Monday, November 26, 2007

War Bixin Dugsiga Sare ee Oodwayne.


Bishii August ee sanadkan ayaa la furay Dugsigii sare ee Degmad Oodweyne kaas oo lagu bilaabay 30 Arday oo ahaa kuwii ka soo qalin jabiyay Fasalka sideeda Dugsiyada Dhexe waxaana dugsigaas sare wax ka dhiga shan macalin kuwaaso si adag isugu xil saaray inay buuxiyan baahida waxbarasho

ee Dugsiga Hadaba Wariye Kayse Axmed Digaale oo dhawaan booqday Magaaladda Oodweyne ayaa maamulaha Dugsiga Sare ee Oodweyne C/raxiim Maxamed Bulxan kula kulmay Dugsiga Sare Oodweyne isagoo ka wax ka waydiiyay inuu uga waramo xaaladda Waxbarasho ee Dugsigaas wuxuuna Maamulu ku jawaabay “ Dugsigan Sare ee Oodweyne waxa la furay bishii August ee Sanadkan waxaana uu furna mudo yar waxaana dhigta in ka badan 30 Arday oo ah Fasalka Koobad ee Dugsiga Sare iyo 10 neeye Arday oo ah Fasalka Labaad ee Dugsiga Sare kuwaaso ka soo badashay dugsiyada dalka,


Maamulaha Dugsiga oo ay la taagan yihiin Xil Maxamed X Yuusuf iyo Axmed Deeq Saajin

macalimiinta dugsigu waa shan macalin oo midkiiba dhigo laba maado si loo daboolo baahida waxbarasho ee dugsiga, wax kale iran yahay” oo dugsigu keeyahay lab kii dhamaan fasalada iyo dhismaha dugsiguna waa dayac t Waxa uu intaas ku daray Maamuluhu in dhibaatada ugu weyn ee haysataa ay tay sidii dugsiga looga dhigi lahaa mid hooy ah (Boarding ) maadama Bulshada deeganku tahay beeralay iyo xoola dhaqato sida daraadeed ardayda ka oo baxda Dugsiyada deeganku kuma gali karaan dugsi aan ahay hooy waayo meelo kala fog ayay ka imanayaan “ qorshaha ugu weyn ee aanu hada ku talo jirnaa waa sidii dugsiga hooy looga dhigi lahaa anako la kaashanyna qurba jooga degmada iyo dawladaba.



Muuqalka Laabka Dugsiga

Waxa uu maamuluhu ugu baaqay ardaydii ka baxday dugsiyada Oodweyne ee waxbarashada sare u raadsaty Gobolada kale inu furan yahay dugsigii sare ee Oodweyne ay iman karaan cidi u baahan.

Ugu danbayntii waxa uu maamulaha Dugsiga Sare Oodweyne mahad naq balaadhan u soo jeediyay qurba jooga Degmada Oodweyne oo iyagu kaalin weyn ka qaatay furitaanka iyo hirgalinta dugsiga iyo Wasaarada Waxbarashada Somaliland.


Ardayada Dugsiga Sare, Macalimiinta oo la taagan Xil. Maxame Wabeeyo iyo Axmed Deeq

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeyo oo kamid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland oo laga soo doorto Degmada Oodweyne oo isaguna booqday Dugsiga sare Oodweyne ayaa balan qaaday inay ka hawl gali doonan sidii dugsigan looga dhigi lahaa mid hooy ah isla markaan waxa uu Xildhibaanku u mahad celiyay maamulka iyo Macalimiinta dugsiga isagoo kula dardaarmay inay samir iyo dhabar adayg u yeeshan hawshaas adag ee ay hayaan


Hablaha Waxkabarta Dugsiga Sare Oodweyne iyo Maamulaha Dugsiga


Axmed Deeq Saajin Daahir oo isna kamid ah qurba jooga Degmada Oodweyne ee iyagu hirgaliyay Dugsigan oo aan isagan kula kulmay Dugsigaas ayaa isaguna sheegay in ay dadaalkii ay ugu jireen hormarka iyo kor u qaadista Waxbarashada degmada Oodweyne ay halkoodi ka sii wadi doonan, isla markaan ay kaalintooda ka qaadan doonan sidii dugsiga looga dhigi lahaa mid hooy ah waxa uu Axmed Deeq tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu arko maanta Dugsigii Sare ee Oodweyne oo ardaydii dhiganays.

Dugsigan Sare ee Oodweyne ayaa waxa dibudhiskiisa iyo dayactirkiisa waxa gacanta ugu weyn ka gaystay qurba jooga degmada kaaso ay ku baxday dhaqaale ka badan 54 kun oo Dollar. Dugsigan Sare waa ka kaliya ee ka furan degmada Oodweyne kaaso la filaayo inuu meesha ka saaro baahida ardayda Dhamaysata fasalada siddeda ee dugsiyada dhexe ay waxbarashada Dugsiga sare u raadsan jireen Burco iyo Hargeysa kuna ahaayd dhibaato culus

Togdheer News
Burco Somaliland

No comments: