Monday, February 25, 2008

Xisbiga Udub oo Qaadacay Magacaabista Xubnaha Komishanka Burco















Written by Qarannews.
Feb 25, 2008 at 06:20 PM

Burco(Qaran)-Maamulka Sare ee Xisbiga Udub ayaa maanta si rasmiya u qaadacay ogolaanshaha xubnaha komishanka qaranka ee Gobalka Togdheer kuwaas oo ay ku dureen xubno aanay isla qaadan xisbiyada qaranka.

Warsaxaafadeed ay maamulka xisbiga Udub ay galabta ka soo saareen xarunta Burco ayaa waxay ku cadeeyeen in gebi ahaanba xubnaha maamul ee komishanka Togdheer ( Heer Gobol/Degmo ) toona aanay ahayn kuwo ay talo ku leeyihiin Magacaabistooda oo ay yihiin koox ay komishanka qaranka u calaamadsanaa.

Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobalka Togdheer Ayaanle Cismaan Ibraahim waxaa uu sheegay in gudiga komishanka qaranku ay diideen talo bixinta ay ka siiyeen Magacaabista kooxdan isla markaana aanay daacad ka noqon doonin siday doorasho xalaali uga qabsoomi lahayd gobalka..

Madaxdan Udub waxay kale oo ay ugu baaqeen komishanka qaranka in dib loo saxo arinta , waxaanay kale oo ay ka dalbeen Maxkamada Degmada Burco inaanay ansixin dhaarinta xubnahan.

Todobaadkan gudihiisa ayaa gudi ka tirsan komishanka qaranka ay soo saareen Magaalada Burco Magacaabista xubnaha Komishanka heeg Gobal/Degmo, kaasi oo ay qoraal ay ka soo saareen arintkan ka dalbaday Maxkamada Degmada Burco in la dhaariyo Xubnahan.

Geesta kalena Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Burco Maxamed Jaamac Cashuur ayaa isaguna qoraal kaga jawaabaya arintan ku hakiyey Dhaarta Xubnaha komishanka taasi oo uu ku sababeeyey inay Maxkamadu sugayso cida loo dhaarinayo.

Warsaxaafadeedkani waxa uu dhignaa sidan

Waxaa dhowaan Gobalka Togdheer xaruntiisa Burco yimid xubno ka socda komishanka qaranka SL, una yimi in ay dhisaan xafiiska komishanka doorashooyinka ee Gobalka Togdheer, iyo Degmada Burco, hadaba xubnaha komishanku waxay la shireen sadexda xisbi qaran masuuliyiintooda Gobalka Togdheer, waxana aanu kawada hadalnay sii loo dhisayo komishankii Gobalka Togdheer, waxanu aanu Xisbi Udub ahaan aanu cadaynaynaa arimahan hoos ku xusan oo aanu u aragnay in komishankii noo yimid ay ku kaceen khalad cad oo ay ku sheegeen in ay magacaabeen xubnihii Heer Gobal iyo Degmo ee komishanka doorashooyinkka Gobalka Togdheer.

Sidaa Awadeed Xisbi Udub ahaan waxaanu Saxaafada Madaxbanaan ku soo bandhigaynaa aragtiyada aanu ka qabno kooxdan la sheegay in loo doortay komishanka doorashooyinka ee Gobalka Togdheer, taasoo ah sidan.

1: Maamulka Xisibiga Udub ee Gobalka Togdheer wuxu cadaynayaa in aanaan ku qanacsanayn kooxdan la sheegay in loo magacaabay komishanka doorashooyinka Gobalka Togdheer, maadaama aan taladooda waxba nalaga siin, lana diiday wixii talo bixin ahaa ee aanu u soo jeedinay xubnaha komishanka qaranka ee kooxdan dhisay, kooxdaasin ay yihiin koox ay jeebka iskaga siteen xubnaha komishanka qaranka ee Gobalka Yimi, iyo Asxaabta mucaaradka ahi maadaama aan anaga waxba nalaga waydiinin.

2: Waxay noogu muuqataa in xubnahan komishanka qaranka ee Gob/ Togdheer yimi aanay daacad ka ahayn sidii ay Gobalka Togdheer iyo guud ahaan dalka J.S.L uga hir galilahayd diiwaan gelinta muwaadiniinta, taasoo carqalad ku noqonaysa sidii doorashadu u qabsoomi lahayd.

3: Waxaanu madaxda komishanka qaranka ugu baaqaynaa in arinkan dib loo saxo, Gobalka Togdheer na loo dhiso dad u qalma in dhex dhexaad u noqdaan asxaabta qaranka, maadaama kooxda lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan asxaabtu isku wada waafaqsanayn, arimahan oo kalena loo baahan yahay in lagu sameeyo taloo loo dhan yahay, lana doorto shakhsiyo lagu kalsoonaan karo xilkoodana gudan kara.

Reported By: Yusuf I Warsame

Ilka case. Burco

No comments: