Tuesday, March 25, 2008

Salaadiinta iyo Baaqa Gurmadka Abaaraha oo sii xoogaysanaya

Oodwayne.blogspot
March 25, 2008
Source:(Hadhwanaagnews)

Hargeysa-(HWN):- Qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa maanta baaq-qaylo dhaan ah oo ka dhana aabaraha wadanka saameeyey u soo jeediyey Xukuumada Somaliland iyo Hay’adaha caalamiga ah, isla markaana waxay sheegeen in ay cuduro soo foodsaareen xoolaha, loona baahan yahay in si degdega loogu gurmado dadka ay abaaruhu waxyeeleeyeen.

Sida waxay Salaadiintu ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta ku qabteen Hotel Emperial Magaalada ee Hargeysa

Salaadiintan oo dhamaa Lix suldaan oo ay magacyadoodu kala yihiin: Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, Suldaan Bare Xaaji Xuseen, Suldaan Axmed Cabdiqaadir, Boqor Cali xuseen Kaahin iyo Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in shirkan jaraa’id uu daaranyahay baaq abaareed oo ka dhan ah sidii wax looga qaban lahaa abaarahaas ba’an ee saameeyey shacabka reer Somaliland, ee ku nool meelaha Miyiga ah.

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi, oo isna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay inay dadkii ay samaayeen abaaruhu ay u baahan yihiin gurmad deg-deg ah. “Dadku waxa uu u baahan yahay gurmad degdeg ah, oo aan sii eegasho lahayn, anigu waxaan soo maray deegaamo badan oo ka mid ah Degmooyinka Balli-gubadle iyo Salaxlay, dadkaas dhibaatooyin fara badan ayaa haysta.” Ayuu yidhi

Isaga hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Xoolaha kuwooda Gees layda ah iyo Geeluba xanuun ayaa ku jira, oo waxaan odhan lahaa Wasaarada Caafimaadka halkaa ha ka hawl-gasho, ciddii awood u haysa ee wax ka tari kartaana, wixii ay ka gaysan karto ha ka gaysato.”

Suldaanku waxa uu ku baaqay in loo gumado dadkaas, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi. “Dadkaana waxaan odhanayaa ha loo gurmado oo si dhab ah ha loogu gurmado, waa Ummadeenii oo masuuliyiin ayaynu ka nahay.”

Suldaan Bare Xaaji Xuseen, oo isna shirkaa jaraa’id ka hadlay waxa uu yidhi “ Horta wax la baryo, oo gacantiisa lagu dhergo Illahay-baa jira, oo baryo beni’aadam waxba ma tarto, Hay’ado Gaalo ah ama Muslima oo wax ku siiyaana waxba ma taraan, horta ilaahaybaa wax taree, waxa aynu ilaahay ka baryeynaa in uu ka soo furto ummadeenaa iyo Xoolaheenaa dhibaataysan, Oonkaa [haraadkaa] iyo cudurkaa la sheegay.”

Suldaanku waxa uu ugu baaqay dhamaan dadka reer Somaliland in loo hawl-galo sidii dadkaa abaaruhu samaayeen wax loogu qaban lahaa, “Cidda wax la waydiinayaa Maanta waa innaga, oo waa dadka Somaliland jooga, haday yihiin Taajir, fiqiir iyo wixii maanta wax haysta-ba ee awoodi karaya, Galaan biyo ah oo la bixiyaa wax buu tarayaa, dheglay biyo ahi waxbay taraysaa, Booyad-na iyada hadalkeedaba daa.”

Isaga oo hadalkiisa siiwatana waxa uu yidhi “Waxa weeyaan dadkeenii Bari iyo Galbeedba abaar kulul ayey ka siman yihiin, caalamkana in badan ayaa inala qabta. Hadana hadaan la’isku tashan, oo aan wax la is-waydiin, oo aan la hubin wax-ba socon maayaan.”

“Walaalkaa kolkuu dhinto dee maydkiisu waxba kuu tarimaayoo cuni maysid, oo inta uu nool yahay ayuu wax kuu yahay. Kolkaa ilaahay wuu isku keen eegayaaye, waxaa la inaga doonayaa isu naxariisasho iyo sii Islaamnimo, tii jaarnimo, tii walaalnimo, tii wada-dhalasho, Xukuumad iyo Shacab-ba, meel la joogaba in gacmaha la is-qabsado, in gurmad degdeg ah la sameeyo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Bare Xaaji Xuseen.

Waxaa Suldaanku uu ku gubaabiyey dhamaan Shacab-weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay u gurmadaan, oo ay biyo iyo wixii kale ee loo helaya-ba la gaadhsiiyo dadka ay abaaruhu samaayeen.

“Markaa walaaloyaal waxa aynu u baahan-nahay in aynu isku tashano, oo aynu abaabul samayno, oo dooda iyo halka siyaasada lagaga dheelayo ee la isku riix-riixayo inta laga saaro, la yidhaahdo maxaynu badbaadin karnaa? Kii balwad lahaa, uu balwaddiisa u huro, kii saddex jeer wax cunayey uu labo jeer dhaafo, kii nusa-saaciisa haystay, uu nusu-saacihiisa u huro.” Ayuu yidhi Suldaan Bare Bare Xaaji Xuseen.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa weeye ummadeenu maanta gurmad xaqiiqa, oo cilmiyaysan, oo Xukuumad iyo shacab-ba la isku maran yahay, in aynu samayno ayaa loo baahan yahay. Waxa dhibayaana waxa weeyaan dadkeenii Miyiga oo maanta meel halis ah maray.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay Suldaan Axmed Daahir, oo ku baaqay gumad abaareed oo deg-deg, waxaanu yidhi “Waxaanu si aad iyo aad ah oo weliba degdega u codsanaynaa in abaarahaas laga hawl-galo.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxaa la yidhi col iyo abaar midkeebaa saamayn xun? Waxaa la yidhi colku wuxuum-buu reebaa, oo cid ayuun-buu la ku dhacaa, laakiin waxaa ka xun Abaarta, oo iyadu wax-ba ma dhaafto.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey, oo uu yidhi “Waxaa wadankeena ka jirta Abaar baahsan, oo aan dhinacna ahayn, oo Somaliland ku baahsan Abaartan ayuun-baa jirta. Xaga ilaahay ayuum-baa loola ciirsan, oo illaahay ayuum-baa caawa gaajada iyo dhibaatada saari kara.”


“Laakiin wuxuun-baa loo baahan yahay intii awoodeena ah in aynu gurmado, oo wax ka qabano intii awoodeena ah” ayuu yidhi i Suldaan Axmed Daahir.


Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Boqor Cali Xuseen iyo Suldaan Naasir Cabdi Ismaaciil oo iyagu iska daba maray sidii loogu gurman lahaa dadka ay saameeyeen abaaruhu, isla markaana ugu baaqay Shacbiga reer Somaliland gudo iyo dibadba sidii ay gacan gurmad loola soo gaadhi lahaa dadkaasi.

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

No comments: