Saturday, March 8, 2008

Xisbiga UCID oo maanta soo Saaray Warbixin ku Saabsan Xaaladda Guud ee Ddalka

Written by Yaasmiin Raygal
Saturday, 08 March 2008

Hargeysa(Hormoodnews)-Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) waxaa u caado ah in Bishiiba mar uu ka soo saaro xaaladda guud ee dalka warsaxaafadeed waxaanu maanta ka hadlayaa arrimaha hoos ku qoran:


Qodobka 1aad Abaaraha baahsan ee dalka ka jira:-

Xisbaiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu xukuumadda ku baraarujinayaa iyo
dad-weynahaba, maalqabeenada reer Somaliland iyo qorbajoogaba inta aanay xaaladu
faraha ka bixin in gurmad taakuleyn lala gaadho meelaha abaaraha xooga lihi ka
jiraan, si loo badbaadiyo dadka iyo xoolahaba.

Xisbiga UCID waxaa kale oo ummadda Reer Somaliland u soo jeedinayaa in Illaahay la
baryo oo ducooyinka la badiyo ummadduna isa-saamaxdo dunuubtana laga toobad keeno si Illaahay deeqdiisa noogu shubo abaaraana inooga badbaadiyo.Waxaa kale haya’daha caalamaiga ah ka codsanaynaa in gar gaar deg-deg ah la gaadhsiiyo gobolada Somaliland ee abaaruhu ku habsadeen.

Qodobka 2aad nabadgelyada:-

Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka (UCID) wuxuu dareemayaa in hawlaha baryahan dambe uu ku talaabsaday ciidanka boolisku isaga oo kaashanaya dadweynihiisa si uu u sugo amaanka caasimada ay ku amaananyihiin, iyadoo dad badan oo ajnabi ah oo kala duwani soo buux dhaafiyeen caasimada, wax qabadkaana waanu ku taageeraynaa ciidnka booliska JSL, waxaanu leenahay dadaalkiina halkaa ka sii wada.Waxaa se xusida mudan oo aanu tilmaamaynaa dadka faraha badan ee ka soo gudbaaya
xuduudaha in la kontaroolo oo la sugo amaanka xuduudeena.

Qodobka 3aad mushkilada lacagta giimbaarka ah ee gobolada bariga Somaliland:-

Wuxuu ka hadlay marar badan xisbigu in lacagta giimbaarka ah laga bedelo gobolada
bariga, taas oo wiiqday dhaqaalihii dadka ku nool goboladaas.Waxaa xusida mudan in xukuumaddu dhowr jeer ku balaan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan uga bedelayso lacagta giimbaarka ah goboladaas oo miisaaniyadii kal horana ku dartay qiimihii bedelka lacagahaas, waxaa se nasiib darro ah in xukuumaddu oofin weyday balankii ay qaaday, mushkiladiina sii laba jibaarantay.

Xisbigu wuxuu ku talo bixinayaa in talaabo deg deg ah xukuumaddu ka qaado dhaqaalo
burburkaas ku habsaday goboladaas.

Qodobka 4aad kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka dalka:-

Iyadoo fooda inagu soo hayso doorashooyinkii kala duwanaa oo is dabajoog ah
xisbiga UCID wuxuu wasaarada daakhiliga ku adkeynayaa in ay dhamaystirto kala
xadeyntii gobolada iyo degmooyinka, arrintaasi oo dareemadeedu badanyihiin, muddo
dhan 4 sanno laga dhursugaayay wasaarada daakhiliga meel marinteeda iyo
dhamaystirka arrinta ku saabsan kala xadaynta gobolka iyo degmooyinka dalka.


Alla Mahad Leh


Afhayeenka xisbiga UCID
Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)


Yasmin Raygal
Xoghaynta Xisbiga UCID
Mobile 252-2-4427304
Tel Xafiiska Xarunta Dhexe
252-2-524326
Hargeysa - Somaliland

No comments: