Monday, February 18, 2008

Hogaanka Urur-siyaasadeedka QARAN iyo Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Is Dhaafsaday Qoraalo Xanbaarsan Jawaabo Cul-culus















(Madaxda Urur Siyaasadeedka Qaran)

hadhwanaag 2008-02-18 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Hogaanka Urur-siyaasadeedka QARAN, ayaa daboolka ka qaaday fadeexad hor leh oo ku saabsan in aan Komishanka doorashooyinka Qaranka lagu dhaarin, dhaartii sharciga ahayd ee loogu talo-galay, iska markaana waxa ay ugu baaqeen Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamada sare iyo Xubnaha Komishanka in ay is-casilaan, maadaama oo ay arrintaa ku lug lee yihiin.

Masuuliyiinta Urur-siyaasadeedka QARAN waxa ay sidaa ku sheegeen shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiskooda magaalada Hargeysa, kaas oo ay kaga hadleen arrino badan oo kala duwan.

Ugu horayn War-saxaafadeed uu halkaaka ka akhriyey xog-hayaha warfaafinta Ururka QARAN Eng. Maxamed Jaamac Axmed, ayaa waxa uu u qornaa sidan:
“Ugu horeyn, Ururka Qaran isaga oo la wadaaga shacabiga Soomaliland, waxa uu bogaadin iyo mahadnaq u dirayaa Beesha Caalamka iyo isbadalka siyaasadeed ee ku wajahan Soomaaliland.

Waxa aanu la qabnaa in ay Somaliland u baahantahay isbadal dimuqraadiya, dhaqaalaha oo hore loo mariyo iyo qorshe laga fiirsaday oo mandaqadda Geeska Afrika ku soo dabaala nabad iyo xasilooni, horumar iyo deris wanaag.

Sidoo kale ayaanu xukuumadda Soomaaliland ugu baaqaynaa in ay u dhega-nuglaato caalamka oo ay la timaado talo iyo qorshe wax-ku-ool ah oo ka tarjumaya arrimahaas.

Iyada oo waaxyaha dawladdeenu aanay isku dheeli-tirnayn, oo xukuumaddeenu u dhaqmayso si macangagnimo ah oo aan xushmaynayn Dastuurka iyo shuruucda dalka, ayuu Uruka Qaran ku baraarujiyay Komishanka Qaranka, in aanay bodjeexin, oo ay ku dhaqmaan shuruucda hor-taala;

• Dastoorkii Qaranka iyo xuquuqda lama taabtaanka ah ee Muwaadinka ee ku xusan Qodobada 22 iyo 23/3.

• Xeerka Nidaaminta Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasadeed Ee Lam 14/2000, oo 8 jeer ku cel-celinaya cidda la nidaaminayaa inay tahay Xisbiyada iyo Ururada Siyaasadeed, doorashada lagu nidaaminayaana tahay ta Dawladaha Hoose oo shantii sanaba mar la qabto.

• Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo Dawladaha Hoose Ee Lam 20/2001, oo isna ku cel-celinaya 18 jeer, cidda ku tartamaysa Doorashada Dawladaha Hoose inay tahay Xisbiyada iyo Ururada.

Jawaabtii aanu ka helnay Komishanku waxa ay noqotay, tan aanu u gudbinayno saxaafadda madaxa banaan. Taas oo ay ka muuqato duudsi iyo indho isku qabad.

Komishankeenu waxa uu guddoonsaday in uu ka garsooro tartan siyaasadeed oo aan loo dhammayn, oo xukuumaddu ku amar-ku-taaglaynayso xuquudii iyo xuriyaadkii muwaadiniinta.

Komishankeenu waxa uu guddoonsaday in uu ku hangalaysto doorashada, oo uu ku socdo lug kali ah iyada oo tii kale u laaban tahay. Su'aashu waxa ay tahay inteebuu ka gaadhi karaa garsoorka, caddaaladda iyo Dimuqraadiyadda?

Hore waxaa inoo soo maray Komishanka oo inagu bilaabay, iyaga oo aan dhaarsanayn, si sharci darro ah, inay soo dhaariyaan xildhibaan laga lahaa muraad gaar ah.

Taasi waxay ahayd talaabadii koowaad ee xagga caddaalad-darida ay u qaadeen. Waxaa xigtay inay macaansadaan dhaarintii qayr sharciga ahyad ee lagu dhaariyay. Iyaga oo og, oo iska indho-tiraya dhaarta ku xusan Xeerkii lagu soo doortay oo ah Xeer Lam 20/2001. Taas oo u dhignayd sidan soo socota:

WAXA IGU WALAAHIYA OO IGU BILAAHIYA INAAN HAWSHA DOORASHADA U GUDAN DOONO SI XILKASNIMO, DAACADNIMO LEH. INAAN DHEX U AHAADO XISBIYADA/URURADA IYO MURASHAXIINTA, SHARCIGA IYO CADAALADNA AAN KU SHAQAYNAYO.



Xeer No. 20/2001, Qodobkiisa 19-aad Xubintiisa 4-aad, waxa ay leedahay sidan:

Komishanku waxay mid mid, dhaarta kor ku xusan, kaga hor dhaaranayaan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare.

Haddaba ma loo hogaansamay sharciga? Jawaabtu waa maya ee si sundululuxis ah, oo indho isku qabad iyo gasariir ah, ayay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ugu dhaariyeen xubnaha Komishanka dhaar kale oo aan khusayn mawduuca, oo u dhignayd sidan;

"WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO".

Waxa aynu ognahay sharcigu in aanu ciyaarta aqoon, oo dhibic keli ahi ay qofka dili karto (a coma can kill a man). Kol haddaan Komishankii sharci lagu dhaarinna ma dhaarsan. Qof kasta oo maankiisa qaba wuu garan karaa, dhaartaas aan sharciga waafaqsanayni waxa ay daarantahay oo ah:

1. In marka la dhaarinayo Komishanka, la qariyo magaca 'URURADA' oo ku xusan dhaarta.

2. In aan dhex loo noqon ururada, xisbiyada iyo murashaxiinta, inta doorashadu socoto. Dhexdhexaad la'aantaas oo immikaba hor-dhaceedii si cad u muuqdo.

Sidaas darteed, Ururka qaran waxa uu ku baaqayaa:

• In ay is-casilaan dhammaan ciddii ka qayb qaadatay khiyaamadaasi, oo kala ah Madaxweynaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xubnaha Komishanka Qaranka.

• In Golayaasha iyo Hayadaha ku shaqada lehi ay daba-galaan arrinkan.

• In Beesha Caalamku sii xoojiso, oo ay ka midho-dhaliso, dhiiri-galinta Dimuqraadiyadda, horumarinta iyo aqoonsiga Somaliland.”

Qoraalkaa jawaab-celinta ah ee uu Komishanku u qoray Ururka siyaasadeedka QARAN, oo ku saxeexnaa Guddoomiyaha komiishanka Maxamed Yuusuf Cabdi, waxa uu u qornaa sidan:

‘Tax-raac qoraakiina ujeedadiisu ahayd xaqa tartanka doorashooyinka, sida lka muuqata cabashada Ururka QARAN, waxa ay ku salaysan tahay Xeer No. 14/2000 ee lagu dhisay Guddiga diwaa-ngelinta Ururada siyaasiga ah iyo ansixinta Axsaabta Qaranka, ayaa hawlihiinuna ku qeexan yihiin.

Wuxuu Guddigu si waafaqsan Xeer No. 14/2000 qodobkiisa 4-aad xubintiisa 11-aad uu siinayaa Ururadii buuxiyey shuruudihii looga baahnaa ogolaansho ku meel gaadha oo uu ku hawl-galo, iyada oo Saddexda Xisbi Qaran ay si waafaqsan isla qodobkaa xubintiisa 11-aad ay yihiin kuwii ku guulaystay Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Dawladaha Hoose, jiritaankooduna uu sharciga waafaqsan yahay Dastuurka Qodobkiisa 9-aad xubintiisa 2-aad.

Wuxuu isla xeerka qodobkiisa 2-aad xarafka (X) uu cadaynayaa in Guddiga ansixintiisa Saddexda Xisbi, ka dibna uu xilka sii haynayo muddo 6 bilood ah, oo manahiisu uu yahay in jiritaankiisa sharci uu noqonayo mid aan jirin.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku, waxa uu u igman yahay maamulka iyo ka garsoorida Doorashooyinka, si waafaqsan dastuurka iyo qodobada Xeer No. 20/2001

Sidaas darteed, Komishanka ma khusayso arrinta Ururka QARAN iyo hawlaha diwaan-gelinta Ururka siyaasiga ah ee uu khuseeyo Xeer No. 14/2000, oo sida aanu qoraalkan ku soo sheegnay uu noqday mid aan shaqaynin Guddigaasi.


S. War-saxaafadeedkinan wax ka muuqata fadeexad hor leh oo maanta soo baxday, oo ah in aan Komishanka Doorashooyinka lagy dhaarin dhaartii ku haboonayd, arrinkani waa maaha mid culus oo maaha mid yar, waxaa wadanka ka jira Xisbiyo sharciya, balse aan arrintan ka warhayn, Sideebaad idinku o gaateen arrintan, oo aanay ku ogaan Xisbiyada Qarabka?

J. Maxamed Cabdi Daa’uud: Waxaanu horta halkan idinku haynaa Cajaladii lagu dhaariyey xubnaha Komishanka, oo maqal ah, iyada o muuq iyo muuqaal ah-na dee magaalada oo dhan ayaa daawanaysay habeenkii la dhaarinayey, aniga [Maxamed Cabdi Daa’uud] lafdayduba waxaan ka mid ahaa dadkaa daawanayey, rag badan oo halkan fadhiyaa dadkii daawanayey ee arkayey ayay ku jiraan. Wax muran iyo dood geli kara maaha.

Waxaa timi in arrintani in ay tahay fadeexad, waa run fadeexad way tahay, kaaliin fadeexadaas marka aad aragto in lagu sii socdo khaladkii, oo lagu sii socdo, dee wax laga aamusi karo way noqon wayday.

Markaa waxa ay noogu muuqataa in aanu aragnay imika in nimankii [Komishanka] durbaba ay bilaabeen hawlo hor leh, oo aad moodo niman aan dhaarsanayn-ba in ay yihiin. Markaa dee waxaanu lee nahay ha la dhaariyo ama ha s casilaan ama wadadii looga warergayey ha looga wareego.


Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.

No comments: