Friday, November 30, 2007

Degmada Sabo wanaag oo 300 Neef oo Adhi ah ugu Deeqday Ciidanka Qaranka

PDF Print E-mail
Written by Qarannews

Adhi

Hargeysa(Qaran)- Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, oo ay weheliyaan waxgaradka degmada Sabo-wanaag ee Gobolka Hargeysa , ayaa ku wareejiyay xubno ka tirsan gudida taakulo ururinta qaranka , oo degmadaas booqday 300 00 neef oo Adhi ah, oo ay ugu deeqeen ciidamada Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay Gobolka Sool.

Xafladii loo sameeyay wareejinta deeqda, oo lagu qabtay Degmada sabo-wanaag, waxa ka soo qeyb-galay Wasiirka wasaarada duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka, Md Cali Maxamed Waran-cadde, Gudoomiye-kuxigeenka labaad ee xisbiga UCID, Md Aadan Maxamed Mire {Waqaf}, Wasiir kmuxigeenka dib udejinta JSL, Gudoomiye-ku xigeenka gobolka Hargeysa iyo odayaal iyo waxgaradka degmadaa.
Suldaan Yuusuf Muxumed xiiray, oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay in 300 ee Neef, ay ka mid yihiin 600 neef oo reer Sabo-wanaag, ay ugu deeqeen ciidamada qaranka, waxaanu yidhi "Xoolahani waxay qeyb ka yihiin 600 oo neef oo adhi ah, oo dadwenaha deegaanka Sabo-wanaag ay ugu deeqeen ciidamada qaranka, waxa aanu 300 ee hadhayna aanu ku keenaynaa muddo hal todobaad ah".

Suldaanku waxa uu intaas ku daray inay taageero kala duwan ay la garab taagan yihiin xukuumada iyo ciidamada Qaranka.

Wasiirka duulista hawada iyo Gaadiidka cirka Md Cali Maxamed Warancadde,oo ku hadlayay magaca Gudida Goboplada Bari ayaa ka mahad celiyay deeqda xoolaha ah, oo uu ka gudoomay waxgarada degmada sabo-wanaag, waxaanu yidhi "Reer Sabo-waangoow, waa la idinku yaqaanay taageeradanoocan oo kale ah, balse waxaan idin leeyahay inta xoolaha kalena la soo dhakhsada, waxa aan idiin sheegayaa in degmo kasta, siday ay gobolada bari u taageerto, mutaqbalka wax loogu qaban doono".

sidoo kale waxa xaflasda ka hadlay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xisiga UCID Mudane Aadan Maxamed Mire {Waqaf} oo ka waramay muhiimada balaadhan ee sugida xuduudaha bariga dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada gobolka Sool, a ugu fadhiyaan Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa

No comments: