Wednesday, November 28, 2007

Shir Lagaga Hadlayo Maalgalinta Ganacsiga yaryar oo Ka Dhacay Magaalada Burco.

BURCO:HORUMARINTA MAALGASHIGA MEHERADAHA YARYAR
Burco (Jamhuuriya Online) Godoomiyaha gobolka Togdheer Cabdi Xuseen dheere ayaa maanta furay kulan balaadhan oo lagaga hadlayay sidii loo horumarin lahaa maalgashiga iyo amaaha la siiyo meheradaha yaryar,islamarkaana looga gudbilahaa caqabadaha ka hor yimi gaar ahaan dhinaca diinta oo lagu qabtay huteel City Plaza ee magaalada Burco.
Waxa gudoomiyuhu munaasibada furitaanka ka sheegay in maalgashigan meheradaha yaryar ay faaido badan u xambaarsantay dalka korna u soo qaaday dhaqaalaha bulshada danyarta “Maaha CCS,hayad cusub oo aanu hada isbaranayno ee mudo todoba sano ah ayay ka hawlgalaysay gobolka mashaariic badana ka hirgalisay”.
Gudoomiyuhu waxa xusay in uu hada ka rajaynayaa inay sii laban laabaan hawlihii ay ka wadeen gobolka.

Cabdilaahi Maxamed Xirsi oo ka mida Madaxada Hayada CCS, oo ka hadlay kulankan ayaa isagoo iftiiminaya muhiimada laga leeyahay waxa uu yidhi “ujeedada kulankan aynu isugu nimi waxa uu yahay sidii loo horumarin lahaa maalgashiga amaahda meherdaha yaryar la siiyo isagoo kaga dhawaajiyay in loo gudbo habkii mashaariic maalgashiya loogu samayn lahaa bulshada “Sadex warshadood oo yaryar ayaanu dhowaan u keeni doona burco si uu kordho ganacsiga dalku”.

Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen Hayada CCS iyo Dalada Comfi,ayna maalgalisay Hayada ISF,ayaa waxa liishaanka lagu saaray sidii ururada ka shaqeeya Amaahda la siiyo meherdaha yaryar dalada ay samaysteen ee Comfi, ay noqoto mid isku xidha wada shaqaynta ururadaa,Islamarkaana la eego bulshada danyarta ah daymihii maalgalinta lagu siiyay u kobcisay dhaqaalahooda iyagoo helay ganacsiyo ay u madaxbanaan yihiin,iyo sida looga gudbihi lahaa caqabadaha ka hor yimi gaar ahaan dhinac diinta.

Miss,Airi kahara,oo ka socotay hayada ISF,ayaa soo dhowaysay kulankan iyagoo sheegaty in mashruucan kala shaqaysay hayadahan kaa soo ay tilmaantay inuu yahay mid waxtar badan u soo kordhiyay bulshada danyarta ah, iyadoo balan qaaday inay gacan wayn ka gaysandoonaan sidii loo horumarin lahaa kobcinta dhaqaalaha bulshada danyarta.

Waxa kaloo goobtaa ka hadlay Sh.Maxamed Ismaaciil oo ka socday wasraada awqaafta iyo diinta ayaa isaguna tilmaamay doorka ay diintu ka qabto waxaanu yidhi “hadii amaahda la siinayo qofka lagaga doonayo faaiido xaga diinta ma banana, hadiise aan faaido lagaga doonayn waa banaanthay”waxa uu intaa ku daray sh.Maxamed in qadiyadan lafteeda aanu u tagnay dalka Masar oo ay nakaxaysay hayada Amaah kalkaal, waxaanan la soo kulanay laba Sheekh oo ashariyiin ah oo degan magaalada Alaskandariya kuwaasoo iyaga laftoodii ku kala aragti duwanaaday, Sh.Abusitayt oo ah agaasimaha guud ee awqaafta halkaasi waxa uu yidhi,kama weecin karo inay ribo tahay, halka sheekha kale ka argti duwanaaday oo yidhi,mar hadii wax layskaga raali yahay waxba kuma jiraan.

Waxa sheekh maxamed ku soo koobay hadalkiisii in wali arinmaha lagu muran san yahay balse loo baahan yahay in la sameeyo itijaah cad oo qorshahan ku socdo, taas oo ah in laga saaro wixii ribo ah ee ku jira.
Kulan oo socondoona mudo laba maalmood ayaa wax ka soo qaybgalau 30 xubnood oo kakala socda hayadaha bixiya amaaha maalgashiga eedalka,Wasaardaha Awqaafta,.Ganacsiga,Maaliyada Hayadaha sharci dejinta iyo khubaro aqoon gaara u leh habkan maalgashiga amaaha la siiyo meheradaha yaryar, kuwaasoo ka kala yimi gobolada wadanka
Waa markii u horaysay ee kulan noocan oo kale ah lagu qabto magaalada Burco.

No comments: