Tuesday, March 25, 2008

Awrka DAMBE Awrka HORE SAAN QAADKIISUU LEEYAHAY!

Oodwayne.blogspot.com
March 25, 2008
Waxaa Qoray: Shucayb Cabdi gaboose

Waxaan ku soo halqabsanayaa maahmaahdan aan cinwaanka uga dhigay maqaalkan aan doonayo inaan kaga hadlo aragtiday ku wajahan meelahay iska shabbahaan ama ay isaga egyihiin dawladda Somaliland ka talisay iyo dawladdii Maxamed Siyaad Barre oo Soomaaliya ka talinaysay muddadii u dhaxaysay 1969-kii ilaa 1991-kii oo la burburtay waxay iyadu gacmaheeda ku kasbatay ama ha noqto gafay Alle ka gashay ama gafkii iyo caddaalad darradii ay shacabka Soomaaliyeed ka gashay kaasoo keenay dhibta iyo isqabqabsiga ka taagan guud ahaan dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oon wali loo helin cid xikmad rabbaaniya iyo caqli xanbaarsan oo kala gurta ummadan madaxa isla gashay oo la moodo sidii kooxda Mareykanka ee ciyaarta fuutboolka oo intay isbuurtaan oo foodda isdaraan uu midi kala dhexbixi jiray kubbaddii lagu tartamayay.

Aan u soo noqdo xikmadda ku hoos duugan cinwaanka sare oo ah awrka dambe awrka hore saan qaadkiisuu leeyahy. Sda aynnu ogsoonahay Soomaalidu waxay u badan tahay dad reer guuraaya oo dhaqda xoolaha miyiga markaa waxay ku soo halqabsadaan hadba xoolaha ay dhaqdaan nooca uu yahay. Markaa Maahmaahdani waxay sheegaysaa awrta isku xidhiidhsan oo dhaanka loo isticmaalo in awrka hore hadba siduu u tillaabso ay kuwa ku daba xidhani ula talaabsadaan oo hadduu dheereeyana way la dheereeyaan haduu gaabiyana way la gaabiyaan.

Ninka awrta kala yaqaan wuxuu ugu horreysiiyaa awr aad u dheereeya oo hayina jecelna inuu si dhakhso leh u gaadho meeshii looga furi lahaa haamaha saaran ee biyeysan ee uu culayskooda la daalaadhacayo. Inta badan hoggaankiisa waa loo siidaayaa oo waa awr aad u yaqaan meesha uu u socdo haddii nin hoggaanka u qabtana lugtuu uga joogsadaa oo ma jecla in la horgalo oo sidii diyaarad auto-piolot ku socota ayuu ku joogsadaa halka reerku daganyahay waxaadna moodaa inuu ogyahay inay sugayaan dad ooman oo micisa oo ka biyo sugayay.

Haddaba haddaynu ka eegno dhinaca kale ee xagga dawladnimada iyana waa sidaa si la mida oo haddii ummadda uu hoggaamiyo nin daacada oo ku dhaqma dasturka iyo sharciga dalka u yaal oon khiyaamin hantida qaranka waxaa hubaala markuu xukumka ka dago ninka baddalidoonaa in uusan ka liidandoonin oo uu ku tallaabsandoono sidii kii ka horreyey oo hayinka biyo ma daadshaha ah u ahaa dadkiisa laakiin haddiise uu ka horreyo inkaar qabe la mida inkaar qabyaasha ina rogay waa xaqiiq inay ummaddaasi lumidoonto oo rafaad iyo horumar la’aan ay is waheshandoonaan.
Miyaan la odhan karin dawladda Somaliland maanta xukumtaa waxay qaadatay dariiqii uu ku jabay Maxamed Siyaad Barre oo ahaa kala qaybi beelaha oo qoladii kuu timaadaba ku sasab gobol baan idin siiyey oo waxaan idinka xoreeyey reer hebel ee sidaa ku ayida tawradda barakaysan waana la wada ogyahay halkay ina dhigtay tawrad ku sheegtii.

Maanta iyadoo ay jirto dhaqaale darro, sicir barar iyo shaqo-la’aan ku baahday dalka oo aan loo hayn wax lagu maamulo dalka guud ahaanba maxaa ku kalillfay madaxweynahu inuu 6 gobol iyo 16 koodii degmo mar qudha magacaabo tiyo kuwii ka horeeyeyba aan loo hayn dhaqaale wax loogu qabto ama adeegii hooseba loo la’yahay taasi miyeysan ka dhignayn habartii la kici wayday xaabada dhabarka loo saaray oo tidhi in kale iigu soo dara iyo timirtii horeba dab loo waa. Somaliland ma awoodo inay mar qudha laba kaclayso oo isku soo daroo degmooyinkii iyo gobolladoodii hore oo isku ahaa 20 in mar kaliya 20 kale dusha laga saaro. Anigu waxaan u arkaa riwaayaddii awkoombe iyo tiyaatarkii Xamar oo wax beena dadweynaha lagu maaweelin jiray iyadoo loogu heesi jiray dadweynahaan maaweelinaa danta u hagnaa.

Dalku malahan hay’ad soo darista waxyaaba ay gobolladu u baanyihiin oo qasab ku ah dawladda dhexe inay wax ka qabato ee waa meel aan lahayn nidaam qorshaysan oo si caqliyeysan loogu fakaro danta guud waxayna u muuqataa laga baray laga badi iyo nidaamkii qabyaaladda ku dhisnaa ee laga dhaxlay Siyaad Barre. Markaa miyaysan ummadani waligeedba ka ilbaxayn waxaan macne lahayn iyo riwaayad riqiisa oo qori ismaris hadba ula imaanayo. Siyaad Barre markii ay talo ku caddaatay oo Soomaalidii wixii damiir lahaa ka yaaceen hubna kala horyimaadeen buu ku waashay reer hebalow waxaan idin siiyey gobol wuxuu ka taray dhibtii dalka ka jirtayna lama hayo ee waxay ka ahayd kala qaybin iyo iska horkeen ee miyaan la odhan karin Daahir Riyaale halkii Afweyne marayay ’90-kii ayuu qarka u saaranyahay ee allow yaa la taliya oo ku yidhaahda waar ka joog waa wixii Afweyen ku jabaye.

Haddaan in yar ka soo qaato waxay iskaga midka yihiin dawladda Somaliland iyo tii Maxamed Siyaad Barre waa mid ninkii caqli lihina uu ka dharagsanyahay kii kalena aan loo sheegayn balse aan ku soo koobo arrimahan:

• Been ummadda lagu harqiyo laguna maaweeliyo ood mooddo dadku inuu yahay caruur ka caqli liidata
• Qabyaaladdii shalay la aasay oo dib loo soo fagtay oo dan la mooday in ummadda lagu hago
• Musuqmaasuqii iyo maamul xumidii oo dalka ku baahday oon wax hawla dawladda loo qaban
• Boobka aan loo aabbo yeelayn oo lagu hayo hantidii qaranka oo ay ka dhacday qaataye qaado
• Madaxweynihii ummadda oo shaqadiisii noqotay hadba inuu shiriyo oday-dhaqmeedyo iyo ballan qaadyo looga oofsanayo in beelahoodo dawladda codkooda siiyaan
• Ballan qaadyadaa oo madaxweynaha looga oofsado degmooyin aan laba askari mushaarkood bixin karin in gobollo looga dhigo! haddiise gobollo laga dhigo maxaa dhaqaalaa oo loo hayaa timirtii horeba dab loo waaye
• Caddaaladdii oo la laalay oo loo arko ciddii caddaalad soo qaadaa inay tahay cid daciifa oon awood lahayn
• Hanti-dhawrkii qaranka oon jirin oo ninka hantida qaranka hayaa u isticmaalo sidii xoolo uu leeyahay
• Tixgalin la’aanta cabashada dadweynaha iyo dhawaaqaka ka soo yeedhaya bulshada caalamka
• Safarro iyo tamashlayn lagu kala bixiyo caalamka waxay ka keeneenna aan lahayn
• Dalkoo loo kala qayb-qaybiyo gobollo ku dhisan hab qabiil, iska horkeen iyo sii kala fogayn beela

Bal iskadaa waxay keenaanoo xataa waraysigii yaraana way joojiyeen iyagoo marmarsiimo ka dhiganaya inay aamusnaantu tahay xeel siyaasadeed si aan cadawga Somaliland uga faa’idaysan tolowse miyeysan ogayn inaan Soomaalida wax u kala qarsoonayn oo meel qudha looga wada taliyo oo xaalkeenu yahay abaskuul meelna ma wada joogo warna iskama seegna. Haddaba intaa aan kor ku soo xusay waxaa laga soo koobi-gareeyey dhaqankii dawladdii Siyaad Barre oo aad moodo in Somaliland ay dan mooday inay u doobi dillaacsato sidii ina Siyaad barre oo kale iyadoo ka faa’idaysanaysa baahida dhaqaale iyo aqoon la’aanta ka jirta dalka.

Akhristow waxaan ku soo xidhayaa maqaalkan aan ula jeedo wacyi-galin in maanta dawladda ka talisa Somaliland iyo tii Maxamed Siyaad Barre aysan aad u kala fogayn sababtoo ah madaxda dalka ka talisaa intooda badan siiba inta ugu tunka wayn waxay ahaayeen kuwii maamulkii dalka dumiyey uu ku dhaadan jiray oo uu ku odhan jiray waxaad tihiin indhihii iyo dhagihii kacaanka barakaysan oo iyagoon lahayn madax la qabto ummadda iska soo qabqaban jiray deetana ku ciqaabi jiray GODKII Xamar ku yaallay oo qofkii galaa aan dib dambe loo arki jirin ama uu ka soo bixi jiray isagoon qof caadiya ahayn allowna yaa wax ka waydiiya qaar ka mida madaxda Somaliland. Aan ku soo gabagabeeyo qaar ka mida gabaygii dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane ee Cabdillahi Suldaan Tima-cadde uu lahaa.


01- Anigumbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane
02- Dadkaan la hadlaya baan lahayn dux iyo iimaane
03- Bal inay dalfoof tahay caqligii dooni laga saaray
04- wixii hore usoo daashaday bay dhagaysanaysaaye

05- Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
06- Duulkii inkaar qaba jinbaa daasado u tuma e
07- Dab markuu baqtiyo meel kalaa dogob ka qiiqaaye
08- Waagii dilaacaa naxdimo dirir la sheegaaye

09- Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hele e
10- Nin ka duday dastuurkii iyo waxyigii diintii ka carrowye
11- Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye waa dix dhagaxeede
12- Dadka kama yaraateene way is dabar jaraysaaye

13- Dubbe madaxa way iskala dhacdaa daa’im abidkeede
14- Goortay is wada dooxatay baa daad usoo ruqaye
15- Ubaxiinii waagaabiseen waana dubateene
16- Dariiq toosan Soomaalidaay waa lagaa dadaaye

Ilaahay Jannadii haka waraabiyo Cabdillaahi Suladaan Tima-cadde wuxuu ahaa nin Somalida aad u yaqaannay gabagan baana ka markhaati furaya caqliga Somalida iyo qaabka qabyaaladeed oo la dagay hadaan Raxmaanku inoo bixinna wallee inbadan baa la odhandoonaa allow maxaa nagu watay waxaan talada u dhiibannay waxaase la yidhi it is never too late oo wali fursad baa idiin harsan waa haddii Alle idin garansiiyo haddiise kale waad hurudaane buste weyn isasaara.

Wa Billaahi Tawfiiq iyo Raxmaankaa Mahadleh
Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toronto, Canada
Gabose55@hotmail.com

No comments: