Monday, March 24, 2008

Oodweyne: Hay’adda GAA oo Tababar u Xidhay 30 Xubnood

Odweyne.blogspot.com
Source:(Jam)

Soddon xubnood oo ka tirsan bulshada tuulada Ceel-xume ee ka tirsan degmada Oodweyne, ayaa shalay loo soo gebagebeeyey tababar ku saabsan ilaalinta degaanka oo u socday laba maalmood ah.

Haya’adda Germany Agro Action xafiiskeeda Gobolka Togdheer oo tababarkan soo qabanqaabiyay, ayaa ujeeddadisu ahaa sidii bulshada tuulada loogu wacyigelin lahaa ilaalinta degaanka iyo joojinta jarista dhirta qoyan.

Marwo Hana Cabdirisaaq X.Xuseen oo ka mid ah madaxda sare ee hay’adda GAA oo hadal kooban ka jeedisay xidhitaankii tababarka ayaa tidhi; “Tababarkani waa mid muhiimad u leh degaanka. Nololi ma jirayso haddii aynaan fahmin faaiidada degaanku u leeyahay dadka iyo xoolaha.”

Waxa ay intaa ku dartay, “Waxa looga baahan yahay bulshada reer Ceel-xume inay dhammaantood iska kaashadaan ilaalinta degaankooda, hadday tahay gudiga tuulada iyo dadweynahaba waxa la idiinka baahan yahay sidii aad u daryeeli lahaydeen degaanka aad ku nooshihiin. Sidaa darteed, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaashataan goobaha aanu dhirta idiinku beernay oo gaadiidka iyo xoolahaba ka ilaalisaan,” ayey hadalkeeda ku soo xidhay Marwo Hana Cabdirisaaq.

Tababarkan ayaa ahaa mid bulshada lagu barayay faa’iidada iyo waxtarka ay dhirtu u leedahay dadka iyo xoolaha iyo siyaabaha ugu habboon looga hortago nabaad-guurka.

Hay’adda GEMANY AGRO ACTION ayaa ka hawlgasha degaannada gobollada Togdheer iyo Sool, waxayna ka shaqaysaa oo wax badan ka qabatay dhinacyada beeraha, biyaha, and fayodhowrka iyo degaanka.

No comments: