Wednesday, February 6, 2008

Dr.GAboose:“Madaxweynuhu [Rayaale] dambiile weeye,oo Ummadu waxa ay u igmatay oo dhan ayuu khiyaamay..oo shuruucdii dalka ayuu ku tuntay,“













(Dr. Maxamed Cabdi Gaboose )

hadhwanaag 2008-02-06 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Gudoomiyaha Urur-siyaasaeedka QARAN Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, ayaa shaaca ka qaaday in ay dhamaadka bishan ama horaanta bisha soo socota qaban doonaa mudaharaad ballaadhab Gobolada wadanka oo dhan ka dhici doona, isla markaana waxa uu eedayn dusha uga tuuray Madaxweyne Rayaale, oo uu ku tilamaamay dambiile sharcigii Ummada ku tuntay. Waxaa kaloo walaac ka muujiyey qabsoomida doorashooyinka soo socda.

Dr. Gaboose waxa uu sidaa ku sheegay waraysi dheer oo uu siiyey maanta Idaacada BBC-da Laanteeda Af-soomaaliga ah, waxaana waraysigaa wax lagaga waydiiyey arrimo kala gedisan oo la xidhiidha dhinacyadii ay dacwadooda u gudbiyeen iyo mustaqbla Urur ahaan waxa ay ku talo-jiraan in ay sameeyaan

Waxaana ugu horayn la waydiiyey ilaa hada cidda ay dacwadooda gaadhsiiyeen ee ay u gudbiyeen?

Waxaana uu ku jawaabay “Walaalo kolkii aanu xabsiga ka soo baxnay, Madaxweynaha ayaa waxa uu ku cel-celiyey dhawr-jeer ha u mareen xuquuqdooda iyo Ururkooda-ba waddad sharci ah, kolkaa anaga oo qadarinayna nabada, wada jirka iyo shuruucda dalka. Waxaanu ka bilawnay Gudoomiyaha Maxkadama Sare, oo anaa u tegay, kolkaa waxa uu igu yidhi ‘dacwadiinu waxa ay khusaysaa xeer oo aad ku dacwoonaysaan, kaas oo ah Xeerka 14-aad in uu jiro, in uu nool yahay, in uu dhaqan-gal yahay, markaa golaha kala xidhiidha. Anigu kolkaa Goluhu wax soo saaro ee ay isku khilaafaan Fuinta [Xukuumada] ayuum-baan fasiraadooda leeyahay.’

Markaa waxaanu qoraal ahaan ugu qornay Shirgudoonka Golaha Wakiilada, jawaab qoraal ah, oo aanu jaraa’idka ku faafinay ayay soo qoreen. Jawaabtaasina saddex qodob ayay ka koobnayd, midi waxa weeye in xadhigayagii gef u arkayeen ay-na naga raalgeliyeen.

Talabaad-na waxa ay ahayd xeerkaa Ururada ka hadlayaa, ee Musharaxa gaarka isu tagaya ka hadlaya, ee xuquuqda Xisbiyada ka hadlayaa uu yahay xeer dhaqan-gal ah, oo nool, oo ay khasab ku tahay Madaxweynaha ama Guddiga soorashada ama-ba cid kasta ha ahaatee in dalka lagaga dhaqmo.

Taasi waxa ay burisay markaa, Madaxweynaha oo laba jeer shirjaraa’id qabtay waxa uu yidhi ‘Xeerkaasi [Xeerkaa Ururada ka hadlaya] waxa uu ahaa Xeer mar kaliya loogu talo-galay, oo Dawladihii Hoore ee hore loo isticmaalay, ee aanu dhaqan-gal dambe aanu ahayn.’

Waxaa kaloo Madxweynuhu yidhi ‘Xeerkan waxaa mar dambe buriyey Golaha Guurtida’ taas oo aan iyana caqliga-ba geli-karayn. Waayo Xeer waxaa buriya Xeer kale oo mara Wakiilada, Guurtida iyo Madaxweynaha. Markaa Guurtidu waxaa keliya oo ay burin karaan afkaar cusub oo la damco in lagu kabo xeerka ama laga jaro xeer, taas ayuum bay jari karaan.

Markaa guul-weyn ayaa noo soo hoyotay [QARAN ahaan], Madaxweynaha-na waxaa Ummada oo dhami ka sugaysaa, hadii Golihii sharci-dejintu ay yidhaahdeen ‘Xeerka Ururada ka hadlaya, ee Musharaxa madaxa-banaan ka hadlaya ka hadlayaa waa dhaqan-gal, waa in lagu dhaqmaa. Macnaheeda waxaa loola jeeda eray kasta oo meesha ku qoran, waa amar in la fuliyaa. Waxaana ku dhex qoran ‘Madaxweynuhu isaga ayaa soo magacaabaya Guddiga diwaan-gelinta Ururada, isagaana kala diraya Lix bilood ka dib markay shaqada qabtaan, wax mar keliya shaqaynaya in aanay ahay-na waa loo sheegay.

Guddoomiyaha mar la waydiiyey Maxkadamada sare markii ay tegeen in ay waraaq u geeyeen iyo in ay af ula tegeen, waxa uu ku jawaabay “Markii hore ee inta aan nala xidhin qoraal ayaanu u geynay, qoraalkaana wuu hayaa [Gudoomiyaha Maxkamada sare], jawaabtan oo kale ayuu nasiiyey. Jawaabta uu nayidhina waxa weeyey ‘xeerarka dhaqan-galkooda aniga [Gudoomiyaha M/sare] iyo Maxkadamadan ma khusayso. Anaga waxaa na khuseeya marka ay golayaasha sharciga iyo Fulinta wax ay isku khilaafaan oo keliya, ayaan u xilsaaranhay’.

Guddoomiyaha waxa la sii waydiiyey su’aal ahayd; waxa la isku haystaaba waa tafsiirkii sharciga iyo ereyada ka maqan, ee ma waxaa leh shirgudoonka Golaha Wakiilada mise waxaa leh Maxkamada sare, ilayn Distoorku waxa uu dhigayaa Maxkamada Sare’e?

Waxa uu Gudoomiye Gaboose ku jawaabay “Haayee marka hore, waxa la tafsiiraa wax jira oo nool, xeerkani ma nool yahay? Ma dhaqan-galbaa? Ma sharci dalka amar ay tahay in lagu dhaqmaa? Ka dib-baa erayada iyo waxa la isku hayo la fasiri karaa. Madaxweynuhu waxa uu yidhi Xeerkani maba jiraba, oo wax mar keliya la is ticmaalay ayuu ahaa,’ Gololihii Sharci-dejinta ee sameeyey-na waxa ay yidhaahdeen ‘Wax markeliya la isticmaalay muu ahayne waa xeer jira’.

Waxaa mar kale Dr. Gaboose la waydiiyey su’aal ahayd, Xeerku wuu jiraa oo la iskuma hayo, taa hadaynu dhaafno, arrintiinani muddo ayey soo socotay oo waad ogtahay, ilaa iyo hadana murankii ayaa jira, oo dhinacna u may dhicinoo idinka-na waxaa la leeyahay, marka la eego dhinaca Xukuumada wixiinu sharcimaaha, Maxkamadiina qoraal rasmi ah soo may saarin oo waydinkan arka, wakhtigii doorashaduna way soo dhawdahayoo lix bilood oo keliya ayaa ka hadhay, Maxaad yeelaysaan?

Dr. Gaboose waxa uu su’aashaana kaga jawaabay “Horta dee mida ugu horeysaa waxa ay muujinaysaa in xadhigayagii. arrintan hada, in xadhigayadii gef ahaa, in shuruucdii anagu aanu ku tagnayn.

Madaxweynuhu Golaha ha u soo jawaabo oo ha sheego sababta uu u dhacay [Xeerkaa Ururada ka hadlaya] ee uu wax u dhigay, laakiin tan kale ee ah maxaad yeelaysaan, dee anagu xuquuqdayada ka hadhimayno, dariiq-nabadgelyo ayaanu ku wadnay, kaas ayaanu ku wadaynaa, waxaana noo qorshaysan bishan dhamaadkeeda ama ta kale bilowgeeda in aanu bannaan-baxyo salmi ah, oo dalka oo dhan ka dhaca, oo Ummadu nagu garab istaagto, ee Madaxweynaha looga dalbayo xuquuqdayada in nala siiyo, in aanu dalka oo dhan ka qabano.

Walaalo waxaa-ba tuhun-weyni ka jiraa in doorashadu dhici karto wakhtigeedii. Waayo, Madaxweynaha waxaa la siiyey 5 sano in uu ku qabto doorashii Golaha deegaanka, tiisiina ku qabto, shantii sano wuu ku fashilmay, dambiile weeye, oo Ummadu waxa ay u igmatay oo dhan ayuu khiyaamay. Waxaana uu dambiile ku yahay shuruucdii dalka oo dhan ayuu ku tuntay, doorashadiina waa taa sida uu jiid-jiidayey xilligaa maraysa.

Mar kale waxa la waydiiyey Gudoomiyaha su’aal ahayd; Doorasha Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay dhacayso, wakhitigeena aan maalin lagu darayn aniaga aan la i kordhinayn, sida uu ka sheegay Warbaahinta, markaa maxaad taa ka lee dahay?

Gudoomiyuku waxa uu ku jawaabay “Taasi waxa ay ka dhigan tahay Warshadii Sibidhka ee nala yidhi ‘dhagaxa Madaxweynaha ayaa dhigaya’ Warshadii miyey hir-gashay? Anagu hadaanu nahay Ururka QARAN, ma aaminsanin in doorashadaasi wakhrigeedii ku dhici karto. Waayo sansaantii oo dhan ayaa amaqan.

Mar Gudoomiyaha la waydiiyey in ay doonayaan Xibiyada qaar I ay ku biirayaan iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Maya anagu waxa aanu wadanaa dariiq cad, oo sharci ah. Ummadayadaanuna qalbigeeda iyo maskaxdeeda hananaynaa, Madaxweynuhuna sharciga kama sareeyo, waxaana aanu Mujtamaca Caalamka ka dalbanay ilaa hadana ka sii dalbanaynaa in ay gacan nagu siiyaan, oo doorashooyin aan xor iyo xalaaltoona ahayni haday dalka ka dhacaan wax faa’ido ah u keeni maayaan.

Ummaduna dhawaan waxay shucuurtooda ku soo bandhigi doontaa Waddooyinka. Bannaan-baxyadaas salmiga ah Wasaarada Arriamah Gudaha ayaanu qoraalka u gayn doonaa, dariiqa sharciga ah ayaanu mari doonaa.

Waxa la sii waydiiyey Gudoomiyaha hadii loo diido waxa la gudboonaanaya, waxaana uu ku jawaabay “Sharci noo diidi karaaba ma jiro, Wasaarada Arrimaha Guduhuna ma fasaxdo mudaharaadka ee ogaysiin ayay lee dahay, oo ogaysiintaa ayaanu siinaynaa.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.

No comments: