Wednesday, March 19, 2008

Sidee Baan Wax Uga Badali Karnaa Qorshaha Siyaasada Dhaqaalaha ee Wadanka?

Oodwayne.Blogspot.com
March, 19 2008

Dhaqaaluhu waa laf dhabarta umadkasta oo dunidan ku nool. Qorshaha dhaqaalaha iyo siyaasadu way isku xidhan yihiin, waayo dhaqaaluhu wuxuu u baahan yahay siyaasad u dajisa himilooyinka, kuna hagta tubta horumarka iyo barwaaqada, una habaysa ilaha yare ee dhaqaalaha (scarce of economic resource), si loo haqab tiro baahiyaha aan xadka lahayn ee dadka.

Dhinaca kale qorshaha siyaasada dhaqaaluhu kama maaranto dhaqaale si ay ugu dhaqaaqdo himiladiii ay qorshaysteen una fuliyaan sidii loogu talo galay iyo wakhtigii loogu talo galay.

Hadaba waa maxay qorshaha siyaasada dhaqaaluhu? Goormayse bilaabmatay?

Dagaalkii 2baad ee aduunka waxaa dhacay hoos u dhac wayn oo dhaqaale (economic recession), kaasi oo saameeyay aduunka gabi ahaanba, gaar ahaana wadama reer yurub kuwaasi oo markii la tashiyo dhinac walba le sameeyeen ay soo sareen in dawladu dhaqaalaha xukunmaan, tasi waxay sii xoojisay aragtii guud ee shaqaalaysiinta iyo dulsaarka lacagaha ee uu qabay professor jaamacada Cambridge dhaqaalaha ka dhigi jiray oo lagu magacaabi jiray J. M. Keynes sanadkii 1936, aragtidaasi oo diirada saaraysay doorka wanagsan ee ay dawladu ka ciyaari karto agaasinka iyo qorshaynta maalgalinta si loo gaadho u jeedooyin cayiman.sida shaqaalaysiinta buuxda (full employment) kobcinta heerarka dakhliga iyo yaraynta farqiga u dhaxeeya fakhriga iyo barwaaqada.

Hadaba, hadii aan usoo daadago qorshaynta siyaasada dhaqaalaha Somaliland. Somaliland waa dal yar oo fakhri ah aqoonsi caalamina aan helin wali. Yadoo ay sidaasi tahay dawladeenu ma maamuli kartaa dhaqaalaha wadanka? Door intee leegbay ka ciyaaari kartaa kobcinta dhaqaale? Hadii aan uga jawaabo siday u kala horeeyaan. Haa way maamuli kartaa hadii la miisaamo lacagta suuqa ku jirta si loo yareeyo baaxadaga (fluctuations) sarifka, lagana shaqaysiiyo siyaasada lacagta( monetary policy) si uu kor ugu kaco wax iibsigeedu(real income).

Dawladu waxay ka ciyaari kartaa door muhiim ah kobcinta dhaqaalaha hadii lasameeyo dhaqaale isku dhafan(mix economy) yadoo racaysa labadan qodob:

1. Hadii dhaqaalaha la isku dhafo oo ganacsiyada jira laba loo qaybiyo, qayb dawladu maamusho oo yadu leedahay iyo qayb shicibku leeyihiin sixirkana la si isku mida loo gooyo yadoon la dulmayn ganacsatada, dadkana loo danaynayo si loo gaadho barwaaqo.

2. Siyaasada dhaqaalaha wadanka oo dawladu hogaanka u qabato marmarka qaarkoodna xakamayso dhaqdhaqaaqa dhaqaalaha gaarka loo leeyahay si loo hubiyo loona xakameeyo faraqa u dhaxeeya danta ganacsadaha iyo u jeedooyinka dhaqaale ee wadanka u yaala si aanay u noqon ninba meeshii ka dirir.

Guntii iyo gabagabadii, dhaqaalaha wadanku in loo fikiro buu u baahan yahay, yadoo aan ka faa iidaysanayno resource ka aynu haysano dhulka, xooga dadka iyo raasamaalka aynu leenahay si umada loo gaadhsiiyo barwaaqo.

Waxaanan soo dhawaynayaa fikirada I taageersan ama iga soo horjeeda labadaba!!

Alla mahadle

By: A/rahmaan Miigane Rayaale

No comments: