Saturday, December 1, 2007

Burco iyo Oodwayne oo laga xusay Maalinta Aafada Aids ka ee Adduunka

BURCO IYO OODWEYNE OO LAGA XUSAY MAALINTA AIDSKA ADUUNKA
Published Dec 01, 2007 - 11:55 PM by siciid
NEWS


Munaasibado lagu xusaayo Maalinta Aidska Aduunka ee 1 Decenber ayaa lagu qabtay Magaaladda Burco iyo Oodweyne halka ka daawo Sawiradii Burco iyo Oodweyne

Munaasibada Balaadhan oo lagu xusaayay Maalinta AIDS ka aduunka ayaa lagu qabtay Fagaaraha khayriyada munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyinta Caafimaadka, Ururada Bulshada rayidka ah iyo dadweyne badan ayaa waxa lagu soo ban dhigay riwaayado, heeso, majajilooyin dadka loogu gudbinaayay halista Cudurka AIDSka Munaasibadan iska kaashaday Gudida ka hortaga iyo taagerida dadka qaba xanuunka HIV AIDSka iyo Ururada iyo Ururada Candle light, Havoyoco, Soyvo, Togyovo, Laxmar, Unita iyo Ururka Bisha Cas.


Dr Xuseen Rikoodh

Wax Munaasibadan ka hadlay Dr Xuseen Rikoodh oo kamid ah Gudida ka hortaga iyotaageerida dadka qaba Xanuunka AIDSka waxa uu Dr Xuseen Rikoodh ka war bixiyay xaalada AIDSka ee Gobolka Togdheer halka uu maraayo waxan uu yidhi “sanadkan waxa la baadhay 146 qof waxan laga helay 6% qof waxa jira dad qaata daawada xanuunka” sidoo kale waxa uu Dr Xuseen Rikoodh dadka ku booriyay inay iska baadhan xanuunka oo dadka cisbitaalka loogu sameeyay goob dadka lagu baadho oo lacag la’aan ah isla markaan bukaanka la siin doono daawo lacag la’aan.


Gudoomiyaha Bisha Cas

Sidoo kale waxa iyaduna halkaa ka hadashay Isuduwaha Wasaarada Qoyska Marwo Caasha Qabile waxany marwo Caashi ay dhalinyarada kula dardaarantay inay ka digtoonada qaadista cudurka waxanay tidhi “ dhalinyarooy ka digtoonada xanuunka dariiq kast oo aad ku qaadi kartaan hana takoorina dadka qaba xanuunka” ayay tidhi Marwo Caashi


Caasha Cali Qabile Isuduwaha Waasarada Qoyska ee G. Togdheer

Cabdi Cawil oo ah Gudoomiyaha Haayada Bisha ee Burco oo isaguna Munaasibada ka hadlay ayaa sheegay in Xanuunkan uu yahay mid masiibo ah waxan uu yidhi “ Xanuunkani waa Masiibo waan wax ka daran Colaadi la yaqaanay, abaarihi la yaqaanay waana masiibo ee halaga hortgo”





Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo so agasimay ayaa waxa kooxda baanbooydu ku soo bandhigtay heeso iyo madadaalo ka tarjumaaya dhibaatada xanuunka Aidska sidoo kale gabayagaa dadyar ee Axmed Iidle ayaa isaguna halkaaska tiriyay gabay uu ugu talo galay xuska maalinta AIDSka’




Waxay ahayd munaasibadan maanta lagu xusayay maalinta Aidska aduunku tii ugu weynayd ee lagu qabto magaaladda Burco iyado halkaa dadweynaha loogu gudbiyay fariin ku saabsan khatarta cudurka AIDSka




OODWEYNE IYO XUSKII AIDSKA

Sidoo kale Magaaladda Oodwyne ayaa lagu qabtay Munaasibad lagu xusaayo xuska maalinta AIDSka aduunka ee 1 December Munaasibadan oo ay iska kaashadeen Haayada wadaniga ah ee Laxmar iyo Haayada Action Aid waxa munaasibadan hadalo ka jeediyaya C/laahi X Axmed Qulunbe oo kamid ah masuuliyinta haayada Laxmar isagoo sheegay inay mudo saddex maalmood ahba ay wacyi galin la xidhiidha khatarta xanuunka Aidska ay ka wadeen tuuloyinka deeganka Oodweyne waxa kale oo C/laahi intaa ku daray in cudurkani yahay mid halisa mudooyinkan danban dalka aad ugu soo kordhayay sidaa daraaded loo baahan yahay in laga feejignaado “ Dhalinyarooy iska ilaali halista cudurkan kana feejignoow dariiqyadu ku fido, waxaana aad tihiin bulshada ugu badan ee uu halista ku hayo”


C/laahi X Axmed Qulunbe

Dr Xasan Yuusuf Cabdi ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay dhib aatoyinka uu cudurkani xanbaarsan yahay isagoo tilmaamay in lagag badbaadi karo isago qof waliba xeradiisa ku koobnada


Muuqalka Xuskii Oodweyne

Duqa degmada Oodweyne Maxamed C.raxmaan Xaaji Axme ayaa isagu u mahad naqay haayada Laxmar ee soo qaban qaabisay munaasibadan isagoo sheegay in bulshada looga baahan yahay inay raacan dariiqa looga badbaadayo xanuunkaas.


Kayse Madad oo kamid ah culimada Magaalada Oodweyne iyo Chief Caaqil Duraan ayaa iyaguna ka hadlay munaasibada iyago sheegay in dariiqa lagaga badbadi karo xanuunkani uu yahay dariiqi ilaahay inoo sheegay ee ah in laga fogaado sinada.


Caaqil Duraan

Munaasibadan ayaa wax ka soo qayb galay dadweyne aad u badan oo ay kamid yihiin Ardayda dugsiyada Oodweyne, ururada haweenka, Masuuliyiinta Dawlada, culimoawdiinka iyo Masuliyiinta Caafimaadka.


Duqa Magaaladda Oodweyne







Togdheer News
Burco Somaliland

No comments: