Tuesday, March 25, 2008

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xeerkii Maal-gashiga Ku Ansixiyay Habkii Xukuumadu U Soo Dhigtay

Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews.
Mar 25, 2008.


Hargeysa(Qaran).
Golaha wakiilada Somaliland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku taageeray Xeerkii Maal-gashiga oo qodobo ka mid ah Madaxweyanaha Somaliland dib ugu soo celiyay, ka dib markii uu sheegay inay ka hor imanayaan shuruucda dalka.

Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada oo uu gudoominayay gudoomiyaha aqalkaasi, Md C/raxmaan maxamed Cabdilaahi, ayaa golahu u codeeyay laba qodob oo ku jiray xeerkii maalgashiga oo Madaxweyne Rayaale soo jeediyay in wax laga bedelo kuwaasi oo kala ahaa qodobada 5-aad iyo 13-aad ee xeerkaasi.


28 Mudane ayaa taageeray in sidii madaxweynuhu soo jeediyay lagu ansixiyo Qodobka 5-aad ee xeerka maal gashiga, oo ahayd in cashuur dhaaf loo sameeyo shirkadaha wadaniga ah ee maal gashaynaya dalka, isla markaana uu codsaday in laga saaro in wax cashuur dhaaf ah loo sameeyo shirkadaha shisheeye, ee doonaya inay maal gelin ku sameeyaan Somaliland, oo xeerka hore ugu xusnaa.

13 Xildhibaan ayaa ka aamusay, halka 1 Mudane uu taageeray in qodobkaasi lagu daayo sidiisii hore.

Sidoo kale, waxa golahu u codeeyay qodobka 13-aad ee xeerkan oo 35 Mudane ay taageereen sidii Madaxweynuhu u soo dhigay, halka 6 Mudane ka aamuseen gudoomiyuhuna aanu codayn. Qodobkaasina waxa uu la xidhiidhay Wasaaradaha ka shaqaynaya dhinaca maalgashiga.


Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa

Salaadiinta iyo Baaqa Gurmadka Abaaraha oo sii xoogaysanaya

Oodwayne.blogspot
March 25, 2008
Source:(Hadhwanaagnews)

Hargeysa-(HWN):- Qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa maanta baaq-qaylo dhaan ah oo ka dhana aabaraha wadanka saameeyey u soo jeediyey Xukuumada Somaliland iyo Hay’adaha caalamiga ah, isla markaana waxay sheegeen in ay cuduro soo foodsaareen xoolaha, loona baahan yahay in si degdega loogu gurmado dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Sida waxay Salaadiintu ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotel Emperial Magaalada ee Hargeysa

Salaadiintan oo dhamaa Lix suldaan oo ay magacyadoodu kala yihiin: Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, Suldaan Bare Xaaji Xuseen, Suldaan Axmed Cabdiqaadir, Boqor Cali xuseen Kaahin iyo Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in shirkan jaraa’id uu daaranyahay baaq abaareed oo ka dhan ah sidii wax looga qaban lahaa abaarahaas ba’an ee saameeyey shacabka reer Somaliland, ee ku nool meelaha Miyiga ah.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inay dadkii ay samaayeen abaaruhu ay u baahan yihiin gurmad deg-deg ah. “Dadku waxa uu u baahan yahay gurmad degdeg ah, oo aan sii eegasho lahayn, anigu waxaan soo maray deegaamo badan oo ka mid ah Degmooyinka Balli-gubadle iyo Salaxlay, dadkaas dhibaatooyin fara badan ayaa haysta.” Ayuu yidhi

Isaga hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Xoolaha kuwooda Gees layda ah iyo Geeluba xanuun ayaa ku jira, oo waxaan odhan lahaa Wasaarada Caafimaadka halkaa ha ka hawl-gasho, ciddii awood u haysa ee wax ka tari kartaana, wixii ay ka gaysan karto ha ka gaysato.”

Suldaanku waxa uu ku baaqay in loo gumado dadkaas, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “Dadkaana waxaan odhanayaa ha loo gurmado oo si dhab ah ha loogu gurmado, waa Ummadeenii oo masuuliyiin ayaynu ka nahay.”

Suldaan Bare Xaaji Xuseen, oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “ Horta wax la baryo, oo gacantiisa lagu dhergo Illahay-baa jira, oo baryo beni’aadam waxba ma tarto, Hay’ado Gaalo ah ama Muslima oo wax ku siiyaana waxba ma taraan, horta ilaahaybaa wax taree, waxa aynu ilaahay ka baryeynaa in uu ka soo furto ummadeenaa iyo Xoolaheenaa dhibaataysan, Oonkaa [haraadkaa] iyo cudurkaa la sheegay.”

Suldaanku waxa uu ugu baaqay dhamaan dadka reer Somaliland in loo hawl-galo sidii dadkaa abaaruhu samaayeen wax loogu qaban lahaa, “Cidda wax la waydiinayaa Maanta waa innaga, oo waa dadka Somaliland jooga, haday yihiin Taajir, fiqiir iyo wixii maanta wax haysta-ba ee awoodi karaya, Galaan biyo ah oo la bixiyaa wax buu tarayaa, dheglay biyo ahi waxbay taraysaa, Booyad-na iyada hadalkeedaba daa.”

Isaga oo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi “Waxa weeyaan dadkeenii Bari iyo Galbeedba abaar kulul ayey ka siman yihiin, caalamkana in badan ayaa inala qabta. Hadana hadaan la’isku tashan, oo aan wax la is-waydiin, oo aan la hubin wax-ba socon maayaan.”

“Walaalkaa kolkuu dhinto dee maydkiisu waxba kuu tarimaayoo cuni maysid, oo inta uu nool yahay ayuu wax kuu yahay. Kolkaa ilaahay wuu isku keen eegayaaye, waxaa la inaga doonayaa isu naxariisasho iyo sii Islaamnimo, tii jaarnimo, tii walaalnimo, tii wada-dhalasho, Xukuumad iyo Shacab-ba, meel la joogaba in gacmaha la is-qabsado, in gurmad degdeg ah la sameeyo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Bare Xaaji Xuseen.

Waxaa Suldaanku uu ku gubaabiyey dhamaan Shacab-weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay u gurmadaan, oo ay biyo iyo wixii kale ee loo helaya-ba la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu samaayeen.

“Markaa walaaloyaal waxa aynu u baahan-nahay in aynu isku tashano, oo aynu abaabul samayno, oo dooda iyo halka siyaasada lagaga dheelayo ee la isku riix-riixayo inta laga saaro, la yidhaahdo maxaynu badbaadin karnaa? Kii balwad lahaa, uu balwaddiisa u huro, kii saddex jeer wax cunayey uu labo jeer dhaafo, kii nusa-saaciisa haystay, uu nusu-saacihiisa u huro.” Ayuu yidhi Suldaan Bare Bare Xaaji Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa weeye ummadeenu maanta gurmad xaqiiqa, oo cilmiyaysan, oo Xukuumad iyo shacab-ba la isku maran yahay, in aynu samayno ayaa loo baahan yahay. Waxa dhibayaana waxa weeyaan dadkeenii Miyiga oo maanta meel halis ah maray.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Suldaan Axmed Daahir, oo ku baaqay gumad abaareed oo deg-deg, waxaanu yidhi “Waxaanu si aad iyo aad ah oo weliba degdega u codsanaynaa in abaarahaas laga hawl-galo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaa la yidhi col iyo abaar midkeebaa saamayn xun? Waxaa la yidhi colku wuxuum-buu reebaa, oo cid ayuun-buu la ku dhacaa, laakiin waxaa ka xun Abaarta, oo iyadu wax-ba ma dhaafto.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, oo uu yidhi “Waxaa wadankeena ka jirta Abaar baahsan, oo aan dhinacna ahayn, oo Somaliland ku baahsan Abaartan ayuun-baa jirta. Xaga ilaahay ayuum-baa loola ciirsan, oo illaahay ayuum-baa caawa gaajada iyo dhibaatada saari kara.”


“Laakiin wuxuun-baa loo baahan yahay intii awoodeena ah in aynu gurmado, oo wax ka qabano intii awoodeena ah” ayuu yidhi i Suldaan Axmed Daahir.


Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Boqor Cali Xuseen iyo Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil oo iyagu iska daba maray sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaruhu, isla markaana ugu baaqay Shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba sidii ay gacan gurmad loola soo gaadhi lahaa dadkaasi.

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

Xildhibaan Waabeeyo oo Maanta si Buuxda u Taageeray Magacaabista Gobolka Oodweyne

Oodwayne.blogspot.com
Written by Qarannews.
Mar 24, 2008

London,(Qarannews)-Xildhibaan Maxamed Xaji Yusuf (Wabeeyo), ayaa si diiran u soo dhaweeyay magacaabista loo magacaabay degmadii Oodweyne in ay noqoto gobol ka mid ah gobolada Jamhuuriyada Somaliland, xildhibaanka oo warbixin kooban siiyay saxaafda isaga oo ku sugan magaalda London ee dalka Ingriiska xagaasi oo uu dhawaan u yimid hawlo shaqo ayaa waxa uu warbixintiisaasi oo kooban ku sheegay in degmada Oodweyne oo mudo dheer ku hamiyaysay ama doonaysay in ay noqoto gobol ka mid ah gobolada Somaliland ay tahay guul u soo hoyatay gobolka Oodweyne iyo dhamaan dalka oo dhan.

Xildhibaanku wax uu aad ugu dheeraaday qiimaha iyo tariikhda gobolka Oodweyne oo uu sheegay in uu yahay gobol udub dhexaad u ah gobolada dalka oo dhan isla markaasina uu gobolku uu leeyhayay khayraad farobadan iyo dadweyne aad u tiro badan, waxa uu sheegay in gobolka Oodweyne uu Ilahay ku manaystay xoolaha nool iyo beero noockastaba leh.

Mudane Wabeeyo waxa uu ku booriyay dadweyanah gobolka Oodweyne siiba maamulka in ay la yimaadaan dadaal iyo karti lagu hore marinaayo gobolka, waxa uu sheegay in ayna ahayn in ayna dadka gobolku is dhiganin ee waa in ay la yimaadaan dadaal iyo karti dheeraad ah oo gobolka qaybihiisa kala duwan wax soosaarkiisa ay u muujin lahaayeen iyaga oo la kaashanaaya maamulka iyo madaxda gobolka iyo xukumadaba, mana aha ayuu yidhi in inta dib loo fadhiisto la yidhaa gobol ayaanu helnay, ee waxa inoo taala ayuu yidhi wax qabad iyo dadaal, waxa uu sidoo kale uu xusay in ayna gobolnimadu ayna noqon mid afka oo qudhaata ah ee ay yeelato qiimihii iyo wax qabadkii iyo awoodihii uu gobol lahaan jiray.

Maxamed Xaji Yusuf (Wabeeyo) waa xildhibaan ka mid ah xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland isla markaasna waa xildhibaanka kaliye ee xisbiga Kulmiye uga soo baxay degmadii la odhan jiray Oodweyne, xildhibaanka oo hada ku sii jeeda Somaliland ayaa waxa uu ka mid ahaa xildhibaano dhawaaan lagu marti qaaday Barlamaanka dalka Ingriiska xagaasi oo ay kulmao iyo wada hadalo kula qaateen xildhibaada dhigoodaha ah ee dalka Ingriiska iyo Walashka, tageeristiisan uu hada taageeraayo Gobolka Odweyne ayaa waxa ay ka danbaysay markii uu shalay madaxweynaha Somaliland uu ku dhawaaqay Lixda gobol iyo 16ka degmo oo cusub oo ay ka mid tahay Degmadii Oodweyne oo hada noqotay gobolka Oodweyne.



Qarannews
London

Awrka DAMBE Awrka HORE SAAN QAADKIISUU LEEYAHAY!

Oodwayne.blogspot.com
March 25, 2008
Waxaa Qoray: Shucayb Cabdi gaboose

Waxaan ku soo halqabsanayaa maahmaahdan aan cinwaanka uga dhigay maqaalkan aan doonayo inaan kaga hadlo aragtiday ku wajahan meelahay iska shabbahaan ama ay isaga egyihiin dawladda Somaliland ka talisay iyo dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya ka talinaysay muddadii u dhaxaysay 1969-kii ilaa 1991-kii oo la burburtay waxay iyadu gacmaheeda ku kasbatay ama ha noqto gafay Alle ka gashay ama gafkii iyo caddaalad darradii ay shacabka Soomaaliyeed ka gashay kaasoo keenay dhibta iyo isqabqabsiga ka taagan guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oon wali loo helin cid xikmad rabbaaniya iyo caqli xanbaarsan oo kala gurta ummadan madaxa isla gashay oo la moodo sidii kooxda Mareykanka ee ciyaarta fuutboolka oo intay isbuurtaan oo foodda isdaraan uu midi kala dhexbixi jiray kubbaddii lagu tartamayay.

Aan u soo noqdo xikmadda ku hoos duugan cinwaanka sare oo ah awrka dambe awrka hore saan qaadkiisuu leeyahy. Sda aynnu ogsoonahay Soomaalidu waxay u badan tahay dad reer guuraaya oo dhaqda xoolaha miyiga markaa waxay ku soo halqabsadaan hadba xoolaha ay dhaqdaan nooca uu yahay. Markaa Maahmaahdani waxay sheegaysaa awrta isku xidhiidhsan oo dhaanka loo isticmaalo in awrka hore hadba siduu u tillaabso ay kuwa ku daba xidhani ula talaabsadaan oo hadduu dheereeyana way la dheereeyaan haduu gaabiyana way la gaabiyaan.

Ninka awrta kala yaqaan wuxuu ugu horreysiiyaa awr aad u dheereeya oo hayina jecelna inuu si dhakhso leh u gaadho meeshii looga furi lahaa haamaha saaran ee biyeysan ee uu culayskooda la daalaadhacayo. Inta badan hoggaankiisa waa loo siidaayaa oo waa awr aad u yaqaan meesha uu u socdo haddii nin hoggaanka u qabtana lugtuu uga joogsadaa oo ma jecla in la horgalo oo sidii diyaarad auto-piolot ku socota ayuu ku joogsadaa halka reerku daganyahay waxaadna moodaa inuu ogyahay inay sugayaan dad ooman oo micisa oo ka biyo sugayay.

Haddaba haddaynu ka eegno dhinaca kale ee xagga dawladnimada iyana waa sidaa si la mida oo haddii ummadda uu hoggaamiyo nin daacada oo ku dhaqma dasturka iyo sharciga dalka u yaal oon khiyaamin hantida qaranka waxaa hubaala markuu xukumka ka dago ninka baddalidoonaa in uusan ka liidandoonin oo uu ku tallaabsandoono sidii kii ka horreyey oo hayinka biyo ma daadshaha ah u ahaa dadkiisa laakiin haddiise uu ka horreyo inkaar qabe la mida inkaar qabyaasha ina rogay waa xaqiiq inay ummaddaasi lumidoonto oo rafaad iyo horumar la’aan ay is waheshandoonaan.
Miyaan la odhan karin dawladda Somaliland maanta xukumtaa waxay qaadatay dariiqii uu ku jabay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa kala qaybi beelaha oo qoladii kuu timaadaba ku sasab gobol baan idin siiyey oo waxaan idinka xoreeyey reer hebel ee sidaa ku ayida tawradda barakaysan waana la wada ogyahay halkay ina dhigtay tawrad ku sheegtii.

Maanta iyadoo ay jirto dhaqaale darro, sicir barar iyo shaqo-la’aan ku baahday dalka oo aan loo hayn wax lagu maamulo dalka guud ahaanba maxaa ku kalillfay madaxweynahu inuu 6 gobol iyo 16 koodii degmo mar qudha magacaabo tiyo kuwii ka horeeyeyba aan loo hayn dhaqaale wax loogu qabto ama adeegii hooseba loo la’yahay taasi miyeysan ka dhignayn habartii la kici wayday xaabada dhabarka loo saaray oo tidhi in kale iigu soo dara iyo timirtii horeba dab loo waa. Somaliland ma awoodo inay mar qudha laba kaclayso oo isku soo daroo degmooyinkii iyo gobolladoodii hore oo isku ahaa 20 in mar kaliya 20 kale dusha laga saaro. Anigu waxaan u arkaa riwaayaddii awkoombe iyo tiyaatarkii Xamar oo wax beena dadweynaha lagu maaweelin jiray iyadoo loogu heesi jiray dadweynahaan maaweelinaa danta u hagnaa.

Dalku malahan hay’ad soo darista waxyaaba ay gobolladu u baanyihiin oo qasab ku ah dawladda dhexe inay wax ka qabato ee waa meel aan lahayn nidaam qorshaysan oo si caqliyeysan loogu fakaro danta guud waxayna u muuqataa laga baray laga badi iyo nidaamkii qabyaaladda ku dhisnaa ee laga dhaxlay Siyaad Barre. Markaa miyaysan ummadani waligeedba ka ilbaxayn waxaan macne lahayn iyo riwaayad riqiisa oo qori ismaris hadba ula imaanayo. Siyaad Barre markii ay talo ku caddaatay oo Soomaalidii wixii damiir lahaa ka yaaceen hubna kala horyimaadeen buu ku waashay reer hebalow waxaan idin siiyey gobol wuxuu ka taray dhibtii dalka ka jirtayna lama hayo ee waxay ka ahayd kala qaybin iyo iska horkeen ee miyaan la odhan karin Daahir Riyaale halkii Afweyne marayay ’90-kii ayuu qarka u saaranyahay ee allow yaa la taliya oo ku yidhaahda waar ka joog waa wixii Afweyen ku jabaye.

Haddaan in yar ka soo qaato waxay iskaga midka yihiin dawladda Somaliland iyo tii Maxamed Siyaad Barre waa mid ninkii caqli lihina uu ka dharagsanyahay kii kalena aan loo sheegayn balse aan ku soo koobo arrimahan:

• Been ummadda lagu harqiyo laguna maaweeliyo ood mooddo dadku inuu yahay caruur ka caqli liidata
• Qabyaaladdii shalay la aasay oo dib loo soo fagtay oo dan la mooday in ummadda lagu hago
• Musuqmaasuqii iyo maamul xumidii oo dalka ku baahday oon wax hawla dawladda loo qaban
• Boobka aan loo aabbo yeelayn oo lagu hayo hantidii qaranka oo ay ka dhacday qaataye qaado
• Madaxweynihii ummadda oo shaqadiisii noqotay hadba inuu shiriyo oday-dhaqmeedyo iyo ballan qaadyo looga oofsanayo in beelahoodo dawladda codkooda siiyaan
• Ballan qaadyadaa oo madaxweynaha looga oofsado degmooyin aan laba askari mushaarkood bixin karin in gobollo looga dhigo! haddiise gobollo laga dhigo maxaa dhaqaalaa oo loo hayaa timirtii horeba dab loo waaye
• Caddaaladdii oo la laalay oo loo arko ciddii caddaalad soo qaadaa inay tahay cid daciifa oon awood lahayn
• Hanti-dhawrkii qaranka oon jirin oo ninka hantida qaranka hayaa u isticmaalo sidii xoolo uu leeyahay
• Tixgalin la’aanta cabashada dadweynaha iyo dhawaaqaka ka soo yeedhaya bulshada caalamka
• Safarro iyo tamashlayn lagu kala bixiyo caalamka waxay ka keeneenna aan lahayn
• Dalkoo loo kala qayb-qaybiyo gobollo ku dhisan hab qabiil, iska horkeen iyo sii kala fogayn beela

Bal iskadaa waxay keenaanoo xataa waraysigii yaraana way joojiyeen iyagoo marmarsiimo ka dhiganaya inay aamusnaantu tahay xeel siyaasadeed si aan cadawga Somaliland uga faa’idaysan tolowse miyeysan ogayn inaan Soomaalida wax u kala qarsoonayn oo meel qudha looga wada taliyo oo xaalkeenu yahay abaskuul meelna ma wada joogo warna iskama seegna. Haddaba intaa aan kor ku soo xusay waxaa laga soo koobi-gareeyey dhaqankii dawladdii Siyaad Barre oo aad moodo in Somaliland ay dan mooday inay u doobi dillaacsato sidii ina Siyaad barre oo kale iyadoo ka faa’idaysanaysa baahida dhaqaale iyo aqoon la’aanta ka jirta dalka.

Akhristow waxaan ku soo xidhayaa maqaalkan aan ula jeedo wacyi-galin in maanta dawladda ka talisa Somaliland iyo tii Maxamed Siyaad Barre aysan aad u kala fogayn sababtoo ah madaxda dalka ka talisaa intooda badan siiba inta ugu tunka wayn waxay ahaayeen kuwii maamulkii dalka dumiyey uu ku dhaadan jiray oo uu ku odhan jiray waxaad tihiin indhihii iyo dhagihii kacaanka barakaysan oo iyagoon lahayn madax la qabto ummadda iska soo qabqaban jiray deetana ku ciqaabi jiray GODKII Xamar ku yaallay oo qofkii galaa aan dib dambe loo arki jirin ama uu ka soo bixi jiray isagoon qof caadiya ahayn allowna yaa wax ka waydiiya qaar ka mida madaxda Somaliland. Aan ku soo gabagabeeyo qaar ka mida gabaygii dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane ee Cabdillahi Suldaan Tima-cadde uu lahaa.


01- Anigumbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
02- Dadkaan la hadlaya baan lahayn dux iyo iimaane
03- Bal inay dalfoof tahay caqligii dooni laga saaray
04- wixii hore usoo daashaday bay dhagaysanaysaaye

05- Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
06- Duulkii inkaar qaba jinbaa daasado u tuma e
07- Dab markuu baqtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaaye
08- Waagii dilaacaa naxdimo dirir la sheegaaye

09- Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hele e
10- Nin ka duday dastuurkii iyo waxyigii diintii ka carrowye
11- Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix dhagaxeede
12- Dadka kama yaraateene way is dabar jaraysaaye

13- Dubbe madaxa way iskala dhacdaa daa’im abidkeede
14- Goortay is wada dooxatay baa daad usoo ruqaye
15- Ubaxiinii waagaabiseen waana dubateene
16- Dariiq toosan Soomaalidaay waa lagaa dadaaye

Ilaahay Jannadii haka waraabiyo Cabdillaahi Suladaan Tima-cadde wuxuu ahaa nin Somalida aad u yaqaannay gabagan baana ka markhaati furaya caqliga Somalida iyo qaabka qabyaaladeed oo la dagay hadaan Raxmaanku inoo bixinna wallee inbadan baa la odhandoonaa allow maxaa nagu watay waxaan talada u dhiibannay waxaase la yidhi it is never too late oo wali fursad baa idiin harsan waa haddii Alle idin garansiiyo haddiise kale waad hurudaane buste weyn isasaara.

Wa Billaahi Tawfiiq iyo Raxmaankaa Mahadleh
Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toronto, Canada
Gabose55@hotmail.com

Monday, March 24, 2008

Qurbajooga Oodwayne oo hambalyo u diraaya Madaxwaynaha JSL.

Oodwayne.blogspot.com
source: Jamhuuriya

Anaga oo ku hadlaynaa magaca qurbajoooga Gobolka Oodwayne , waxaanu hambalyo diiran u diraynaa Madaxwaynaha JSL, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, Bulshawaynta Gobolka , iyo dhamaan dadwaynaha ku dhaqan Goboladda & Degmooyinka Cusub ee u ku dhawaaqay Madaxwaynaha JSL.

Waxa kale oo aanu hambalyo u diraynaa dadkii kasoo shaqeeyay hawshaas culus ,ilaahayna ku guuleeyay, oo ay ka mid yahiin Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameedyo, iyo Aqoonyahano.

Oodwayne wuxuu ka mid yahay magoolyinka ugu da’ada wayn , uguna dadka iyo deegaanka badan Somaliland .Waxa hoos yimaada 56 toolo. Waa gobol ku hodan ah xoolo iyo beero, waxaana hubaal ah inuu dhaqaalo ahaan isku filaan doono , kana soo bixi doono shuruudaha ku xidhan Gobalnimadda.


Waa bilaahi tawfeeq,


Guddiga Horumarinta Gobolka Oodwayne.

ee deggan Dalka Emaaraadka Carabta UAE.


1. Dr. Abdillahi Jama ‘ Awrfool.

2. Eid Haji Abdillahi

3. Ali Ibrahim Jama

4. Sheikh Awil Mohmed Magan

5. Kaizi Haji Derie

6. Farah M Abdi

7. Mustafa Ahmed Gulaid

8. Yusuf Ibrahim

caateye2006@yahoo.com)

Oodweyne: Hay’adda GAA oo Tababar u Xidhay 30 Xubnood

Odweyne.blogspot.com
Source:(Jam)

Soddon xubnood oo ka tirsan bulshada tuulada Ceel-xume ee ka tirsan degmada Oodweyne, ayaa shalay loo soo gebagebeeyey tababar ku saabsan ilaalinta degaanka oo u socday laba maalmood ah.

Haya’adda Germany Agro Action xafiiskeeda Gobolka Togdheer oo tababarkan soo qabanqaabiyay, ayaa ujeeddadisu ahaa sidii bulshada tuulada loogu wacyigelin lahaa ilaalinta degaanka iyo joojinta jarista dhirta qoyan.

Marwo Hana Cabdirisaaq X.Xuseen oo ka mid ah madaxda sare ee hay’adda GAA oo hadal kooban ka jeedisay xidhitaankii tababarka ayaa tidhi; “Tababarkani waa mid muhiimad u leh degaanka. Nololi ma jirayso haddii aynaan fahmin faaiidada degaanku u leeyahay dadka iyo xoolaha.”

Waxa ay intaa ku dartay, “Waxa looga baahan yahay bulshada reer Ceel-xume inay dhammaantood iska kaashadaan ilaalinta degaankooda, hadday tahay gudiga tuulada iyo dadweynahaba waxa la idiinka baahan yahay sidii aad u daryeeli lahaydeen degaanka aad ku nooshihiin. Sidaa darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan goobaha aanu dhirta idiinku beernay oo gaadiidka iyo xoolahaba ka ilaalisaan,” ayey hadalkeeda ku soo xidhay Marwo Hana Cabdirisaaq.

Tababarkan ayaa ahaa mid bulshada lagu barayay faa’iidada iyo waxtarka ay dhirtu u leedahay dadka iyo xoolaha iyo siyaabaha ugu habboon looga hortago nabaad-guurka.

Hay’adda GEMANY AGRO ACTION ayaa ka hawlgasha degaannada gobollada Togdheer iyo Sool, waxayna ka shaqaysaa oo wax badan ka qabatay dhinacyada beeraha, biyaha, and fayodhowrka iyo degaanka.

Wednesday, March 19, 2008

Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo Maanta is Casiley

(Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Maxamed Aw Yuusuf Axmed ayaa iska Casilay Xilkii Gudoomiyanimada gudida Doorashooyinka, isaga la sheegay inuu ku sababeeyey iscasilaadiisa sabab Caafimaad Awgeed.

Sida waxa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com u Xaqiijiyey Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka Maxamed Aw Yuusuf Axmed oo aanu Caawa Khadka Mobile-ka gacanta kula xidhiidhnay isaga oo joogay wakhtigaa aqalkiisa.

Ilaa imika ma kala cada inuu Xilka gudoomiyaha Gudida doorashooyinka qaranka uu ka dagidoono, iyo inuu guud ahaan xilkaa iyo xubinimadaba gudida doorashooyinka dhamaanteedba iska casilidoono.

Sidoo kale waxa uu Gudoomiyuhu Cadeeyey inuu maalinta Sabtida ah uu qabandoono Shirjaraa’id oo ku shaacinayo iscasilaadiisa, laakinse uu ka gaabsaday inuu arrintaa wax tafaasiil oo dheeraada ka bixiyo.

“Taa imika faalo kaa siin kari maayo, laakin maalinta sabtida ha la gaadho haddii Ilaahay idmo” ayuu yidhi Maxamed Aw Yuusuf Axmed.

Dhinaca kale Siyada ay sheegayaan Warar Xog-ogaala oo ka ag dhow Gudoomiyaha Gudida doorashooyinka Qaranka Maxamed Aw Yuusuf Axmed ayaa sheegaya inay iscasilaadiisu la xidhiidho sababo Caafimaaad Awgeed.

Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa ku soo beegantay iyada todobadii Xubnood ee Gudida doorashooyinka qaranka mid ka midi Xubinimadiisu muran ka taagan yahay, isla mar ahaanta la soo saaray gudi sii naaqishta khilaafkaasi, kaas oo ahaa Axmed Maxamed Xaaji oo ahaa Xubintii uu soo Magacaabay Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID gudida doorashooyinka.

Iyo Sidoo kale Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo Walaac weyn oo laxaad leh ka muujiyey qabsoomida Xiligii loogu talagalay doorashooyinka inagu soo fooda leh.

Iscasilaada gudoomiyaha Komishinka, ayaa ku soo beegantay xili labada Xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID, ay sharci darro ku tilmaameen liisaskii xubnaha komishinka iyo gudiyada diwaan gelinta ee degmooyin ka mid ah Gobolada Awdal, Saaxil iyo Hargeysa, oo dhawaan uu gudoomiyaha Komishinku soo saaray


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.

Madaxweyne Rayaale Oo Ku Dhawaaqay Afar Gobol Oo Cusub,Kalana ah Gabilay, Saylac,Oodweyne iyo Buuhoodle iyo Dareenkii ka Dhashay.

(Madaxweyne Rayaale)
hadhwanaag 2008-03-19 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md.Daahir Rayaale Kaahin ayaa kulan qado sharafeeda oo uu shalay la yeeshay Madax-dhaqameedka Degmada Gabilay ugu balanqaaday ku dhawaaqida Gobolnimada Degmadaasi Gabilay, taas oo ay muddo badan Naawilayeen.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Qasriga Madaxtooyada Somaliland.

Sida waxa Shabakada Hadhwanaagnews.com u xaqiijiyey qaar ka mida Cuqaashii ka qeybgashay Shirkaasi.

Cuqaasha iyo waxgaradka ka socotay Degmada Gabilay oo la sheegay inay tiradoodu gaadhaysay 40-tameeyo oday, ayaa waxa uu kulankaas uu Madaxweyne Rayaale la yeeshay waxa uu ku wargeliyey oo uu madaashaasi ka shaaciyey gobolnimadii Degmada Gabilay.

Inkasta oo aanay ilaa imika jirin war cad oo ay Xukuummadu ka soo saartay arrintaasi, hadana waxa sidaa waxa noo xaqiijiyey deuqeydii ka qeybgashay kulnakaasi.

Ku dhawaaqida Madaxweyne Rayaale ee Gobolnimada Degmada Gabilay waxay salka ku haysaa fulinta balanqaadyadii uu hore ugu sameeyey Degmadaasi, waxaana Sidoo kale Madaxweyne Rayaale u cuskaday ku dhawaaqida Gobolnimada Degmada Gabilay balanqaad uu hore Madaxweyne Marxuum Maxamed Ibraahim Cigal u sameeyey Degmadaasi ka mid noqoshada Gobolada dalka.

Warku waxa uu inta ku daray inaanay Degmada Keli ku ahayn Magacaabista Gobolnimada ee Madaxweyne Rayaale ku wargeliyey Madax-dhaqameedka iyo waxgaradka Degmadaasi Gabilay, Balse ay ku jiraan meelo kale oo ay ka mid yihiin Degmada Oodweyne, Saylac iyo Weliba Buuhoodle oo uu iyagana Sheegay inay Gobolo noqonayaasn.


Arrintan ayaa ku soo beegaantay Wakhti adag oo xasaasiya, taas oo la isku diyaarinayo guda galka doorashooyin fooda inagu soo haya. Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan Caasimada Hargeysa ayaa aad u hadal hayey arrintan, kadib markii ay Saaka ku soo baxday joornaalada dalka qaarkood, dadka oo ku kala qeybsamay ku dhawaaqida Madaxweyne Rayaale ee Gobolada Afarta ah, taas oo ay dadka qaar ku sifeeyeen inay ka qeyb tahay ololaha Madaxweyne Rayaale kaga qeybgalayo doorashooyinka inagu soo socda, si uu ugu kasbado oo uu taageero uga helo shacbiga ku nool deegmooyinkaas uu hoosta ka xariiqay inuu Gobol ka dhigidoono.


Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland.

Sidee Baan Wax Uga Badali Karnaa Qorshaha Siyaasada Dhaqaalaha ee Wadanka?

Oodwayne.Blogspot.com
March, 19 2008

Dhaqaaluhu waa laf dhabarta umadkasta oo dunidan ku nool. Qorshaha dhaqaalaha iyo siyaasadu way isku xidhan yihiin, waayo dhaqaaluhu wuxuu u baahan yahay siyaasad u dajisa himilooyinka, kuna hagta tubta horumarka iyo barwaaqada, una habaysa ilaha yare ee dhaqaalaha (scarce of economic resource), si loo haqab tiro baahiyaha aan xadka lahayn ee dadka.

Dhinaca kale qorshaha siyaasada dhaqaaluhu kama maaranto dhaqaale si ay ugu dhaqaaqdo himiladiii ay qorshaysteen una fuliyaan sidii loogu talo galay iyo wakhtigii loogu talo galay.

Hadaba waa maxay qorshaha siyaasada dhaqaaluhu? Goormayse bilaabmatay?

Dagaalkii 2baad ee aduunka waxaa dhacay hoos u dhac wayn oo dhaqaale (economic recession), kaasi oo saameeyay aduunka gabi ahaanba, gaar ahaana wadama reer yurub kuwaasi oo markii la tashiyo dhinac walba le sameeyeen ay soo sareen in dawladu dhaqaalaha xukunmaan, tasi waxay sii xoojisay aragtii guud ee shaqaalaysiinta iyo dulsaarka lacagaha ee uu qabay professor jaamacada Cambridge dhaqaalaha ka dhigi jiray oo lagu magacaabi jiray J. M. Keynes sanadkii 1936, aragtidaasi oo diirada saaraysay doorka wanagsan ee ay dawladu ka ciyaari karto agaasinka iyo qorshaynta maalgalinta si loo gaadho u jeedooyin cayiman.sida shaqaalaysiinta buuxda (full employment) kobcinta heerarka dakhliga iyo yaraynta farqiga u dhaxeeya fakhriga iyo barwaaqada.

Hadaba, hadii aan usoo daadago qorshaynta siyaasada dhaqaalaha Somaliland. Somaliland waa dal yar oo fakhri ah aqoonsi caalamina aan helin wali. Yadoo ay sidaasi tahay dawladeenu ma maamuli kartaa dhaqaalaha wadanka? Door intee leegbay ka ciyaaari kartaa kobcinta dhaqaale? Hadii aan uga jawaabo siday u kala horeeyaan. Haa way maamuli kartaa hadii la miisaamo lacagta suuqa ku jirta si loo yareeyo baaxadaga (fluctuations) sarifka, lagana shaqaysiiyo siyaasada lacagta( monetary policy) si uu kor ugu kaco wax iibsigeedu(real income).

Dawladu waxay ka ciyaari kartaa door muhiim ah kobcinta dhaqaalaha hadii lasameeyo dhaqaale isku dhafan(mix economy) yadoo racaysa labadan qodob:

1. Hadii dhaqaalaha la isku dhafo oo ganacsiyada jira laba loo qaybiyo, qayb dawladu maamusho oo yadu leedahay iyo qayb shicibku leeyihiin sixirkana la si isku mida loo gooyo yadoon la dulmayn ganacsatada, dadkana loo danaynayo si loo gaadho barwaaqo.

2. Siyaasada dhaqaalaha wadanka oo dawladu hogaanka u qabato marmarka qaarkoodna xakamayso dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay si loo hubiyo loona xakameeyo faraqa u dhaxeeya danta ganacsadaha iyo u jeedooyinka dhaqaale ee wadanka u yaala si aanay u noqon ninba meeshii ka dirir.

Guntii iyo gabagabadii, dhaqaalaha wadanku in loo fikiro buu u baahan yahay, yadoo aan ka faa iidaysanayno resource ka aynu haysano dhulka, xooga dadka iyo raasamaalka aynu leenahay si umada loo gaadhsiiyo barwaaqo.

Waxaanan soo dhawaynayaa fikirada I taageersan ama iga soo horjeeda labadaba!!

Alla mahadle

By: A/rahmaan Miigane Rayaale

Tuesday, March 18, 2008

Midowga Yurub oo xaqiijiyey inay Somaliland ku duugan Yihiin macdano kala duwan oo ganacsi geli karaya

Oodwayne. Blogspot.com
March, 18 2008

Hargeysa (Jam)- Midowga Yurub, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay ka buuxaan macdano qaali ah oo ganacsi caalami ah geli karaya, taas oo la barbar-dhigi karayo macdahana ku jira dalalka Madagascar iyo Tanzania ee ku yaal bariga Afrika.

Sidaana waxa shaaca lagaga qaaday baadhis dhinaca macdanta ah oo dhawaan laga sameeyey Somaliland. Waxaana warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay ka buuxdo macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Gemstones, Emerald, Aquamarine, Ruby, Sapphire iyo sidoo kale xaddi badan oo ah Garnet, Quartz, Opal iyo macdanaha loo yaqaano Lesser-ka oo ay ka mid yihiin Titanite iyo Vesuvianite.

Sidoo kale waxa warbixinta lagu sheegay in ay Somaliland hodan ku tahay Pegmatite oo ah dhagaxaanta laga helo macdanaha Emerald iyo qaybo kale oo ka mid ah Beryl.

Waxa kale oo Midowga Yurub xuseen in dadka reer Somaliland aanay aqoon badan u lahayn macdanta ka buuxda dalkooda, taas oo dadka tuulooyinka ku nooli u isticmaalaan qodista macdahaas hab aad u gaboobay oo dib-u-dhacsan, kuwaas oo inta yar ee ay soo helaana ka iibiya dad u dhashay Somaliland oo ka ganacsada macdanta. Arrintana waxa la ogaaday markii masuuliyiin ka tirsan xafiiska Komishanka Yurub (EC) ee magaalada Hargeysa ay arkeen macdanta loo yaqaan Gemstone, ayaa si ay u ogaadaan in macdanta meelo kale laga soo xaday iyo inay Somaliland ku jirto waxay Midowga Yurub casuumeen Dr. Judith Kinnaird oo ah gabadh khabiir ku ah macdanaha oo ka socta Jaamacadda Witwatersrand ee magaalada Johannesburg ee dalka Koorfurta Afrika si ay baadhitaan ugu sameeyso in macdahani ku jiraan Somaliland iyo in kale.

Dr. Judith Kinniard waxay laba jeer soo booqatay Somaliland labadii sanno ee ina dhaafay, si ay baadhitaan ugu sameeyso xaqiiqada ah in macdanta qaaliga ah ee Gemstone-ku ku jirto Somaliland, iyada oo gacan ka helaysa kooxo macdanta wax ka yaqaana oo reer Somaliland ah, si loo kala saaro macdanaha muuqaal ahaan isku eeg, balse kala duwan kalana qaalisan, waxaanay hirgelisay baadhitaan horumar dhaliyey oo uu maalgeliyey Komishanka Yurub (EC), si loo sameeyo urur macdantan Gemstone-ka wax ka yaqaana iyo dariiqii suuq geyn loogu heli lahaa khayraadka macdanaha ee ka buuxa Somaliland.

Warbixinta sidan lagu caddeeyey waxa qoray wargeyska Jewellery News Asia oo ka soo xigtay qudbad ay Dr. Judith Kinnaird ka jeedisay shirka sannad laha ah ee ururka Gemmological Association ee dalka Ingiriiska oo ka dhacay magaalada London.

Warbixinta oo ah mid aad u dheer, isla markaana nuxur badan oo ku saabsan khayraadka ka buuxa dalka Somaliland, waxa halkaa idiinka sii ambaqaadi doonaa caddadka berri.

Xaalada Abaarta‏ iyo War Bixin Foosi Aw Biindhe

OOdwayne.Blogspot.com
March 18, 2008

Burco- Guud ahaanba Gobolka Togdheer ayaa Laga soo Sheegayaa Xaalada Abaareed oo baahsan, abaartan ayaa ah haatan mid si weyn looga dareemaayo dadka Xoola dhaqatada ah ee usoo safra magaalada Burco ee caasimaga Gobolka Togdheer, Abaartan ayaa ah mid u badan biyo la.aan xoogleh, inkasta oo aaanu wali Iclaamin maamulka Gobolku hadana waa mid So weyn loo dareemaayo,
Xaalada Abaarta
Sida ay ku waramayaan Reer Guuraaga u soo safartaga magaalada Burco, Abaartu waa mid Cabsi leh ka dib marka uu daba dheeraaday ayay Leeyihiin Xiligii Jiilaalku, " Waar jiilaal Xun ayaa lagu Jiraaye Maxaad sheegtay, Dhulkii waa Biyo La,aan Iyo Abaare Lacagtaan aan Hada Kaaryoonaha ku sido Booyad ayaan is leeyahay aad ku dhaansatid bal aad Xoolaha Ku Waraabisid " Sidaasi Waxa ku Tiiraabaayay Mid ka Mid ah Reer Guuraaga U soo iib geeyay Adhiga Maagalada Burco, oo ay is Bariidiyeen mid ka Mid ah eheladiisa oo ay isaga soo Horbexeen Meel Si Kadis ah.
Odaygan oo magaciisa iigu sheegay Markii danbe Xirsi Jaamac, waxa uu sheegay in ay Halista Jirtaa ay Tahay Biyo La,aan , Balse dhulku wali Caws Leeyahay, " Runtii Xooluhu dhulka Caws waa ka Helaan ee waxa Jirta Cabsi Biyo La.aaneed,
Ololaha Biyo Dhaanka
Booyado ayaa u Qaada Biyaha Deegaano ka Mid ah Gobolka Togdheer, Kuwaasi oo la sheegay in Foostada Biyaha ah laga siiyo 10.000 oo shilika somaliga ah, " 10.000 ayaa layga siiyay Calaa Foosto booyadaa biyaha ah, Runtiina ALLAHA AWOODA LEH ayuunbaa abaartan qaadi kara" Sidasi waxa Yidhi, Cawed Xasan oo xiligaa ku sugnaa Mid ka Mid ah Istaanada Baabuurtu ka Baxdo

Gaba-Gabo
Abaartan ayaa laga soo sheegayaa, Deegaano ay ka Mid tahay Degmoyinka Oodweyne Buuhoodleh, Iyo Duruqsi, Taasi oo Badankeeda laga sheegay Biyo-la, aan Baahsan, Hasa ahaatee ma Jiraan Geerida ay sababtay Dad Iyo Xoola Toona
Sidoo kalena ma Jiraa Ilaa iyo Hada Wax talaabo Gurmad ah oo muuqataa dhankey doontaba ha ka timaadee , marka laga Reebo Roob-doon laga Akhriyo Masaajidada Magaalada Burco, Balse Waa Mid si weyn

Saturday, March 15, 2008

Tababar Xirfadaha Ceelasha iyo Baraagaha oo loo Xidhay 27 Xubnood Gobolka Togdheer

Togdheer(Togdheernews..15March)

Todoba iyo labaatan xubnood oo tababar xirfadeed ku saaban samaynta ceelasha iyo berkadaha oo uga socday mudo shan iyo tobon maalmood ah Tuulada Higlo oo ka tirsan degmada Qoryaale ee G/togdheer ayaa shalay loo soo gabagbeeyay

Munaasibadii xidhitaanka tababarkaa ayaa waxa ka hadlay Axmed Xuseen Soodaani,oo ah gudoomiyaha Hayada wadaniga Laxmar waxaanu sheegay in ujedada tababarkani yahay mid kor loogu qaadayo tayada xirfada wastaadinta ee dhinaca ceelasha iyo berkadaha degaanka togdheer “Muhiimadu waxa weeye in kor u qaadida farsamada wastaadiinata ee samaysa ceelasha iyo berkadaha biyaha si,loo helo kuwo waxtar iyo faaiido u yeesha bulshada”Ayuu Yidhi.

Waxa uu intaas ku daray in xubnahani tababarka ku qaateen sadex ceel oo loo sameeyay dadweynaha tuuladaas iyo berkad loo dhisay ardayada dugsiga tuulada.


Maxamed Yuusuf,oo ka tirsan Hayada Critas ayaa isugun tilmaamay inay mar walba xooga saraan sidii loo horumarin lahaa fayodhowrka biyaha iyo caafimaadka,islamrkaana xirfad shaqo loogu abuuri lahaa bulshada.

Sidoo kale waxa iyana goobtaas ka hadlay Isuduwaha W/M/Biyaha C/risaaq Maxamed Cajab iyo Axmed Cali cilmi oo ka tirsan Wasaarada Waxbarshada togdheer,kuwaasoo si weyn ugu mahadceliayay Hayada fuliyay tababarkan iyagoo tilmaamay in talaabadani wax weyn u tarayso bulshada degaanka,waxayna kula dardaar meen xubnihii tababarku u xidhmay inay noqdaan kuwo bulshada uga faaiideeya aqoontaa xirfadeed ee la baray.

Xubnahan tababarku u dhamaaday ayaa ka socday sideed tuulo oo ka tirsan degaanka Togdheer,waxaana fulinta tababarkan iska kaashaday Hayada Caritas Switzerland iyo Hayada wadaniga ee Laxmar.


Waxa kale oo iyanaa munaasibadii xidhitaanka ka hadlay xubno ka mida ka qaybgalayaashii tababarkaa kuwaas oo si weyn ugu mahadceliyay hayadii tababarka u qabtay,islamarkana balan qaaday inay si dhaba bulshada uga faaiideyndoonaan aqoontii la baray,C/laahi X.A.Quluumbe oo ka tirsan hayada Laxmar iyo odayaashii tuuladaas ayaa iyguna halkaas ka hadlay.


Hayada Laxmar oo ah hayad wadani ah kana hawlgasha degaanka togdheer,ayaa wax badan ka qabatay horumarinta Caafimaadka,Biyaha,Xoolaha iyo Waxbarshada,mana aha markii koowaad ee ay tababaro noocan ah u qabato dadaweynaha degaanka togdheer.

TogdheerNews

Madaxweyne Rayaale Oo Caddeeyay Inuu MaraykankaKu Casuumay Saldhig Milatari Oo Uu Ka Samaysto Berbera

March 15, 2008
Oodwayne.blogspot.com

Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii u horaysay si rasmi ah u caddeeyay inuu Maraykanka ku martiqaaday inuu saldhig milatari ka samaysto magaalada Dekedda ah ee Berbera, oo uu sheegay inuu hore ugu lahaan jiray saldhig.
Madaxweyne Rayaale, waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo dalka Maraykanka, isaga oo u rajeeyay in doorashada Maraykanku ku dhammaato guul.
“Inkasta oo aanu gaadhnay ammaan iyo nabadgelyo wadankayaga ka jirtay muddo dheer, haddana weli lanama aqoonsan, arrintaana dhibaa naga soo gaadhay. Ma helno dhaqaalaha deeq bixiyayaasha caalamka sida wadamada kale ee Afrikaanka ah. Waxaanu dagaal kula jirnaa argagixisada, waxaanan leenahay ilo dhaqaale oo badan oo weli dihin. Waxaanan ku martiqaadaynaa maalgeliyayaasha caalamiga ah inay maalgashadaan wadankan, iyagoon ka waabanayn.” Ayuu yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, sida lagu baahiyay cadadkii Shalay soo baxay ee Wargeyska Sub Sahara Informer oo ka soo baxa magaalada Addis Ababa, Itoobiya....
Madaxweyne Rayaale wuxuu sheegay in dawladda Maraykanku balan qaaday inay wadamada Midowga Afrika ku dhiiri gelin doonto aqoonsiga Somaliland, waxaanu xusay in socdaalkii Somaliland ee Ms. Jendayi Frazer ee bishii hore uu ahaa fulinta balan ay ku soo wada galleen dalka Maraykanka, xilligii uu Washington tagay iyo isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa horaantii sannadkan.
Madaxweyne Rayaale wuxuu balan qaaday inuu si adag uga shaqayn doono sidii doorashooyinka Somaliland ee soo socdaa u noqon lahaayeen kuwo Dimuqraadi ah. Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa in la furi doono ururada siyaasiga ah, waxa uu yidhi, “Weli Somaliland wax ka bedel kumay samayn Distoorkeeda, sidaas daraadeed maaha sharci. Murashixiinta la filayaa waa inay ku biiraan mid ka mid ah saddexda xisbi ee shaqaynaya si ay u tartamaan cabashadana isaga daayaan.”
Madaxweynuhu waxa uu dawladda Itoobiya ku ammaanay sida ay uga shaqaynayso wanaajinta xidhiidhka ay la leedahay Somaliland, waxaanu muujiyay inuu ku rajo weynyahay in Itoobiya noqoto wadanka u horeeya ee Afrikaan ah ee aqoonsada Somaliland.
Madaxweyne Rayaale oo ka hadlaya martiqaadka uu Maraykanka u fidiyay ee ah inuu saldhig milatari ka samaysto magaalada Berbera, waxa uu yidhi, “Noloshu way is bedeshaa. Hore waxa loo odhan jiray jid kasta oo aad martaa wuxuu ku geeyaa Talyaaniga, laakiin hadda beryahan dambe jid kastaa wuxuu ku gaynayaa Maraykanka. Sidaas daraadeed waanu soo dhawaynaynaa Maraykanka oo waxaanu ku casuunay inuu dib uga samaysto saldhig Milatari magaalada Xeebta ah ee Berbera, sidii uu wakhti hore ugu lahaan jiray.”
Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayay doorashada Maraykanka ee qabsoomi doonta bisha November ee sannadkan, wuxuu yidhi, “Waxaanu u rajaynaynaa oo keliya doorasho guul ah, waxaanan rajaynaynaa inay tusaale u noqdaan doorashooyinka dimuqraadiga ah ee dunida.”
Mar uu ka hadlayay xidhiidhka wadamada Yurub iyo Somaliland, waxa uu tusaale u soo qaatay dawladda Talyaaniga, waxaanu yidhi, “Dawladda Talyaanigu dareen xun kama qabto qaddiyadda Somaliland, sida aanu ku wada hadalnay ergayga talyaaniga u qaabilsan Afrika, markii aan safarka ku tagay talyaaniga sannadkii hore.”


Sources by: Geeska Afrika.

Tuesday, March 11, 2008

Xildhibaan Ka Tirsan G/Guurtida S/Land Oo Dawlada Hoose ee Hargeysa aad u Dhaliilay !!!

Written by Qarannews.
Mar 10, 2008 at 04:13 PM

Xildhibaan Ka Tirsan G/Guurtida S/Land Oo Dawlada Hoose Hargeysa Ku Eedeeyay Inay Taysarooyinkii U Diideen Dadka U Dhashay Gobolada Kale Dalka

Hargeysa(Qaran) Mudane Axmed Muuse Obsiiye, oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa maamulka dawlada hoose ee Hargeysa, ku eedeeyay inay taysarooyinkii dhalashada ay u diideen dadka u dhashay gobolada kale ee Somaliland, ee degan caasimada dalka.

Xidhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo maanta shabakada wararka ee Qarannews ugu warmayay xarunta Aqalka odayaasha, ayaa si kulul u cambaareeyay wax uu ku tilmaamay fawdada ay dawlada hoose ku kala soocayso muwaadiniinta dalka, waxana uu yidhi "Waxa dhacday in Waraaqdii Aqoonsiga dhalashada [Taysaro] ay dawlada Hoose ee Hargeysa, ay dadka u dhashay gobolada kale ay ku tidhi waraaqaha dhalashada u doonta goboladii aad ka soo jeedeen, waxaan uga digayaa kuwa sidaasi leh inay joojiyaan dhaqankaasi oo halis ku ah qaranimada iyo nabadgelyada dalka".

Mudane Axmed Muuse, oo aan weydiiyay in isaga ay ku dhacday oo laga hor istaagay waraaqdii aqoonsiga iyo in kale, waxa uu ku jawaabay "Waxa loo diiday ninkii guriga aanu isku xigno deganaa, oo aanu isku hayb nahay"

Xildhibaankan oo ka soo jeeda gobolka Tog-dheer, oo la ka jawaabayay su'aal ahayd in Maayarka Caasimadu uu sheegay in aanay jirin cid si gaar ah wax loogu diiday, hase yeeshee ay adkeeyeen uun qaabkii iyo nidaamkii loo qaadanayay Taysarooyinka, waxa uu yidhi "Cadaynta arrintan aan sheegayo ee dambiga ah iyo dadkii loo diiday ayaanu haynaa, haddii ay Dawlada Hoose ee Hargeysa marayso Burco iyo Oodweyne u doono taysarooyinka, waa talaabo halis ah, kuwa caykaasi ku talinaya waxaan leeyahay waar mar kale dalka dhibaato ha inaga gelinina."

Md Obsiiye, oo aan weydiiyay inay cabashadooda u gudbiyeen Wasaarada ay khusayso ama golayaasha dalka, waxa uu yidhi "Wasiirka Daakhiliga waanu u gudbinay, Madaxweynahana waanu u gudbinay, maayarka laftiisana nuqul ka mid ah ayaanu siinay, markaa maxaan yeelayaa haddii aan jago yar oo aan dego codsado oo la igu yidhaahdo ma tuurta ayaad dhulka ku sidatay, oo taysaradiina maanta la igu yidhi Burco iyo Oodweyne u doono, aniguna aan ka mid ahay Guurtidii nabadayntii iyo qaranimada dalka ka soo shaqaysay."

Xildhibaanku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inuu arrintan soo faro geliyo oo uu wax ka qabto, waxaanu yidhi "Madaxweynaha Somaliland waxaan leeyahay ha isku eegin dadka ee arrintan soo faro gali oo wax ka qabo."



Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

Wadka Xisbiga UCID waa iyadoo Xisbiga QARAN la sharciyeeyo.

Wadka Xisbiga UCID waa iyadoo Xisbiga QARAN la Sharciyeeyo oo loo ogolaado inay Doorashooyinka degaanka Sannadkan ka Qayb Qaataan!!!

Asalaamu Calaykum Warahmatullahi Wabarakatu.

Akhristow waa arrin u baahan in la qeexo oo run ahaan sida ay tahay loo sheego. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Fardo la isu hayo la isuma faansho”. Waa aragti gaar ah waxaan jeclaystay inaan rayi ahaan wax ka sheegto. Xisbiga UCID iyo madaxdiisaba waxaa nafta u keentay Su’aalo mar walba ku soo noqnoqday oo laga waydiinayo Xisbiga QARAN maxaad u hortagan tihiin? maxaad ku diideen? maxaad u tidhaahdeen sharcigay baal marayaan? maxaa iyo maxaa farabadan oo meel walba maraykan iyo Ingriiska ilaa Kanada daba socota. Xisbigii UCID waxay karaamadii kaga luntay oo loo arkay iyagoo Maxkamaddii, Madaxwaynihii iyo Golihii Wakiilada midna aanay ahayn inay arrintan meel iyo mowqif aad u xun iska taageen,waxayna iyagu waxba ka qaban karin ay dhex dabbaasheen.

Su’aalahan meel walba loo soo tafa xaytay oo markii ugu danbaysay Toronto lagu waydiiyey ay raggii UCID mataleyey Mikirifoonkii isku riixriixeen taas ayaa dhalliil wayn soo galisay dadkii shirkaa ka qayb galay oo yidhi waxay isu badashay inay Faysal difaac qabiil rag u sara kaceen oo ay dimuqraadiyad arrintu ka fogaato. Haddaba waxaanay halkaa ka arkayn, “Baroortu orgiga ka wayn”. UCID ma waari kartaa Haddi QARAN la sharciyeeyo maanta inay doorashadan degaanka ka qayb qaataan?.

Si kastaba arrintu ha ahaatee inay UCID [divisionka] xisbiyada ee labaad ku biirto iyo in QARAN halkaa iska joogto oo UCID ka adkaan kari waydo, si dimuqraadiyada iyadoo loo banneeyey inay la baratanto xisbiga UCID ee maanta ugu liita cod iyo tamarba xisbiyada ka jira Somaliland.

Tartan xalaalina ka dhaco degaan walba oo la qiimeeyo yaa karti iyo karaan badan oo soo gali kara kaalinta saddexaad ee Division One Xisbiyada dadka matali kara maamulna wax u qaban kara ummadda.

Anigoo soo koobay hadalkii iyo aragtidii waxaan ku soo gabo gabaynayaa ninka maanta dalkiisa iyo dadkiisaba raba inuu wax u qabto waa Inuu la yimaado siyaasad hufan oo dhaleeco iyo xajiimo midna aan wadan oo uu ka fogaado cadaadin iyo iska horkeenid.

Dadka Jaaliyadda qurbajooga ahina way ka ilbaxeen in been lagu maaweeliyo oo loo soo shaqo tago, markaas oo kalena waa lagu dhagaysan laguna canbaarayn doonaa cidina aanay kuugu soo joogsan doonin booqashooyin iyo dibad wareeg siyaasadaysan. Ogow oo dadku waa Xisbiyo ta kale waa waddaniyiinta dalkooda dhisaya maanta oo tabarucaad bixiya Cisbitaalo, iskuulo, masaajido, Xarumaha Naafada iyo carruurta daryeelka u baahan, Malcaamado, iwm. Ee talo iiga qaado caqli waa ka ilaahay ku siiyey ee kula dhaqan dadkaaga edeb iyo asluub wax walbana haka jawaabin kursigaagu qiimo iima leh maanta dhaleecadana joojiya U-CID.

Somaliland Guul, Gobanimo, Horumar, Barwaaqo iyo nabad.

Wa Billahi Towfiiq.
Cabdinasir Maxamed Cabdilleh “Sigis”

Shirkii Ka Dhacay Magaalada Minisota iyo Badheedhihii Qaar ka Mid ah!!!

Shirkii ka dhacay Minisota ee Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Ciro iyo badheedhkii Jaaliyadda Minisota qaarka mida ah, maxaa halkaa ka dhacay?

By: Admin on 03/09/08

Shirkaa oo aay dad faro badani ka soo qayb galeen, ayaa hadana ahaa shirkii ugu buuqa badnaa. Taas oo la isku badheedhay oo hadalo toos ah la isku yidhi oo aan waxba la isula hadhin.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Baralamanka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane. Cabdiraxmaan M Cabdillahi “Ciro”
ahna xubin ka soo baxday Xisbiga UCID ayaa maanta la kulmay jaaliyadda Minisota.

Shirkaas oo aay dad badani ka soo qayb galeen ayaa hadana dhinaca kale ahaa shirkii ugu buuqa badnaa. Taas oo uu ahaa mid la isku badheedhay oo hadalo toos ah la isku tuurtuuray xanaaqna loo yidhi oo aan waxba la iskula hadhin. Kaas oo ka tarjumayay ololaha doorashooyinka foodda inagu soo haya ee Degaanka iyo Madaxtooyada JSL.
Waxa hadalka furay Md. Saciid Budle oo ah Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Minisota kuna soo dhaweeyay mikirifoonka Md. Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Baralamanka Md. Cabdiraxmaan M Cabdillaahi - Ciro. Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa waxa uu ka waramay wadankii iyo xaladiisa. Faysal kadiba waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Cabdiraxmaan-Ciro oo ka waramay shaqada uu Baaralamanku qabtay iyo waxa hawlihiisa u suurto galay. Isaga oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay arrimo ay ka mid yihiin habka uu Goluhu u shaqeeyo iyo hawlaha Shirgudoonka.

Intaa ka bacdii waxaa maykarfoonka qabsaday oo xagaa danbe Khudbad lama filaan ah ka jeediyay nin lagu magacaabo Cabdicasis Sheekh. Qudbadaas oo aanu muwaadinkaasu ku soo gelin si u muuqatay in aanay waafaqsanayn habka shirka. Cabdicasis Sheekh oo ka mid ah dhalin yarada Minisota ayaa maykarfoonka qabsaday isaga oo xagaa ka jaadiyay qudbad lama filaan ah. Taas oo uu ku adyadeeyay Md. Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxa hadaladiisa naga soo gaadhay in uu lahaa, "Nin aan isba waxba dhaamin nimankan uu had iyo jeer adyadeeyo..... '!


Ka dib isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa dhacday in uu Cabdicasis Maxamed Buuba iyo Saciid Budle doneen in ay fadhiisiyaan CabdiCasis Sheekh. taasa oo buuq ka dhalisay shirkii. Ka dibna loo baxay Salaadi Makhrib.
Waxa aan Cabdicasis Sheekh weydiiyey waxa uu ahaa hadalkii laga dhex galay?
Cabdicasis Sheekh: Waxa uu yidhi, "Walaal waxa weeyi. Faysal Cali Waraabe waxa uu ahaa ninkii soo sheegay Urarkii UFO 1982 kii ee uu dhagax tuurku ka dhacay. Maantana waxa uu leeyahay raggii uu soo dagaalamay wadanka ayaa maal iyo hantiba u soo waayey. Waxaba ma furan karaan ee waa in la badalo oo ay ka fadhiistaan siyaasadda Somaliland.

Su’aalo:
Inta ka bacdi shirkii oo dib u bilaabmay ayaa waxa su’aalo waydiiyay dadkii shirka ka soo qayb galay waxaanay u dhacday sidan:

Su’aal: Cisman Saxardiid (Cadaani) oo waydiiyey Md. Faysal. Maxaad u hortaagan tihiin Ururka Qaran iyo Ururada kaleba Haddii ururadaas kale ay rag iyo dumarba doonayaan inay samaystaan dadka Reer Somaliland?.
Jawaab: Faysal Annagu waxaanu cadeynayanaa wakhtigan Xaadirka ah inuu sharcigu sheegayo sadex Xisbi. Md. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland ee dalka u yaala uu tilmaamayo inay Sadex Xisbi oo kaliya ay dalka ka jiri karaan. Halka uu Guddoomiyaha Baralamanka Md. Cabdiraxmaan-Ciro uu ka shaagay in uu distuurku halkaas muran ka jiro oo loo baahan yahay in laga saaro.

Su’aal: Xasan Yoonis to: Guddoomiyaha Baralamanka Md. Cabdiraxmaan-Ciro. Maxaad uga saari weydeen muranka xeerka tirada Asxaabta qeexaya?
Jawaab: Arintaas waxa ku shuqul leh Maxakamadda Sare.

Su’aal: From Nuura. to: Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Cabdiraxmaan-Ciro. Waxa lagaa soo doortay Berbera laakiin waxaad iska fadhiisatay Hargeysa maxa dhacay?
Jawaab: Waanu ku noqonay aniga iyo niman kale oo laga soo dortay Berbera. Waxaanu weydiinay Reer Berbera waxay u baahan yihiin in ay doonayan in loo qabto. Taas oo ay qoraal ku soo gudbiyeen. Marka waxay soo qortaan waxna waanu u qabanay waxna dowladda ayaanu u weydiinay.

Su'aal: From C/casis Badawi. To Guddoomiyaha Xisbiga UCID Md. Eng. Faysal Cali Waraabe. Faysalow. Waxaad maalin dhaweyd siisay VOA wareysi aad iyo aad u xasaasi ah. Taas oo aad sheegtay in nimankan ku jira labada xisbi ee kale aadna u timaadeen inaad baddashaan idinku oo ay ka soo shaqeeyeen Dawladdii Somalia, SNM, tii ilaa Cabdiraxmaan tuur iyo tii Ina Cigaal ( Ilaahay ha uu naxaristo e' ) iyo tan maanta jirta ee Rayaale Kaahin.
Markaa ma waxaad doonaysaa inaad adigu Faysalow badasho nimankan. Waxaan kale oo ku weydiiayay maxaad isugu dari weyday nimanka aad sheegtay maadaama aad adiguba u soo shaqeysay Dowladii Somalia?.

Jawaab: Anigu maan ahayn siyaasi ee waxaan ahaa Enjineer madani ah.

Su'aal From C/asis Badawi. To Eng. Faysal Cali waraabe. Haddii aad tidhaahdan sadexda xisbi qaran ee imika jiraa ragga madaxda ka ah uunba sanad kasta isku soo sharaxaya madaxtinimo oo lala tartami maayo. Sidii ayay ku suurto galaysa in la idin badalo idinkana?
Jawaab: Anigu sanadkan uunba iigu danbaysa oo mar kale u carari maayo doorasho.

Su’aal: From Ibraahim Nuur Madooba. To Guddoomiyaha Baarlamaaanka Md. Cabdiraxmaan-Ciro. Miisaaniyadda ( Budget-ka ) Somaliland Madaxatooyadu waxay codsatay US $ 2.2 million. Sidee bay ku dhacday. Maxayse ku qabtaan lacagtaas?
Jawaab: Walaahi waxay ku baxaan Booliska, Ciidanka iyo Shaqaalaha Dowladda.

Qore: Cabdicasiis Badawi

Saturday, March 8, 2008

Caddaalad Darrada Dalka oo Maxkamadihii iyo Xaakimkiiba ka Dayriyeen.... Caadilow Cidi nooma Maqnee adaa Noo Sahana!

Ummad waliba waxay ku caano maashaa hadba siday caddaaladda u tixgaliso oo cidda hoggaanka haysaa ay xil waddanimo-leh isaga saarto inay u adeegto dadkeeda si caddaalad ku dhisan oo waafaqsan shuruucda dalka u yaalla haddise taa la waayo ka eeg meel aan daganaansho iyo nabadi ka sii jiri doonin waana u dan qof kastoo muwaadan ihi inuu helo saamigiisa xuquuqeed ee dalkiisa uu ku leeyahay. Dalku waa hooy weyn oo la wada leeyahay waajibna ay tahay in la wada dhawro hannaanka awd-qeybsiga iyo caddaaladda lagana feejignaadaa inuusan dalku noqon meel nin kaliyihi iska leeyahay sida ay u dhaqmaan madaxda qaaradda Afrika oo hadba ninka dalka madaxweynaha ka ah iyo koox daba carartaa ay saydoonaan ka yeelaan khayraadka dalka uguna tuntaan xeerarka iyo sharciga dalku leeyahay haddaan indhaha la isqabannayna adinkuba markhaataad ka tihiin.

Haddii ay dhibi timaado ama ha ahaato mid dabiiciya ama mid dadku abuuray waa hubaal inuusan ninna ka badbaadayn waxaana la yidhi daadku intuusan ku qaadin baa la iska muusaa ee waatan ummaddii oo dhammi ka qaylinayso caddaalad la’aantee tolow qoladii xukumka loo igmaday iyagiina ma dulumkii baa guryahoodii ugu soo galay oo waxay baraarugeen goor dunidii lagu kala tagay. Waligeedba ninka wax dulmaa isagaa ugu danbeeya wax dhibto taabato isagaana ugu badsada hadimadeeda tusaalena aan idinaka siiyo:-

markii dalkii Soomaaliya la odhan jiray dagaaalkii sokeeye ka bilowday siiba gobolladii waqooyiga (Somaliland) ayaa nasiib darro iyo aqoon xumidii ka jirtay maamulkii Maxamed Siyaad Barre iyo kooxdii u olalayn jirtay in la xasuuqo beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa dhibtii halkaa ka dhacday markii hore ku habsatay dadkii deganaa waqooyiga waxaana ka dhacday burbur iyo xasuuq aan wali Soomaaliya soo marin. Hase ahaatee ciddii ka mas’uulka ahayd dulmigaa foosha xun iyagiina kamay macaashin ee miyaan daadku markoodii qaadin ta Alle iyo aakhirana u sii dheertahay.
Haddaan u soo noqdo maqaalka dulucdiisa oo ahaa caddaalad darrrada dalka ka taagan oo bulshadii oo dhammi ka qaylisay oo xataa kii la xukumayay iska daaye xaakimkii madaxa isqabtay isagoo la yaabban xukum qarqooshnida ummadda lagu hayo, waana markii ugu horreysay ee ay ka wada dhawaajaan goloyaasha qaranka ee Somaliland ka jira oo dhan. Asbuucyadii ina dhaafay waxaa ka furmay magaalada Hargeysa aqoon-iswaydaarsi iyo shirar kale ayna ka soo qaybgaleen madaxda dalka ka talisaa qaarkood. Waxaa ka mid ahaa raggii ka soo qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Caddaaladda, mudanyaal ka tirsan labada gole ee wakiilada iyo ka guurtida, hoggaanka garsoorka iyo qareenada u dooda dawladda.

Mudaneyaashaasi dhammaantood waxay ku nuuxnuuxsadeen oo ay wada qireen in dalka aysan ka jirin wax caddaalad la yidhaahdo oo garsoorkii noqday mid aan ku shaqayn habka dawlad sharci iyo distuutr lihi garsoorkeedu ku shaqeeyo ee uu noqday garsoor eexasho iyo laaluush uun ku shaqeeya, waxaana la yidhi balaayo madax la qabtay leedahee minjo la qabto maleh ee haddaan si degdega wax looga qaban ay nabadda Somaliland ku faanto khatar gelyidoonto talana ay faro ka bixidoonto.
Waxaan filayaa in aynu ka wada dharagsan nahay sida diinta islaamku ugu dheeraatay in mujtackasta oo leh maamul wadaag ay waajib ugu tahay cidda ay u igmatay talada dalka inay oofiso wixii loo dhaariyey oo ahaa inay daacadnimo iyo caddaalad ugu adeegaan shacabkooda oo aysan u kala eexan kii u codeeyey iyo kii ka codeeyey taasoo ah miftaaxa nolosha ee ku dhisan dimoqraadiyadda casrigaa oo islaamku inoo jideeyey intaysan qaadan reer galbeedku laakiin nasiib darro aysan jirin meel islaam joogo oo looga dhaqmo nidaamka wada tashiga oo aasaaskiisu yahay talo wadaag sida dalka loo wadaago oo kale si looga badbaado in awoodii dalku aysan ugu dhicin gacanta ragga looyaqaan kaligi-taliye oon lahayn wax horumara waqtiga ummaddana ku dhammeeya isqabqabsi, ku jiqsii iyo akhiiran civil war.

Haddaynu nahay ummad islaama oo leh dastuur Ilaahiya iyo sharci heshiis lagu yahay maxaa keenay caddaalad darrada laga wada qayliyey oo hareer marsan diinteenii iyo dastuurkii ummadda. Waxaan odhan karnaa waxaa keenay asbaabahan hoos ku qoran:-

1. Aqoon darro haysata guud ahaan mujtama oon loona samayn wacyigalin waddaninimo leh
2. Indho ka qarsiga xaqa oo yar iyo waynba loo dhaqaaqay xagga baadilka
3. Dawladdii oo ka gaabisay waajibaadkeedii aan danna ka lahayn caddaalad darrada dalka ka jirta
4. Garsoorkii oo ku milmay dawladdii oo fuliya gar iyo gardarraba waxay doonayso oo qudha
5. Musuqmaasuqii oo noqday sharciga wax kala socodsiiya oo isaga la’aanti aan xarigba kuu xidhmayn
6. Goloyaasha Qaranka oon awood u lahayn wax ka qabadka dhibaatooyinka dalka ka taagan
7. Kii dastuurka ahaa oo noqday xibrun calaa warqah oo loo adeegsado in cid uun lagu dulmo
8. Dadweynhii oo markuu ka quustay maamul caddaalad ku dhisan isna dhiniciisa ka raacay daalimiintii
9. Dadkii oo Shiikh iyo Shariifba baahida haysa awgeed aan u aabbo yeelayn xalaal iyo xaaraantoona
10. Aqoonyahankii ummadda oo la inqilaabay laguna baddalay BAANDO aan nidaam dawladeed garanayn

Caddaaladdu waa bud dhigga nolosha iyo nabad ku wada noolaansha ummadda, meelo badanna waxaa lagaga xusay qur’aanka kariimkaa. Waxaa ka mida aayadda lagu amrayo Nabiyullaahi Daauud inuu markuu dadka xukumayo uu si cadaalada u kala xukumo waxayna u dhigantahay sidan ( Yaa Daauudu innaa jacalnaaka khaliifatan fil-ardi faxkum beena naasi bil xaqqi walaa tattabicil-hawaa fayudillaka can-sabiililaah). Maanta dunidii caddaaladi kama jirto oo muslim iyo gaalba way ka tageen qiyamkii iyo asluubtii wanaagsanayd ee diimahoodu farayeen waxaana dan la mooday waxay ugu yeedhaan dastuur ay jeebkooda kala soo baxeen waxaase nasiib darraa Soomaalidii oo ka tagtay nidaamkii ay dhaqanka iyo hiddaha u lahayd aan kuna dhaqmayn diinta islaamka iyo dastuurka ay ku andacoonayaan inay nidaamka dawladda ku hagayaan.

Haddaba waa labada dhinac mid soo raace, aynagu ka Somaliland ahaan maxaan ku xukumnaa dadkeenna, waana la wada ogsoonyahay hannaanka caddaaladeed ee ka jira dalka inuu ka liito xilligii dawladdii Siyaad Barre oo aad looga cawdo laakiin aad is odhan karto amuu dhaamay waxa maanta ka taagan geeska Afrika. Bal eeg sida qofka mas’uulkaa ee caddaalad ku xukuma dadkiisa Ilaahay ugu abaal guday maalinta qiyaamaha oon hooska Ilaah mooyaane uusan jirin hoos kale. 7da qof ee Ilaahay (SWT) hooskiisa hadhsiiyo ka ugu horreeyaa waa imaamka caadilkaa xasuusana waqtigii Cumar Bin Khidaab uu mas’uulka ka ahaa muslimiinta ayay caddaaladdii wada gaartay dadkii oo dhan waxaana la waayay qof dulman oo imaamka u soo cawda, deetana Cumaroo iska hurda geed hoosti baa waxaa u yimid wafti ka socday wixii la odhan jiray Roomaaniska oo gaalo ahaa. Waxay islahaayeen waxaad la kulmidoontaan nin ay ku wareegsanyihiin ciidan badan oo nabaddiisa ilaaliya laakiin waxay u yimaadeen Cumaroo si aan cabsi iyo khoof lahayn geed hoosti iska jiifa.

Markii la wada hadlay waxay ku yidhaahdeen Cumarow “xakamta facaddalta fa aminta fa nimta murtaaxan” oo macnaheedu noqonayo ciddii si caddaalada wax ku xukumta sidaa Imaam Cumar Bin Khidaab oo kale AYAY iyadoon dhagar qabe ahayn bay si murtaaxa ummadda ugu dhexnoolaan kartaa. Laakiin maanta kuwa wax hoggaamiya cadawgooda kowaad waa ummaddii talada dalka u igmatay oo markay magaalada dhexdeeda marayaan waaba hadday isku soo aaminaane sida saaruukh laganay oo kale bay baabuurta u wataan iyagoo ay daba socdaan koox ismooday inay geerida ka ilaalinayaan waana aragtidooda iyo siday wax u arkaan. Waxaa la yidhi dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa ee waxaa u muuqda dulmiga, hanti boobka iyo caddaalad darrada ay ku hayaan ummadda ee miyey si kalsooniya u dhex mushaaxi karaan dadkay intaasoo dulmiya kula kaceen jawaabtuna waa maya.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa “taladaan la ruugin/rogrogin waa lagu rafaadaa” ee miyeysan Somaliland u baahnayn talo rogrogis loo hagar baxay mise waxay ku sii socondoontaa nidaamkii qadiimka ahaa ee cidoo dhammi ka xorowday kaasoon la jaanqaadi karahayn siyaasadda cusub ee caalamku ku socdo. Waxaa la yidhi shimbiri marbay dab qaaday markiina buulkii hooyadeed bay ku gubtay ee amay dimoqraadiyadda Somaliland noqotaa mid uga sii darta maadaama uusan dalka ka jirin dimoqraadiya saxa, wax caddaald la yidhaahdo iyo garsoor shicibka iyo dawladda u dhaxeeya.

Gagabagabo: Ta kale waxaa siyaasaddiisii wax ka baddalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo beryahan aad uga hadlay caddaalad la’aanta dalka ka taagan nin waddanka ka maqanna muusan ahayn ee waligiisba sida wax u socdaan sheeduu kala socday raalina wuu ka ahaa ee tolow waxani maka OLOLIHII doorashooyinkaa mise sida asxaabul kahfigii buu immika soo baraarugay. Adoo naga mudan xushmad iyo qadarin weyn Axmed Yuusuf Yaasinow awalba waad iska aamusnaan jirtay kamana aad hadli jirin garsoorkii iyo caddaaladdii Siyaad Barre oo soo noqotay ee maxaa kugu kallifay inaad dardargaliso ama aad badasho siyaasaddaadii qunyar socodka ahayd. Anigu waxaan qabaa inay kaa tahay olole siyaasadeed ee lagu beerlaxawsanayo shicibkii ku hungoobay taladii xisbul xaakimka UDUB si doorashooyinka soo socda loogu muraad qumsado ee Axmedow aayadu qur’aanana waad soo daliilisaa ee miyey isqaban kartaa laba kitaablayntu.
Wa billaahi tawfiiq iyo Allow sidii roon.

Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toronto, Canada

Xisbiga UCID oo maanta soo Saaray Warbixin ku Saabsan Xaaladda Guud ee Ddalka

Written by Yaasmiin Raygal
Saturday, 08 March 2008

Hargeysa(Hormoodnews)-Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaa u caado ah in Bishiiba mar uu ka soo saaro xaaladda guud ee dalka warsaxaafadeed waxaanu maanta ka hadlayaa arrimaha hoos ku qoran:


Qodobka 1aad Abaaraha baahsan ee dalka ka jira:-

Xisbaiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu xukuumadda ku baraarujinayaa iyo
dad-weynahaba, maalqabeenada reer Somaliland iyo qorbajoogaba inta aanay xaaladu
faraha ka bixin in gurmad taakuleyn lala gaadho meelaha abaaraha xooga lihi ka
jiraan, si loo badbaadiyo dadka iyo xoolahaba.

Xisbiga UCID waxaa kale oo ummadda Reer Somaliland u soo jeedinayaa in Illaahay la
baryo oo ducooyinka la badiyo ummadduna isa-saamaxdo dunuubtana laga toobad keeno si Illaahay deeqdiisa noogu shubo abaaraana inooga badbaadiyo.Waxaa kale haya’daha caalamaiga ah ka codsanaynaa in gar gaar deg-deg ah la gaadhsiiyo gobolada Somaliland ee abaaruhu ku habsadeen.

Qodobka 2aad nabadgelyada:-

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu dareemayaa in hawlaha baryahan dambe uu ku talaabsaday ciidanka boolisku isaga oo kaashanaya dadweynihiisa si uu u sugo amaanka caasimada ay ku amaananyihiin, iyadoo dad badan oo ajnabi ah oo kala duwani soo buux dhaafiyeen caasimada, wax qabadkaana waanu ku taageeraynaa ciidnka booliska JSL, waxaanu leenahay dadaalkiina halkaa ka sii wada.Waxaa se xusida mudan oo aanu tilmaamaynaa dadka faraha badan ee ka soo gudbaaya
xuduudaha in la kontaroolo oo la sugo amaanka xuduudeena.

Qodobka 3aad mushkilada lacagta giimbaarka ah ee gobolada bariga Somaliland:-

Wuxuu ka hadlay marar badan xisbigu in lacagta giimbaarka ah laga bedelo gobolada
bariga, taas oo wiiqday dhaqaalihii dadka ku nool goboladaas.Waxaa xusida mudan in xukuumaddu dhowr jeer ku balaan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan uga bedelayso lacagta giimbaarka ah goboladaas oo miisaaniyadii kal horana ku dartay qiimihii bedelka lacagahaas, waxaa se nasiib darro ah in xukuumaddu oofin weyday balankii ay qaaday, mushkiladiina sii laba jibaarantay.

Xisbigu wuxuu ku talo bixinayaa in talaabo deg deg ah xukuumaddu ka qaado dhaqaalo
burburkaas ku habsaday goboladaas.

Qodobka 4aad kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka dalka:-

Iyadoo fooda inagu soo hayso doorashooyinkii kala duwanaa oo is dabajoog ah
xisbiga UCID wuxuu wasaarada daakhiliga ku adkeynayaa in ay dhamaystirto kala
xadeyntii gobolada iyo degmooyinka, arrintaasi oo dareemadeedu badanyihiin, muddo
dhan 4 sanno laga dhursugaayay wasaarada daakhiliga meel marinteeda iyo
dhamaystirka arrinta ku saabsan kala xadaynta gobolka iyo degmooyinka dalka.


Alla Mahad Leh


Afhayeenka xisbiga UCID
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)


Yasmin Raygal
Xoghaynta Xisbiga UCID
Mobile 252-2-4427304
Tel Xafiiska Xarunta Dhexe
252-2-524326
Hargeysa - Somaliland