Tuesday, March 11, 2008

Xildhibaan Ka Tirsan G/Guurtida S/Land Oo Dawlada Hoose ee Hargeysa aad u Dhaliilay !!!

Written by Qarannews.
Mar 10, 2008 at 04:13 PM

Xildhibaan Ka Tirsan G/Guurtida S/Land Oo Dawlada Hoose Hargeysa Ku Eedeeyay Inay Taysarooyinkii U Diideen Dadka U Dhashay Gobolada Kale Dalka

Hargeysa(Qaran) Mudane Axmed Muuse Obsiiye, oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa maamulka dawlada hoose ee Hargeysa, ku eedeeyay inay taysarooyinkii dhalashada ay u diideen dadka u dhashay gobolada kale ee Somaliland, ee degan caasimada dalka.

Xidhibaan Axmed Muuse Obsiiye, oo maanta shabakada wararka ee Qarannews ugu warmayay xarunta Aqalka odayaasha, ayaa si kulul u cambaareeyay wax uu ku tilmaamay fawdada ay dawlada hoose ku kala soocayso muwaadiniinta dalka, waxana uu yidhi "Waxa dhacday in Waraaqdii Aqoonsiga dhalashada [Taysaro] ay dawlada Hoose ee Hargeysa, ay dadka u dhashay gobolada kale ay ku tidhi waraaqaha dhalashada u doonta goboladii aad ka soo jeedeen, waxaan uga digayaa kuwa sidaasi leh inay joojiyaan dhaqankaasi oo halis ku ah qaranimada iyo nabadgelyada dalka".

Mudane Axmed Muuse, oo aan weydiiyay in isaga ay ku dhacday oo laga hor istaagay waraaqdii aqoonsiga iyo in kale, waxa uu ku jawaabay "Waxa loo diiday ninkii guriga aanu isku xigno deganaa, oo aanu isku hayb nahay"

Xildhibaankan oo ka soo jeeda gobolka Tog-dheer, oo la ka jawaabayay su'aal ahayd in Maayarka Caasimadu uu sheegay in aanay jirin cid si gaar ah wax loogu diiday, hase yeeshee ay adkeeyeen uun qaabkii iyo nidaamkii loo qaadanayay Taysarooyinka, waxa uu yidhi "Cadaynta arrintan aan sheegayo ee dambiga ah iyo dadkii loo diiday ayaanu haynaa, haddii ay Dawlada Hoose ee Hargeysa marayso Burco iyo Oodweyne u doono taysarooyinka, waa talaabo halis ah, kuwa caykaasi ku talinaya waxaan leeyahay waar mar kale dalka dhibaato ha inaga gelinina."

Md Obsiiye, oo aan weydiiyay inay cabashadooda u gudbiyeen Wasaarada ay khusayso ama golayaasha dalka, waxa uu yidhi "Wasiirka Daakhiliga waanu u gudbinay, Madaxweynahana waanu u gudbinay, maayarka laftiisana nuqul ka mid ah ayaanu siinay, markaa maxaan yeelayaa haddii aan jago yar oo aan dego codsado oo la igu yidhaahdo ma tuurta ayaad dhulka ku sidatay, oo taysaradiina maanta la igu yidhi Burco iyo Oodweyne u doono, aniguna aan ka mid ahay Guurtidii nabadayntii iyo qaranimada dalka ka soo shaqaysay."

Xildhibaanku waxa uu Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inuu arrintan soo faro geliyo oo uu wax ka qabto, waxaanu yidhi "Madaxweynaha Somaliland waxaan leeyahay ha isku eegin dadka ee arrintan soo faro gali oo wax ka qabo."



Cumar Maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa

No comments: