Friday, November 30, 2007

Wakiilka Midowga Yurub oo ka Hadlay Shaqo Abuurista iyo kobcinta Dhaqaalaha Somaliland







Mr. Richard oo ka warramayey waxyaabihii uu ku arkay dalka Somaliland muddado laba casho ah oo uu joogay waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurista shaqooyinka ay tahay.

Wakiilka ururka Midowga Yurub uga qaybgalay shir ballaadhan oo lagaga hadlayey xaaladda dib-u-dhiska iyo horumarinta dalka Somaliland oo lagu magacaabo Mr. Richard Hands, ayaa ka dayriyey xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Somaliland.

Mr. Richard oo ka warramayey waxyaabihii uu arkay dalka Somaliland muddado laba casho ah oo uu joogay waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata koboca dhaqaalaha iyo shaqo abuurista dalka Somaliland uu yahay Qaadka, sidaana waxa uu ka sheegay gunaanadkii shirweynahaas oo shalay ku dhammaaday hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu sheegay in boqolkiiba toddobaatan (70%) dadka reer Somaliland ay ku nool yihiin laba doolar maalintii, isla markaana dadka Qaadka cunaa ay ku qayilaan 2 ilaa 5 doolar maalintii, taas oo ah buu yidhi dhibaato u baahan in si qoto dheer looga hadlo.
Mr. Richard oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Waxaanu halkan ku falanqaynaynay sidii kor loogu qaadi lahaa ganacsiga, dhaqaalaha, abuurida fursado shaqo oo laga sameeyo somaliland. Waxaan u malaynayaa waxaanu ka hadlaynay waxyaabaha deeq-bixiyayaashu ay qaban karaan. Sidoo kale waxa jira waxyaabo aad u muhiim ah laga hadlo, kuwaas oo dadka reer Somaliland ay qabtaan, ta ugu muhiimsan ahna carqabada ugu weyn ee dhinaca horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuuristu waa qaadka, waa in aynu caddaynaa taa, sida uu sheegayo tirakoob la sameeyey boqolkiiba toddobaatan (70%) dadka reer Somaliland waxay maalintii ku nool yihiin wax ka yar laba doolar ($2) maalintii.
Haddii aynu eegno qaadka dadka cunaa maalintii waxay ku qayilaan 2 ilaa 5 doolar ($2 - $5), waxaanan u malaynaynaa in 60% dadku cunaan qaadka. Haddii aanad ka hadalo su’aasha ku saabsan qaadka uma baahnid lacagta deeq-bixiyayaasha, uma baahnid waxa laga wadahadlayo ee ah milyannada doolarka ah. Xaqiiqadu waxa weeye dadka Jaadka cunaa ma shaqayn karaan wax soo saarna ma yeelan karaan, muddo kadibna waxa ku dhaca dhibaato caafimaad oo xagga maskaxda ah. Sidaa daraadeed, qaadku wuxuu ku hayaa culays aad u wayn dhaqaalaha Somaliland.”

Mr. Richard waxa uu intaa raaciyey oo yidhi; “Sida keliya ee suurtogal ah in dhaqaale lagu helaa waa qaab lacag ururineed oo ay qoysaskiina ama asxaabtiina joogta waddamada reer galbeedka sida Ingiriiska, Maraykanka iyo Kanada ay soo diraan. Maxaa dhacaya haddii ay ogaadaan in lacagtii ay soo dirayeen si ay ugu taageeraan qoysaskooda waddankoodana dib ugu dhisaan, waxay noqonaysaa wax khasaaray. Waa in arrintaa dhab ah looga hadlaa.”
Geesta kale, waxa iyaguna si weyn ugu qushuucay hadalka wakiilka qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha shirka oo tilmaamay in loo baahan yahay sidii wax kale bulshada loogu badali lahaa kaalinta uu kaga jiro Qaadku. Waxaana ka mid ahaa dadka arrintaas ka hadlay Mr. Cabdillaahi oo ka socday shirkada Dahabshiil oo isagu gaar ah ugu dhiiriyey ganacsatada inay isku dayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen heerka Dahabshiil marayso, waayo buu yidhi Dahabshiil waxay ka soo bilawday meel eber ah.

Togdheer News
Hargeysa Somaliland

No comments: