Wednesday, November 28, 2007

Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee Gobolka Awdal iyo Qaylo Dhaankooda



Maamulka iyo salaadiinta
iyo cuqaasha Gobolka Awdal
ayaa shalay kulan ballaadhan
ka yeeshay sidii xal loogu heli
lahaa xoolo tiro badan oo ku
xayiran xuduudka




Somaliland la wadaagto dalka Jabuuti oo la doonayay in loo Iibgeeyo
, arintaas oo ay cadho xooggan ka muujiyeen ganacsatada reer Awdal oo ku andocoonaya in lagu soo rogay cashuur aan dalka intiisa kale ka jirin.

Kulankan oo ka dhacay Hutelka Rays waxa ay salaadiinta iyo madaxdhaqameedyada reer Awdal ku wargaliyeen maamulka gobolku inay ka xun yihiin tallaabadaa xukuumaddu ku dhaqaaqday laguna xayiray xoolihii ay muwaadiniinta gobolku ku iibgaysanayeen laguna soo rogay cashuur qayrul-caadi ah oo neefkiiba la saaray lacag 5$ ah, halka dalka intiisa kale iyo dekedda Berberaba neefka lagu cashuuro 1.5 ilaa 2 dollar. Sidaa waxa Jamhuuriya u sheegay Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ah afhayeenka salaadiinta gobolkaa oo kulankaa ka dib aanu waraysi la yeelanay.

Suldaan Samatar waxa kale oo uu sheegay in xukuumaddu markii hore ku andocoonaysay in xoolahaas oo ay dad muwaadiniin ahi leeyihiin ay yihiin koontarabaan, balse ay xukuumadda lafteedii u sheegtay in loogu cashuurayo afar doolar, haddana markiiba ay kordhiyeen kana dhigeen 5$ oo neefkasta laga qaadayo, arrintaas oo muujinaysa in ganacsatadii gobolka loola dhaqmayo si ka duwan dalka intiisa kale.

"Xoolahani koontarabaan maaha, muwaadiniin baa leh waxaanan u aragnaa in gobolka lagu curyaaminayo. Bishii Carrafo ayaa lagu jiraa dadkuna hantidoodii yarayd, waxa ay gashadeena xoolahan yar, markaa waxaannu leenahay xukuumaddu ha ka noqoto tallaabadaa hana joojiso cashuurtan aan dalka intiisa kaleba laga qaadin," ayuu yidhi Suldaanku.

Suldaan Samatar waxa kale oo uu sheegay in Badhasaabka Awdal markii ay kulmeen uu ka ballanqaaday inuu arrintan u bandhigi doono madaxda sare ee dawladda ayna rajaynayaan in la garowsan doonoo a cabashada ay tirsanayaan ganacsatada gobolka oo iyaga hore ula soo xidhiidhay, imikana ay a rajaynayaan iyaga iyo ganascsatadu ay wafti ku tagi doonaan Hargaysa si ay arrintan culays u saaraan, xalna loogu helo suuqa ninka kaliya loo xidhay iyo ganacsatada la leeyahay xoolihiina meel kale ma gayn kartaan.

Waxay ahayd horraantii toddobaadkan markii ay ciidamada qaranka ee xeebta galbeed ee Gobolka Awdal aay qabqabteen kumanaan xoolo ah oo la doonayay in laga tallaabiyo xuduudda dalka, iyadoo loo iibgaynayay dalka Jabuuti, balse markii dambe sida ay wararku sheegayaan xoolahaa qayb ka mid ah waxa neefkiiba loogu cashuuray 4 ilaa 5$, qayb kalena weli xuduudda ayey ku xayiran yihiin.


Jamhuuriya

No comments: