Monday, February 25, 2008

Burco dood kulul oo dhexmartay Kamooshinka Iyo Waxgaradka Burco













Written by Qarannews.
Feb 24, 2008 at 10:51 PM

Burco (Qaran)-Gudiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa shalay kulan balaadhan xarunta maamulmulka gobolka Togdheer kula yeeshay xubo isugu jiray salaadiinta iyo waxgaradka

Gobolka. Ujeedada Kulankaas oo ahayd mid ay xubnaha Komishanku uga gollahaayeen soo bandhigida qaabka ku talogalka ee diiwaangelinta iyo sida bulshadu afkaartoodu uga dhiiban lahaayeen.

Gudoomiye-ku-xigeenka guddiga komishanka Doorashooyinka qaranka, oo isagu horkacayay xubnaha waftiga, ayaa faahfaahin dheer ka bixiyay ujeedada socdaalkooda, oo uuku tilmaamay mid la xidhiidha sidii dadweynaha loogu soo bandhigi lahaa nidaamka diiwaangalinta, isla markaana loo furi lahaa xafiisyada komishanka Doorashooyinka iyo kuwa diiwaangelinta ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxa kale, oo guddoomiyuhu intaa ku daray in qaabka diiwaangelinta loo samaynayo si sharciga waafaqsan soona ansixiyeen saddexda gole qaran [Guurtida, Wakiiladaiyo Xukuumadu] Madaxweynaha iyo saddexda xisbi-na aqbaleen, iyaguna ay yihiin fuliyayaal, waxaa kaloo uu sheegay in xubnaha waftigoodu ka kooban yahay guurtida, xukuumada iyo xisbiyada, balse ay ka maqan yihiin wakiiladii, sababta aanu u soo kaxaynayna ay tahay inay markhaati ka noqdaan dareenka ay dadweynuha Gobolladu ka bixinayaan.

Guddoomiye-ku-xigeenku, waxa kaloo tilmaamay in guud ahaan goboladu ka siman yihiin labada arimood ee ah sida goobta looga codeynayo iyo wakhtiga ku haboonayn, “Aniga laftigayga ayaa duruqsi ku arkay nin saraareed ahaa oo halkaa ka soo hayaamay,” ayuu yidhi.
Sidoo kale, waxa uu xusay in muddada diiwaangelintu tahay 45 cisho oo loo qorsheeyay 25 cisho foomam buuxinta ah, 5 cishana tiro koobkaa dhacaya, 15 cisho wixii la khalday ama la dhaafay ayaa la saxayaa, isla markaana goobaha codbixinta eeTogdheer-na waa afar boqol iyo dheeraad. Waxa kaloo uu cadeeyay in diiwaangelintu dhaci doonto Bilaha May illaa iyo Juun, oo aanu ugu beegay iyadoo xilligii Guga ah. Haseyeeshee, waxa uu hadalkiisii ku soo koobay “Hadii wakhtigaas roobku baaqsado iska daa diiwaangelin iyo doorasho dhacdee, waxa la galayaa sidii dadka iyo duunyadaba loo badbaadin lahaa.”

Caaqil Xasan dhuux-yare oo ka mida madax-dhaqameedyada Togdheer oo kulankaa ka hadlay, ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto xaalad abaareed oo xumi, dadkiina ay noqdeen, wax tahriibay, wax xadka ka talaabay iyo wax socon kari waayay oo jiifa, markaa gurmad ayaanu maanta idiinka fadhinee maanu filayn tan aad u socotaan.” ayuu yidhi Caaqil Xasan.

Caaqil Xasan dhuux yare, oo arintaa ka maahmaahayaana waxa uu yidhi: “Laba inan ayaa u yimi nin oday ah markaasay ku yidhaahdeen aabayaashayo ka waran, markaasuu ugu jawaabay alle ha u naxariisto abaayashiin, waxa sidaa ka dhigan golyaasheenan qaar fadhiyaan halkan.”

Dayr Maxamed Cilmi, oo ka mid ah Odayaasha gobolka ee kulankaa ka hadlay, ayaa hadalkiisii ku bilaabay “Marka hore yaynaan isdhaafin reer guura raac iyo caruur waa loo kala waramaa ismana arkaan, tiro koobka in uu dhaco oo la qabto musticad ayaanu u nahay, balse ninka tira koobka doonayaa waxa haboon dadka uu ka doonayo ee madaxda u yahay inuu duruufahooda iyo dhibaatooyinkooda ka warhaya.”

Deyr waxa uu intaa ku daray in Abaarta maanta jirtaa ahayn biyo la’aan kaliya, balse uu xaaluf-na u weheliyo maanta ayaad noo timaadeen idinkoo baabuur cadcad wata oo biyo mooyo-saxana sita oo tidhaahdeen maanta ayaan hawsha bilaabaynaa in wakhtigii loo cayimay dastuuriyan gabay dhamaantiin komishan iyo dawladba. Qorshihiinuna maaha mid macquula oo la yeelayo, waxaanna idin leeyahay “Idinkuna dadkaad ka dhalateen dalkana waad u dhalateen ee calooshiina ha eegina ee caqligiina ka shaqaysiiya oo waayaha jira eega.”

Waxa uu intaa raaciyay Mr. Deyr dadku doorasho iyo diwaan galin waa u diyaar ee wakhtiga ku haboon eega, waxad tidhaahdeen bilaha Mey iyo Juun ayay dhacaysaa diwaangalintu, bal haddaba goormay dhacaysaa doorashadii dawladda hoose, waxaannu talo ahaan ugu soo jeediyay xubnaha Komishanka “Waxaad tihiin rag cusub markaa waxa laydinka baahan yahay sidii ragii hore ee ruugcadaaga ahaa hawsha u xasiliyeen ayaa laydinka rabaa.”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali, ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in aanay dadkeenu ahayn kuwii la tira koobi lahaa, sababta oo ah ayuu yidhi: “Waa dad reer guuraa ah oo aan meel loogu soo hagaagayn. Mana aha in aynu ku dayano dimuqraadiyad iyo nidaamka reer galbeedka oo boqalaal sano ka soo gudbeen heerka aynu hada joogno.”

Waxa Suldaan Cismaan kula dardaarmay Komishanka Doorashooyinka in noqdaan xaqsoorayaal u dhexe ah Ummada, “Waxa imandoonta maalin nin walba xisaabtiisa la horkeeni doono, Akhiro iyo aduunyadaba waa la xisaabtami doona ee waxan idin leeyahay foojignaada oo dhowra xaqsoorka iyo masuuliyada idin saran.”

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Xasan, ayaa kulankaa komishanka ka waydiiyay su’aalo ku saabsan mida horaysa in warqadaha aqoosniga dadka la siiyo iyo tirakoobka iyo sida ay suurto gal u tahay in qofka ka diiwaangashan xaafad Burco ku taal aanu uga codeyn karin goob xaafad kale oo Burco ah ku taal.

Komishanka oo ka jawaabayey su’aalaha Suldaan Maxamed Xasan, waxa ay sheegay in dhibaatada codeynta goobuhu ay tahay mid dadka goboladu wada tilmaameen. Haseyeeshee, wada tashi dambe lagu eegi doono, tan kalena ee warqadaha aqoonsiga ku saabsana waa la samaynayaa oo waa mid muhiima.

Doodadahan kulul oo dhexmartay Komishanka doorashada iyo waxgardka Togdheer, ayaa ahayd mid komishanka loogu soo bandhigay arimo badan oo tilmaamaya in la eego duruufaha ku xeeran qabshada tirakoobka, hasayeeshee, waxa kulankaa aad loogu dhaliilay golayaasha guurtida iyo wakiilada oo lagu eedeeyay in ay ansixiyeen qorshe aanay ka fiirsan oo ka baaran degin, taasoo lagu tilmamay kuwa gabay masuuliyadu bulshadu u dooratay.

Kayse Axmed Digaale
Kdigale@yahoo.com
Burco.

No comments: