Tuesday, March 11, 2008

Wadka Xisbiga UCID waa iyadoo Xisbiga QARAN la sharciyeeyo.

Wadka Xisbiga UCID waa iyadoo Xisbiga QARAN la Sharciyeeyo oo loo ogolaado inay Doorashooyinka degaanka Sannadkan ka Qayb Qaataan!!!

Asalaamu Calaykum Warahmatullahi Wabarakatu.

Akhristow waa arrin u baahan in la qeexo oo run ahaan sida ay tahay loo sheego. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “Fardo la isu hayo la isuma faansho”. Waa aragti gaar ah waxaan jeclaystay inaan rayi ahaan wax ka sheegto. Xisbiga UCID iyo madaxdiisaba waxaa nafta u keentay Su’aalo mar walba ku soo noqnoqday oo laga waydiinayo Xisbiga QARAN maxaad u hortagan tihiin? maxaad ku diideen? maxaad u tidhaahdeen sharcigay baal marayaan? maxaa iyo maxaa farabadan oo meel walba maraykan iyo Ingriiska ilaa Kanada daba socota. Xisbigii UCID waxay karaamadii kaga luntay oo loo arkay iyagoo Maxkamaddii, Madaxwaynihii iyo Golihii Wakiilada midna aanay ahayn inay arrintan meel iyo mowqif aad u xun iska taageen,waxayna iyagu waxba ka qaban karin ay dhex dabbaasheen.

Su’aalahan meel walba loo soo tafa xaytay oo markii ugu danbaysay Toronto lagu waydiiyey ay raggii UCID mataleyey Mikirifoonkii isku riixriixeen taas ayaa dhalliil wayn soo galisay dadkii shirkaa ka qayb galay oo yidhi waxay isu badashay inay Faysal difaac qabiil rag u sara kaceen oo ay dimuqraadiyad arrintu ka fogaato. Haddaba waxaanay halkaa ka arkayn, “Baroortu orgiga ka wayn”. UCID ma waari kartaa Haddi QARAN la sharciyeeyo maanta inay doorashadan degaanka ka qayb qaataan?.

Si kastaba arrintu ha ahaatee inay UCID [divisionka] xisbiyada ee labaad ku biirto iyo in QARAN halkaa iska joogto oo UCID ka adkaan kari waydo, si dimuqraadiyada iyadoo loo banneeyey inay la baratanto xisbiga UCID ee maanta ugu liita cod iyo tamarba xisbiyada ka jira Somaliland.

Tartan xalaalina ka dhaco degaan walba oo la qiimeeyo yaa karti iyo karaan badan oo soo gali kara kaalinta saddexaad ee Division One Xisbiyada dadka matali kara maamulna wax u qaban kara ummadda.

Anigoo soo koobay hadalkii iyo aragtidii waxaan ku soo gabo gabaynayaa ninka maanta dalkiisa iyo dadkiisaba raba inuu wax u qabto waa Inuu la yimaado siyaasad hufan oo dhaleeco iyo xajiimo midna aan wadan oo uu ka fogaado cadaadin iyo iska horkeenid.

Dadka Jaaliyadda qurbajooga ahina way ka ilbaxeen in been lagu maaweeliyo oo loo soo shaqo tago, markaas oo kalena waa lagu dhagaysan laguna canbaarayn doonaa cidina aanay kuugu soo joogsan doonin booqashooyin iyo dibad wareeg siyaasadaysan. Ogow oo dadku waa Xisbiyo ta kale waa waddaniyiinta dalkooda dhisaya maanta oo tabarucaad bixiya Cisbitaalo, iskuulo, masaajido, Xarumaha Naafada iyo carruurta daryeelka u baahan, Malcaamado, iwm. Ee talo iiga qaado caqli waa ka ilaahay ku siiyey ee kula dhaqan dadkaaga edeb iyo asluub wax walbana haka jawaabin kursigaagu qiimo iima leh maanta dhaleecadana joojiya U-CID.

Somaliland Guul, Gobanimo, Horumar, Barwaaqo iyo nabad.

Wa Billahi Towfiiq.
Cabdinasir Maxamed Cabdilleh “Sigis”

No comments: