Wednesday, November 28, 2007

Shirwaynaha Dib u Dhiska Somaliland oo ka dhacay Hargaysa



Wasiirka Qorsheynta Qaranka Oo Furey Shirweyne Lagu Lafo-gurayo Barnaamijka Dib Udhiska Somaliland
Print E-mail
Written by Faysal Cabdilaahi
Wednesday, 28 November 2007
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Isu duwidda Mudane Cali Ibraahim Maxamed ayaa maanta shirweyne lagu lafogurayo bilowga Mashruuca Dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland oo bilaabmi doona 2008 ka furay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

Kulankaasi oo socon doona muddo laba cisho ah oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Qorshayntu, ujeedadiisuna tahay mid lagu falanqaynayo mashruuca RDP oo ah Mashruuc ay maalgelintiisa iska kaashanayaan Baanka Adduunka , QM iyo EU,
waxa ka soo qayb galay Baanka Adduunka , QM , EU-da , Wasaaradaha Dawlada ,
hay’adaha Madaxa banaan ee Dawlada iyo hay’adaha Deeq bixiyayaasha.

Wasiirka qorshayntu hadal uu ka jeediyay furitaankii kulankaasi waxa uu sheegay in uu shirkani daba socdo shir hore oo la qabtay Bishii Jeenawari , sidaasi daraadeedna wixii kaa hore ka soo baxay marka la falan qeeyo lagu ansixin doono
., isla markaana lagu bedeli doono Mashruucan oo markaa hore ahaa RDF in uu
noqdo RDP Reconstruction and Development Programme’’. Waxa kale oo uu sheegay in shirkan lagaga wada hadli doono Isu-duwida deeqaha (UN Transitional Plan) iyo Iskaashiga guud ee dawlada iyo hay’adahaasi.

Wasiirku isagoo ujeedada shirkan ka hadlaya waxa uu yidhi ‘’Shirkan labada
cisho ee uu socdo waxyaabaha lagaga wada hadlayaa waxa weeyi in warbixino la keenay oo ah shirkii bishii Jenawari la qabtay wixii laysku raacay oo imika dib loo soo habeeyay in laysla afgarto ah , waxase ku jira laba qodob oo mihiim ah oo aan kala hadlayaa qolooyinkan ka socda Baanka Adduunka iyo Eu-da iyo Hay’adaha QM, taasi oo ay qodobadani kala yihiin:

1-Sidii ay lacagtu u iman lahayd barnaamijkan bilaabmi doona 2008 markii hore
Somaliland waxay u soo marki jirtay hay’adaha QM, laakiin taasi imika waanu
ka wada hadlaynaa.

2-Sidii Mashaariicdaa marka la bilaabo wada tashigii , fulintii iyo wixii ka
soo baxaya ah ee dhibaato ah looga wada xaajoon lahaa ee loogu dhigi lahaa qaab
lagu wada tashado ayaa isaguna ku jirta.

’Markuu bilaabmo Mashaariicdaasi waxa loo baahan yahay in aanay noqon mid
ay qolada deeq bixiyayaashu la soo habsaamaan lacagayawgii ay keenayeen oo had
iyo goor dhacda ee wakhtigii wax walba loogu tallo galay ay sidoodii u dhacaan. ’Xagga dawlada waxa waajib ku ah in deeqda dadkii u baahnaa inay gaadho , suurta
gasha in lagu wada shaqaysto xaashi cad oo cid waliba arki karta waxa ku yaala’’, ayuu yidhi. Wasiirka qorshayntu waxa uu sheegay in uu ka rajaynayo shirkaasi in midho dhal fiicani ka soo bixi doonaan , isla markaana tallaabada ku xigtaa ay noqon doonto fulintii Mashruucan oo la yidhaa dib u dhiska iyo horumarinta Somaliland, kaasi oo socon doona shan sano , lana bilaabi doono sanadkan soo socda.

Waxa kale oo furitaankii shirkaasi ka hadlay Dr Chris Lovelace oo ah Agaasimaha
Baanka Adduunka ee gobolka, Wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan UN-ta
Eric LAROUCHE , ku xigeenka Wakiilka Komishanka Midowga Yurub Richard Honds ,
waxaanay masuuliyiintani dhamaantoodba ka warameen faa’iidada Mashruucani
leeyahay iyo meelaha wax ka qabashadiisa diirada lagu saari doono.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

No comments: