Sunday, February 10, 2008

Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa saaka Xafiiskiisa kaga Guddoomay Shahaado Sharaf Ardayda Dibadda

Shahaado sharaf kaga gudoomay Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada reer ee [Somaliland Youth Congress], oo ay xaruntiisu tahay wadanka Suudaan Ibraahim Cabdiraxmaan Sh. Bashiir.

Ururkan [Somaliland Youth Congres], oo ay ku bahoobeen dhalinyaro reer Somaliland ah oo ku kala nool Wadamada, Suudaan, Masar, Pakistan, India iyo Malaysia

Munaasibadii loo sameeyey gudoonsiinta shahaadadaas, oo Madaxweynuhu hadal ka jeediyey ayaa waxa uu ku tilmaamay Ururka dhalinyada ah inay muujiyeen dareen-wadaninimo, “Marka hore waxaan aad iyo aad uga mahadnaqayaa dareenkiinaa wadaninimo ee aad muujiseen, waxaan is-leeyahay anigu [Rayaale] xilkaygii ayuun-baan gudunayey ee wax dheeraad ah horta maan qaban,” ayuu yidhi

“Oo waajib ayey igu ahayd in aan xilkayga guto gudo iyo dibad-ba.” Ayuu yidhi Md Madaxweyne Rayaale,

President Rayaale waxa uu tilmaamay in taariikhda Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ay tahay mid soconaysa, oo aan istaageyn, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Taariikhda Qarankuna [Somaliland] waa mid soo socota, oo soo bilaabantay wakhti fog, socotana ilaa imika, meel ay isku taagaysaana ma jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Waa taariikh socondoonta oo fac-ba fac ka dhaxli doono, ninkasta oo yimaadana waxa laga rabaa inuu wax uun ku daro, kuwii iga horeeyey [Madaxweynayaashii hore] wax bay soo qabteen, anna intayda in aan ku darro weeye, kuwa iga danbeeyana waxa laga rabaa inay iyaguna intooda ku daraan haddii ilaahay ka dhigo”

Madaxweyne Rayaale waxa uu tilmaamay in dhalinyartu labada siyaabood u cabiri karaan dareemada ay aaminsan yiin, “Ragga dhalinyarada ahi-na waxa ay is dheer yihiin, qaar-na waxa ay aaminsan yihiin ayay cabiri karaan, qaar-na way la aamunsan yihiin, waan idinku amaanayaa idinku hadaad go’aansateen in aad cabirtaan waxa aad aaminsan tihiin” ayuu yidhi.

Waxaana Madaxweynunu dhalinyaradaas Ilaahay uga rajeeyey inuu ku guleeyo waxbarashada ay baranayaan, isla markaana ay noqoto mid ay wadanka wax ugu qabtaan.

“Aad iyo aad ayaan idinku amaanayaa sida geesinimada ah ee aad dareenkiina u cabirteen, dhamaana waxaad iga gaadhsiinaysaan dhalinyarada aad wakiilka ka tihiin amaan iyo salaam iyo duco” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale oo la hadlayey ardeyda.

Gudoomiyaha dhalinyarta Somaliland Youth Congress Ibraahim Cabdiraxmaan Sh. Bashiir, oo isna ka hadlayey u jeedada ay Shahaado sharafeedka ugu doorteen inay gudoonsiiyaan waxa uu yidhi.“Runtii waxaa maanta nagu kalifay aanu halkan nimaadno, oo aanu Madxaweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin aan ku gudoonsiino shahaahado sharaf labada arrimood, midi waa arrin Qaran oo ah, in Ummadu marka hogaamiyaashoodu ay sameeyaan waxii ay Ummadu u igmatay wax ka fara badan loogu mahad-naqo. Waxaad moodaa in inta badan Mujtamacu ay ka hadlaan dhaliisha, laakiin waxa haboon in dhiiri-gelini ay jirto.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raciyey “Waxaa muhiim ah in shacbigu Masuuliyiintooda Qaran ku amaanaan waxyaabaha ay sameeyeen, sida marka ay gaabistu u timaadaba ay dhaliishu u timaado, waa waajib qaran”

“Haddii ay Ummadi ka gaabiso in ay Madxdooda ku amaani waayaan waajibka Qaran ee ay samaynayaan, khaladaadka ay ka aamusaan, Ummadaasi waa Ummad burburaysa”ayuu yidhi Ibraahim Cabdiraxmaaan Sh. Bashiir.

“Taasi waxa ay nagu kaliftay in aanu maanta Madxweynaha Somaliland ula nimaadno amaan, iyada oo uu xil-qaran, oo uu Ummad ballaadhan u sido uu xilkii Qaran sidii loogu igmaday uga soo baxay” ayuu yidhi Gudoomiyaha dhalinyarta Somaliland Youth Congress Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir.

Ibraahim Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir waxa uu ku dooday inaanay Shahaadadan uu maanta sidaa ahayn tii ugu horeysay, balse sanadkii hore 2007 inuu Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Yuusuf Yaasin uu Shahaado. Sidoo kale inay Wasiirka Waxbarashada ay Shahaado Gudoonsiiyeen.


Togdheernews

No comments: