Wednesday, February 13, 2008

Madaxweyne Rayaale Oo Wasaarada Waxbarashada Ku Wargeliyey Inay qorshahooda Ku Darsadaan in dalka Laga Hirgeliyo Dugsiyadii Farsamada Gacanta

















(Madaxweyne Riyaale )

Hadhwanaag 2008-02-12
Hadhwanaagnews Hargeysa-(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku war-geliyey Wasaarada Waxbarashada inay mustaqbalka dhow culeyska saarto sidii wadanka uga hirgelin lahayd dhismaha dugsiyadii farsamada gacanta, si marka ay ardeydu dhameystaan dugsiyada dhexe ay u shaqatagaan.Isla markaana loo dhimo culeyska iyo xadiga ardeyda dugsiyada Sare.

Sida waxa uu Madaxweynuhu ka sheegay Munaasibad uu maanta xadhiga kaga jaray Xafiisyo Cusub oo loo dhisay Wasaarada Waxbarashada loo iyo Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali

Xafaladii loo sameeyey xadhig-jarka xafiisyadaa cusub, waxa ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Masuuliyiinta, Macalimiinta iyo hawl-wadeenada Wasaarada waxbarashada.

Madaxweyne Rayaale oo Xafladaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Marka u horaysa waxaan amaan u soo jeedinayaa Bahda Waxbarasha Wasiir ilaa Macalin, iyo dhamaan inta ka shaqaysa waxbarashada dalkan [Somaliland], oo aan is-leeyahay meesha ay ka soo bilaabeen iyo meesha ay marinayaan,”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Waa meel lagu faani karo horumar badan-na way ku talaabsadeen.”

I“Waxaan idiin sheegayaa markasta oo aan dibada tago oo aan cid la kulmo, horta labada wax ee aan laga hadlin waxa weeyaan, in aynu Caalamka kala hadalno waa Waxbarashada iyo Caafimaadka” ayuu yidhi President Rayaale

Madaxweyne Rayaale waxa uu tilmaamay in Wasaarada waxbrashada looga baahan yahay sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen tababarada iyo Koorasyada kala duwan ee lagu hormarinayo heerarka aqoonta macalimiinta iyo dadka kale ee Bahda waxbarasha.

Md. Rayaale waxa kale oo uu sheegay inay waxbarashada Somaliland wax badani qabsoomeen, isla markaana ay wax badani ka dhiman yihiin.

Mar uu Madaxweyne Rayaale la hadlayey Wasaarada Waxbarashada, waxa uu kula dardaarmay oo uu yidhi “Dar-daarankayga waxaan ka dhigi lahaa Dugsiga Farsamada Gacanta in xooga la saaro mustaqbalka dhaw, Markay Dugsiga dhexe ka baxaan Inamadu inay bartaan xirfada, si ay markaaba u shaqatagaan.”

“Waayo kuligeen Dugsi sare kama wada bixi karno, oo ma wada noqon karno Macalimiin ama Karaaniyaal. Markaa kuwaasna waa in aad qorshihiina ku darsataan, meelo badan oo aan kaga hadalnay-na way jiraan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey“Waxaan ogahay, horta Machadkii Burco qolo la raagtay ayaa jirta, oo waa SOS waana ay dhisayaan hadii Ilaahay ka dhigo”.

Waxaana Madaxweynuhu hadalkiisii ku soo afmeeray, oo uu yidhi “Waxaan idiin rajaynayaa maanta, hadal badan halkani uma baahna, oo ana farxadaa waxa idiin kordhay ayaan idinkala qaybgalay iyo Xafiisyadaa idiin kordhay, waxaanan idiin rajaynayaa in kuwo kalena kordhaan mustaqbalka.”

Wasiiru-dawlaha Wasaarada Waxbarashada Md Maxamuud Garaad Maxamed, oo isna xafladaa xadhiga lagaga jarayey xafiisyadaa cusub ka hadlay, waxa uu yidhi.“Mudane Madaxweyne aad iyo aad baan kuugu mahadnaqaynaa, aniga oo ka wakiil ah Wasaarada Waxbarashada iyo bahda waxbarashada.”

“Runtii waxaanu anagu dareesan-nahay, oo aanu isku xogaysanay, iskuna xan-sanay in aad u dhega-nugushahay Waxbarashada” ayuu intaasi raaciyey Wasiiru-dawluhu.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Wax allaale iyo wixii ay waxbarashadu kaaga baahatana aad si degdeg ah markiiba gacan uga bixiso, waa arrin run ah oo aanu isku xansan-nay.”

“Waxaa kale oo xusid muddan tusaalahaagii ahaa waar dal walba horumarkiisa waxaa laga qiimeeyaa heerkiisa waxbarasho, dardaarankii sidaa ahaa, runtii waxaan is-leeyahay meel fiican ayuu marayaa, oo illaa shantaa sanno meel walba waxaa kordhay 78% ayaa ugu yar. Markaa Md Madxweyne aad iyo aad baanu kugu mahadnaqaynaa oo aanu ku soo dhawaynaynaa.” Ayuu yidhi Maxamuud Garaad Maxamed.

“Aniga oo ka Wakiil ah Bahweynta Waxbarashada, waxaanu kugu hanbalyeynaynaa guulaha aynu gaadhnay ee arrimaha dibada iyo siyaasada dibada ee Xukuumada aad hogaaminaysaa gaadhay iyo ta gudaha,” ayuu yidhi Wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Taas oo maanta la odhan karo Somaliland way dhan tahay, oo la odhan karo Adduunkiina yoolkeenii waxa aynu u jirnaa heer aqoonsi.”

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale xadhiga ka jiray dhimse lagu kordhiyey Dusiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali, oo loogu talo-galay in ay noqoto xarun Macalimiinta Iskuulka wax ka dhigaan ay wax ku diyaarsadaan.

Waxaa kale oo Madaxweynuhu uu kormeer ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egak International Airpot ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo uu ugu kuur-galayay geedi-socodka adeega iyo hawlada Madaarka, ka dib markii ay maalmahan-ba soo ifbaxayeen khilaafaad cakiran oo beryahaa soo kala dhex-galay Masuuliyiinta Wasaarada Duulista iyo Hawada iyo Madaxda Hay’ada ICAO, ku shaqayn jirtay Madaarada Somaliland.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.

No comments: