Saturday, March 8, 2008

Caddaalad Darrada Dalka oo Maxkamadihii iyo Xaakimkiiba ka Dayriyeen.... Caadilow Cidi nooma Maqnee adaa Noo Sahana!

Ummad waliba waxay ku caano maashaa hadba siday caddaaladda u tixgaliso oo cidda hoggaanka haysaa ay xil waddanimo-leh isaga saarto inay u adeegto dadkeeda si caddaalad ku dhisan oo waafaqsan shuruucda dalka u yaalla haddise taa la waayo ka eeg meel aan daganaansho iyo nabadi ka sii jiri doonin waana u dan qof kastoo muwaadan ihi inuu helo saamigiisa xuquuqeed ee dalkiisa uu ku leeyahay. Dalku waa hooy weyn oo la wada leeyahay waajibna ay tahay in la wada dhawro hannaanka awd-qeybsiga iyo caddaaladda lagana feejignaadaa inuusan dalku noqon meel nin kaliyihi iska leeyahay sida ay u dhaqmaan madaxda qaaradda Afrika oo hadba ninka dalka madaxweynaha ka ah iyo koox daba carartaa ay saydoonaan ka yeelaan khayraadka dalka uguna tuntaan xeerarka iyo sharciga dalku leeyahay haddaan indhaha la isqabannayna adinkuba markhaataad ka tihiin.

Haddii ay dhibi timaado ama ha ahaato mid dabiiciya ama mid dadku abuuray waa hubaal inuusan ninna ka badbaadayn waxaana la yidhi daadku intuusan ku qaadin baa la iska muusaa ee waatan ummaddii oo dhammi ka qaylinayso caddaalad la’aantee tolow qoladii xukumka loo igmaday iyagiina ma dulumkii baa guryahoodii ugu soo galay oo waxay baraarugeen goor dunidii lagu kala tagay. Waligeedba ninka wax dulmaa isagaa ugu danbeeya wax dhibto taabato isagaana ugu badsada hadimadeeda tusaalena aan idinaka siiyo:-

markii dalkii Soomaaliya la odhan jiray dagaaalkii sokeeye ka bilowday siiba gobolladii waqooyiga (Somaliland) ayaa nasiib darro iyo aqoon xumidii ka jirtay maamulkii Maxamed Siyaad Barre iyo kooxdii u olalayn jirtay in la xasuuqo beelaha Soomaaliyeed qaarkood ayaa dhibtii halkaa ka dhacday markii hore ku habsatay dadkii deganaa waqooyiga waxaana ka dhacday burbur iyo xasuuq aan wali Soomaaliya soo marin. Hase ahaatee ciddii ka mas’uulka ahayd dulmigaa foosha xun iyagiina kamay macaashin ee miyaan daadku markoodii qaadin ta Alle iyo aakhirana u sii dheertahay.
Haddaan u soo noqdo maqaalka dulucdiisa oo ahaa caddaalad darrrada dalka ka taagan oo bulshadii oo dhammi ka qaylisay oo xataa kii la xukumayay iska daaye xaakimkii madaxa isqabtay isagoo la yaabban xukum qarqooshnida ummadda lagu hayo, waana markii ugu horreysay ee ay ka wada dhawaajaan goloyaasha qaranka ee Somaliland ka jira oo dhan. Asbuucyadii ina dhaafay waxaa ka furmay magaalada Hargeysa aqoon-iswaydaarsi iyo shirar kale ayna ka soo qaybgaleen madaxda dalka ka talisaa qaarkood. Waxaa ka mid ahaa raggii ka soo qaybgalay madaxweyne-ku-xigeenka, Wasiirka Caddaaladda, mudanyaal ka tirsan labada gole ee wakiilada iyo ka guurtida, hoggaanka garsoorka iyo qareenada u dooda dawladda.

Mudaneyaashaasi dhammaantood waxay ku nuuxnuuxsadeen oo ay wada qireen in dalka aysan ka jirin wax caddaalad la yidhaahdo oo garsoorkii noqday mid aan ku shaqayn habka dawlad sharci iyo distuutr lihi garsoorkeedu ku shaqeeyo ee uu noqday garsoor eexasho iyo laaluush uun ku shaqeeya, waxaana la yidhi balaayo madax la qabtay leedahee minjo la qabto maleh ee haddaan si degdega wax looga qaban ay nabadda Somaliland ku faanto khatar gelyidoonto talana ay faro ka bixidoonto.
Waxaan filayaa in aynu ka wada dharagsan nahay sida diinta islaamku ugu dheeraatay in mujtackasta oo leh maamul wadaag ay waajib ugu tahay cidda ay u igmatay talada dalka inay oofiso wixii loo dhaariyey oo ahaa inay daacadnimo iyo caddaalad ugu adeegaan shacabkooda oo aysan u kala eexan kii u codeeyey iyo kii ka codeeyey taasoo ah miftaaxa nolosha ee ku dhisan dimoqraadiyadda casrigaa oo islaamku inoo jideeyey intaysan qaadan reer galbeedku laakiin nasiib darro aysan jirin meel islaam joogo oo looga dhaqmo nidaamka wada tashiga oo aasaaskiisu yahay talo wadaag sida dalka loo wadaago oo kale si looga badbaado in awoodii dalku aysan ugu dhicin gacanta ragga looyaqaan kaligi-taliye oon lahayn wax horumara waqtiga ummaddana ku dhammeeya isqabqabsi, ku jiqsii iyo akhiiran civil war.

Haddaynu nahay ummad islaama oo leh dastuur Ilaahiya iyo sharci heshiis lagu yahay maxaa keenay caddaalad darrada laga wada qayliyey oo hareer marsan diinteenii iyo dastuurkii ummadda. Waxaan odhan karnaa waxaa keenay asbaabahan hoos ku qoran:-

1. Aqoon darro haysata guud ahaan mujtama oon loona samayn wacyigalin waddaninimo leh
2. Indho ka qarsiga xaqa oo yar iyo waynba loo dhaqaaqay xagga baadilka
3. Dawladdii oo ka gaabisay waajibaadkeedii aan danna ka lahayn caddaalad darrada dalka ka jirta
4. Garsoorkii oo ku milmay dawladdii oo fuliya gar iyo gardarraba waxay doonayso oo qudha
5. Musuqmaasuqii oo noqday sharciga wax kala socodsiiya oo isaga la’aanti aan xarigba kuu xidhmayn
6. Goloyaasha Qaranka oon awood u lahayn wax ka qabadka dhibaatooyinka dalka ka taagan
7. Kii dastuurka ahaa oo noqday xibrun calaa warqah oo loo adeegsado in cid uun lagu dulmo
8. Dadweynhii oo markuu ka quustay maamul caddaalad ku dhisan isna dhiniciisa ka raacay daalimiintii
9. Dadkii oo Shiikh iyo Shariifba baahida haysa awgeed aan u aabbo yeelayn xalaal iyo xaaraantoona
10. Aqoonyahankii ummadda oo la inqilaabay laguna baddalay BAANDO aan nidaam dawladeed garanayn

Caddaaladdu waa bud dhigga nolosha iyo nabad ku wada noolaansha ummadda, meelo badanna waxaa lagaga xusay qur’aanka kariimkaa. Waxaa ka mida aayadda lagu amrayo Nabiyullaahi Daauud inuu markuu dadka xukumayo uu si cadaalada u kala xukumo waxayna u dhigantahay sidan ( Yaa Daauudu innaa jacalnaaka khaliifatan fil-ardi faxkum beena naasi bil xaqqi walaa tattabicil-hawaa fayudillaka can-sabiililaah). Maanta dunidii caddaaladi kama jirto oo muslim iyo gaalba way ka tageen qiyamkii iyo asluubtii wanaagsanayd ee diimahoodu farayeen waxaana dan la mooday waxay ugu yeedhaan dastuur ay jeebkooda kala soo baxeen waxaase nasiib darraa Soomaalidii oo ka tagtay nidaamkii ay dhaqanka iyo hiddaha u lahayd aan kuna dhaqmayn diinta islaamka iyo dastuurka ay ku andacoonayaan inay nidaamka dawladda ku hagayaan.

Haddaba waa labada dhinac mid soo raace, aynagu ka Somaliland ahaan maxaan ku xukumnaa dadkeenna, waana la wada ogsoonyahay hannaanka caddaaladeed ee ka jira dalka inuu ka liito xilligii dawladdii Siyaad Barre oo aad looga cawdo laakiin aad is odhan karto amuu dhaamay waxa maanta ka taagan geeska Afrika. Bal eeg sida qofka mas’uulkaa ee caddaalad ku xukuma dadkiisa Ilaahay ugu abaal guday maalinta qiyaamaha oon hooska Ilaah mooyaane uusan jirin hoos kale. 7da qof ee Ilaahay (SWT) hooskiisa hadhsiiyo ka ugu horreeyaa waa imaamka caadilkaa xasuusana waqtigii Cumar Bin Khidaab uu mas’uulka ka ahaa muslimiinta ayay caddaaladdii wada gaartay dadkii oo dhan waxaana la waayay qof dulman oo imaamka u soo cawda, deetana Cumaroo iska hurda geed hoosti baa waxaa u yimid wafti ka socday wixii la odhan jiray Roomaaniska oo gaalo ahaa. Waxay islahaayeen waxaad la kulmidoontaan nin ay ku wareegsanyihiin ciidan badan oo nabaddiisa ilaaliya laakiin waxay u yimaadeen Cumaroo si aan cabsi iyo khoof lahayn geed hoosti iska jiifa.

Markii la wada hadlay waxay ku yidhaahdeen Cumarow “xakamta facaddalta fa aminta fa nimta murtaaxan” oo macnaheedu noqonayo ciddii si caddaalada wax ku xukumta sidaa Imaam Cumar Bin Khidaab oo kale AYAY iyadoon dhagar qabe ahayn bay si murtaaxa ummadda ugu dhexnoolaan kartaa. Laakiin maanta kuwa wax hoggaamiya cadawgooda kowaad waa ummaddii talada dalka u igmatay oo markay magaalada dhexdeeda marayaan waaba hadday isku soo aaminaane sida saaruukh laganay oo kale bay baabuurta u wataan iyagoo ay daba socdaan koox ismooday inay geerida ka ilaalinayaan waana aragtidooda iyo siday wax u arkaan. Waxaa la yidhi dhagar qabe dhulkaa u dhaqdhaqaaqa ee waxaa u muuqda dulmiga, hanti boobka iyo caddaalad darrada ay ku hayaan ummadda ee miyey si kalsooniya u dhex mushaaxi karaan dadkay intaasoo dulmiya kula kaceen jawaabtuna waa maya.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa “taladaan la ruugin/rogrogin waa lagu rafaadaa” ee miyeysan Somaliland u baahnayn talo rogrogis loo hagar baxay mise waxay ku sii socondoontaa nidaamkii qadiimka ahaa ee cidoo dhammi ka xorowday kaasoon la jaanqaadi karahayn siyaasadda cusub ee caalamku ku socdo. Waxaa la yidhi shimbiri marbay dab qaaday markiina buulkii hooyadeed bay ku gubtay ee amay dimoqraadiyadda Somaliland noqotaa mid uga sii darta maadaama uusan dalka ka jirin dimoqraadiya saxa, wax caddaald la yidhaahdo iyo garsoor shicibka iyo dawladda u dhaxeeya.

Gagabagabo: Ta kale waxaa siyaasaddiisii wax ka baddalay madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo beryahan aad uga hadlay caddaalad la’aanta dalka ka taagan nin waddanka ka maqanna muusan ahayn ee waligiisba sida wax u socdaan sheeduu kala socday raalina wuu ka ahaa ee tolow waxani maka OLOLIHII doorashooyinkaa mise sida asxaabul kahfigii buu immika soo baraarugay. Adoo naga mudan xushmad iyo qadarin weyn Axmed Yuusuf Yaasinow awalba waad iska aamusnaan jirtay kamana aad hadli jirin garsoorkii iyo caddaaladdii Siyaad Barre oo soo noqotay ee maxaa kugu kallifay inaad dardargaliso ama aad badasho siyaasaddaadii qunyar socodka ahayd. Anigu waxaan qabaa inay kaa tahay olole siyaasadeed ee lagu beerlaxawsanayo shicibkii ku hungoobay taladii xisbul xaakimka UDUB si doorashooyinka soo socda loogu muraad qumsado ee Axmedow aayadu qur’aanana waad soo daliilisaa ee miyey isqaban kartaa laba kitaablayntu.
Wa billaahi tawfiiq iyo Allow sidii roon.

Qalinkii: Shueib A. Gaboose
Toronto, Canada

No comments: