Wednesday, February 6, 2008

Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargeysa
















Written by Qarannews.
Feb 06, 2008

Hargeysa(Qaran)- Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland, Md Xuseen Cali Ducaale [Cawil], ayaa galabta si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysamarkii uu muddo laba bilood ah ku maqnaa dalka Kenya,

oo markii dambe dhaawacyo ay u geysteen rag budhcad ahi, oo uu galay cisbitaalka magaalada Nairobi, wasiirku labadii todobaad ee ugu danbeeyay waxa uu ku sugnaa dalka Itoobiya xagaas oo uu ka dhex ololaynaayay shirkii ururka midowga Afrika oo uu ku biiray wafti uu hogaaminaayay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland iyo wafti isna ka tagay dalka Ingriiska oo uu hogaaminaayay Ambasadoor Dr .Maxamed Aar, kuwaasi oo dhamaantood ka wada qayb qaatay u ololaynta qadiyada Somaliland ee badhtamaha shirkii ay midawga Afrika.

Wasiirka maaliyada Somaliland, waxa madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay wasiiro , xildhgibaano ka tirsan golayaasha Wakiilada, Guurtida, xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga UDUB, salaadiin, saraakiil ka tirsan xukuumada iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa, kuwaasi oo u badanaa dhalinyaro iyo Haween.

Md Xuseen Cali Ducaale, oo markii uu ka soo degay dhabada diyaaradaha oo ay qariyeen kuna soo urureen wasiiradii iyo dadweynihii soo dhaweynayay, ayay u suurtooobi weyday inuu qadar ku nasto qolka VIP-da ee madaarka, waxana loo soo galbiyay gurigiisa magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay mid mid u salaamayeen dadkii soo dhaweeyay, saxaafadana ugu waramay.

Wasiirka oo ka hadlayay xaaladiisa caafimaad iyo dareenkiisa ku wajahan sida loo soo dhaweeyay, ayaa waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay in aan dalkii ku soo noqday anigoo caafimaad qaba dhibaatadii igu dhacdayna ilaahay caafimaad iga siiyay , maantana dalkaygii ku soo noqday oo aad la ii soo dhaweeyay, taasina ay ii muujisay in aan ahay nin dal leh oo dad iyo toll eh, aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa saaxiibadaydii wasiirada iyo Madaxweynaha oo maalin walba ila soo hadli jiray iyo saaxiibadaydii ila soo hadli jiray ee maalin walba caafimaadkayga I waraysan jiray”.

Md Xuseen Cali Ducaale, oo la weydiiyay in ay imika nabaradii sii xanuunayaan iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Boqolkiiba boqol weeye xaaladayda caafimaad nabarkii I gaadhayna waa la I tolay, meeshiina way I bogsatay”.

Wasiirka Maaliyada oo ka jawaabayay su’aal ahayd in ay jirto in daba gal lagu sameeyay cidii dishay, waxana uu yidhi “CID-da kenya way daba socdeen falkaasi, waxana maalmihii u dambeeyay ay lahaayeen raad ayaanu helay, laakiin waxaad moodaa dalkaasi iyaga laftooda ayaa buuq badan galay, laakiin waxaan filayaa in bishan badhtamaheeda inay wax uun soo saari doonaan”.

“Habeen ayuu ahaa xiligii dhaawacu igu dhacay, waxana ay ahaayeen niman iska hubaysan oo faashash sita ayay ahaayeen, nasiib wanaag markii ay sadex nabar bowdada igaga dhutfeen ayay yaaceen sagaalkoodiiba, waxa dhici lahayd haddii ay sii joogi lahaayeen nabaro ka waaweyn ayay ii geysan lahaayeen”Ayuu intaas ku daray Warsiirka Maaliyadu.

“Aad iyo aad ayaan ilaahay ugu mahad celinayaa sida uu iiga badbaadiyay nimankaasi, maalin walba Nairobo dad baa lagu laynayaa oo duhurka cad ayaa la is laynayaa ”Ayuu raaciyay.

Cawil, oo la weydiiyay inay dhici karto in nimankii nabarada u geystay, ay xidhiidh la lahaayeen dad ku sugan gudaha dalka, waxana uu yidhi “Walaahay ma hayo arrintaasi markaan daacad u hadlo”.

Wasiirka maaliyada oo aan weydiiyay aragtidiisa la xidhiidha urur siyaasadeedka Qaran, oo aan weli xal laga gaadhin, wuu ka gaabsaday arrintaasi, waxa inta uu qoslay si kooban uu u yidhi “Waxaan jeclahay in arrintaasi maanta aanan ka hadlin”.

Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Somaliland
Last Updated ( Feb 06, 2008 at 11:26 PM )

No comments: