihiin, waan idinku amaanayaa idinku hadaad go’aansateen in aad cabirtaan waxa aad aaminsan tihiin” ayuu yidhi.

Waxaana Madaxweynunu dhalinyaradaas Ilaahay uga rajeeyey inuu ku guleeyo waxbarashada ay baranayaan, isla markaana ay noqoto mid ay wadanka wax ugu qabtaan.

“Aad iyo aad ayaan idinku amaanayaa sida geesinimada ah ee aad dareenkiina u cabirteen, dhamaana waxaad iga gaadhsiinaysaan dhalinyarada aad wakiilka ka tihiin amaan iyo salaam iyo duco” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo la hadlayey ardeyda.

Gudoomiyaha dhalinyarta Somaliland Youth Congress Ibraahim Cabdiraxmaan Sh. Bashiir, oo isna ka hadlayey u jeedada ay Shahaado sharafeedka ugu doorteen inay gudoonsiiyaan waxa uu yidhi.“Runtii waxaa maanta nagu kalifay aanu halkan nimaadno, oo aanu Madxaweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin aan ku gudoonsiino shahaahado sharaf labada arrimood, midi waa arrin Qaran oo ah, in Ummadu marka hogaamiyaashoodu ay sameeyaan waxii ay Ummadu u igmatay wax ka fara badan loogu mahad-naqo. Waxaad moodaa in inta badan Mujtamacu ay ka hadlaan dhaliisha, laakiin waxa haboon in dhiiri-gelini ay jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raciyey “Waxaa muhiim ah in shacbigu Masuuliyiintooda Qaran ku amaanaan waxyaabaha ay sameeyeen, sida marka ay gaabistu u timaadaba ay dhaliishu u timaado, waa waajib qaran”

“Haddii ay Ummadi ka gaabiso in ay Madxdooda ku amaani waayaan waajibka Qaran ee ay samaynayaan, khaladaadka ay ka aamusaan, Ummadaasi waa Ummad burburaysa”ayuu yidhi Ibraahim Cabdiraxmaaan Sh. Bashiir.

“Taasi waxa ay nagu kaliftay in aanu maanta Madxweynaha Somaliland ula nimaadno amaan, iyada oo uu xil-qaran, oo uu Ummad ballaadhan u sido uu xilkii Qaran sidii loogu igmaday uga soo baxay” ayuu yidhi Gudoomiyaha dhalinyarta Somaliland Youth Congress Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.

Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir waxa uu ku dooday inaanay Shahaadadan uu maanta sidaa ahayn tii ugu horeysay, balse sanadkii hore 2007 inuu Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin uu Shahaado. Sidoo kale inay Wasiirka Waxbarashada ay Shahaado Gudoonsiiyeen.


Togdheernews

Wednesday, February 6, 2008

Dr.GAboose:“Madaxweynuhu [Rayaale] dambiile weeye,oo Ummadu waxa ay u igmatay oo dhan ayuu khiyaamay..oo shuruucdii dalka ayuu ku tuntay,“













(Dr. Maxamed Cabdi Gaboose )

hadhwanaag 2008-02-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Gudoomiyaha Urur-siyaasaeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shaaca ka qaaday in ay dhamaadka bishan ama horaanta bisha soo socota qaban doonaa mudaharaad ballaadhab Gobolada wadanka oo dhan ka dhici doona, isla markaana waxa uu eedayn dusha uga tuuray Madaxweyne Rayaale, oo uu ku tilamaamay dambiile sharcigii Ummada ku tuntay. Waxaa kaloo walaac ka muujiyey qabsoomida doorashooyinka soo socda.

Dr. Gaboose waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey maanta Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga ah, waxaana waraysigaa wax lagaga waydiiyey arrimo kala gedisan oo la xidhiidha dhinacyadii ay dacwadooda u gudbiyeen iyo mustaqbla Urur ahaan waxa ay ku talo-jiraan in ay sameeyaan

Waxaana ugu horayn la waydiiyey ilaa hada cidda ay dacwadooda gaadhsiiyeen ee ay u gudbiyeen?

Waxaana uu ku jawaabay “Walaalo kolkii aanu xabsiga ka soo baxnay, Madaxweynaha ayaa waxa uu ku cel-celiyey dhawr-jeer ha u mareen xuquuqdooda iyo Ururkooda-ba waddad sharci ah, kolkaa anaga oo qadarinayna nabada, wada jirka iyo shuruucda dalka. Waxaanu ka bilawnay Gudoomiyaha Maxkadama Sare, oo anaa u tegay, kolkaa waxa uu igu yidhi ‘dacwadiinu waxa ay khusaysaa xeer oo aad ku dacwoonaysaan, kaas oo ah Xeerka 14-aad in uu jiro, in uu nool yahay, in uu dhaqan-gal yahay, markaa golaha kala xidhiidha. Anigu kolkaa Goluhu wax soo saaro ee ay isku khilaafaan Fuinta [Xukuumada] ayuum-baan fasiraadooda leeyahay.’

Markaa waxaanu qoraal ahaan ugu qornay Shirgudoonka Golaha Wakiilada, jawaab qoraal ah, oo aanu jaraa’idka ku faafinay ayay soo qoreen. Jawaabtaasina saddex qodob ayay ka koobnayd, midi waxa weeye in xadhigayagii gef u arkayeen ay-na naga raalgeliyeen.

Talabaad-na waxa ay ahayd xeerkaa Ururada ka hadlayaa, ee Musharaxa gaarka isu tagaya ka hadlaya, ee xuquuqda Xisbiyada ka hadlayaa uu yahay xeer dhaqan-gal ah, oo nool, oo ay khasab ku tahay Madaxweynaha ama Guddiga soorashada ama-ba cid kasta ha ahaatee in dalka lagaga dhaqmo.

Taasi waxa ay burisay markaa, Madaxweynaha oo laba jeer shirjaraa’id qabtay waxa uu yidhi ‘Xeerkaasi [Xeerkaa Ururada ka hadlaya] waxa uu ahaa Xeer mar kaliya loogu talo-galay, oo Dawladihii Hoore ee hore loo isticmaalay, ee aanu dhaqan-gal dambe aanu ahayn.’

Waxaa kaloo Madxweynuhu yidhi ‘Xeerkan waxaa mar dambe buriyey Golaha Guurtida’ taas oo aan iyana caqliga-ba geli-karayn. Waayo Xeer waxaa buriya Xeer kale oo mara Wakiilada, Guurtida iyo Madaxweynaha. Markaa Guurtidu waxaa keliya oo ay burin karaan afkaar cusub oo la damco in lagu kabo xeerka ama laga jaro xeer, taas ayuum bay jari karaan.

Markaa guul-weyn ayaa noo soo hoyotay [QARAN ahaan], Madaxweynaha-na waxaa Ummada oo dhami ka sugaysaa, hadii Golihii sharci-dejintu ay yidhaahdeen ‘Xeerka Ururada ka hadlaya, ee Musharaxa madaxa-banaan ka hadlaya ka hadlayaa waa dhaqan-gal, waa in lagu dhaqmaa. Macnaheeda waxaa loola jeeda eray kasta oo meesha ku qoran, waa amar in la fuliyaa. Waxaana ku dhex qoran ‘Madaxweynuhu isaga ayaa soo magacaabaya Guddiga diwaan-gelinta Ururada, isagaana kala diraya Lix bilood ka dib markay shaqada qabtaan, wax mar keliya shaqaynaya in aanay ahay-na waa loo sheegay.

Guddoomiyaha mar la waydiiyey Maxkadamada sare markii ay tegeen in ay waraaq u geeyeen iyo in ay af ula tegeen, waxa uu ku jawaabay “Markii hore ee inta aan nala xidhin qoraal ayaanu u geynay, qoraalkaana wuu hayaa [Gudoomiyaha Maxkamada sare], jawaabtan oo kale ayuu nasiiyey. Jawaabta uu nayidhina waxa weeyey ‘xeerarka dhaqan-galkooda aniga [Gudoomiyaha M/sare] iyo Maxkadamadan ma khusayso. Anaga waxaa na khuseeya marka ay golayaasha sharciga iyo Fulinta wax ay isku khilaafaan oo keliya, ayaan u xilsaaranhay’.

Guddoomiyaha waxa la sii waydiiyey su’aal ahayd; waxa la isku haystaaba waa tafsiirkii sharciga iyo ereyada ka maqan, ee ma waxaa leh shirgudoonka Golaha Wakiilada mise waxaa leh Maxkamada sare, ilayn Distoorku waxa uu dhigayaa Maxkamada Sare’e?

Waxa uu Gudoomiye Gaboose ku jawaabay “Haayee marka hore, waxa la tafsiiraa wax jira oo nool, xeerkani ma nool yahay? Ma dhaqan-galbaa? Ma sharci dalka amar ay tahay in lagu dhaqmaa? Ka dib-baa erayada iyo waxa la isku hayo la fasiri karaa. Madaxweynuhu waxa uu yidhi Xeerkani maba jiraba, oo wax mar keliya la is ticmaalay ayuu ahaa,’ Gololihii Sharci-dejinta ee sameeyey-na waxa ay yidhaahdeen ‘Wax markeliya la isticmaalay muu ahayne waa xeer jira’.

Waxaa mar kale Dr. Gaboose la waydiiyey su’aal ahayd, Xeerku wuu jiraa oo la iskuma hayo, taa hadaynu dhaafno, arrintiinani muddo ayey soo socotay oo waad ogtahay, ilaa iyo hadana murankii ayaa jira, oo dhinacna u may dhicinoo idinka-na waxaa la leeyahay, marka la eego dhinaca Xukuumada wixiinu sharcimaaha, Maxkamadiina qoraal rasmi ah soo may saarin oo waydinkan arka, wakhtigii doorashaduna way soo dhawdahayoo lix bilood oo keliya ayaa ka hadhay, Maxaad yeelaysaan?

Dr. Gaboose waxa uu su’aashaana kaga jawaabay “Horta dee mida ugu horeysaa waxa ay muujinaysaa in xadhigayagii. arrintan hada, in xadhigayadii gef ahaa, in shuruucdii anagu aanu ku tagnayn.

Madaxweynuhu Golaha ha u soo jawaabo oo ha sheego sababta uu u dhacay [Xeerkaa Ururada ka hadlaya] ee uu wax u dhigay, laakiin tan kale ee ah maxaad yeelaysaan, dee anagu xuquuqdayada ka hadhimayno, dariiq-nabadgelyo ayaanu ku wadnay, kaas ayaanu ku wadaynaa, waxaana noo qorshaysan bishan dhamaadkeeda ama ta kale bilowgeeda in aanu bannaan-baxyo salmi ah, oo dalka oo dhan ka dhaca, oo Ummadu nagu garab istaagto, ee Madaxweynaha looga dalbayo xuquuqdayada in nala siiyo, in aanu dalka oo dhan ka qabano.

Walaalo waxaa-ba tuhun-weyni ka jiraa in doorashadu dhici karto wakhtigeedii. Waayo, Madaxweynaha waxaa la siiyey 5 sano in uu ku qabto doorashii Golaha deegaanka, tiisiina ku qabto, shantii sano wuu ku fashilmay, dambiile weeye, oo Ummadu waxa ay u igmatay oo dhan ayuu khiyaamay. Waxaana uu dambiile ku yahay shuruucdii dalka oo dhan ayuu ku tuntay, doorashadiina waa taa sida uu jiid-jiidayey xilligaa maraysa.

Mar kale waxa la waydiiyey Gudoomiyaha su’aal ahayd; Doorasha Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay dhacayso, wakhitigeena aan maalin lagu darayn aniaga aan la i kordhinayn, sida uu ka sheegay Warbaahinta, markaa maxaad taa ka lee dahay?

Gudoomiyuku waxa uu ku jawaabay “Taasi waxa ay ka dhigan tahay Warshadii Sibidhka ee nala yidhi ‘dhagaxa Madaxweynaha ayaa dhigaya’ Warshadii miyey hir-gashay? Anagu hadaanu nahay Ururka QARAN, ma aaminsanin in doorashadaasi wakhrigeedii ku dhici karto. Waayo sansaantii oo dhan ayaa amaqan.

Mar Gudoomiyaha la waydiiyey in ay doonayaan Xibiyada qaar I ay ku biirayaan iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Maya anagu waxa aanu wadanaa dariiq cad, oo sharci ah. Ummadayadaanuna qalbigeeda iyo maskaxdeeda hananaynaa, Madaxweynuhuna sharciga kama sareeyo, waxaana aanu Mujtamaca Caalamka ka dalbanay ilaa hadana ka sii dalbanaynaa in ay gacan nagu siiyaan, oo doorashooyin aan xor iyo xalaaltoona ahayni haday dalka ka dhacaan wax faa’ido ah u keeni maayaan.

Ummaduna dhawaan waxay shucuurtooda ku soo bandhigi doontaa Waddooyinka. Bannaan-baxyadaas salmiga ah Wasaarada Arriamah Gudaha ayaanu qoraalka u gayn doonaa, dariiqa sharciga ah ayaanu mari doonaa.

Waxa la sii waydiiyey Gudoomiyaha hadii loo diido waxa la gudboonaanaya, waxaana uu ku jawaabay “Sharci noo diidi karaaba ma jiro, Wasaarada Arrimaha Guduhuna ma fasaxdo mudaharaadka ee ogaysiin ayay lee dahay, oo ogaysiintaa ayaanu siinaynaa.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa
















Written by Qarannews.
Feb 06, 2008

Hargeysa(Qaran)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland, Md Xuseen Cali Ducaale [Cawil], ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysamarkii uu muddo laba bilood ah ku maqnaa dalka Kenya,

oo markii dambe dhaawacyo ay u geysteen rag budhcad ahi, oo uu galay cisbitaalka magaalada Nairobi, wasiirku labadii todobaad ee ugu danbeeyay waxa uu ku sugnaa dalka Itoobiya xagaas oo uu ka dhex ololaynaayay shirkii ururka midowga Afrika oo uu ku biiray wafti uu hogaaminaayay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyo wafti isna ka tagay dalka Ingriiska oo uu hogaaminaayay Ambasadoor Dr .Maxamed Aar, kuwaasi oo dhamaantood ka wada qayb qaatay u ololaynta qadiyada Somaliland ee badhtamaha shirkii ay midawga Afrika.

Wasiirka maaliyada Somaliland, waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiiro , xildhgibaano ka tirsan golayaasha Wakiilada, Guurtida, xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga UDUB, salaadiin, saraakiil ka tirsan xukuumada iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa, kuwaasi oo u badanaa dhalinyaro iyo Haween.

Md Xuseen Cali Ducaale, oo markii uu ka soo degay dhabada diyaaradaha oo ay qariyeen kuna soo urureen wasiiradii iyo dadweynihii soo dhaweynayay, ayay u suurtooobi weyday inuu qadar ku nasto qolka VIP-da ee madaarka, waxana loo soo galbiyay gurigiisa magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay mid mid u salaamayeen dadkii soo dhaweeyay, saxaafadana ugu waramay.

Wasiirka oo ka hadlayay xaaladiisa caafimaad iyo dareenkiisa ku wajahan sida loo soo dhaweeyay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aan dalkii ku soo noqday anigoo caafimaad qaba dhibaatadii igu dhacdayna ilaahay caafimaad iga siiyay , maantana dalkaygii ku soo noqday oo aad la ii soo dhaweeyay, taasina ay ii muujisay in aan ahay nin dal leh oo dad iyo toll eh, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa saaxiibadaydii wasiirada iyo Madaxweynaha oo maalin walba ila soo hadli jiray iyo saaxiibadaydii ila soo hadli jiray ee maalin walba caafimaadkayga I waraysan jiray”.

Md Xuseen Cali Ducaale, oo la weydiiyay in ay imika nabaradii sii xanuunayaan iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Boqolkiiba boqol weeye xaaladayda caafimaad nabarkii I gaadhayna waa la I tolay, meeshiina way I bogsatay”.

Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ay jirto in daba gal lagu sameeyay cidii dishay, waxana uu yidhi “CID-da kenya way daba socdeen falkaasi, waxana maalmihii u dambeeyay ay lahaayeen raad ayaanu helay, laakiin waxaad moodaa dalkaasi iyaga laftooda ayaa buuq badan galay, laakiin waxaan filayaa in bishan badhtamaheeda inay wax uun soo saari doonaan”.

“Habeen ayuu ahaa xiligii dhaawacu igu dhacay, waxana ay ahaayeen niman iska hubaysan oo faashash sita ayay ahaayeen, nasiib wanaag markii ay sadex nabar bowdada igaga dhutfeen ayay yaaceen sagaalkoodiiba, waxa dhici lahayd haddii ay sii joogi lahaayeen nabaro ka waaweyn ayay ii geysan lahaayeen”Ayuu intaas ku daray Warsiirka Maaliyadu.

“Aad iyo aad ayaan ilaahay ugu mahad celinayaa sida uu iiga badbaadiyay nimankaasi, maalin walba Nairobo dad baa lagu laynayaa oo duhurka cad ayaa la is laynayaa ”Ayuu raaciyay.

Cawil, oo la weydiiyay inay dhici karto in nimankii nabarada u geystay, ay xidhiidh la lahaayeen dad ku sugan gudaha dalka, waxana uu yidhi “Walaahay ma hayo arrintaasi markaan daacad u hadlo”.

Wasiirka maaliyada oo aan weydiiyay aragtidiisa la xidhiidha urur siyaasadeedka Qaran, oo aan weli xal laga gaadhin, wuu ka gaabsaday arrintaasi, waxa inta uu qoslay si kooban uu u yidhi “Waxaan jeclahay in arrintaasi maanta aanan ka hadlin”.

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Somaliland
Last Updated ( Feb 06, 2008 at 11:26 PM )

Tuesday, February 5, 2008

Hadalka Lama Saarnaadee Taariikhdii SNM In La Masaxo Sababtay ku dhacday Waxaa Soo Koobay Koloneel Mj. Axmed Mire Hadalkana Ku Soo Jara!










Soomaalidu waxay tidhaahdaa hadal nin badiyey ma wada odhan nin yareeyayna kama wada tagin Carabtuna waxay tidhaahdaa khayrul kalaami maa qalla wadalla waana laba odhaahood oo aad isugu macne dhaw. Beryahaan dadku wuxuu soo qorayay halgankii SNM oon wax qaddarina iyo qiimayntoona loo hayn hadday tahay xagga Xukuumadda iyo hadday tahay beelaha Somaliland qaarkood waana arrin aan lagu farxin loona arko inay keeni karto xasaraad ka dhex abuurma dalka dhexdiisa. Qoraaladii dadku ku cabbirayeen ra’yigooda ku aadan tirtiridda taariikhdii SNM ee dugsiyada dalka WAXAA si mugleh u soo koobay runtana ka sheegay Mujaahid Koloneel Axmed Maxamed Mire oo safka hore uga jiri jiray halgankii qadhaadhaa ee dalka lagu xoreeyey oo reebay taariikh aan la halmaami doonin.

Waxaa nasiib darraa in mujtamaceenna intiisa badani aysan ogsoonayn taariikhda iyo faa’idooyinka weyn ee ay u leedahay ku barbaarinta ubadka soo koraya oo mustaqbalka dhaw noqondoona kuwa hoggaamindoona dalkan waana waajib muqadasa in la baro wixii dalkoodu soo maray samo iyo xumaanba, shar iyo khayrba, dhib iyo dheefba, Xukuumad qarqoosha iyo Xukuumad wacnaydba. Taariikhdu waa xusuus reebta wixii ummaddu soo martay in laga been sheegaana waa waddaniyad xumo iyo isku kalsoonaan la’aan aan la doonayn in ummadu ogaato taariikhdii dalkoodu soo maray. Qarinta Xukuumaddu isku dayayso inay ka saarto manhajka waxbarashada iskuulada dalka waa markhaati ma doonto sida ay Xukuumaddu uga xuntahay taariikhdii halyeeyadii SNM oo xoreeyey Somaliland maadaama aysan meelnaba ka soo galayn halgankii xoreynta ee Somaliland-ta cusub.

Inta danaysa Somaliland horumarkeeda ayaa aad ugu riyaaqay waraysigii uu Kayse Axmed Digaale la yeeshay MJ. Axmed Maxamed Mire oo soo koobay dhammaan wixii lagu murmayay labadii asbuuc ee ina dhaafay oo ahaa maxaa manhajkii dugsiyada dhexe looga masaxay halgankii ama taariikhdii SNM. Waa in dadku kala gar qaataan oo caqliga dib loogu noqdaa oo sida uu u yidhi Axmed Mire loo fahmaa inaysan SNM maanta dhiman ee raggeedii bari hore qabri ku rideen aysan ka fiirsan waxa ka imandoona laakiin nasiib darro ay maanta farta dhexda ka qaniinyaan mana jirto meel ku habboon in wajiga la saaro si wixii ina dhaafay looga daba tago hase ahaatee xaalkii wuxuu marayaa oday geeli ba’ay oo geel diday ka badaba daw-dawleh da’duse u dansheegtay oo awoodii shalay uu lahaa aysan soo mari doonin iyo HAYE fudud HAYE habeenkaan lahaabay hubsiimadu habboonayd.

Meeye raggii odhan jiray anigoo wax dili kara duco qaadan mahayee maxaa u diiday inay maanta wax iska baadh baadhaan waa iyagii tolkoodba usoo farabaxsan jiraye. Ma waxay noqdeen sidii wiilkii fulayga ahaa oo aabihi ku yidhi “Aabbow ninka yar iga celi anaa ninka wayn iska celinayee”. Akhristow waxba yaan laga biyodiidin kalmadaha kor ku qoran iyaguba waa taariikh ina soo martay haddaan been la isku maaweelinayn. Miyaadse halmaanteen madaxweynihii lahaa “ We declare a war against Tribe Hebel” kuna yidhi Af-Soomaali, Af-Carabi iyo Af-Ingiriis iyo sidii hore ma nihin oo ah waxaan ku habboonayn nin weynoo sheeganaya mas’uul umadeed inay afkiisa soo marto. Markaa miyeysan mudnayn in la soo qoro taariikhihii ina soo maray oo dhan mid dhaw iyo mid fogba si jiilasha soo socdaa aysan u noqon sideenoo kale iyo qaar ku milmaha qabyaaladda oo noloshu ka xumaato.

Aan soo qaadanno qaar ka mida caalamka jabhadihii soo maray oo dagaallo lagu wiiqday u horseeday dadkoodii, oo dhibtii laga dhaxlay iyo dheeftii ka timid ay dhibtu aad uga badnayd dheeftii laga helay. Aan in yar ka xusno Mujaahidiintii reer AFQAANISTAAN oo muddo dheer dagaal reer galbeedku hiil iyo hooba isla barbartaageen la galay dawladdii Midawga Soofiyeeti oo ahayd quwadda labaad ee dunida ka jirtay muddo qarni ku dhaw laakiin dagaalkii ay ku soo qaaday Afqaanistaan dhammaadkii qarnigii dhammaaday waxay ka dhaxashay burbur ku yimid midnimadii dalkeeda, mid dhaqan-dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dawladdii quwaddaa lahayd ay maanta u kala jajabtay 16 dawladood oon waxba la isaga tidhin waxayna ka baxday saaxaddii siyaasadeed iyo loolankii milatari ee dunida ay ku lahaan jirtay.

Markii dagaalkii dhammaaday oo Ruushkii ka huleelay dalka Afqaanistaan ayaa nasiib darro waxaa dhacday inay mujaahidiintii laftirkoodii qorigii isku soo jeediyeen waxaana ka dhex qarxay dagaal ka ba’an kii ay la galeen midawga Soofiyeeti, cid u miciintana way waayeen. Markay muddo dheer ku jireen xaal cakiran oo ah laa qaaliba walaa maqluuba ayaa waxaa soo baxday quwaddii labaad ee la odhan jiray Daalibaan oo sidii Maxaakiimtii reer Muqdisha mar qura u baacsadeen qabqablayaashii reer Muqdisha ayay Daalibaanna caqta marisay mujaahidiintii reer Afqaanistaan ahaana quwaddii jabisay Midawgii Soofiyeetka.

Miyaad dib u maqasheen qammaamiirtii hore ee Afqaanistaan kala qoqobay sida Axmed Shaah Mascuud, Qulbadiin Xikmatiyaar, Burhaanudiin Rabbaani, Cabdirashiid Dustom iyo qaarkaloo badan, maantana waxaa ka soo dhexbaxay nacamlaha koowaad ee Xamiid Karasaay oon aqoonba MAYA, dilka iyo burburka lagu hayo dalkiisana ugu hambalyeeya Ciidama gaalada ee Afqaanistaan jooga. Waxaan maqli jiray adduunyada ninkii noolaw maxaa aragti kuu laaban ee aan idin waydiiyee xaggay iska shabbahaan Cabdullaahi Yuusuf iyo Xamiid Karasaay!

Reer galbeedku dantii uu ka lahaa dagaalkii Afqaanistaan ku qaaday Ruushka iyo taageerada dhaqaale ee loo fidinayey Mujaahidiintii Afqaanistaan wuxuu ahaa in awoodda millatari iyo ta dhaqaale ee Midawgii Soofiyeeti la wiiqo iyadoon wiil reer galbeedihi ku dhiman, Afqaanistaana waxaa laga dhigtay xaabadii dabka lagu hurinayay oo lagu dan gaaray. Laakiin kii lagu dangaaray markuu u baahnaa hiilkii dhabta ahaa reer galbeedku way isaga dhaqaaqeen waana loo kala baxay Afqaanistaan, ceel gun dheer bayna ku dhacday talona way ku caddaatay, meelay u ciirsadaanna haba sheegin xaalna wuxuu ku noqday xabaal iyo ninkeed loo kala tagyeey.

Abaalkii reer galbeedka ee Afqaanistaan ka sugaysay wuxuu noqday in ummadda intaa le’eg oo muslimiintaa lagu sumado waxaysan ahayn iyo inay tahay hoyga Argagixisada caalamigaa. Xaqiiqdu sidaa maahan ee reer galbeedkaa ku soo tababara ciidamadooda, dalkaana waxaa laga dhigtay meel lagu shiish barto hubkana lagu tijaabiyo oo anaa xaqiiqda dhabtaa idiin og oo u soo taagnaa muran siyaasadeed oo dhexmayay baarlamaanada Noorad Ameerika oo madaxdoodii la soo taagnayd inay tahay fursad dahabiya in ciidamadoodu halkaa u joogaan tababar iyo tijaabinta hubka casrigaa si Teknoolajiyadda Millatari kor loogu qaado.

Aan iyadana wax ka soo qaadanno Jabhaddii reer Eritariya oo muddo 30 sano ka badan dagaal kula jirtay maamulkii Boqor Xayle Salaase iyo kii Mangiste Xayle Maaryam oo labada maamulba inkireen xuquuqdii shacabka Eritariya oo go’doon siyaasadeed lagu soo rogay. Itoobiya siyaasaddii ay ka lahayd inay Eritariya qabsato waxaa ugu waynaa baahida ay u qabto inay hesho MARIN BADEED wax uga soo dagaan. Eritariya waxay ka mid ahayd seddexdii dal ee Talyaanigu gumaysan jiray sida Koofurta Soomaaliya iyo Liibiya oo markii dagaalkii labaad ee dunidu dhammaaday ayaa maamulkii Eritariya Talyaanigu ku wareejay Itoobiya si loo gaarsiisyo xorriyadooda sidii Koofurta Soomaaliya Talyaaniga loogu dhiibay 1950-gii ilaa 1960-gii (TRUSTSHIP) si loo tababaro Soomaaliya sidii ay u hanan lahayd maamulka dawladnimo laakiin nasiib darro Talyaanigii waxaa laga bartay oo qudha musuqmaasuq iyo maafiyanimo ilaa iyo immika ay Koofurta Soomaaliya u caalwayday lana dagi la’dahay.

Nasiib darro waxay dhacday markii Xayle Salaase ku dhawaaqay inay Eritariya ka mid tahay Boqortooyada Itoobiya oo ay galeen marxalad labaad iyo gumaysi madaw oon isku haysan inuu yahay gumaysi laakiin ah ka ugu xun inta wax gumaysata. Shicibka Eritariya ma uu noqon sida OGADEEN oo kale ee waxay go’aansadeen inaysan aqbalin inay ka midnoqdaan dawladda guunkaa ee Itoobiya oo u xaalwayday qoomiyadaha kale ee ku hoos nool waxaana dhaxmaray dagaallo la mida dagaaladii SNM la gashay kaligi-taliyihii Siyaad Barre.

Dagaalkaasi markuu socday muddo dheer ayaa waxaa Mangiste ku kacay JABHAD kale oo Tigreegu soo abaabulay, deetana labadii jabhadood waxaa dhexmaray isgaashaan-buursi milatari iyo mid siyaasadeed ilaa ay xoog ku muquuniyeen maamulkii Kaligi-Taliyihii Mangiste. Labada Jabhadood waxay isku afgarteen in shacabka Eritariya laga qaado AFTI lagu waydiinayo masiirkooda siyaasadeed goob joogna ay ka ahaato qaramada midoobay. Aftidaa Eritaraya waxay ku doortay inay ka hoos baxdo gumaysiga ITOOBIYA lana soo noqoto dhulkeedii hooyo maantana waa dawlad ka mida dawladaha Afrika oo u madaxbannaan qaranimadeeda iyo maamulka dalkeeda. Arrinta Eritariya waxa ka markhaati kacaysaa inaan gobonimo bilaash lagu helin ee dhib loo soo maro.

Waxaa xusid mudan Itoobiya iyo Eritariya inay gacanta ku hayaan raggii madaxda ka ahaan jiray jabhadihii xukumka ka qabsaday Mangiste, meesha SNM ay noqotay AWR reeryadiisii cunay oo iyadu gacmaheeda isku qawracday. Anoon ku sii dheeraanayn dunida wixii jabhado soo maray bal aan ku soo noqdo teennii SNM oo hiil iyo hooba shacabka Somaliland isla barbartaagay meeshay ku dambaysay, maxaase keenay marlabaad inay faqashtii dalka horay u soo rogtay maamulkii gacantooda ku soo noqdo iyagoon wax dagaala ama dhiba u soo marin. Waxaan wali la sii yaabanahay igana dagi la’ shacabkii sidaan ogaa loola dagaalamay oo dhulkoodii hooyo loo qoondeeyey dadkale in lagu beero inay si fudud u halmaamaan wixii soo maray ugana hiiliyaan SNM-tii xoreysay.

SNM waxay soo afjartay maamulkii 21-ka sano sida macangagnimadaa uga talinayay Soomaaliya waxayna ku dhawaaqday inaan la kala aargoosan oo wixii dawladdii Afweyne ummadda kala dhexdhigtay laga heshiiyo gacmahana la isqbsado iyo cafallaahu cammaa salafa. Nabadda Somaliland ku faanto waxaa saldhig u ahaa shirkii beelaha Somaliland wada dagaa isugu yimaadeen Magaalada Burco 1991kii laguna go’aansaday la soo noqodkii madaxbannaanida Somaliland markii laga quustay Koofurta Soomaaliya inaan nabadi ka soo socon.

Gabagabo: Nin baa laga hayaa hubsiimo hal dhan baan siistay ee tolow reer Somaliland ama SNM maxay dhaafsatay ama ku baddalatay himiladii shacabkeeda iyo miro-dhalkii halgankii hubaysnaa oo waxaan dhib ogaa loo soo maray. Waxaa la yidhi caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee raggii SNM wada ahaan jiray oo maanta ku soo ururay Xisbiga Kulmiye oo taageero weyn ka haysta bulsho weynta dalka ku dhaqan MIYEY marlabaad ilduufi doonaan mise wixii ummaddu uga fadhiday oo kol hore dayacmay bay soo celin doonaan ka dib markii lagu hungoobay Xisbiga talada haya (UDUB) oon wali laga arag waxuu ballanqaaday inuu oofiyo. Laga fiican calaacalka iyo maxaa taariikhdii SNM ta loo xusi waayey ee ka midooba inaad meel iska dhigtaan khilaafaadka dhexdiinaa una soo jeesta sidii aad uga faa’idaysan lahaydeen fursaddan dahabigaa oo dalkoo dhan la idiinka hayo.

Waxaa la yidhi talo waa maraad garan wayday iyo maraad gaari wayday ee maanta TALO yay idin seegin, waxaana rajaynayaa in qammaamiirtii SNM ay ku cibro qaadato wixii ku keenay in Xukumkii ay xaqa u lahaayeen gacantooda ka wareego oo kuwo aan taariikh wadaninimo lahayn loogu igmaday taladii dalka deetana ay ku danbeysay nimaan talin jirin hadduu taliyo nimaan tag jirin baa taga oo waataa birmagaydadii SNM jeelka loo dhigay aragtidooda siyaasadeed oo qudha.



Wa billaahi tawfiiq iyo Raxmaankaa mahadleh.

Shueib A. Gaboose

Toronto, Canada

Khilaaf Kala Dhexgalay Axmed-Siilaanyo iyo Dr. Axmed Xuseen Ciise







Written by Qarannews.
Feb 04, 2008 at 04:33 PM

Hargeysa (QRN)
Xoghayaha arrimaha dibedda ee KULMIYE Dr. Axmed Xuseen Ciise, ayaa jawaab ka bixiyey sababta Guddoomiyaha xisbigoodu uga reebay xubnihii ku wehelin lahaa kulankii ay shalay kula yeesheen Hotelka Ambassador Kaaliyaha Xoghayaha Dibedda Arrimaha Afrika u qaabilsan dawladda Maraykanka Ms. Jendayi Frazer.

Dr. Axmed Xuseen oo ka mid ahaa xubnihii markii hore isu soo diyaariyey ka qaygalka kulankaas, balse Guddoomiyuhu ka reebay xubnihii uu markii dambe u soo xushay inay kala qaybgalaan kulanka, kuwaasoo kala ahaa; Md. Axmed Xaaji Cali Caddaani iyo Xuseen Axmed Caydiid.

Haddaba, Dr. Axmed oo Jamhuuriya xalay wax ka waydiiyey sababta arrintan ku timi iyo sida uu shaqsiyan isagu u arko, waxa uu yidhi; “Arrintan [ka reebitaanka Guddoomiyaha xisbiga kaga reebay Dr. Axmed Xuseen Ciise ka qaybgalka kulankii xisbigu shalay la yeeshay Jendayi Frazer] waxba uma arko, Guddoomiyuhu isaga ayaa xaq u leh cidda raacaysa marka uu kulan leeyahay. Aniguna kollay ciil uma qabo la kulanka weftigan Maraykanka ahaa. Bishii Diisamber waanu isaragnay xubno weftigan ka mid ahaa, waana tii aan hore u sii sheegay inuu dhaqdhaqaaq ay wada yeelan doonaan Maraykanka iyo Somaliland dhawaan, tiina waxa muuqata inay dhabooday, waana arrin fiican. Imikana maanta markii aannu kulanay ballan baannu qaadanay inaanu Washington mar kale isku aragno.

Aniga waxa farxad ii ah inay dhabooday saadaashii aan December 21kii ka sheegay VOA kuna qoray jaraa’idka ee ahayd in dawladaha waaweyn isbeddel ka muuqdo siyaasadoodoodii Somaliland.”

Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aannu isku daynay inaannu arrintan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Dhacdadan ayaa ku soo beegantay waqti ay soo fufayaan ifafaalayaal muujinaya kala fiigsanaan siyaasadeed oo ka dhex oogan siyaasiyiinta xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Murug siyaasadeedkaas oo ah mid salka ku haya dhawr arrimood oo ay ugu weyn yihiin arrinta ku saabsan murashaxiinta xisbiga uga qaybgeli doona tartanka doorashada Madaxtooyada ee soo socota iyo tirada ergada ka qaybgalaysa shirweynaha labaad ee KULMIYE oo uu iyana khilaaf weyni ka taagan yahay.

Arrimahan iyo dib-u-dhaca ku yimi shirweynaha 2aad ee xisbiga KULMIYE waxa kale oo iyana barbar socday maqaa

Monday, February 4, 2008

Madaxweyne Riyaale Oo Qaabiley Wufuud Ka Socota Shirkadaha Patroolka Baadha Ee Dalka

Written by Faysal Cabdilaahi
Monday, 04 February 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews).

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wufuud ka socota Shirkadaha Patroolka baadha ee dalka Norway oo booqasho ku jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wefdigaasi waxa ka mid ahaa Shirkadd ka tirsan dalka Norway oo beryahanba ku
hawlanayd baadhista dhulka ay ku jiraan Khayraadka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda
Somaliland , kuwaasi oo ay ugu horeyso Sayliida iyo Gaasta oo ay bad iyo Barriba si
cilmiyaysan ay ugu kuur galayso kana baadhayso dhinaca hawada meelaha loo malaynayo in Saliida iyo Gaastu ku jirto dhulka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu wefdiga uga mahad naqay hawlihii ay tan iyo imika ka soo
qabteen Somaliland oo meel fiican maraya.

Shirkadaasi Norwegian-ka ah ee ku shaqada leh baadhista khayraadka dabiiciga ah waxa la filayaa in ay dhawaan soo saari doonto warbixino ku saabsan xogta ay ka
gaadheen Baadhistooda. Waxa kale oo ka mid ahaa Wefdigaasi Norwegian-ka ah ee uu Madaxweynuhu qaabilay Saaka Khubaro ka tirsan Shirkadaha Saliida Baadha ee dalka Norway oo xidhiidh la leh Shirkadaha waaweyn ee Saliida iyo Gaasta ee wadankooda , kuwaasi oo la filayo in ay iyana si dhakhso ah uga hawl geli doonaan Somaliland marka ay hawlaha ay qaban doonaan ka heshiiyaan iyaga iyo Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland .

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu isla Saaka Qaabilay Wefdi ka socda Hay’adda Loo Yaqaano ‘’SOS‘’ oo Mashaariic dhawr ah ka hir galisay gobollo
iyo degmooyin ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin Magaalada Sheekh , Burco iyo
Magaalada Hargeysa , kuwaasi oo u badan dugsiyo wax lagu barto iyo xarumo caafimaad oo dadka danyarta ah laga taakuleeyo .

Waxa kale oo ay si dhakhso ah u bilaabi doonaan Mashaariic kuwaa la mid ah oo ay ka
hir gelin doonaan Boorame . Madaxweynuhu waxa uu si weyn ugu mahad naqay hawsha wax ku oolka ah ee hay’adda SOS ay a hir galisay Jamhuuriyadda Somaliland , kuwaasi ay ugu weyn tahay Mashaariicda Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ka Codsaday hay’adda SOS in ay dib u bilowdo Dhismihii iyo taabo gelinta dugsigii Farsamada Gacanta ee ku ooli jiray Magaalada Burco, kaasi oo si weyn ay uga faa’iidaysan doonaan Dhalinyarada reer Somaliland marka ay ka qalin jabiyaan dugsigaasi , fursad weyna u heli doona shaqooyinka uu u baahan yahay dalkeenu .


Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge

Sunday, February 3, 2008

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada aay ka bixiyaan arragtida Ururka Qaran iyo waraaq ay hore ugu qoreen








By: Admin on 02/03/08

Jawaabtii Shirgudoonka Wakiillada aay ka bixiyaan arragtida Ururka Qaran

Hoggaanka Urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland si cad uga soo jawaabay waraaq ay hore ugu qoreen, taas oo ay kaga dalbadeen ifitiiminta Xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr. 14.

Hoggaanka sare oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu u xaqiijiyay inuu Xeerkani dhaqan-gal yahay, isla markaana uu shaqaynayo inta xeer laalayaa ka soo daba baxayo. Waxaanay intaa ku dareen in ay Urur ahaan la xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare, ka dibna uu ugu jawaabay in aanay arrinta xeerkani isaga khusaynin, balse ay tahay mid sharci-dejinta dalka u taala.

Ugu horeyn waxa faahfaahin ka bixiyay u jeedada shirka Jaraa’id, Guddoomiye xigeenka koowaad ee Ururka Qaran Maxamed Xaashi Cilmi, oo ka waramay jawaabta shir-gudoonka Wakiilada. Sidoo kale, Qoraal aad u dheer oo uu shirkaa Jaraa’id ka akhriyay Xoghayaha Warfaafinta iyo wacyigelinta Ururka Qaran Eng. Maxamed Jaamac, ayaa waxa ka mid ahaa;

“Dastuurka JSL waxa uu si cad u qeexay in Muwaadiniintu isu abaabuli karaan Ururo-siyaasadeed, xaqaasina waa xaq Dastuuri ah oo lama taabtaan ah. Haddaba, waxa dhacday in xaqaa Dastuuriga ah Xukuumaddu muran galisay oo Madaxweynuhu shir jaraa’id ku sheegay in Xeerka Lr. 14/2000 oo ogolaanaya in Ururada siyaasiga ahi ka qayb-galaan doorashooyinka dawladaha hoose uu yahay xeer Guurtidu burisay, oo uu waxba kama jiraan yahay. Waxana arrintaa lagu xidhay hoggaanka Urur-siyaasadeedka Qaran, laguna xukumay in aanay shanta sannadood ee soo socda siyaasad ka qayb-qaadan Karin (lana dooran Karin, waxna dooran Karin). Si xeerarkan mugdiga la galiyay loo iftiimiyo, waxa Ururka Qaran uu la xidhiidhay jihooyin badan.”

Ururka Qaran waxa ay ku sheegeen qoraalkoodan in Xeerarka iftiiminaya sharcinimada Ururkooda ay caddeeyeen Hay’ado badan oo isugu jira kuwo waddaniya iyo kuwo Caalami ahiba. Qoraalkani isaga oo ka hadlaya qaabkii ay ula xidhiidheen Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo shir guddoonka Wakiilada waxa uu yidhi, “Waxa xusid mudan in Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ah Guddoomiyaha Maxkamada Dastuuriga ah, inuu yidhi, ‘Aniga arrinkani ima khuseeyo ee dabagalka dhaqan-gelinta Xeerarka waxa leh Xeer-dejinta, garsoorkuna wuxuu leeyahay fasiraadda Dastuurka iyo Xeerarka marka qodobo laysku qabto.” Intaa ka dib, ayaa waraaq Qoraal ah oo ay u direen Wakiillada, iyana ay uga soo jawaabeen, ka dib. Waxa Ururka Qaran Shirkoodii Jaraa’id ku sheegeen in iyaga oo ka duulaya Jawaabta Shirguddoonka Wakiillada, uu Ururkoodu yahay mid sharci ah.

Isla markaana uu Xeer Lr. 14/2000 uu yahay Xeer dhaqan-gal. Ururka Qaran qoraalkoodan oo aad u dheeraa waxay wax badan kaga hadleen xaqa muwaadiniintu u leeyihiin furashada Ururro Siyaasadeed, bulsho, shaqo cilmiyeed iyo kuwa la mid ka ah, Xaqa muwaadiniintuna yahay lama taabtaan uu dastuurku u damaanad qaaday. “Haddaba, waxa aanu ku boorinaynaa komishanka doorashooyinka Qaranka inay xilkooda garsoor u gutaan si u siman Xisbiyadda iyo Ururada, sida ku qeexan Xeer 20/2001, Xeer Lr. 14/2000 iyo qodobada dastuurka ee kor ku xusan.

Waxa fiiro gaar ah mudan qodobka Lr. 19 ee Xeer 20/2001, oo ah dhaarta Komsihanka doorashooyinka Qaranka oo ay mid mid dhaartaa hoos ku qoran kaga hor dhaaranayaan Guddoomiyaha Maxkamada Sare; Waxa igu wallaahiya oo igu bilaahiya inaan hawsha doorashada u gudan doono si xilkasnimo, daacadnimo leh. (Inaan dhex u ahaado xibiyada/ururada iyo musharaxiinta, sharciga iyo cadaaladdana aan ku shaqeeyo.) Waxaanu xusuusinaynaa Komishanka doorashooyinka in seddexda Xisbi Qaran ee jiraa ku meel-gaadh yihiin lana siiyay shahaadado ku mudaysan 5 sanno. Sidaa darteed waxa ku waajib ah Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumadda inay danta guud ka horumariyaan danahooda gaarka ah oo xuquuqda muwaadiniinta ee Dastuurka iyo xeerka dalku u jideeyeen ay daryeelaan oo ay ixtiraamaan.” Sidaa waxay ku yidhaahdeen Hoggaanka Qaran Shirka Jaraa’id, waxaanay intaa ku dareen oo ay ku yidhaahdeen, “Ururka Qaran waxa uu ka digayaa ku dhaqan la’aanta Xukuumadda ee dastuurka iyo xeerarka dalka u yaala ee lagu duudsiyaayo xuquuqda muwaadininta maanta nool iyo kuwa dhalan doonaba ay ka waantowdo.

Source goljano

Junday Frazer Oo Socdaal Rasmi Ah Ku Timid Somaliland kana dhooftay galabta














Written by Qarannews.
Feb 03, 2008 at 10:39
Hargeysa(Qarannews)- Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika, Mrs Junday Frazer, ayaa maanta socdaal ku timid Somaliland, waxana ay wada hadalo ay la yeelanaysaa Madaxweynaha somaliland, Md Daahir Rayaale Kaahin iyo shirgudoonada golayaasha baarlamaanka JSL.

Junday Frazer, ayaa socdaalkeedu la xidhiidhaa sii ambo qaadka waxyaabihii ay ku heshiiyeen Madaxweyne Rayaale iyo Weftigii uu hoggaaminayay ay bishii la soo dhaafay ku tageen dalka maraykanka, markaasi oo ay isla qaateen sii xoojinta xidhiidh iyo iskaashi dhex mara Somaliland iyo maraykanka.

Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka, oo la dejiyay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, waxa sida la sheegay ay maanta qado sharaf qasriga madaxtooyada ugu samaynaya Madaxeynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo ay la kulmaysaa madaxda sadexda xisbi qaran.
Jenday Frazer oo qolka VIP-da saxaafada kula hadashay waxa ay ugu horeyn tidhi ‘’Waxaan marka hore ugu hambalyaynayaa Jamhuuriyadda Somaliland nidaamka dimuqraadiga , Nabad gelyada iyo xasiloonida ay dalkeeda ka hir galisay’’.
Jenday Frazer waxa kale oo ay inta raacisay in socdaalkeedan rasmiga ah uu yahay mid sii xoojinaya Xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya Somaliland iyo Maraykanka.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay doorashooyinka ka taageeri doonaan Somaliland.
Mar la waydiiyay arrinta Aqoonsiga waxa ay sheegtay in dawlada Maraykanku ay ku boorinayso dalalka Afrika in ay iyagu arrintaa bilaabaan , anaguna aanu gacan weyn ka gaysan doono sidii Jamhuuriyadda Somaliland u noqon lahayd dal la aqoonsado.
Intaa ka dib , Waxa loo soo qaaday dhinaca Huteelka loogu tallo galay ee Ambasaddor Hotel , halkaasi oo uu Madaxweynuhu qado Kula Yeeshay Frazer iyo Wefdigeeda.
Wefdigan Maraykanka ahi waa kii ugu cuslaa ee yimaada dalka Somaliland tan iyo intii gooni isu taaga Somaliland lagu dhawaaqay .
socdaalkan oo ka dambeeyay socdaalkii Madaxweyne Rayaale iyo wefdi uu hogaaminayay ee horaantii Bishan ku tageen Dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya oo isagu shalay fiidkii booqasho ku yimid dalka, ayaa u sii gogol xaadhayay socdaalka kaaliyaha xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka.


Junday Frazer ayaa galabnimadii isla maanta ka dhooftay garoonka magaalada caasimada ah ee Hargaysa ee- Egail Intaranational Airport xagaasi oo ay ku dhamaysatay wada hadaladii ay la lahayd madaxweynaha Somaliland iyo xukumadiisa
Sample Image.

Wada hadaladaasi oo ay ku weheliyeen qaar ka tirsan golihiisa wasiirada waxyaabaha laga wada hadlay waxa ugu wayanaa xidhiidhka labada dal iyo sidii si joogta ah labada dhan u wada shaqayn lahaayeen, sidoo kale waxa kulankaasi maanta lagaga wada hadlay sidii Somaliland u helilahayd aqoonsi caalami ah oo dhamaystiran.

Dhanka kalena warar ayaa sheegaaya in laga wada hadlay sidii dawlada Maraykanku xafiis uga furan lahayd magaalada Hargaysa iyada oo wakiil u joogo Somaliland dalka Maraykanka, sidoo kale socdaalkani ma noqon doono socdaalkii ugu horeeyay ee ay dawlada Maraykanka madax doodu ku timaado Somaliland, mana noqon doono kii ugu danbeeyay socdaalkan maanta, ee waxa jiri doona xidhiidh booqashooyin ah oo labada dal is waydaarsan doonaan iyada oo madaxweyne Rayaale dhawaan ka soo laabtay dalka Maraykanka sidoo kale waxa ay sheegtay in dawlada Maraykanku ay si toos ah u taagerayso oo ka qayb qaadanayso doorashooyinka dalka ka dhici doona oo ay maal galin doonaan, iyo waxyaabo kale oo ay ka mid tahay amaanka geeska Afrika.

Dhanka kalena warar aanu ka helanay ilo mihiim ah oo ka mid yihiin diblomaasiyiin u dhashay Somaliland ayaa noo xaqiijiyay in uu madaxweyne Rayaale casuumad sharaf ka helay wadamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin oo ka tirsan caalmka, sideedaba tan iyo intii uu madaxweynaha Somaliland ka soo laabtay dalka Maraykanka waxa dalka ku soo qul qulaayay waftiyo kal gadisan oo ka imanaaya caalmak kuwaasi oo isugu jira ganacsato iyo madax ka tirsan caalmka.

Junday Frazer ayaa socdaalkeeda ku tilmaamtay ay maanta ku tagtay Somaliland mid tariikhi ah oo midho dhalay, waxa ay aad ugu mahad naqday xukumada Somaliland iyo shicibkaba sidii ay u soo dhaweeyeen.

Faallo Safarka Xildhibaanada Golaha Wakiilada ay Ingriiska ku Tagayaan













hadhwanaag 2008-02-01 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Shan iyo Toban Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa shalay galabnimadii waxa ay socdaal ugu ambabaxeen Wadanka Boqortooyada Ingiriiska, ka dib markii ay casuumad rasmi ah ka heleen Xildhibaano ka tirsan Baarlamka Ingiriiska.

Safarka Mudanayaashan ayaa waxa uu qayb ka yahay dadaalada ay Jamhuuriyada Somaliland ugu jirto in ay aqoonsi buuxa ka hesho Beesha Caalamka.

Waxaana Mudayaashi ka hor intii aanay wadanka ka dhoofin ay soo saareen War-safaadeed ay kaga hadlayaa ujeeda safarkoodaas iyo cidda ay doonayaan in ay la kulmaan.

War-saxaafadeedkaas oo dhamaystiranina waxa uu u qornaa sidan:

“Safarkani waxa uu guud ahaan ka mid yahay dadaalka aynu dhamaan Shacan iyo dawlab-ba ugu jirno in aynu qadiyadeena ka dhaadhicino Beesha Caalamka. Waxa uu ka mid yahay dadaalada dheeraadka ah ee Golaha Wakiilada la soo doortay ugu jiro ka qayb qaadashada baadi-goobka ictiraafka uu Qarankeenu aadka ugu baahan yahay.

Safarkani waxa uu gaar ahaan daba socdaa safar ay dhawaan dalkeena [Somaliland] ku yimaadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamabka Ingiriiska, kuwaas oo ka mid ah Urur la yidhaahdo All-party Parlimentry Group for Somaliland, oo ka kooban Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanka Ingiriiska, oo tiradoodu hada dhantahay 38 Mudne. Kuwaas oo isu bahaystay meel-marinta qadiyada Somaliland.

Xildhibaanadaa safarka ku yimi Somaliland, waxaa hogaaminayey Mudanaha aynu aadka ugu mahadcelinayno ee magaciisa la yidhaahdo Hon. Alun Michael. Mudanahaas oo aynu dhamaanteen ognahay sidii qiimaha lahayd ee isaga iyo Saaxibadii ay Madaxweynaha Somaliland iyo wefttigiisu markii ay halkaa ku tegeen safarka, sidii ay ugu soo dhaweeyeen Baarlamanka Ingiriiska.

Waxa aanu shirar badan ka dib isla garanay in Golaha Wakiiladu sameeyo Guddi farsamo, oo gaar ahaan la shaqeey Ururkaas APG. Intaas ka dib ayaa Shirgudoonka Goluhu sameeyey Guddidan gaar ah ee magaceedu yahay Cross-party Parliamentry Group (CPG) kana kooban 15 Mudane.

Shir kooban oo dhawaan labada Guddi ay ku yeesheen Aqalka Baarlamaanka Ingiriiska (House of Commons) ayaa la isla gartay in nalagu marti qaado Baarlamaanka Ingiriiska. Halkaas oo aanu kula kulmi doono dhamaan Xubnaha Ururka APG, oo aanu wada qaban doono hawlo badan oo ah danaha Somaliland, haday tahay hawlaha ictiraafka iyo kuwa horumarinta dalkeena.

Waxaa kale oo aanu fursan qaaliga ah uga faa’idaysan doonaa in aanu la kulano Jaaliyadeena joogtar cariga Ingiriiska, oo kaalin lama ilaabaan ah kaga jirta dhismaha Qarankeenan curdinka ah, waxa aanu ku dhiir-gelin doonaa ka qayb qaadashada dardar-gelinta hawlaha iftiraaf raadinta, oo ay mar hore kaalin muhiim ah kaga jireen iyo in shakhsi waliba iska xil saaro, sidii uu qadiyadeena uga dhaadhicin lahaa Beesha Caalamka iyo cidda ama wadanka uu ku nool yahay.

Talo bixin:-

Waxa aanu Madaxweynaha iyo Xukuumadaba ugu baaqaynaa, hadii aanu nahay Golahii Wakiilada ee la soo doortay in si wada jir loogu wada hawl-galo arrinta ictiraaf raadinta iyo ka dhaadhicinta qadiyadeena Bulshada Caalamka. Taas oo aanay cidina xaq gaar ah u lahayd una qaban Karin.

Waxaanu soo jeedinaynaa in dhamaan laamaha dawlada, Xisbiyada Qaranka, Jaaliyada dibada, Ganacsatada dalka iyo Muwaadiniinta aqoonyahanka ah, in laga wada qayb-geliyo ka midho-dhalinta qadiyadeena.

Mahadnaq:-


Waxaanu Mahad gaar ah u celinaynaa marka ugu horaysa shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada, oo taageero iyo dhiiri-gelin nagu siiyey safarkan qaaliga ah ee anynu dhamaanteen illaahay kaga baryayno in uu ka dhigo mid horseeda guulo badan oo aynu tebayno.

Mar labaadka waxaanu mahad gaar ah u celinaynaa Madaxweynayha Jamhuuriyada Somaliland oo gacan-weyn naga siiyey suurto-gelinta safarkan taatiikhiga ah.
Waxaa kale oo iyagana aanu mahad u celinaynaa Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil iyo Telesom, oo iyaguna taageero lama ilaabaan ah naga siiyey hawlahayaga.”

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews Reporter

Hargeysa Somaliland

cabdiheersare01@hotmail.com