Monday, November 26, 2007

Wasaaradda Waxbarashada oo Daboolka ka qaaday inaan Jaamacado danbe laga furi doonin Dalka.







Hargeysa(HWN):- Wasaarada Waxbarashada Somaliland ayaa Caawa Daboolka ka qaaday inaan la ogolayn asaasida Jaamacado Cusub oo kale wakhti xaadirkan dalka laga furto,iyada oo ku sababeysay mamnuucitaankeeda ilaa inta la qiimeynayo baahiyaha dalka jira ee Dhinaca Waxbarashada Sare.

Sida waxa lagu sheegay War-saxafadeed uu ku saxeexan yahay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasan Gadhweyne] oo nuqul ka mid ahi Caawa soo gaadhay Xafiiska shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com soo gaadhay.

Waxa kale oo Wasiiku War-saxafadeedka ku sheegay inay Wasaarada Waxbarasho ahaan ku kalsoon yihiin inay jaamacadaha wakhtigan dalka ka jiraa ay dabooli karaan baahiyaha jira,Sidoo kale-na waxay tallo ahaan u soo jeediyeen dadka ku hawlan arrimaha noocan oo kale ah halka ay ka doonayaan inay furtaan Jaamacado ay furaan Dugsiyada Farsamada Gacanta.

Waxaanu u dhigaa sidan:-

“Wasaarada Waxbarashadu,waxay mahad iyo bogaadin u jeedinaysaa muwaadiniinta reer Somaliland ee doonaya inay jaamacado ka aas-aasaan dalka,taas oo ka turjumaysa dareenkooda wadaninimo is-xilqaan dheeraad ah.Hase yeeshee,waxa dhamaan dadka soo codsaday in ay jaamacado aas-aasaan iyo kuwa ku talo jira la ogaysiinayaa in aan wakhtigan xaadirka ah loo ogolayn aas-aasida jaamacado cusub ilaa dib loo qiimeeyo baahida dalka ee dhinaca waxbarashada sare, lana hir geliyo Komishinkii waxbarashada sare.

Waxa kale oo aanu ku kal-soonahay in ay jaamacadaha maanta jiraaa dabooli karaan baahida hadda jirta’

Dhinaca kale, waxaanu muwaadiniintan u soo jeedinaynaa hantida ay jaamacado ku samyn lahaayeen inay ku maal geliyaan dugsiyo farsamo iyo kuwo xirfadeed, kuwaasi oo ka baahi balaadhan kana badan jaamacado loo qabo Waxana aan mar labaad idiin soo jeedinaynaa mahad iyo bogaadin balaadhan”

Mustafe Cabdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

No comments: