Tuesday, March 18, 2008

Midowga Yurub oo xaqiijiyey inay Somaliland ku duugan Yihiin macdano kala duwan oo ganacsi geli karaya

Oodwayne. Blogspot.com
March, 18 2008

Hargeysa (Jam)- Midowga Yurub, ayaa shaaca ka qaaday in Somaliland ay ka buuxaan macdano qaali ah oo ganacsi caalami ah geli karaya, taas oo la barbar-dhigi karayo macdahana ku jira dalalka Madagascar iyo Tanzania ee ku yaal bariga Afrika.

Sidaana waxa shaaca lagaga qaaday baadhis dhinaca macdanta ah oo dhawaan laga sameeyey Somaliland. Waxaana warbixinta lagu sheegay in Somaliland ay ka buuxdo macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Gemstones, Emerald, Aquamarine, Ruby, Sapphire iyo sidoo kale xaddi badan oo ah Garnet, Quartz, Opal iyo macdanaha loo yaqaano Lesser-ka oo ay ka mid yihiin Titanite iyo Vesuvianite.

Sidoo kale waxa warbixinta lagu sheegay in ay Somaliland hodan ku tahay Pegmatite oo ah dhagaxaanta laga helo macdanaha Emerald iyo qaybo kale oo ka mid ah Beryl.

Waxa kale oo Midowga Yurub xuseen in dadka reer Somaliland aanay aqoon badan u lahayn macdanta ka buuxda dalkooda, taas oo dadka tuulooyinka ku nooli u isticmaalaan qodista macdahaas hab aad u gaboobay oo dib-u-dhacsan, kuwaas oo inta yar ee ay soo helaana ka iibiya dad u dhashay Somaliland oo ka ganacsada macdanta. Arrintana waxa la ogaaday markii masuuliyiin ka tirsan xafiiska Komishanka Yurub (EC) ee magaalada Hargeysa ay arkeen macdanta loo yaqaan Gemstone, ayaa si ay u ogaadaan in macdanta meelo kale laga soo xaday iyo inay Somaliland ku jirto waxay Midowga Yurub casuumeen Dr. Judith Kinnaird oo ah gabadh khabiir ku ah macdanaha oo ka socta Jaamacadda Witwatersrand ee magaalada Johannesburg ee dalka Koorfurta Afrika si ay baadhitaan ugu sameeyso in macdahani ku jiraan Somaliland iyo in kale.

Dr. Judith Kinniard waxay laba jeer soo booqatay Somaliland labadii sanno ee ina dhaafay, si ay baadhitaan ugu sameeyso xaqiiqada ah in macdanta qaaliga ah ee Gemstone-ku ku jirto Somaliland, iyada oo gacan ka helaysa kooxo macdanta wax ka yaqaana oo reer Somaliland ah, si loo kala saaro macdanaha muuqaal ahaan isku eeg, balse kala duwan kalana qaalisan, waxaanay hirgelisay baadhitaan horumar dhaliyey oo uu maalgeliyey Komishanka Yurub (EC), si loo sameeyo urur macdantan Gemstone-ka wax ka yaqaana iyo dariiqii suuq geyn loogu heli lahaa khayraadka macdanaha ee ka buuxa Somaliland.

Warbixinta sidan lagu caddeeyey waxa qoray wargeyska Jewellery News Asia oo ka soo xigtay qudbad ay Dr. Judith Kinnaird ka jeedisay shirka sannad laha ah ee ururka Gemmological Association ee dalka Ingiriiska oo ka dhacay magaalada London.

Warbixinta oo ah mid aad u dheer, isla markaana nuxur badan oo ku saabsan khayraadka ka buuxa dalka Somaliland, waxa halkaa idiinka sii ambaqaadi doonaa caddadka berri.

No comments: