Friday, November 30, 2007

Degmada Gabiley oo Ciidanka qaranka Ugu Deeqday 964 Neef iyo 100 Kiish oo Hadhuudh ah


Degmada Gabiilay oo ciidanka qaranka ugu deeqday 964 Neef oo adhi ah iyo 100 Kiish oo hadhuudh ah PDF Print E-mail
Written by Qarannews
Nov 29, 2007 at 03:41 PM
Gabilay (Qaran)-Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland Mudane C/laahi Cali Ibraahim, ayaa Maanta ka gudoomay Odayaasha degmada Gabilay deeq Adhi ah oo gaadhaya 964 Neef iyo 100 Kiish oo hadhuudh ah oo loogu tallo galay Taakulaynta Ciidanka Qaranka ee ku sugan Jiida hore ee Gobolka Sool.

Munaasibadan Maanta lagu qabtay xarunta Dawlada Hoose ee Gabilay ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiirada Gaashaandhiga , Arimaha Gudaha, Madaxtooyada, Wasiiru dawlaha Hawlaha guud iyo Guryaynta ,. Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada , Salaadiin.

Furitaankii Munaasibadan waxa ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Gabiley Isagoo u mahad celiyay dadweynaha reer Gabiley sida wanaagsan ee ay iskaga xil saareen taakulaynta ciidanka Jiida hore ku sugan.

Sidoo kale , Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cali Cirro ayaa isna hadal uu halkaasi ka jeediyay ku amaanay shacbiga reer Gabiley siday hiil iyo hooba ula dhinac taagan yihiin ciidanka Qaranka .

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in tallaabadani ay dhiiri galinayso ciidanka Qaranka , waxaanu ballan qaaday in ay gaadhsiin doonaan deeqdani halki loogu tallo galay , isagoo guud ahaan u mahad celiyay Dadweynaha reer Gabiley.

Waxa kale oo iyaguna xafladii wareejinta deeqdaasi goob joog ka ahaa Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose degmada Gabiley Caydaruus C/laahi iyo Gudoomiyaha Xisbiga UDUB degmada Gabiley Xuseen Nuur Bakaal.

Somalilandnation

No comments: