Thursday, January 31, 2008

Maxaabiistii Puntland Lagaga Qabsaday Dagaaladii Udambeeyay Oo La Filayo In Maanta Lasii Daayo

Written by Maxamuud C/laahi Maxamed
Thursday, 31 January 2008

Laascaanood(Hormoodnews)-Maxaabiistii lagu soo qab-qabtay dagaalkii gaadmada ahaa ee Maleeshiyooyinka Majeerteeniya kusoo qaadeen Ciidanka Qaranka ayaa la filayaa in maanta laga sii daayo Xabsiyada ay ku jiraan.

Maxaabiistii lagu soo qab-qabtay Dhabansaar oo ah maleeshiyaad ka amar qaadan jiray maamulka Puntland ayaa waxaa la filayaa in maanta laga saaro xabsiyada ay ku jiraan, ka dib wadahadalo socday Muddo toddobaad ah oo dhexmaray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin iyo wakiilo ka socday
ragga la soo daynayo.

Maxaabiistan lasheegayo in maanta lasoo daynayo ayaa Masuulinyiintii dedaalka ugu jirtay sidii loo siidayn lahaa oo qaarkood hada ku kusugan yihiin Magaalada Laascaanood ayaa waxa ay noo xaqiijiyeen in maanta Maxaabiistaas laga sii dayn doono Jeelashii lagu hayay dhamaantoodna dib usoo noqon doonaan deegaamadoodi .

Siidaynta maxaabiistan ayaa Waxaa la aaminsan yahay inay qayb libaax ka qaateen Jaaliyadda Sool iyo Sanaag ee North America oo Riyaale kula kulmay Washington, Sidoo kale sii dayntan lasheegayo in lasii daynayo maxaabiistan ayaa waxa iyaguna qayb laxaadle ka qaatay Siyaasiyiinta gobolka Sool udhashay ee ku jira Maamulka Somaliland.

Waxa kale oo sii deyntan qayb ka ah Saraakiishii hore loogu qabtay Dooxada
Abeesalay ee Duleedka Laascaanood muddo haatan laga joogo 4 Bilood.

Wararku waxa ay xaqiijinayaan in saraakiisha ragaasi la siidaynayo ku jirta ay
maalinta berrito la kulmi doonaan Madaxweyne Daahir Riyaale oo ku qaabili doona xafiiskiisa, waxaana sii deyntani ay heshay soo dhoweyn balaadhan oo ka timid qoysaska & ehelada dadkaasi xabsiyada ku jiray & guud ahaanba shaarica dadweynaha ee Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Maxamuud C/laahi Maxamed
Laascaanood Somaliland.

Wednesday, January 30, 2008

Saraakiil Malatari Maraykan ah oo booqasho ku tagay Somaliland










Written by Qarannews.
Jan 30, 2008 at 11:04 AM

Diyaarad siday saraakiil milatari oo la sheegay inay ahaayeen Maraykan iyo ilaaladooda oo hubaysanaa ayaa barqadii shalay ka soo degtay madaarka Cigal Airport ee magaalada Hargeysa.
Diyaaradaas oo ahayd mid gaar ah, waxa la sheegay inay siday lix ruux oo qaar ka mid ahi siteen dirayska ciidamada iyo qoryaha fud-fudud qaarna siteen dhar shicib...

[size=]Diyaaradani waxa ay madaarka soo cago dhigatay abaaro 11:00 barqanimo, waxaana ka soo degay lix qof oo saddex ka mid ah si gaar ah loo ilaalinayay. Sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen dad goob joog ahaa xilligii diyaaradu soo cago dhigatay, waxa saraakiishaas iyo ciidankii ilaalinayayba madaarka ku soo dhaweyay Wasiirada duulista iyo Hawada Md. Cali Maxamed Warancade, Arrimaha gudaha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo dhawr sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Qaranka.
Shan ka mid ah dadkii diyaaradda la socday oo kala ahaa laba askari oo hubaysnaa iyo saddex sarkaal, waxa ay madaarka u soo dhaafeen dhinaca gudaha magaalada Hargeysa, iyadoo hal askari oo aan wax hub ah sidana lagaga yimid diyaaradda hoosteeda oo kursi cad loo dhigay.
Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan saraakiishaas iyo ujeedada socdaalkoodana toona, balse ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay inay shir qaatay dhawr saacadood mid ka mid ah hoteelada Hargeysa kula yeesheen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, kuwaas oo aan ilaa hadda la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen. Laakiin waxa kulankaas labada dhinac lagu macneeyay inuu ahaa mid lagaga wada hadlayay arrimo amniga ku saabsan.
Weriyayaal ka tirsan Wargeyska Geeska Afrika, oo abaaro 12:30 duhurnimo ee shalay tagay madaarka Hargeysa, ayaa indhahooda ku soo arkay diyaaradda raggaas siday oo uu xilligaas hoos fadhiyay nin ka mid ahaa askarta ajaanibka ah ee diyaaradda la socotay oo diyaaradda hoosteeda loo dhigay kursi, balse aan kursiga ku fadhiyin xilligaas una muuqday nin feejigan oo lagaga tagay ilaalinta ammaanka diyaaradda.
Abaaro 1:50 duhurnimo, oo ay weli madaarka ku suganyihiin saxafiyiinta Geeska Afrika, ayaa waxa garoonka dib ugu soo laabtay saraakiishii iyo ciidankii ilaalinayay oo ay galbinayeen Labada Wasiir ee Daakhiliga iyo Duulista Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali (Cirro) iyo Cali Maxamed Waranacade iyo weliba dhawr sarkaal oo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka, kuwaas oo watay baabuurtoodii shaqada.
Weriyayaasha umay suurto gelin inay la kulamaan saraakiishaas Maraykanka ah, ka dib markii ammaankooda aad loo adkeeyay, laakiin sawir qaade ka tirsan Wargeyska ayaa ku guulaystay inuu dhawr sawir ka qaado diyaaraddaas iyo muuqaalka guud ee markii ay raggaasi diyaaradda sii fuulayeen.



Source: Wargeyska Geeska Afrika

Tuesday, January 29, 2008

Xarunta Ururka Midowga Afrika oo shir uga socdo Wasiirada Arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa shalay si weyn looga dareemay loolan diblomaasiyad








By: Maxamud on 01/29/08

Addis Ababa:
Xarunta Ururka Midowga Afrika oo uu hadda shir uga socdo Wasiirada Arrimaha dibadda ee Afrika, ayaa shalay si weyn looga dareemay loolan diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Dawladda Imbigaati.
Wasiiro ka kala socda labadaas dhinac, ayaa dhaqdhaqaaqooda iska soo horjeeday si weyn looga dareemay mid ka mid ah hoolasha xarunta Midowga Afrika oo ay shalay ku shirsanaayeen wasiirada khaarajiga ee wadamada Afrika, halkaas oo lagu diyaarinayo Ajandayaasha la hordhigi doono Madaxweynayaasha Afrika oo uu shirkoodu furmayo 31-Jan—2 Fep 08.....

sida ay saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland u sheegeen Geeska Afrika, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale iyo Safiirka wareega ee Somaliland Maxamed-Aar, ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa, waxaanay shalay isku dayeen inay gudaha u galaan xarunta Midowga Afrika, halkaas oo la sheegay inay ku guulaysteen inay gudaha u gallaan hool ay ku kulansanaayeen wasiiro metelayay wadamadooda oo ku hawlanaa dejinta Ajandayaasha la hordhigi doono Madaxda Afrika. Sida ay ilahaas Wasaaradda Arrimaha dibadda ka tirsani u sheegeen Geeska Afrika, waxa gelitaanka Mr. Ducaale ee goobtii shirku ka socday ka gadooday Wasiirka Arrimaha dibadda ee dawladda Imbigaati Cali Jaamac Jeengeli iyo laba masuul oo kale oo metelayay dawladda Imbigaati, kuwaas oo ku dooday inaan cid Somaliland matalaysaa geli Karin shirka, maadaama sida ay ku doodeen ay iyagu metelayeen dalka Somaliya. Weftiga Somaliland waxa la sheegay inay ka ololaynayeen gudaha kaamboolka Midowga Afrika, halkaas oo ay kula kulmeen qaar ka mid ah Wasiirada dawladaha Afrika ee shirka jooga.

Weftiga somaliland waxa ay dedaal ugu jiraan in ajandayaasha Wasiirada ee la hordhigi doono Madaxweynayaasha Afrika lagu daro qaddiyadda Somaliland, halka masuuliyinta ka socda dawladda Imbigaatina taas ka dagaalamayaan. Weftiga Somaliland waxa la socda weriyayaal ka tirsan Telefiishanka qaranka, kuwaas oo iyaga si rasmi ah loogu ogolaaday inay ka qayb gallaan furitaankii shirka Midowga Afrika ee Axadii doraad.
Source:Geeska

Monday, January 28, 2008

WAR DEG DEG AH. MADAXTOOYADA SOMALILAND OO MARKII U HORAYSAY JAWAAB KA BIXIYAY HADALKII C/LLAAHI YUUSUF.

















Published Jan 28, 2008
06:31 PM by siciid

"Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dibi hirdi badani Madaxa ayuu u dhintaa ...... Cabdillaahi Yuusuf Laba Arrimood ayaanu kula talinaynaa ":

"Somaliland waxa ay hadda joogtaa gobolka Sool C/llaahina waa og yahay." ...28 Jan.2008.

Madaxtooyada Somaliland ayaa markii u horaysay ka jawaabay hadaladii C/llaahi Yuusuf dhowaan ka sheegay Ilaacada VOA,qaybteeda Afka soomaaliga,Hadaba qoraalka Madaxtooyadu ka soo saartayMaanta, isagoo dhamaystiran waxa uu dhignaa sidan.

"Anaga oo tix raacayna Waraysigii Toddobaadkan uu siiyay Cabdillaahi Yuusuf Madaxweynaha Imbegati Idaacada Codka Maraykanka , Qaybteeda Afka Soomaaliga VOA iyo Telefishanka AL Jazeera , taasi oo uu handadaad u soo jeediyay Somaliland inuu weerar ku soo qaadayo haddii ay kala bixi waayaan Ciidamadooda Gobolka Sool , isla markaana uu ku tilmaamay Somaliland in ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya.

Marka hore maaha markii ugu horeysay ee Cabdillaahi Yuusuf uu ku dhawaaqo inuu Somaliland soo weerari doono , isaga oo ku tilmaamay in arrinta gobolka Sool ay tahay mid u dhaxaysa Somaliland iyo Dawladiisa Imbegati , waxaanu leenahay Somaliland dawlad iyo shacbiba waxay diyaar u tahay in ay daafacaan dalkooda , iyada oo Somaliland aanay cidna ku duulayn , hadana ay joogto dhulkeedii iyo xuduudeedii .

Cabdillaahi Yuusuf Marka uu leeyahay xuduudkii Ingiriiska iyo kii Talyaanigu waxba kama jiraan , Somalilandna waa gobol ka mid ah Soomaaliya, waa Been qaawan , caalamkuna wuu ka war hayaa in Shacbiga Somaliland ay gobanimadooda qaateen 26 , Juune 1960, iyaga oo markaa doortay in ay is raacaan wadankii la odhan jiray Soomaaliya oo iyana gobanimadooda qaatay kowdii July.

Duruufta Israaca ee wakhtigaa taagnayd waxay ku salaysnayd Shantii Soomaaliyeed ee lagu taamayay in ay midoobaan .

Bishii May 1991-kii , ayaa shacbiga Somaliland go’aansadeen in ay kala soo noqdaan gobonimadoodii iyo Madaxbanaanidoodii wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya , markii ay ku khasaareen Is raaca .

haddaba , Madax banaanida iyo gooni isu taaga Somaliland ee Mid Muqadas ah oo lama taabtaan ah oo aan cidna loo daba fadhiisanaynin.

Haddii Cidi xuduud Been been ah samaysay waxa weeyi Cabdillaahi Yuusuf markii uu sameeyay Maamulka Majeerteeniya ee uu ku magacaabay wax la yidhaahdo Puntland , intii aanu madaxda ka noqon maamulkii lagu soo dhisay Imbegati , isaga oo mar walba ku doodaya in dadka degan gobollada Sool iyo Sanaag Bari ay isu isir yihiin .

Somaliland waxa ay hadda joogtaa gobolka Sool oo ka mid ah dhulka Somaliland , waana la ogyahay baylahda iyo dayaca badan ee ku dhacay gobolka Sool intii uu gacanta ugu jiray Maamulka Majeerteeniya, hadana gobolka Sool waxa uu ku sugan yahay Nabad iyo xasilooni , isagoo maamulkiisa ay gacanta ku hayaan dadkii degaanka u dhashay, isla markaana la hir galiyay dayac tirkii adeegyadii lagama maarmaanka ahaa ee Magaalada Laascaanood , iyadoo weliba sidii Madaxweynuhu ku cel celiyay dhawr jeer laga fulin doono Mashaariic wax ku ool ah gobolka Sool Mustaqabalka dhow, kuwaasi oo ay ka mid noqon doonaan Mashruuca Biyaha iyo Caafimaadka ee laga hir gelin doono gobolka Sool.

Cabdillaahi Yuusuf waxa uu ku cel celiyay xil baan ummada u hayaa oo waan u dhaartay , haddaba aynu is weydiinee isaga oo Muddo yar u hadhsan tahay wakhtigiisii Muxuu u qabtay Soomaaliya.

Sida aynu wada ognahay Muqdisho iyo Baydhababa marka uu ka soo dagayo ama uu ka dhoofayo waxa lagu daadihiyaa gawaadhida Gaashaaman iyo Dabaabadaha .

Waxa kale oo uu ku dooday Cabdillaahi Yuusuf in Somaliland ay xidhiidh la leedahay kooxaha Muqaawimada ee AL Shabaab ee ka dagaalamaya Soomaaliya , taakulayna loo soo mariyo Somaliland , isaga oo taa uga dan leh Beerlaxawsiga uu adduunka u jeedinayo in ay Somaliland ay xidhiidh la leedahay Kooxaha Iska caabinta , waxase u sheegaynaa oo adduunkuna ka war hayaa in Somaliland ay tahay wadankii ugu horeeyay ee gacanta ku dhiga kooxihii xag jirka ahaa ee Al Qaacida xidhiidhka la lahaa , ka dib markii ay isku dayeen in ay waxyeelo u gaystaan Nabad gelyada iyo xasiloonida dalka .

Kooxahaasi waxa la soo taagay maxkamada Somaliland wixii dambi lagu helayna Jeelasha ayay ku jiraan oo ay u xidhan yihiin .

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Dibi hirdi badani Madaxa ayuu u dhintaa , Cabdillaahi Yuusuf Laba Arrimood ayaanu kula talinaynaa :

Waa ta hore in uu u hogaansamo taladii ay siiyeen dalalka caalamka ‘’International Community’’ , waa arrin isna ogyahay anaguna ka war hayno , taas oo ah inaanu Somaliland soo fara gelin.

Waa Ta labaade Waxaanu kula talinaynaa Cabdillaahi Yuusuf inuu daawooyinkiisa iska qaato oo uu u hogaansamo talooyinka ay siiyeen dhakhatarada Cisbitaalka Cromwell ee Magaalada London.

Siciid Cadaani Mooge

Afhayeenka Madaxtooyada JSL

Wasiirka Caddaalada S/Land oo si gaar ah uga warbixiyey Arrimhii Wasaarad ahaan ka khusaynayey Safarkii dalkan Maraykanka















Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Md Axmd Xasan Cali (Casoowe)

hadhwanaag 2008-01-27 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN):- Wasiirka Wasaarada Caddaalada Somaliland Md Axmd Xasan Cali (Casoowe), oo ka mid aa xubnihii wasiirada ahaa ee Madaxweyne Rayeele hogaminayey ee dhawaan safarka ku tegay wadamda Irgiriiska iyo Maraykanka, ayaa ka xog-waramay arrimhii Wasaarad ahaan ka khusaynayey Safarkii ay ku tegeen dalka Maraykan iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay.

Wasiirku waxa uu sidaa ku sheegay xog-waran uu maanta ku sii yey qaybo ka tirsan warhaaninta maxaliga ah, waxaana uu tilmaamay wasaarad ahaan in ay safarkoodaa uga faa’idaysanyeen arrimo la xidhiidha hirumarinta caddaalada iyo meel-marinta sharciga. “Ujeedada safarkayagaasi waxa uu ahaa in aanu wadanku u xanib-naanin xaga horumarka. Markaa horumarkaa ayaanu qaybo ka soo gelaynay, oo qaybta caddaalada iyo meel-marinta sharciga iyo horumarinta shuruucda, oo dimuqraadiyadana sal u ah, ayaanu anagu gaar u qaabilsanayn.”sidaa ayuu yidhi Md Casoowe.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa aaciyey, oo uu yidhi “Markaanu Maraykanka tagnay anigu waxaan si gaar ah ula kulmay nin u qaabilsan Wasaarada Arrimaha Dibada qaybta caddaada iyo sharci fulinta, oo mar haduu Maraykanku wadamo badan caawiyo, Wasaarada Arrimaha dibadu waxa ay ama ay ka kooban tahay qaybo badan, oo Waxbarashadu qayb ayey ku leedahay, Caddaalada iyo sharci fulinti qayb ayay ku leeyihiin, oo had iyo jeer lama kala saaro Caddaalada, Booliska iyo Garsoorka. Ninkaas ayaanu anagu si gaar ah u kulanay, ninkaasina waxa uu ahaa nin fikir ka haysta Somaliland, waxa uu ii sheegay in 1988-kii ka hor uu Hargeysa Joogi jiray.”

Waxa kaloo uu Wasiirku tilmaamamay in ay Masuulkaas ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa dhinacyada sharciga, Booliska iyo dimuqraadiyada “Waxaanu kawada hadalnay sidii dhinaca sharciga, Booliska iyo dimuqrdiyada looga horumarin lahaa Somaliland. Waxaanu markaa isla garanay in xidhiidh hore oo noo furnaa oo dawlada Somaliland iyo Maraykanka ka dhexeeyey ayuum-baa furmay. Markaa waxyaanaha uu ii sheegay waxaa ka mid haa, waxa uu igu yidhi Miisaaniyada soo socota, ayaanu idinku daraynaa. Meelo badan oo u baahan wax ka qabashana waanu isla soo qaadnay. Dee daba-gal iyo xidhiidh joogto ahna waanu ku samayn doonaa hadii.”

Md Casoowe waxa uu sheegay in ay kulankoodaas dhex maray isaga iyo u qaabilsanaha Wasaarada Arrimaha Dibada qaybta caddaada iyo sharci fulinta in ay aad isula falanqeeyeen, wax ka qabasha qaabdhismeedka shurucda dalka, oo ku tilmaamay in ilaa hada wadanka lagaga dhaqmo shuruucdii hore ee ay dejiyeen dawladihii hore, waxaana uu xusay in ay sidoo kale ka wada xaajoodeen kor u qaadista aqoonta iyo toobabarada la xidhiidha dhinacyada garsoorka, dadka ku shaqeeya hawlaha garsoornida, si ay ula jaan qaadaan ayuu yidhi horumarka geedisocdka Maxkadamaha Somaliland.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)

Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Hargeysa Somaliland.
Cabdiheersare01@hotmail.com

Sunday, January 27, 2008

Mareeyaha Dekedda Berbera oo shir Jaraa'id Faahfaahin kaga Baxiyey waxyaabihii sannadkan ku soo kordhay Dekedda






By: Maxamud on 01/27/08

Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar C/laahi(Xoor-xoor) oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay dekeda Magaalada Berbera ayuu ku sheegay inay kordheen sanadkii 2007 dii badeecadaha dekada ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekedaas.

Eng: Cali Xoor Xoor waxa uu sheegay alaabaha dekada ka soo degay sanadkii ina dhaafay ee 2007dii inay ku kordheen, 1300 koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degaa ay ku kordheen 80,000tn marka la barbar dhigo sanadkiii 2006 alaabaha dekeda ka soo degay.

Dhinaca kale waxa uu Cali Xoor xoor sheegay inay dhoofka xoolaha ku kordheen sanadkii dhawaa hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbardhigo sanadkii 2006kii.

Shir Jaraa’id ee uu maareeyuhu ku sheegay korodhka alaabaha ka soo dega kana dhoofa dekeda Berbera waa warbixin uu maareeyuhu sanad kasta kaga war bixiyo dhaqdhaqaaqa dekeda waxaanu warbixintiisan ku xusay inay sanadkan dekeda meelo ka mida ku kordhiyeen dhismooyin cusub una soo iibiyeen dekada qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.

Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaalihiisyba inay ku kooban yihiin shaqadooda ah rarka, dajinta iyo dayactirka dekada oo kaliya oo aanay jirin wax hawl maaliyadeed ah oo ay gacanta ku hayaan ka maamul ahaan

Saturday, January 26, 2008

Abwaankii Weynaa Ee Caanka ahaa Marxuum Xasan Sheekh Muumin oo Maanta si Heer Qaran ah Loogu Aasay Magaalada Boorama















(Muuqaalka Dadkii Aasayey Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin)


hadhwanaag 2008-01-26 (Hadhwanaagnews) Boorame.(HWN):- Alle ha u naxariistee waxaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal Abwaankii wayna ee ka caanka ahaa dhulka ay Soomaalidu degto Marxuum Xasan Sheekh Muumin Xaaji Gaafane, oo 17 bishan aynu isku jirno 2008 ku geeriyooday Magaalada Oslo ee dalka Norway.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb-galay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirka Madaxtooyada Md. Nuur Aamin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Madaxda Gobolka Awdal, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Barlamaan Guurtida iyo Wakiilada, Bahweynta Fanka, Aqoon-yahano, wax garad iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boorama iyo Wefti ka socday Dawlada Jabuuti.

Ugu horayn Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Nuur Amiin, oo uu soo wakiishay Madaxweyne Rayaale qaabilaada maydka Marxuum Xasan Sheekh Muumin, ayaa u mahad celiyey weftigii ka socday Jamhuuriyada Jabuuti sida qiimaha leh ee ay ugu soo gubiyeen Maydka marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin.

“Waxaanu aad iyo aad uga mahadnaqaynaa waftiga heer Qaran ee Jabuuti ka yimi, sida wanaagsan ee ay Marxuumka u soo agaasimeen iyo sida habisamida ah ee ay u soo gaadhsiyeen Garoonka Boorama.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Md Nuur Amiin.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan kale oo doonayaa inaan iyana halkan ka sheego in Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin, ducadii iyo tacsiyadii u soo diray Marxuum iyo Eheladiisii Alle ha u naxariisto, qabrigana ha u waasiciyee.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay hogaamiyihii Weftiga siday maydka Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin ee reer Jabuuti Xaashi Cabdilaahi Qodax, oo ah la taliyaha Madaxweynaha Jabuuti ee dhaqanka, waxaana uu hadalkiisii ku bilaabay “Waxaa anagu baroordiiq iyo tacsi aanu u sidnaa qoyskii u ka baxay Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, oo ahaa nin Abwaana oo ka gedisnaaa Abwaanada Soomaliyeed, oo Sugaantiisu ay ka gedisan tahay. Waxa uu ahaa nin cabqari, Filasoofara oo Illaahay ku shubay xirkmad.” Ayuu yidhi Xaashi Cabdilaahi .

Waxaana uu hadalkiisa inaa raaciyey oo uu yidhi “Riwaayadiihiisii waxaan ka xasuusanahay Garaabidhaan iyo Shabeel-nagood, oo Shabeel-naagood uu turjumay Pr. Andrefisk, oo ay meteshay kooxdii Shakisbear. Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin gaar ahaan anaga waxa uu ahaa duqayagii, oo labada dal-ba [Somaliland iyo Jabuuti] way tirsadaan, oo Jabuutiba kuwaas ayaanu jeclayn.”

Wasiirka Wasaarada Dalxiiska Hiddaha iyo Dhaqanka Somaliland Md Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo ka hadlayey taariikhda Marxuum Xasan Sheekh Muumim waxa uu yidhi “Xasan Sheekh Muumin ruuntii waa nin la wada garanayo, Filasoofar ayuu ahaa, Macalin ayuu ahaa, inagamuu dhimane ee aqoontiisii iyo waanadiisii way inala taalaa, Jiil-walba oo kaca oo Ummadeena ka mid ahi, waa wax ay qaadanayaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Runtii waxaanu leenahay Illaahay raxariistii Jano ha ka waraabiyo, oo qabriga ha u waasiciyo, Ummada reer Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo.”

“Wasaarada Dhaqanka iyo dalxiis-ahaan waxa uu ka mid ahaa Abwaaniintii waa-waynayd ee aanu tirsanaynay. Heesta Qaranka ee Calanka Somaliland isaga ayaa lahaa. Waxaan leeyahay maanta tiir adag ayaa inaga tegay.” Ayuu yidhi Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Cabdirisaaq.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo ka qeybgalay aaska marxuum Xasan Sheekh Muumin ayaa Ilaahay Marxuumka uga rajeeyay inuu naxariistii jano ka waraabiyo isla markaana waxay ka warameen kaalintii uu kaga jiray horumarinta iyo kobcinta fanka Somaliland, waxana ay dhambaalo tacsi ah u direen qoyskii iyo ummada reer Somaliland ee uu ka baxay.

Maxamed Daahir Afrax, oo ka mid qorayaasha waaweyn ee Ummada Soomaaliyeed, isla markaana wax badan ka qoray taariikhdii fanka ee Abwaan Xasan Sheekh Muunin, oo ka hadlayey taariikh nololeedkii Marxuumka iyo inta uu ka yaqaanay waxa uu yidhi. “Maanta waa maalin murugo leh, waa maalin aanu wadacayno Tiir-dhexaad inaga dhex baxay Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin Illaahay Janadii haka waraabiyee”

“Waxa uu safka hore kaga jiray Tiir-dhexaadyada maskaxda dadka Soomaaliyeed, waxa uu wax weyn ku soo kordhiyey aqoonta bini’aadamka guud ahaan, gaar ahaana-na waxa uu dadka Somalida u ahaa Abwaan, Macalin, waxa uu ahaa nin la hiigsadaa, waxa uu ahaa sama-talis.” Ayuu yidhi Maxamed Daahir,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa uu ku caan ahaa Abwaan Xasan Sheekh Muumin nin Sugaantiisa wanaaga ugu dagaalama, xumahana ku diida, waxa uu ahaa samadoon.”

“Waxaan intaa iyo in aad uga sii badan-ba hubiyey muddo ka badan malaha 25 sannadood oo aan baadhitaan iyo u fiirsi ugu jiray Sugaantiisa iyo muridiisa. Aniga si gaar ah ayuu runtii ii taabanayaa, waxaana aan isku tirinayaa in aan safka hore kaga jiro dadka uu ka geeriyooday ee loo tacsiyaynayo.” Ayuu yidhi Afrax.

Waxa kale oo uu sheegay Maxamed Daahir Afrax in uu muddo laga joogo toban sanno uu Magaalada Boorama kula kulmay marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin oo uu ka duubay waxyaabo badan oo ku saabsan sugaantiisa. Waxaa kale oo uu tilmaamay in qaybo badan oo ka mid ah sugaanta marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin lagu qoray Afafka Carbiga iyo Igiriisiga, oo loo turjumay.

Waxaa isna wax laga waydiiyey sooyaalkii taarikheed ee marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin Md Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ah aqoonyahanka iyo Odayaasha reer Somaliland, isla markaa xog badan ka haya taariikhda fanka marxuum Xasan Sheekh Muumin.

“Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, muu ahayn nin qoys, muu ahayn nin gobol, muu ahayn nin Somaliland-na, waxa uu ahaa nin intaaba ka wayn, waxa uu ahaa beni’aadamka dadka ugu qiimaha badan, oo Sugaantiisa uu cabirayo ayaad ka arkaysay.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure.

Isaga oo hadalkiisa sii waxa uu intaa raaciyey, oo uu yihdi “Markii la bilaabay halganka Soomaaliyeed gobonimodoonkiisa ama uu Afrikaba ka bilaabantay, wakhtigaa hore waxaa wadanka laga qaadi jiray Heeso Carabiya, oo Ururada iyo ducooyinka laga qaadi jiray.”

“Markaa marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, waxa uu ka mid ahaa raggii u horeeyey ee Af-Soomaali-ga hees ku tiriya, ee Hees waddaniya ku tiriya. Waxaana uu iigu sheegay in ay dhawr iyo Afartankii ahayd, ilaa iyo imika waxa uu ka hadli jiray waayaha Jooga iyo Mujtamaca uu la nool yahay waayaha uu marayo, isaga oo had iyo jeer ka hadli jiray waxa ay danta Ummadaasi dal ahaan, Diin ahaan iyo dad ahaan-ba ku jirto, waxaana aad ka arkaysaa Sugaantiisa,”ayuu yidhi Xasan Guure.

Mar uu ka hadlayey Xasan Guure Jaamac Riwaayaddii Shabeel-naagood ee uu alifay marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, waxa uu yidhi “Riwaayadii Shabeel-naagood [dabayaaqadii lixdamaadkii] waxa uu tiriyay aniga oo dhalinyaro ah, cajiib ayey ahayd in uu is garab dhigo dab dhaxamooday, suura-gal maaha, dawaa bukootay, yacnii suura-gal maaha beni’aadamka caqligiisa. Laakiin wacdigii uu markaa ku jiray ayay ahayd.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan xasuustaa wakhtigaa waxaa lumay kala dambayntii, ixtiraamkii, Odaygiibaa taladii ka baydhay, oo dawlada xukumka Ummada kii hayay ayaa ka baydhay. Nimkii loo xidhan jiray, haddii adduun loogu xidhan jiray, haddii talo loogu xidhan jiray, hadii Diin loogu xidhan jiray intiiba way ka baydhay.”

“Marka waxa uu noqday ninkii lagu diirsanayey dab dhaxamooday, ninkii sheekha ahaa markii uu dabriwaayey xumaantii kuna dhaqmi waayey waxa uu sheegayey, waxa uu noqday dab dhaxamooday, waxa uu noqotay dawo bukootay. Waxaa kale oo cajiib ahaa markuu is garab dhigay Sakaaro iyo Maroodii, Shimbir iyo Goroyo.” Ayuu yidhi Xasan Guure.

Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isna sheegay geerida ku dhacday marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin in aanay ahayn mid looga naxayo, balse ay tahay mid ilaahay ugu naxariistay.

“Waxaa weeyaan geerida ku dhacday marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin tu aan uga naxayno maaha, waa tu ilaahay u naxariistay, oo Sammada ka amray in intaas oo khalqi ahi in ay isugu yimaadaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Miigane.

“Markaas intaa oo Ummad ah oo isugu yimi oo ku tukaday, oo u duceeyey, waxaana aynu inteenaasi ka markhaati kacaynaa in uu ahaa nin ehlukhayra.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Barkhad.

Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, oo ka mid ahaa dadka uruuriyey suugaanka marxuum Xasan Sheekh Muumin, oo ka hadlayey sooyaalkii taariikheed ee abwaanka waxa uu sheegay in aan la soo koobi karayn taariikhdii fanka ee Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo mahadhooyinka suugaanta ee uu ka tegay.

Waxaana uu soo jeediyey Maxamed Rashiid in loogu magacdaro meelaha caanka ah si aanu magaciisu hadhin, isla markaana loogu xasuusnaado.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Xasan Sh. Muumin waxa uu ku dhashay Boorame 1931, waxana uu ku barbaaray, waxbarashadiisana ku qaatay Boorame iyo Saylac. Waxa uu ifka kaga tegey 70 qof oo isugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Online Boorame/Somaliland

Guddida dib u dhiska Biriijka labaad ee Hargeysa oo ku dhawaaqy in la dar dar galiyo

Written by Qarannews.
Jan 26, 2008 at 05:50 PM


Hargeysa (Qaran)- Guddida dib u dhiska Biriijka labaad iyo horumarinta Caasimadda Hargeysa ayaa kulan ay xalay ku yeesheen Xafiiskooda Magaalada Hargeysa, waxa ay kaga hadleen sidii loo dar-dar-galin lahaa hawsha dhimaha Biriijka labaad ee Hargeysa.

Kulankan oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Guddidaasi Xaaji Aadan Axmed Diiriye (Aadan-Baradho), ayaa ay Guddidu waxay ku falanqeeyeen, sidii loo heli lahaa lacagaha maqan, iyaga oo ugu baaqay dadkii balan-qaaday lacagta qaadhaanka ah ee biriijka dib loogu dhisayo, oo aanay in badan oo ka mid ahi bixin, in ay la cagtaasi Guddiga u soo gudbiyaan, si ay hawshu u fududaato ayay yidhaahdeen Guddigu.

Guddiga Biriijka labaad ee Hargeysa, waxa kale oo ay sheegeen inay ku tala jiraan sidii hawsha dhismaha inteeda badan loo socod siin lahaa, inta ka horeysa xili Roobaadka sannadkan.

Madaxweyne ku-xigeenka oo Booqday Xarunta HCTV

Hargeysa (Qaran)- Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa khamiistii doraad booqasho aan la sii ogayn ku tagay Xarunta baahinta Telifeeshinka madaxa-banaan ee Hargeysa Cabble TV, ee Magaalada Hargeysa.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, oo si lama filaan adayd u booqday subaxnimadii Khamiista Xarunta Talifeeshinka HCTV, iyada oo xiligaa ay hawl-wadeenada TV-gu ku guda jireen shaqooyinkoodii, ayaa Madaxweyne ku-xigeenku waxa uu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Xarunta baahinta TV-gaas. Isla markaana Waxa uu ku ammaanay TV-ga HCTV, adeegyada kala duwan ee ay dadweynahooda u hayaan, iyo sida ay diyaarka ugu yihiin u adeegida bulshadadooda.

Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka, waxa uu sheegay in wararka loo eegoyo hab-shaqeedka, sidoo kalana HCTV, qalabka ay u isticmaalaan, baahinta iyo goobta loo doortay in ay u noqoto Xarun, uu u muuqdo mid uu ku noqonaya TV-ga mustaq-balka. “Maadaama aad muddo sanad ah shaqaynayseen oo aad heerkan maraysaan, aad ayaan idiinku hanbalyaynayaa. Waxaan sidoo kale idinku hanbalyaynayaa qaabka isu dheeliga tiran ee aad barnaamijyada u baahisaan,” Sidaas ayuu ku yidhi hawlwadeenada Madaxweyne ku xigeenku.

Madaxweyne weyne ku xigeenka socdaalkiisa waxa ku weheliyay, xoghayaha siyaasada Xisbiga Udub oo gaadhiga u waday sida uu sheegay madaxa barnaamijyada HCTV, Axmed Xuseen Warsame, Islamarkaana lamay soconin ciidan gaadh ah oo tiro badani, marka laga reebo laba Askari oo dhar cad ah oo watay gaadhi yar oo gaar ah.

Friday, January 25, 2008

Nimankii ganacsatada Ahaa oo laga soo daayey Budhcadii Buhoodle

(Hadhwanaagnews) Burco(HWN) Magaalada Burco waxa maanta soo gaadhay afar nin oo ay dhawaan degaanka Buuhoodle ee gobolka Togdheer ku afduubeen dabaly Hubaysani.
Afartan nin oo Magacyadooda la kala yidhaado

1.Maxamed Aadan Waris
2.Khadiir Cabdi xirsi
3.Cabdi Maxamed Cumar
4.Cali Cadnaan Cumar Cali

Waxa ay sadex cisho ka hor Dablay hubaysani ku qafaasheen degaanka Sararweyne ee degaanka Buuhoodle,
Afartan nin oo aan maanta markii ay soo gadheen Burco aan wax ka weydiyeen sidii ay wax u dhaceen iyo xaalkoodaaya igu waramayu sidan Maxamed Cabdi Waris oo aan ugu horayn waydiiyay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidantan” Anaga oo ka nimi dhinaca degaanka Harta sheikh kuna sii jeedna degaanka Gaalkacayo oo aanu hawlo ganacsi ka wadnay ayaa waxa degaankaa sararweyne markii aanu maraynay ayaa waxa na helay Ciidan dablay ah oo ku hubaysan Noocyada qoryaha Fudud waxaanay nagu fureen Rasas markii ay Rasastii nagu fureen waxay naga dhaawaceen darawalkii gaadhiga noo waday dabadeed waanu istaagnay way na kaxeeyeen laba cisho markii ay duurka nagula jireen ayaa odayaal , Reer Buuhoodlaa ayaa noo yimi oo arintii dhexgalay oo anaga Naga soo daayay .

Mar aan weydiyay Su,aal kale oo nuxurkeedu ahaa sidii ay ula dhaqmeen Maleeshiyadaas qafaalatay waxa uu yidhi” Runti maalmahii ay na haysteen kooxasaasi waanu rafaadnay laakin tan iyo intii nalagu wareejiyay odayaasha Reer Buuhoodle sifiican ayaa naloola dhaqmay aad iyo aadna waxan ugu Mahad celinayaa odayaasha degaan oo kaalin muuqata ka qaatay soo deyntayada isla markaasna ilaa intii ay na soo gaadhsiinaayeen Qori lugud si fiican noo waday waxaan leeyahay waad Mahadsantihin

Su.aal kale oo aan waydiiyay nimankaa la soo daayay ayaa waxay ahayd Waa Maxay ujeedad ay idin afduubeen waxaanay ku jawaabeen “ Waxa ay na yidhaahdeen waxaanu idin Haysanaa Maleeshiyadii Dhawaan dhabansaar lagu qabtay ee ciidamada qaranka Somalialnd soo xidheen ilaa aan kuwaa aad noo soo daysaan idinkana idin sii daynmayno ayay nagu yidhaahdeen

ugu danbayntii Nimankan dabalydu qafaalatay oo caawa u hoyday Magaalada Burco waxa soo dhaweeyay oo sifiican u qaabay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Cabdi Xuseen iyo Taliyaha Bilayska Mr Guutaale

Nin Ku Dilay Geed Hadhle Kuma Geeyo Keebaa Danbi Qarana In Aasaasayaashii SNM La tirtiro Jeelkana Loo Taxaabo Loona Diido Xuquqdoodii Siyaasadeed












Beryahaan Jaraa’idka dalka ka soo baxa iyo Mareegtooyinka Internet ka waxaa lagu soo qorayay in Wasaaradda waxbarashada Somaliland ay Manhajkii waxbarashada dugsiga dhexe ka tirtirtay qaybtii ugu muhiimsanayd ee ku saabsanayd taariikhdii Somaliland soo martay tii ugu mudnayd ee ahayd halgankii hubaysnaa ee mujaahidiintii SNM la galeen taliskii Siyaad Barre. Halgankaasi wuxuu soo bilowday 1981kii wuxuuna dhammaaday sannadkii 1991kii markii albaabada loo xidhay taliskii macangaga ahaa ee xasuuqa foosha xun ku hayay shacabka Somaliland oon wax danbiya ooy galeen uusan jirin ee loo xasuuqayay inay doonayeen xuquuqdooda aasaasigaa oo kaliya.

Mujaahidiintii SNM markay gacanta ku qabteen dhulkoodii hooyo, ayaa durbadiiba waxaa Muqdisha lagaga dhawaaqy dawlad uu hoggaminayo Cali Mahdi oon lahayn tayo iyo khibrad ay Soomaaliya ku hoggamiso, wax talaana haba yaraatee kalamay yeelan xaq u dirirkii SNM oo dhulkoodii si buuxda gacanta ugu hayey. Xaajadu markay halkaa mareysay ayuu shacabka Somaliland go’aansaday inaysan dibdambe wax la wadaagi doonin Koofurta Soomaaliya oon aqoonba awood-qaybsiga iyo hannaanka ummad loo hoggaamiyo, taasina waxay dhashay in lagu dhawaaqo la soo noqodkii Somaliland oo la iska illoobo Soomaaliweyn oon aad u ognahay meeshay ku danbeysay. Nasiib darro himiladii Soomaaliya waxaa afka dhulka u daray siyaasiyiinta reer Koofureedka oo kursigu kala waynyahay danta Qaranka waanad aragtaan 18 sano oo fawdo iyo isqabqabsi mooyaane aan laga arag wax horumara ayna la soo taaganyihiin Somaliland-neey ceelka nagula soo dhac.

Waxay ummad waliba qaddarisaa taariikhdeedii iyo abaalkii raggii u soo halgamay xoreynta dalkooda, wixii wali ka sii noolna si gaara baa loo qaddariyaa oo sannad kasta waxaa loo sameeyaa XUS QARAN waxaana khudbado qiireleh laga jeediyaa fagaarooyinka dadku isugu yimaado waxaana odayaashii ka soo badbaaday dagaaladii soo maray loo aqoonsadaa mujaahidiin iyo geesiyaal. Waxaa kaloo loo dhisaa TAALLO lagu xasuusto dadkii u soo dhintay danaha Qarankooda oo lagu magacaabo Taallada dal-jirka daahsoon (National Monuments). Waxaad arkaysaa in magacyada jidadka waawayn iyo Iskuulada lagu magacaabo mujaahidiintii hore waxaana lagu bartaa dhammaan iskuulada iyo Jaamacadaha wadamada reer galbeedka si aan loo halmaamin taariikhdii dadkooda.

Odayaashaa waxaa lagu casumaa gole kasta oo lagaga hadlayo soo yaayaalkii soo maray dalkooda si ay dhallinyaradu uga faa’idaysataan. Waxaad CNN ta ka maqaashaan musharax hebel oo ah nin jagada maxadweynaha Mareykanka isku soo taagay inuusan ka soo qayb qaadan dagaalkii FIYATNAAM oo runtii ahaa dagaal xaqdarraa laakiin dhanka Ameerikaanka waa taariikh soo martay oo ay xusaan sannad kasta. Musharraxaasina wuxuu ku waayi karaa himiladiisa siyaasadeed hadduusan qayb ka soo qaadan dagaalkii Vietnam. Ee seebay ku dhici kartaa SNM oo ahayd ta keentay guusha iyo qaranida Somaliland in ragaan waxba ka ogayn wixii dhib la soo maray ay si fudud u masixi karaan taariikhdaa qiimaha wayn inoogu fadhida oo rag badanoo reer Somaliland ihi ugu shahiideen. Allaylahee waxaa dhabowday hal ku dhaggii Dr. Gaboose markuu jeelka Mandheera ku jiray uu ku soo halqabsaday oo ahayd “ Hadba geed ismaris baa u hadha guul dad leeyahaye miyaan Geedi Baaboo arladu galinba waayeynin” markaa Geedi Baaboo hadba inuu ku soo dhiirado waxaan ummadda qaban waa wax isheeda laga arkay.

Dalka Kanada wixii ka horreeyay dagaalkii 2-aab ee dunida ka qarxay 1939 ilaa 1945 kii dadka ku nool waxaa la odhan jiray muhaajiriintii Ingiriiska ee Noorad Ameerikaa ( British North America immigrants) laakiin markii dagaalkaasi dhammaaday ayuu ninkii markaa Kanada Prime Ministerka ka ahaa soo booqday qubuurihii askartii ku dhimatay dagaalkii Naasiga ee Jarmalku hoggaaminayay. Wuxuu aad uga qiirooday askarta cadadkaa le’eg ee u dhimatay danaha Kanada inaysan haysan dhalasha dalkay u dhinteen deetana markiiba intuu ku soo noqday Kanada ayuu dadaal u galay sidii dadka Kanada ku nool ay u noqon lahaayeen muwaadiniin Kanadiyaana meesha ay ka yihiin Muhaajiriin Ingiriisa taana wuu ku guulaystay waxaana la aqoonsaday xuquuqda muwaadiniinta Kanada oon mar dambe la odhan doonin Muhaajiriin Ingiriisa ee ay yihiin Muwaadiniin reer Kanadaa meel kastaba haka yimaadeene. Maantana Kanada waxay hoostimaadaa gabadh ka soo haajirtay Haayti oo dadaashay meesha Xukuumadda Somaliland laashay xuquuqdii kuwii Hargaysa ku dhashay miyeysan ahayn KAAF iyo KALA DHEERI.

Halkaa waxaa kaaga soo baxaya dadka caqliga lihi inay dhawraan dadkii keenay qaranimadooda oo iyaga la’aantood aysan gaadheen aayo ka-talintooda, nabad iyo caanana aan lagu waadheen. Qaddirinta iyo karaamaynta mujaahidiinta dal waliba leeyahay waa astaamaha xadaaradeed ee lagu garto ummadda halkaa ku dhaqan oo ummaddii aan lahayn taariikh ay dunida u soo bandigtu waa waxaan jirin iyo weel madhan oo lagu khasaaray. Nassiib darrada Soomaalida haysataa waxaa ka mida inaysan qaddarin ama qiimayn mudnaanta ay leeyihiin raggii u soo halgamay oo ka soo dagaalamay dhibaatooyinkii gumaysiga una dhintay siday nolol wanaagsan ugu horseedi lahaayeen urududufkan tirtiraya raadkii mujaahidiintoodii oo dadkii ka dhigay is-dhex yaacdo aan kala lahayn yar iyo waayeel iyo waxaan kala sarreyn aqoontiina ku soo ururtay afar maahmaahood.

Haddaan ku soo noqdo ula jeedada aan maanta qormadan uga go’leeyahay waxay ku koobantahay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo la sheegay inay ka saartay manhajkii taariikhda fasal 8-aad qaybtii ku saabsanayd taariikhdii Somaliland iyo dagaalkii SNM la gashay nidaamkii kaligi-taliska ahaa ee keenay burbur iyo barakac baaxad weynleh, una shahiideen kumannaan reer Somaliland ah kuna waayeen hanti badan laakiin nasiib wanaag guushii iyo gacantii sare Alle siiyey mujaahidiintii SNM. Waxay ahayd in maanta wixii ka sii nool mujaahidiintii SNM loola dhaqmo si ka fiican sida Kanada iyo Mareykanku u tixgaliyaan raggii dagaalkii labaad ka soo badbaaday inta wali ka sii nool oo aan xataa laga qaadin canshuurta muwaadiniinta North America oo dhan laga qaado loona arko aabbayaalkii ummadda oo iyaga la’aantood Naazigii qarnigii 20-naad uu ka talin lahaa caalamkoo dhan.

Soomaalidu waxay tidhaahdaa “nin ku dilay geed hadhle kuma geeyo” maadaama uu noloshiiba kaa qaaday muxuu hadh iyo meel qabaw kaala doonin. Waxaa maahmaahdan u dhigma iyadoo aad looga dharagsanyhay wax qabadka iyo waxay tahay Xukuumadda talada haysaa AYAAD adinkuna Manhaj ka hadlaysaan iyo tariikh baa la tirtiray, ee miyaan indhihiinnoo shana raggii SNM taba aasaasay aan jeel loo taxaabin si fool xunna loo xukumin loona diidin xataa inay siyaasadda dalkooda ka qayb galaan oon laga dhigin waxaan jirin laba Calina ismay waydiin! Markaa bal is barbar dhiga xaq-duudsiga lagu hayo mujaahidiintii SNM oo uu kow ka yahay MJ.Maxamed Xaashi Cilmi iyo qaar kaloo badan oo la iska hortaagay xuquuqdoodii dastuuriga ahayd IYO tirtiridda taariikhdii SNM waxaana dhaba inuu dastuurkii Somaliland ku danbeeyay wax Carabtu tidhaahdo XIBRUN CALAA WARQA!

Haddaba dawlad waxaa soo dhacdooyina ku soo kacday oon wax YAC yidhaahdaa uusan jirin dee wax kastaba

way ku dhiiran, reer Soomaliland-na waxay noqdeen sidii ninkii reer Xamarka ahaa ee feedhka lagu boobay oo uun la soo taagnaa CAR II NAQ! CAR II NAQ! CAR II NAQ! ilaa uu afka goostay ee shacabyahu xaalkiinii wuxuu dhaafi waayay inaad tidhaahdaan “waa in laga dhiidhiyaa” oo laba seddex cisho socota deetana la iska halmaamo ee bal aan sugno car ii naqdiinna iyo waqtiga soo socdaa wuxuu la yimaado use malayn mayo inay wax iska baddalayaan oo waa ishiisa laga arkaa ushiisa lagu dilaa. Riyaale iyo kooxdiisuna way idinka il heleen oo waxaad tihiin bay ogaadeen waxayna mareysaa in hadba jeebka lagala soo baxo wax dhiigiina gubaya oo la idinku tijaabinayo.

Waxay leedahay aayad Qur’aanka kariimkaa ka midihi “ Khamriga iyo Khamaarka dhibtooda ama dunuubtooda ayaa ka weyn manfacooda” ee dadyahaw keebaa wen in sidaa aan kor ku soo xusay loola dhaqmo mujaahidiintii SNM oo nool iyo in taariikhdoodii la tirtiro. Waxaan aaminsanahay in kaad soo qaadataaba uu yahay Godob Qaran iyo waxaan idin qaban. Su’aashaa jawaabteeda reer Somaliland baan u daynayaa waa afjooga looma adeego ee ha is xukumeen, waxaana nasiib darro weyn ah in uusan shacabkiiba waxba ka dhiidhiyayn ee uu noqday mid afka ka booteeya oo judhiiba iska caro-xumbo shiiqiya.

Gabagabo: Waxaad moodaa nasiibku inuu keenay guushii SNM ee aan dadkuba kala ogayn wixii loo soo dagaalamay iyo wixii laga dagaalamay waxay ahaayeen, talana ka noqotay hadba ninkii hooyaday qabaa waa adeerkay ee goormay noqdeen carruurtii faqashta ka soo hartay adeerradeen iyo qaar inooga dhaw Mujaahidiintii SNM ee ina XOREEYEY! Hadalkii oo koobanna dagaalkii SNM dadna wuxuu u ahaa macaan oo gobonnimada Somaliland buu keenay dadna waa u qaraadh oo waxay ahaayeen kuwii Afweyne isla barbartaagay hiil iyo hooba CAFISKII loo fidiyeyna way ka abaal dareen.

Wa Billaahi Tawfiiq iyo Asaalaamu Calaykum

Qalinkii Shueib A. Gaboose

Toronto/Canada

Thursday, January 24, 2008

Hay'adda Habitat oo 86 Guryo ah ka Hirgalisay Xaafadda Cabdi Iidaan





















Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Maayarka Caasimada Hargeysa Inj Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta xadhiga ka jaray 86 guri, oo ay Hay’adda UN-Habitat dad danyar ah uga dhistay Xaafada Cabdi Iidaan,gaar ahaan Ayax labaad ee Magaalada Hargeysa.

Guryahan ayaa qayb ka ah mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo 340 guri, oo 87 ka mid ah hore loogu qaybiyay dadka danyarta ah ee degan xaafadaasi Ayaxa, iyada oo ay Mashruucan maal-galisay dawlada Jabaan, isla markaana ay hirgalinaysay Hay’adda UN-Habitat, sidoo kalana Hay’adda Cuntada aduunka ee WFP bixisay Raashinkii ku baxay muddadii dhismahaasi socday.

Xaflada xadhiga laga jarayay 86 Guri, ee ay Hay’adda UN-Habitat dhistay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirro ka tirsan xukuummada Somaliland, oo ay ka mid yihiin Wasiirkaa Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali Cirro, Hawaha guud Md. Siciid Sulub Maxamed, arrimaha qoyska iyo horumarinta Marwo Faaduma Suudi Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Agaasimayaasha waaxaha dawlada qaarkood, Masuuliyiin ka kala socday Hay’adda UN-Habitat, Hay’addaha UN-ta, WFP, Guddida Xaafada, xubno ka socday Hay’adda wadaniga ah ee Havoyoco iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyna Duqa Caasimada Hargeysa, Inj Xuseen Maxamuud Jiciir, oo furitaankii Munaasibaasi ka hadlay, isla markaasna xadhiga ka jaray guryahaas dadka danyarta ah loo dhisay, ayaa sheegay in Guryahani ay yihiin kuwo mihiim u ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan Hargeysa,.

Maayarku, waxa uu sheegay in Guryahan dadka si bakhtiyaa-nasiib ah loogu qaybiyay, si aan la isugu qab-qabsan. Balse ay dawladu ka war haynayso gacan ku hayntooda, isla markaana aan la ogolayn in la kala iibsado, cid la siiyay mooyaane cidkalena aanay gali Karin.

“Guryahan lama kala iibsan karo, oo imikaba ninka la arko isaga oo iibinaya, waa laga qaadayaa, qof kale oo miskiin ah ayaa la siinayaa. Kuwo hore oo imika la ii sheegayo in la kala iibsadayna ma dhici karto, oo ninka iibsaday lacagtii ayaa ka khasaartay, ka iibiyayna waanu ka qaadaynaa.” Sidaa ayuu ydhi Maayarku,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray, “Waxaanu shanta kun idiinka qaadayno, ee aanu idiin leenahay guryaha dawladaa leh waa taa, oo intaad iibisaan ayaad buurta Sheekh Cumar noo dagaysaan, taana ma ogolin.”

Waxaanu xusay in ay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada qaybo kale oo la dhisi doono, isla markaana ay wax ka bedali doonaan habkii kuwii hore loo dhisay, una wajihi doonaan qaab kaa hore ka dhib-yar.

Sidoo kale, waxa isnha Xafladaa ka hadlay Wakiilka Xafiiska Nairobi u fadhiya Hay’adda UN-Habitat, Mr Felipe Divorce, oo isagu dalka u yimi wareejinta guryahan.Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi,

“Mashruucan guryaha loogu dhisayay dadka danyarta ah, waxa loogu tala-galay ama u-jeedadiisu ay tahay in hooy ay helaan, isla markaana noloshooda ay horumariyaan dadkan danyarta ahi.” Ayuu yidhi felipe Divorce

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Mashruucani muu ahayn wax bisil oo dadka afka loogu gurayo. Laakiin waa mid ka dhashay is-kaashi ka yimi dawlada Hay’adaha iyo dadweynaha, taas ayaana inoo suuragalisay in aynu la kala wareegno maanta guryahan.”

Waxaanu sheegay in mashruucani yahay mid dadka danyarta ahi ay ka faa’iidaysanayaan. Isaga oo carabka ku dhuftay in Hay’ad ahaan ay ku talo-jiraan in mashruucan mid la mid ah ay ka hir-galiyaan Xaafada Sheekh Cumar ee Magaalada Hargeysa. Isaga oo tilmaamay in hadii la is-kaashaado in horumar la gaadhi karo.

Mr. Filiep Devorce, mar uu ka hadlayay tirada guryaha u qorshaysan inay dhisaan wakhtiyada soo socda waxa uu yidhi, “Marka hore waxa la qorsheeyay 340 guri in la dhiso, ilaa imika waxaynu ku guulaysanay 173 guri inaynu dhisno. Way naga go’antahay inta hadhayna in aanu dhisno, dedaal badana waanu ku bixinaynaa.”

Mr. Filiep, Waxa uu aad ugu mahad-naqay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyadii gacanta ka gaystay dhamays-tirka hawshan iyo dadka Xaafada ku nool, oo uu ku amaanay samir badnaan.

Waxa isna halkaa ka hadal ka jeediyay Madaxa Hay’adda cuntada aduunka ee WFP, u fadhiya Xafiiskeeda Hargeysa Mr. Amadou Sameko, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta la wareejiyo guryahan. Isaga oo sheegay in Hay’adoodu bixisay Raashinkii mashruucan ku baxay.

Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed, oo ka qayb-galay xafladaas, ayaa isagu si weyn ugu mahad-naqay Hay’adda UN-Habitat, oo uu sheegay in ay wax muuqda dadka iyo dalkaba u qabatay. Isaga oo xusay in dawlada Somaliland isku hawsho sidii wax loogu heli lahaa danyarta.

Siciid Sulub, waxa uu sheegay in ay hawshani ka mid tahay hawlaha Wasaaraddooda. Ugu dambayntiina waxa uu u soo jeediyay dadka guryaha ku guulaystay in ay ilaashadaan, kuwa aan ku guulaysanina ay wakhtigooda sugaan.

Sidoo kale waxa Munaasibadaa guraha xadhiga laga jarayay hadal ka jeediysay Wasiirka Wasaaradda qoyska iyo horumarinta arrimaha bulshada,Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo iyadu gacan laxaad leh ka gaysatay qaban-qaabadii iyo hirgalintii dhisitaanka guryahan. Waxaana ka mid ahaa hadaladeedii

“Aad iyo aad ayaan ugu farxay in guryahan la idinku wareejiyo, iyada oo aad kaga raysan doontaan hooy la’aantii idin haysatay.” Sidaa ayay tidhi Marwo Faadumo Suudi.

Waxaanay sheegtay in ay dawlad ahaan tix-galin siin doonaan mar walba dadka danyarta ah sidii wax loogu qaban lahaa.

Waxa isna madashaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo sheegay in ay dadkan guryaha la siiyay ay yihiin dadkii wadanka ka barakacay wakhtigii dagaalada.

“Dadkan aad aragtaan maanta, waa dadkii ka barakacay Somaliland ee guryahoodii la dumiyay, maantana Xaafadaha Hargeysa shanta Waaxoodba intan iyo in ka badan ayaa dhaxanta jiifta.”ayuu yidhi Wasiir Cirro

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali Cirro waxa uu ku dooday oo uu yidhi “Waxaan idinka codsanaynaa Hadii aad tihiin Hay’addaha, idinka oo il-naxariis leh ku eegaya, kuwii horena ku mahad san inaad u kordhisaan ayaan idinka codsanayaa.”

“Anaguna dawlad ahaan waxaanu ku dedaali doonaa sidii wax loogu heli lahaa dadka danyarta ah.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cirro.

Guddoomiyaha Xaafada Ayaxa labaad, Marwo Foosiya Axmed Ismaaciil, oo kalmadeeda halkaa ka tidhi, ayaa aad ugu mahadnaqday Hay’adihii fuliyay dhismaha guryahaas, oo ay ku tilmaantay kuwo ay dadka danyarta ah ee xaafada degani aad ugu baahnaayeen, isla markaana ay kaga bixi doonaan hooy la’aantii haysatay. Iyada oo sheegtay in lacag mashruucii hore loogu talagalay ay lunsadeen Guddi ay Xaafadu hore u lahayd.

Iyada oo arrimahaa ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Waxaanu ka codsanaynaa Masuuliyiinta UN-Habitat iyo Masuuliyiinta dawladu in ay noo dhisaan qaybta hadhay, hawsha ay fuliyeena waan ku amaanayaa Hay’adda UN-Habitat iyo cida kala qayb-qaadatay sida ay dadka danyarta ah ugu hirgaliyeen in ay helaan guryo. Iyada oo mashruucan markii hore la lunsaday, oo ay lunsadeen Guddigii naga horeeyay, balse Guddidayadan dambe aanu ku guulaysanay sidii aanu u dhamaystiri lahayn. waxaana laga lunsaday mashruuca lacag badan oo ah194001$ (Sagaal iyo tobankun,afar boqol iyo hal Dolar), waxaanu jecelahay in laga daba tago lacagtaa maadaama danyarta loogu talagalay in halkan loogu dhiso, oo ay dawladu daba-gasho.”

Guntii iyo gaba-gabadii Munaasibadaas, waxa shahaadooyin-sharafeed lagu gudoonsiiyay Wasiirka qoyska, Maayarka Hargeysa, Guddoomiyaha Xaafadaas iyo xubno kale. shahaadooyinkan oo ay soo diyaarisay Hay’adda UN-Habitat, waxay ugu talagashay xubnahan oo ay sheegeen in ay si wadani nimo leh uga hawl-galeen hirgalinta guryahan,

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

Wednesday, January 23, 2008

“Haddii Ay Doorashadu Dhici Weydo Ama Ay Xukuumaddu Musuq-maasuqdo La Tegi Mayso”

London, January 22, 2008 (Haatuf) - Waxa maalintii sabtidii ka dhacday magaaladda Manchester ee carriga Ingiriiska xaflad aad loo soo agaasimay oo ay isugu yimaadeen saraakisha xisbiga Kulmiye ee laamaha Ingiirska. Xafladan oo ay soo agaasintay laanta xisbiga Kulmiye ee Manchester waxa ka soo qayb galay Madax sare oo ka tirsan xisbiga Kulmiye, oo uu ka mid yahay Md Abiib Diiriye Nuur oo horena u ahaan jiray wasiir ka tirsan xukuumadda Rayaale, Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha wakiilada isla markaana ka mida saraakiisha xisbiga Kulmiye.

Kadib aayado quraan ah iyo soo dhoweyn waxa faahfaahin ka bixiyey ujeedada xafladda guddomiye xigeenka Kulmiye ee Manchester, Mr Saciid oo xafladaas daadihinayey, isaga oo ku tilmaamay ujeedada xafladda in ay tahay dardar gelin hawlaha xisbiga iyo soo dhoweeyn madax xisbiga ah oo ku sugan carriga Ingiriiska. Intas kadib waxa codbaahiyaha lagu soo dhoweeyey Md Farax Xasan Jagac oo ah guddoomiyaha laanta Manchester ee xisbiga Kulmiye. Mr Faarax ayaa ka warramay taariikhda magaaladda Manchester iyo doorkii ay kasoo qaadatay halgankii dheeraa ee dalka lagu soo xoreeyey. Waxa kale uu ka waramay waxqabadka laanta Manchester iyo waxyaabahii u qabsoomay muddadii ay shaqaynaysay.

Mudane Abiib Diiriye Nuur oo ahaa wasiir hore uga tirsanaa xukuumadda Madaxweyne Rayale hase yeeshee xilkii uu hayay iska casilay markii uu ka biyo diiday hab dhaqanka xukuumadda Rayale ayaa lagu soo dhoweeyey codbaahiyaha. Mudane Abiib waxa uu ka warramay in sidda dad badani xuseen uu kasoo qayb qaatay halgankii hubaysnaa ee Somaliland lagu xoreeyey, isaga oo ka mid ahaa tobankii sarkaal ee ugu horeeyey ee talaaba. Waxa Mr Abiib uu sidoo kale kasoo shaqeeyey jagooyin Wasiiro ahna kasoo qabtay xukuumaddi ugu horeysay Somaliland ee uu Madaxweynaha ka ahaa Marxuum Cabdiraxman Axmed Cali iyo xukuumaddii Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Mudane Abiib waxa uu xusay inuu ka mid ahaa wasiiraddii lasoo shaqeeyey Madaxweyne Rayale iyo xukuumadda wakhtigan dalka ka talisa, isla markaana uu ahaa raggii ay isugu dho-dhowaayeen Madaxweyne Rayale. Sababta kaliftay in uu iska casilo xilkii wasiirnimo ayaa Mr Abiib isaga oo ka warramaya waxa uu yidhi:

‘Markii aan arkay in xukuumaddani aanay dadkii iyo dalkii u shaqaynayn, waddadii aan ka filayeyna ay ka leexatay, ayaa waxa damiirkaygu i siin waayay inaan kasii mid noqdo oo kusii jiro’
Mudane Abiib waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale aanay dadka u shaqayn laakiin ay ka shaqaysato, taasina ay nasiib darro tahay. Isaga oo ka warramaya xaaladda maanta wadanku ku sugan yahay waxa uu xusay in Somaliland maalinba maalinta kasii danbaysa ay wax kasii dhacayaan, guulahii iyo dedaalkii Somaliland hore ula timina xukuumaddani sii marayso.meel halisa.
‘Waxaan maqlayay Jidhif oo berri dhexdaasa yidhi isagoo Madaxweyne Rayaale la hadlaya ‘Haddii doorasho dhacdona waa si wanaagsan, haddii ay dhici weydo oo xukuumaddu ka warwareegtona kaba sii fiican’. Anna waxaan leeyahay in isbedel loo baahan yahay xukuumaddana dalka laga badbaadiyo weeye, sidaas darteed, haddii doorasho dhacdo waa si wanaagsan oo waa sidii lagu bedeli lahaa, laakiin haddii ay dhici weydo ama xukuumaddu sideedii is tidhaahdo musuq maasuq lama tegi karto oo u suuroobi mayso maanta” ayuu yidhi Mr Abiib Timacadde.

Waxa intaas ka bacdi codbaahiyaha lagu soo dhoweyey xildhibaan Cumar Sanweyne oo ka warramay hawlaha u qabsoomay mudaddii uu socdaalka ku marayay dalka dibadiisa. Xildhibaanku waxa uu sheegay in mudaddii uu Ingiriiska ku sugnaa la kulmay xildhibaano Ingiriis ah oo u ololeeya ictiraafka Somaliland oo ku midoobay urur la yidhahdo Somaliland Focus. Xildhibaan Cumar waxa uu ku booriyey dadkii xafladaas kasoo qayb galay in xubin walba la xidhiidho xildhibaanka xaafadiisa u metela Baarlamanka isla markaana ka dhaadhiciyaan qadiyadda Somaliland.

Mar uu ka hadlayay arrimaha golaha wakiiladda iyo waxii u qabsoomay wakhtigii golaha cusub lasoo doortay waxa uu xildhibaanku sheegay in ay iyagu (wakiilo ahaan) yihiin gole sharci dejin. Sidaas darteed ay shaqadoodu tahay in ay sharciga sameeyaan, xukuumaddana ay waajib ku tahay inay fuliso sharciga golahu sameeyey, maadaama ay tahay waaxdii fulinta. Hase yeeshe waxa uu xildhibaanku sheegay in sharciyadii ay sameeyeen oo dhan qaarna xukuumaddu is hortaagtay oo aanay fulin, kuwo kalana ay golaha guurtida oo la shaqeenaya xukuumadda gidaar looga dhigay oo is hortaageen.

Waxa sidoo kale isna goobtaas ka hadlay Mudane Maxamud Xaashi oo ka tirsanaan jiray golahii wakiiladda Somaliland ee hore. Mr Maxamuud waxa uu ka waramay isbedelka maanta wadanka looga baahan yahay iyo sida wax isu bedeleen ilaa wakhtigii xukuumadda Madaxweyne Rayaale talada dalka haysay, taasoo uu ku tilmaamay in aanay iska xilsaarin waxqabad iyo horumar dalku gaadho laakiin aad moodo inay burburinayso guulahii Somaliland hore u gaadhay.

Isla madashaas waxa sidoo kale warbixin ka bixiyey guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee UK Mudane Ibrahim Nuux oo dhowaan safar uu ku tagay Somaliland dib uga soo laabtay. Mudane Ibrahim waxa uu dadkii kasoo qayb galay xafladaas uga waramay halka ay marayso qaban qaabadda shirweynaha Kulmiye iyo doorka ay qurba jooga Kulmiye ku yeelan karaan geediga hanaan socodka dimuqraadiyada Somaliland, gaar ahaan xisbiga Kulmiye.

Shacab weynahii kasoo qayb galay xafladaas ayaa geba gebadii su’aalo kala duwan weydiiyey masuuliyiintii goobtaas ka hadlay, su’aalahaas oo isugu jiray qaar xogwaraysi ah oo xubnaha Kulmiye weydiinayeen iyo qaar kale oo wareysi ah oo xubno aan ka tirsanayn xisbiga Kulmiye, siday sheegeen, hase yeeshe danaynaya inay wax ka ogaadaan qorshaha xisbiga Kulmiye weydiinayeen.

Md.Axmed Siilaanyo oo ka hadlay manhajka Dugsiyada oo laga saaray Taariikhdii halganka SNM.








Published Jan 23, 2008
by siciid

Siyaasiyiin, saraakiil millateri iyo dadweyne tiro badan oo reer Somaliland ayaa cadho weyn go’aan Wasaaradda Waxbarashadu manhajka dugsiyada dalka kaga saartay cutubyo kooban oo ka hadlayey

Siyaasiyiin, saraakiil millateri iyo dadweyne tiro badan oo reer Somaliland ayaa cadho weyn go’aan Wasaaradda Waxbarashadu manhajka dugsiyada dalka kaga saartay cutubyo kooban oo ka hadlayey taariikhda halgankii ururka SNM ee kumanyaalka mujaahid u shahiideen iyo aasaaskii dhismaha qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ahna guddoomiyihii ugu muddada dheeraa ee ururka SNM, ayaa ayaan-daro weyn ku tilmaamay in la tirtiro taariikhda halgankii ururkii SNM ee dalka lagaga xorreeyey keligii-taliyihii dhiig-yacabka ahaa ee ummadda reer Somaliland dhibaatada weyn gaadhsiiyey.

Axmed-siilaanyo oo xafiiskiisa ugu warramayey shalay qaar ka mid ah warbaahinta dalka shalay, ayaa isaga oo daba socday arrintaas waxa uu ku tilmaamay inay SNM tahay hooyada dhashay qarannimada Somaliland, isla markaana u taal ummadda reer Somaliland tallaabada ay ka qaadayaan falkan foosha xun ee lagu duudsiyayo taariikhda halgankii qadhaadhaa ummadda Somaliland u soo gashay xorriyadooda.

Waxaannu isaga oo arrimahaa faahfaahinayey yidhi; “Waxaan u arkaa ayaan-darro aad iyo aad u weyn. Waynu ognahay halgankii SNM inuu ahaa ka keenay Somaliland, waa halgankii xornimada Somaliland keenay. Waynu la soconaa oo dad farabadan ayaa u shihiiday, kumanaan baa ku dhintay, kumanaan baa lugo beelay, kumanaan baa ku agoomoobay, maantana Somaliland waxa dhashay SNM, waynanu ku sugaynay waqtigeeda, markii hore waxa la lahaa mujaahidiintii dalka u soo halgamay ayaa dayacan, maantana magacii SNM ayaa siduu u dhan yahay meesha laga saarayaa, haddii ay ummadda reer Somaliland waxaas oo kale ay aqbasho oo ka dhiidhi weydo oo

damiirkeedu fari waayo in waxaasi wax la qaadan karo aannu ahayn ayaan-darro ayey noqonaysaa.”
Sidoo kale, Muj. Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii millateri ee hoggaaminayey halgankii hubaysnaa ee ururka SNM, haddana ka tirsan guddiga fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan arrintan, ayaa waxa uu si kulul ugu eedeeyey hoggaanka sare ee dalka inay ka suurtowdo tirtirista taariikhda halgankii SNM ee ummadda reer Somaliland u horseeday neecawda xornimo ee ay haystaan, isaga oo intaa ku daray in dunida aan lagu arag ummad baabiisa

taariikhdeeda, waxaannu mid aan suurtogal ahayn ku tilmaamay in masuuliyiinta waxbarashada dalka oo mujaahaidiin u badnaa ay ku kacaan tallaabo halgankii ummaadda lagu baabi’iyo oo haddii ay dhacdana il-duuf ahaan uga tageen, laakiin ay suurtogal noqon karto in ay tahay siyaasad hoggaanka sare ee dalku aaminsan yihiin. Isaga oo arrimahaas faahfaahinayeyna waxa Muuse Biixi yidhi; “La yaabi maayo inay qoladan dalka ka taliyaa tirtiraan taariikhda halgankii SNM oo iyagu maaha qolo soo dagaalantay, wayna ka xun yihiin halgankii iyo wixii soo hadal-qaadaba, markaa hoggaanka sare ee dalka inay tallaabadaa qaadaan way ka suurtowdaa. Adduunyada lama arag ummad taariikhdeeda tirtirta inay ilaashato oo ay ku faanto mooyee, laakiin hoggaanka sare ee talada dalka haya way ka suuroobi kartaa tallaabadan, sababtoo ah ma jaclaysanayaan halgankii oo iyagu kamay soo

qaybqaadan, laakiin macallimiinta dalka mujaahidiin bay u badan yihiin arrintaas ka suurtogali mayso.”
Ugu dambayn, Muj. Muuse Biixi oo faahfaahin ka bixinayey aragtidiisa ku wajahan arrintan iyo lugta ay ku yeelan karaan masuuliyiinta Wasaaradda Tacliinta Somaliland, waxa uu yidhi; “Ragga wasaaradda waxbarashada iyo manaahijta dalka gacanta ku hayaana waxay u badan yihiin rag halgankii ka soo qaybqaatay oo badankooduna ku soo dhaawacmay, markaa arrintaa kanaan filayn, waxaanna laga yaabaa in ay il-duufeen oo ay dib-u-sixi doonaan, waxaanan doonayaa in aannu is aragno oo arrintaa kala hadalno, hadday tahay siyaasad cusub oo hadda soo baxdayna waxaan filayaa inay khalad tahay.”

Dhinaca kale, dadweyne tiro badan ayaa dareen cadho leh ka muujiyey arrintan, kuwaas oo tallaabadan ku tilmaamay inay tahay khiyaamo qaran oo aan sinaba suurtogal u noqon karin.
Ugu horreyn, Maxamed Saleebaan Cali oo ah wiil dhallinyaro ah, ayaa isaga oo ka jawaabayey dareenkiisa ku saabsan arrinta, waxa uu yidhi; “Kacdoonka waxa keena muhindis, waxana fuliya geesiyaal, waxaanna ka midho-gurta fule iyo doqon, waxayna taasi u muuqata inuu doqonkii iyo fulaygii ka faa’iidaystay dalka. Waayo, waxaynu wada ognahay in dalkan dhibaato farabadan loo soo maray, oo ay kumanaan geesi ku naf waayeen, kumanaan kalena u naafoobeen, kumanaan kalena way waalan yihiin, kumanaan kale way ku agoomoobeen. Sidaas oo ay tahay buuggii hore taariikhda muu ahayn buug uu ku dhammaystiran yahay taariikhda halgankii SNM ee dhashay Somaliland, waxaanna wax lala yaabo ah annagoo markii horeba dhaliilsan cutubkii yaraa ee ku qornaa buugga taariikhda fasalka 8-aad in laga saaro, waxaanay ku tusaysaa in maamulka jiraa uu dabar-jarayo taariikhda halganka SNM iyo Somaliland-ba.

Wasiirka Waxbarashada waxaannu u aragnaa inuu u badheedhay arrintan, waayo wuxuu lahaa hirgelinta buugga. Haddii Madaxweynuhu arrinkan aannu wax qaban waxa cad inuu ka dambeeyo, taasina waxay u taallaa shacabka reer Somaliland waxay ka yeeli lahaayeen.”

Maxamed Aadan Tarabi oo ka mid ah dhallinyarada ku barbaartay xorriyaddii ay dhaliyeen ururka SNM, oo dareenkiisa ka hadlayey, ayaa isaga oo cabbirayey aragtidiisa la xidhiidha arrintaa, waxa uu yidhi; “Waxaan ka mid ahay barbaarta ku hana-qaaday xorriyadda iyo xorriyatul-qawlka barbaartan loo halgamay iyo qarannimada dhiigga loogu daadiyey siday ugu noqon lahaayeen kuwo sharaf ku nool, kana mid ahay barbaarta hiigsanaysa mujaahintii iyo halyeyadii SNM iyo inta dhimatayba, waxaan u taaganahay dhaqdhaqaaqa iyo taabogelinta taariikhda SNM, waxaan aad uga xumahay wasaaradda waxbarashada arrinkaa xun ee ay ku kacday, waxaanan bulshada Somaliland ugu baaqayaa ninkii qayrkii loo xiirayow soo qoyso ayey ka dhigan tahay, maadaama dadkii qarannimadan naftooda u soo huray lagu tuuray kudaafada, oo laga saaray manhajkii waxbarashada, waxaan ku talin lahaa inay ka waantoobaan, haddii ay ka waantoobi waayana waxaannu ku dhawaaqi doonaa bannaanbaxyo arrintaa aannu kaga soo horjeedno.”

“Aad baan uga xumahay taariikhda SNM in laga saaro manhajka waxbarashada, oo waliba waxaan ka soo jeedaa SNM, dadkayaga oo dhan ayaa lagu madhiyey, mana oggoli in laga saaro manhajka waxbarashada, waxaanan leeyahay annaga ayaa gacmahayga ku beddeli doona oo kii hore in yar buu qorayee taariikhdii SNM oo dhan ayaannu ku qori doonaa. SNM-na waxay ahayd udub dhexaadka ay ku taagan yahay Somaliland, mayana jirteen Somaliland, dhaliishana waxaan saarayaa

xukuumadda, buuggan iyada ayaa soo saartay ee hay’adi may soo saarin, iyadaana kow ka ahayd ciddii abaabushay buuggan, dadku waxay moodayaan in loo fududaynayo, laakiin anigu waxaan u arkaa in SNM la xasuuqayo.” Sidaa waxa tidhi Amaal Muuse Ciise.

TogdheerNews
Hargaysa.

Monday, January 21, 2008

Meles Zenawi Oo Madaxweyne Riyaale Saaka Ku Qaabilay Xafiiskiisa







Written by Khadar
Monday, 21 January 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa saaka intaanu ka dhoofin Dhabada diyaaradaha ee magaalada Addis-Ababa wuxuu Qasriga Madaxtooyada ee dalka Itoobiya kula kulmay Raysal wasaaraha dalka Itoobiye Meles Zenawi.



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayey oo habeen hore 08:00 fiidnimo ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa, Madaxweynuhu intaanu ka soo ambabixin Dalka Ethiopia, waxa uu 10:00 Subaxnimo ee Maanta la kulmay Ra'iisal Wasaaraha Dalka Ethiopioa, Mudane, Meles Zenawi, halkaasi oo Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaruhu kaga wada hadleen Xaaladda Gobolka gaar ahaan danaha ballaadhan ee ka dhaxeeya labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Ciise
Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha A.kaah

Wafdigii Madaxwaynaha oo Dalka ku soo laabtay















Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Weftigii u hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa galabta dalka ku soo guryo noqday,kadib markii uu soo Dhameystay Socdaal qaatay muddo laba todobaad iyo dheeraad oo ay ku soo Mareen Wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka.

Madaxweyne Rayaale iyo Weftigiisa Waxa dhabaha Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa ku soo Dhaweeyey Masuuliyiin Badan Oo uu Hormood ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin, Raxan Wasiiro ah, Xildhibaano, labada Gole Barlamaan [Guurtida iyo Wakiillada], Masuuliyiin ka socday Xisbul-Xaakimka talada haye ee UDUB, dadweyne aad u tira badan iyo Marti sharaf kale.

Kadib, Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Shir-jaraa’id oo uu tafaasiil kaga bixinayey Socdaalkii uu ku soo Maray Wadamada, Ingiriiska iyo Mareykanka ku qabtay Qasriga Madaxtooyada, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxaan u maleynayaa ducadii aan Maalintii aan tagayey idinku lahaa igu sii dara waa la aqbalay, Markaa Waxaad ku darsataan in ducadiini la aqbalay”

“Markaan idiin waramo waa-nagii halkan [Hargeysa] ka baqoolnay aniga iyo xeynta Wasiirada ahi, Safarkayagii waxaanu ka bilownay Ingiriiska, halkaas oo aanu kula kulanay Wasiiru Dawlaha Arrimaha Afrika oo nin Cusub ah, run ahaantii si fiican ayuu noo soo dhaweeyey ninkaas odayga ahi” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale

Mar uu ka hadlayey Madaxweyne Rayaale Wax-yaabihii ay ka Wada hadleen Wasiiru Dawlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan boqortooyada Ingiriiska Waxa uu yidhi “Waxaanu ka Wada hadalnay Qadiyadeena [Somaliland] oo isugu jirta, haday tahay ta aanu markastaba ka hadalno oo ah Aqoonsiga, iyo sida ay wax inoola qaban lahaayeen Ingiriisku iyo xaga horumarinta”

“Waxaad Maqasheen kooxdii [Barlamaanka] ee u ololeyn jirtay qadiyadeena had iyo Jeer oo uu Madaxda u yahay Xildhibaan Alen Allen Michael sifiican ayuu noogu soo dhaweeyey oo subixi oo dhan Shir ayaanu lahayn, isaga oo kaliya maahe Xisbiyada kala duwan ee Dalka Ingiriiska, oo aanu kala hadlaynay sidii aanu qadiyadeena ugu qancin lahayn iyo Sidii ay u sii-wadi lahaayeen inay markasta qadiyadeena taageeraan”ayuu yidhi President Rayaale.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi“ Xildhibaan Allen Michael waxa uu nagu martiqaaday fadhi Su’aalo lagu weydiinayey Ra’iisal Wasaaraha [Ingiriiska Brown], oo aad la socoteen, Ra’iisal Wasaaruhuna si dhaba markii ugu horeysay uga jawaabay BBC-da ku celin uma baahna, Wasiiraduna qolyo kale ayey la kulmeen oo iyaga ka waramidoona oo dib ayaad uga wareysandoontaan”

Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey Socdaalkii uu ku tagay Wadanka Mareykanka waxa uu yidhi“Mareykanka Marti-qaad waanu haysanay dadban oo weli laynama aqoonsan run ahaantii, laakin waxaanu idiin sheegaynaa in si fiican na loo soo dhaweeyey, oo VIP na lagu soo dhaweeyey oo Airport-ka nalaga qaaday,”

“Dawlada Mareynkanka Xafiisyadeedii ugu muhiimsanaa oodhan Shirar ayaanu la yeelanay haday tahay State department, haday tahay Congress-ka oo ah Sub Commity of Afrika, haday tahay US-AID oo xaga horumarka u qaabilsan, haday tahay Pentagon-ka oo ah qolada Gaashaandhiga iyo rag kale oo Madaxweynaha arrimaha Afrika kala-taliya intaasba kulamo ayaanu la yeelanay” ayuu intaas raaciyey Madaxweyne Rayaale isaga oo hadalkiisa sii wata

“Hadaan idiin soo Uruuriyo kulamadaa waxaan u arkayey, dad raba inay wax inalaqabtaan, una baahan inaanu anaga qudhayadu [Somaliland] iska warano, waxaanu isleenahay fariintiini waad gaadhsiiseen si fiicana way u qaateen Dawlada Mareykanku”ayuu yidhi President Rayaale.

Madaxweyne Rayaale oo waxa uu ku dooday inaanu wax faah-faahina ka bixinayn Safarkiisa uu ku tagay Wadanka Mareykanka, balse uu ku soo Uruurinayo inuu Safarkaasi guul ku soo dhamaaday oo uu si wanaagsan u dhacay “Bilow Wanaagsan oo inoo bilaabmay inaga [Somaliland] iyo Mareykanka uu yahay, waxaan rajeynayaa Mustaqbalka inay wax-yaabo badan ay ka soo bixidoonaan,”ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Anaguna waxaanu is-leenahay Somaliland si fiican waad u iibiseen oo fariintiina waad gaadhsiiseen, Mareykankuna idinkama war la’a sidaanu halkan uga haysano, warkeena way hayaan wixii ka dhinaana ee uu mugdi kaga jirayna inaanu u buuxinay waan filayaa, xidhiidhkani halkaa kuma eekaanayo oo uu sii socondoona”.

Mar uu Madaxweyne Rayaale ka hadlayey waxa uu ku soo arkay Wadanka Mareykanka waxa uu yidhi “Waxaan la hadlay Jaaliyadeena [Mareykanka], aniguna wixii aan u sheegayey waan u sheegay,iyaguna waxa ay I weydiinayeen way I weydiiyeen”

“Laakin, waxaan halkaa [Mareykanka] ku soo arkay waxay kaga duwanaayeen reer Yurub oo dad xoogsanaya ayey ahaayeen,Yurub qaraamaad ayaa la siiyaa oo meelahaa ayey iska fadhiyaan, laakin meeshan meel la shaqeysanayo oo ninkasta Xog-sanayo ayuu Mareykanku ahaa” ayuu yidhi Rayaale

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Dad badan ayaa halkaasi wax-bartay oo dhalinyarada ah, oo ninkastaaba dedaal ayuu ugu jiraa Survivor-ka, oo waad dareemi kareysaa inuu ninwaliba dalkiisa Jecel yahay”

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirada Arrimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Caafimaadka iyo Shaqada Md. Cabdi-haybe Maxamed, Wasiirka Cadaalada Axmed Xasan Cali Casoowe, Wasiir ku-xigeenka qorsheynta Md. Axmed Xaashi iyo Xogheynta gaarka.

Intaa kadib, waxay Weriyaashu Su’aalo ku boobeen Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Mar la weydiiyey Su’aal ahayd, Madaxweyne Madaxdii Hogaamiyayaasha Urur Siyaasadeedka Qaran waxay Socdaal dhawaan ku tageen Magaalada Boorame oo kulan ayey ku qabteen Huteel Rays oo way ka hadleen markaa Sideed u aragtaa arrinta Urur Siyaasadeedka Qaran?Waxa uu Madaxweynuhu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta kuwaasi [Uururka Qaran] Sharciyad kuma fadhiyaan oo hore ayaan u sheegay, dadka uma diideyno inuu ninkastaaba inay Siyaasada damac u yeesho,taan anigu u leeyahay qofkasta oo reer Somaliland ahi xaq ayuu u leeyahay,laba ayeynu kala dooranay inaga [Somaliland] iyo Koonfurta Soomaaliya waxaanu ku kala duwanay inaanu noqono dadkeenan waxaanu anagu ku hogaaminaynaa dad Sharci ku nool uu noqdo ee dalkani inuu noqdo mid hebel la ixtiraamo inuu noqdo maaha, haddii hebel la ixtiraamo meel aynu u soconaynaa ma jirto, Laakin dadka waxaanu ku ixtiraamaynaa dastuurka iyo Sharciga inay u maraan damaca ay Siyaasada u leeyihiin. Qolada Mareykankuna kuwaanu is-heyno way og yihiin”

Mar iyana la weydiiyey Su’aal ahayd, Afhayeenkii arrimaha dibada ee dalka Mareyka dabadeed, waxa hadashay oo War-saxafadeed soo saartay isla Wasaarada Arrimaha Dibada oo taas oo lagu sheegay kulankii uu Weftigii aad hogaaminaysay la yeeshay Jandeya Frazer aanu waxba ka beddelin mawqifkii Maraykanku ka taagnaa Aqoonsiga Somaliland,? Waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi. “Horta kaa laftiisu war xun ma odhan. Warka uu yidhi waxaweeyaan qarka uma saarna aqoonsiga Somaliland, haddaad ‘between the lines’ iska akhrido ma dafirin inuu Somaliland ahaan wax inala wadaan, laakiin, weliba dad inaga ina taageeraya ayaa su’aasha ku cel-celiyey ninkan, wax badanna inuu sheego diyaar umu ahayn oo nin hoose ayuu ahaa.
Waa laga yaaba inuu War kale ka soo bixidoono, sidaanu qoladaa isku aragnay inuu Statement danbe ka soo bixidoono, Waayo dib ayaanu u wada hadalnay ninkaasi [Afhayeenka Arrimaha Dibada Mareykanka] nin yar oo Cidla naga helay oo layarawareystay”

Mustafe Abdi Maxamed [Mustafe-Janaale]
Reporter Hadhwanaagnews.com/Hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com

Sunday, January 20, 2008

Wararkii maanta Xagan ka Akhriso
















Written by Qarannews.
Jan 20, 2008 at 01:31 PM

Madaxweynaha Somaliland mudane Dahir Rayaale Kaahin iyo waftiguu hogaaminaayay ee soo maray dalalka Ingriiska iyo Maraykanka ayaa hada ku sii jeeda magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa, madaxweyanaha iyo waftigiisa ayaa xalay ka soo ambabaxay magaalada Washinghtonm ee dalka Maraykanka oo ay ku sugnaayeen ayaamahii ina soo dhaafayba, waftiga uu hogaaminaayo madaxweyne Rayaale waxa ay maanta joogi doonaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoiobiya iyaga oo maalinta isniinta ahna u socdaali doona magaalada Hargaysa.

Sida ay doontaba ha ahaatee socdaalka madaxweyanah ayaa ahaa mid hirgalay dhamaana uu ku soo guulaystay ujeedooyinkii socdaalkisa, saraakiil aanu la xidhiidhnay oo ka tirsan madaxda wadamadii uu soo maray madaxweyne Rayaale ayaa noo xaqiijiyay in socdaalkii madaxweyaha ee dalalkaasi Britain iyo USA uu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, sidoo kale diblomaasiyiin ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee ku kula sugan wadamada USA iyo UK ayaa noo xaqiijiyay in midho dhalkii kulmada madaxweynaha Somaliland ee dalalkaasi uu soo maray ay bilaabmi doonaan bilaha fooda inagu soo hayo iyada oo la arki doono midho dhalkii socdaalka madaxweyanah ee Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin ee dalalkaasi.

Dhanka kalena waxa ilaa maanta laga dareemay magaalada Hargaysa dhaq dhaqaaq xoogan oo loogu diyaargaroobaayo soo dhawaynta madaxweyanah oo ku soo fool leh magaalada Hargaysa, oo runtii ay dadweynaha magaalada Hargaysa ku soo dhawayn doonaan madaxweynahooda iyo waftiga uu hogaaminaayaba caleemo qoyan iyo ciyaaro kala duwan oo loogu sii diyaar garoobaayo soo dhawaynta waftiga.





Source Qarannews

Wararka kale ee maanta.



Hargeysa : Xaflad Ay Ku Qalin Jabiyeen 105 Arday Oo Kulmisay Gud/ Ku Xigeenka Kowaad Ee Wakiilada Iyo Xildhibaano Ay Isku Seegeen Golaha



Hargeysa (Qaran)- Xaflad ay ku qalin jabinayeen 105 arday oo muddo laba sano ah, wax ka baranayay Machadka Luuqadaha ee aflax, ee ku yaala magaalada Hargeysa, ayay ku kulmeen Gudoomiye Ku xigeenka Kowaad ee Aqalka Wakiilada, Md Cabdi-casiis Maxamed Samaale, Md Xasan Cawaale Caynaan, oo ka tirsan Xildhibaanada Xisbiga UDUB kaga jira Aqalkaas iyo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, oo ka mid ah Mudaneyaasha Xisbiga UCID kaga jira Golaha Wakiilada, hase yeeshee si adag u naqdiya Hoggaaminta sadxda xubnood ee shirgudoonka Golahiisa.

.

Xafladii loo sameeyay qalin jabinta dufcada 16-aad ee Machadka Aflax oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada , Xoghayaha Arrimaha Dibada KULMIYE , Gudoomiyaha UCID ee Gobolka Hargeysa , Arday iyo Macalimiinta dugsigaas wax ka barata.



Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay midhaha Ardayda uu soo saaray dugsiga Aflax oo ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka jira caasimada Hargeysa , waxana uu yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ka soo qayb galo xafladan qiimaha leh , waxana aanu idiin muujinaynaa in aanu idinla faraxsan nahay , waxa aanu idiinku hambalyaynayaa Luuqadaha aad barateen oo furre u ah Waxbarashada Aqoonta kala duwan’’.



Mudane Samaale oo sharax ka bixinayay waxtarka Aqoontu u leedahay Bini’aadmiga waxa uu yidhi “Aqoontu waa shay qaali ah waxana ilaahay ku kala fadilay bini’aadmiga aqoonta , markaa Waxbarashadu marka ay qiimaha leedahay waa marka ay ilaahay kugu xidho ee ay kuu diido Waxa xun’’.



Gudoomiye ku xigeenka Golaha Wakiiladu waxa uu Ardaydaas ugu baaqay in aqoontuudu noqoto mid dhinaca Wanaagsan loo adeegsado.



“Bini’aadmigu wuxuu isku afgartaa waa luuqadaha , markaa Barashada luuqadaha aad ayaan idiinku dar daarayaa inaad barataan , halkaasna ka sii wada’’ ayuu intaas raaciyay C/casiis Samaale.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Xisbiga KULMIYE Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka hadlay xafladaas ayaa ardayda ku taageeray Barashada luuqadaha , waxana uu yidhi “Waxaan idinku hambalyaynayaa barashada luuqadaha oo mihiim u ah kasbashada Cilmiga kale , waxaan idiin soo jeedinayaa inaad barataan luuqada China , waayo waxay dalkaasi noqonayaa dal hogaaminaya dhaqaalaha adduunka , luuqadiisana waa la wada baran doonaa’’.



Dr Axmed Xuseen waxa uu sheegay in ay dalka waxtar u tahay da’yartu noqoto qaar aqoon leh , waxana uu yidhi “Xaq waxa aad noogu leedihiin in aanu wax idin barno oo dhismaha iyo kobcinta garaadkiina aanu dhisno , taas ayaanu balan qaadaynaa haddii aanu waalidiintii iyo siyaasiyiintii nahay’’.



Maamulaha dugsiga Aflax , Axmed Ismaaciil oo ka hgadlay xafladaasi ayaa sheegay in dugsiga in la aasaasay 1996-kii ay ka baxeen kumanaan Arday oo luuqadaha carabiga iyo Ingiriisida ka bartay.

Maamulaha dugsiga Aflax , waxa uu amaan u soo jeediyay Ardayda iyo maalimiinta dugsigaasi.
Axmed Ismaaciil waxa uu waalidiinta u soo jeediyay inay xidhiidh la sameeyaan dugsigaasi la iskaga kaashado waxbarashada ubadka.

Sidoo kale , waxa xafladaas ka hadlay Mudane Xasan Cawaale Caynaan iyo Mudane Ibraahim Mahdi Buubaa , oo labadooduba ka tirsan Golaha Wakiilada, waxana ay xuseen inay soo dhawaynayaan wax soo saarka Waxbarashada ee dugsiyada gaarka ah oo ay amaaneen kaalinta ay kaga jiraan Waxbarashada dalka.

Waxa kale, oo xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga UCID ee Gobolka Hargeysa, Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi-raxmaan, oo sheegay in dugsiga AFLAX, uu kaalin wax ku ool ah kaga jiro kobcinta barashada luuqadaha iyo xisaabaadka.

Xasan Suldaan, waxa uu amaanay maamulka iyo macalimiinta dugsigaas, oo uu ka dalbayday inay dedaalkooda sii wadaan.



Cumar maxamed Faarax

Qarannews/Hargeysa



HantiDhawraha Guud Ee Somaliland Oo Soo Dhaweeyay Xeerka Xakamaynta Musuqmaasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka

Hargeysa(Qaran)- Hantidhawraha Guud ee Somaliland,Axmed xasan, ayaa soo dhaweeyay,Xeerka Xakamaynta Musuqmaasuqa Iyo Ilaalinta Hantida Qaranka, oo dhawaan golayaasha Baarlamaanka [Wakiilada iyo Guurtidu] ay ansixiyeen, isla markaana uu digreeto ku ogolaaday Madaxweynaha Somaliland.

Hantidhawraha guud ee Somaliland, waxa uu mar uu maanta saxaafada ugu waramayay xafiiskiisa, ku sheegay in xeerkani uu soo noolaynayo qeybo ka mid ah awoodaha xafiiska Hantdhawrka, waxana uu tilmaamay in sanadkan deg deg u dhaqan gelinayaan.

"Xeerkani waanu dhaqan gelinaynaa waxana uu wax ka tarayaa , sidii aanu shaqadayada u gudan lahayn"Ayuu intaas raaciyay Hantidhawraha guud.

Xeerkani, oo ay soo curiyeen Gudida ilaalinta Hantida Qaranka iyo xakamaynta Musuqmaasuqa ee golaha Wakiilada somaliland, ayaa si weyn looga taageeray dalka dhaqan gelkiisa, waxana golayaasha Baarlamaanku ay qabaan in xeerkani uu wax weyn ka tarayo sidii ciqaab adag loo marsiin lahaa dadka lagu helo inay ku tagri faleen hanti qaran.

Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa


Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Tababar U Furay 117 Askari Oo Boolis Iyo Asluub Ah


Hargeysa (Qaran)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdilaahi Ismaaciil Cali, ayaa maanta tababar ku saabsan xirfada iyo shuruucda ciidamada dugsiga Mandheera uga furay 117 Askari, oo isugu jiray Boolis iyo Asluub, kuwaasi oo laga kala keenay gobolada dalka.

Xafladii Loo sameeyay furitaanka tababarkaasi, oo ay goob joog ka ahaayeen, Wasiir Ku-xigeenka Cadaalada, Mudane Yuusuf Ciise Ducaale [Talaabo], Taliayaha Ciidanka Booliska Maxamed Saqadhi Dubad, Saraakiil ka socday Taliska guud ee asluubta iyo masuuliyiin ka tirsan Haa’yada UNDP.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo tababarkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxtarka tababarada ciidamadu ay ka qaadan karaan sugida nabadgelyada dalka, waxana uu ciidamaadaasi, oo ay ku jireen Ciidanka Booliska Laas-Caanood, ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan.

“Waxaan idinka rajaynayaa inaad xirafada ciidanimo iyo shuruucda aad ku shaqaynaysaan, ee tababarkan aad ku qaadanaysaan aad sida ay tahay uga faa’iidaysataan, si dhawaan aad wax uga bedeshaan hawlaha aad haystaan ee dhinaca nabadgelyada la xidhiidha” Ayuu intaas raaciyay”Mudane C/Laahi Ismaaciil Cali [Cirro].

Wasiirku waxa kale oo uu ka waramay culayska ay leedahay shaqada ciidamada nabadgelyada, oo uu xusay inay si fiican u gutaan.waajibkooda.

Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka Cadaalada, Md Yuusuf Ciise Ducaale [Talaabo] iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland, Maxamed saqadhi Dubad, waxana ay ka warameen sida loogu baahan yahay in mar walba loo casriyeeyo tabobarada iyo xirfada ciidamada nabadgelyada dalka.


Cumar Maxamed Faarax
Qarannews/Hargeysa



Warbixin: Xaalada Soomaalida ku nool Caasimada Uganda ee Kampala, uu inoo soo diray Wariye Siciid Maxamed Cismaan



Kampala (Qaran)-Dalkan Uganada waxa uu ku dhaca bariga Qaarada Africa waan dal sanadihi u danbeeyay ku talaabsaday horumar balaadhan hadaba caasimada Dalka Uganda ee Kampala ayaa waxa hada ku nool soomaali aad u badan oo u jeedoyin kala duwan u yimi dalkan sida Ganacsi, Qaxoontinimo, Waxbarasho iyo arimo kale hadaba warbixintan waxaynu ku eegi doona bal soomaalida ku nol dalkan Uganda iyo xaaladahooda kala duwan:-

Kampala :

Muuqalka Kampala


Magaalada Kampala waa Caasimada Dalka Uganada waxa ku nool dad lagu qiyaaso 1.5 Million waana meesha inta badan dadka Soomaalida ahi ku noolyihiin waa caasimada si weyn u dhisantay sandihi u danbeeyay.

Muuqalka Kampala Casimada Uganda

Ganacsiga:-

Dadka soomaalida ah ee ku nool Dalka Uganda intooda badan waxay u yimaaden qaxoonti nimo laakin waxa jirta dad badan oo Soomaali ah kuwaaso dalka Uganada ka bilaabay Arimo Ganacasi isla markaan maalgashiyo kala duwan kusameeyay dalkan.

hada waxa dalkan Uganada ka shaqeeya Shirkado Badan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah kuwas oo si weyn uga hawla gala dalkan isla markaan ka qabta hawlo kala duwan


Maamulaha Dahabshiil Kampala Axmed Rashiid Cabdi Cilmi


Hadaba shirkadahaas waxa kamid ah Shirkada Xawaaladda ee Dahabshiil oo aan dhawaan booqday xafiiskoda Magaaladda Kampala Axmedrashiid Cabdi Cilimi oo ah Maamulka Dahabshiil Kampala ayaan wax ka waydiiyay sida shirkadoodu uga shaqeyso Dalka Uganda waxaana uu yidhi " Shirkada Dabashiil waa shirkadii xawaaladeed ee ugu horayasay ee Soomaaliyeed oo sifo sharciya uga hawla gasha dalkan Uganda shirkadan Dahabshiil hada waxay kamid tahay shirkadaha ugu waaweyn ee ka jira dalkan Uganda waxaan la odhan kara shirkada Dabashiil waxay dabooshay baahi badan oo dadka Soomaalida ah ee halkan dagani ay u qabeen madaama Dahabshiil tahay shirkada ka wada shaqeysa Dhamaan dhulka soomaalidu degto iyo kuwa ay ku noolyihiin ee daafaha dunida" ayu yidhi Md Axmed Rashiid

Gudaha Xafiiska Dahabshiil Kampala


Cabdixakiin Ismaciil Siciid Masuuliyinta Dahabshiil Kampala

Cabdixakiin Ismaciil Siciid oo isna kamid ah Madaxda Shirkada Dahabshiil Kampala oo isna nooga waramay adeegyada shirkadoodu qabato ayaa waxa uu yidhi "shirkada Dahabshiil dalkan Uganda waxay adeegyo kala duwan u qabata dadyo kala duwan oo ay u qabto adeega Xawaalada iyo adeegyo kale oo la xidhiidha xawaalada waan shirkad shaqo badan u abuurtay dadka soomaalida ah ee ku nool dalkan iyo Dalka Ugandaba waxaana hada Magaalada Kampala ka hawl gala laba xafiis waxan dhawaan aanu ku talo jirna in aanu Magaaloyinka kale ee dalka Ugandana aanu ku fidino adeega shirkada ayuu yidhi Md Cabdi Xakiin


Sidoo kale dhanka Ganacsigu kuma koobna oo kaliya Xawaaladaha ee waxa jira Soomaali kale oo dalka keena Shidaalka isla markaan Magaalada Kampala ku dhex leh Kaalmo iibiya shidaalka keenida shidaalka ayaa ah ganacsi inta badan dadka soomaalida ahi ay aad uga dhex muuqdan dalka Uganda

Xarunta Dahashiil Kampala


Ddka Soomaalida ah ee ku dhaqan Qaaradaha Europe, America iyo meelo kale ayaa iyaguna hada maalgashiyo kala duwan ka sameystay dalkan Uganda waxan uu hada Dalka Uganda uu kamid noqday dhulka Dadka Soomaalida ahi ay hantida kala duwan iyo ganacsiga ku leeyihiin waan dal amaankisu aad u wanaagsan yahay taaso sababtay inay dad badan soo jiidato.

Soomaalida Qaxoontiga ah:-

Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Uganada intooda badan waa Dad ku yimi Qaxoonti nimo kuwaaso hada ku kala nool Magaalada Kampala iyo xero Qaxoonti oo ku taal xadka Uganda iyo Tanzania xeradan oo UN ku u sameeyay Soomaalida qanxoontiga ah halkaas oo inta badan dadka soomaalida ah iska diwaan galiyaan isla markaana dhawrki biloodba mar ay iska xaadiriyaan si loga helo warbixino

Dadka dalkan Uganada soo galay ayaa intooda badan yimi shanti sano ee u danbeeyay kuwaaso qaar kood ay dhawaan ka soo yaacen dagaalada ka socda Koonfurta soomaaliya halka ay jiraan soomaali in ka badan 10 sano iyagu joogay dalka Uganda

Waxbarashada:-

Soomaalida Joogta Dalkan Uganda waxa iyaguna aan ka maqnayan dhalinyaro waxbarasho uga soo hayaamay dalkoodi waxaana hada wax ka barta Jaamacadaha Dalkan Arday badan oo soomaali ah kuwaaso jaamacado kala duwan wax ka barta waxan sanadahan danbe aad u soo badanayay ardayda waxbarashada u soo doonta Dalkan Uganda



Qaarkamid ah Ardayda Reer Somaliland ee waxkabarta Jaamacada KIU ee Dalka Uganda

Muuqalka Ardayada Reer Somaliland

Mar aan Booqday Jaamacada KIU oo ah Jaamacada inta badan ay ardayada Soomaalida ahi wax ka bartaan ayaa waxan kula kulmay arday badan oo halkaas wax ka barta isla markaana hada qaarkood sanado badan joogen Ardayda Jaamacadda KIU oo aan ka waraystay sida Dalkan Uganda wax looga baran karo ayaa waxay i sheegen in u yahay dal Dadka Soomaalida aad u soo dhaweeya isla markaan qofka waxbarasho doonaya uu si fuduud u heli karo Jaamacadaha Dalkan oo ah kuwa Tayadooda waxbarasho aad u sarayso waxa kale oo ay ardaydaasi i sheegen in Jaamacadaha Dalkan looga yimaado wadamo badan sida Tansania, Kenya, Sudan iyo meelo kale Jaamacada KIU ayaa hada wax wax ka barta in ku dhaw 100 arday oo soomaali ah kuwaaso ka kala yimi dhulka soomaalidu degto sida Jamhuuriyada Somaliland, Koonfurta Somalia, Kenya iyo meelo kale waxa kale oo Xusid mudan in Jaamacadaha Dalkan Uganda qaarkood Ardayda Reer Somaliland ku dhigtaan Shahadada Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo Jaamaadahani aqoonsadeen sido kale Dadka safarada ku yimaada Dalkan ayaa qaarkood waxay ku yimaadan Passoportka Somaliland kaaso si caadiya loogu soo galo dalkan Uganda.

Gunaanad

Dalka Uganda ayaa ah Dal hada Dadka Soomaalida ahi ay u soo gali karaan si aad u dhib yar iyagoo ku soo gali kara Passoport ka soomaaliga ah isla markaan aan inta badan aan la waydiinin waxa sharci ah waxaana hada Todobaad walba soo gala soomali badan dadka soomaalida ah waxay magaalada Kampala ka sameysteen xaafada soomaalida u gaar ah taaso inta badan ganacsiga yar yar ee ka jira ay leeyihin soomaali halkaaso oo deegan u noqtaya kumanaan soomaali ah.



Wariye :Siciid Maxamed Xaaji Cismaan
Kampala Uganda
Togdheernews

Waftigii Madaxweyne Riyaale Hogaaminayey Oo Caawa Soo Cagadhigtay Madaarka Addis-Ababa







Written by Faysal Cabdilaahi
Sunday, 20 January 2008
ImageHargeysa(Hormoodnews)-Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Weftigii uu Hogaaminayay ee Socdaalka Hawleed ku Marayay Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa Caawa kasoo degay Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Weftigan uu Hogaaminayo Madaxweynehu ayaa waxa Madaarka Addis ababa ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan xukuumada Itoobiya, Wakiilka Somaliland ee Addis ababa, Jaaliyada Somaliland ee dalkaasi oo caleemo qoyan ku soo dhaweeyay weftiga.

Weftigan uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa Dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka waxa ay kulamo kula yeesheen Jaaliyadaha Somaliland ee Dalalkaasi , Saraakiil ka tirsan Dalalkaasi oo ay ugu horeeyaan Jenday Frazer oo ah Kaaliyaha xoghayaha Arrimaha Dibada ee Afrika u qaabilsan , Saraakiil ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka , Wasiirka Afrika u qaabilsan dalka UK iyo Saraakiil ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha dibada ee dalalka England iyo Maraykanka.

Weftiga Madaxweynaha oo ay ka mid yihiin Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan , Wasiirka Arrimaha Dibada Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe , Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe , Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Mudane Axmed Xaashi iyo Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Weftiga ayaa la filayaa in ay Soo gaadhaan Caasimada Hargeysa , Maalinta Salaasada ah , iyada oo halkaasi si weyn loogu soo dhawayn doono Madaxweynaha iyo Wefdigiisa.

Waxaana magaalada Hargeysa durdaba ka bilawday udiyaargarawga soo dhaweynta waftiga Madaxweynaha.

Faysal Cabdilaahi.

Hargeysa-Hormoodnews.

Thursday, January 17, 2008

Madaxwaynaha oo kala qayb galay banaan bax Qurba jooga Somaliland




























Washington DC, January 17 2008

Qurbo-joogga reer Somaliland ee ku nool Woqooyiga Ameerika, ayaa isaga kala yimi meelo kala duwan si ay shacbiga iyo xukuumadda Maraykanka ugu muujiyaan dareenkooda la xidhiidha qaddiyadda madaxbannaanida


Somaliland, taas oo ay ku soo bandhigayaan maanta bannaanbax ka dhacaya Washington.
Bannaanbaxyo iyo shirar ballaadhan oo dhici doona Washington DC- MD/VA ee aagga Metropolitan, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigiisa oo hadda ku sugan magaaladaasi kala qaybgelayaan bannaanbaxayaasha reer Somaliland ee goobtaa isugu yimi si ay u tusaan dunista doonistooda qarannimo iyo in aanay marnaba qayb ka ahayn wixii loogu yeedhi jiray Soomaaliya.

Madaxweyne Rayaale ayaa la sheegay inuu dadka isugu yimi goobtaa si ay u soo bandhigaan dareenkooda uu halkaa uga jeedin doono khudbad, isla markaana kula shiri doono si ay u isu xogogaal-warraystaan qurbo-joogga Maraykanka ee reer Somaliland.

Bannaanbax kan la mid ah ayaa sidoo kale isna maanta ka dhacay dhammaan gobollada dalka Somaliland, kaas oo shacbigu ku muujinayaan siday uga go’an tahay in aanay dib uga noqonayn madaxbannaanidooda iyo goonni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Warsaxaafdeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland u jooga dalka Maraykanka Md, Amb. Sacad Sheekh Cismaan Nuur, waxa madaxweynaha iyo wefdigiisu labadii maalmood ee ina dhaafay la yeesheen saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Maraykanka kullamo iyo wada hadalo qaatay in mudo ah, kuwaas oo ka dhacay meelo kala duwan. Warsaxaafadeedkaas oo faah-faahsana waxa uu u dhignaa sedan;

“Weftigii uu hoggaaminayey Madaxweynaha JSL, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa qado loogu sameeyay Xarunta Wasaradda Arrimaha Debedda (State Department-ka). Qaddaddaasi waxa Madaxweynaha iyo weftigiisa u fidiyey kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debdda Dr. Jendayi Frazer, waxa kaaliyaha ku weheliyey ku-xigeenka kaaliyaha Xafiiska Arrimaha Debedda, Agaasimaha Bariga Africa ee Arrimaha Debedda, Madaxa Xafiiska Arrimaha Somaliland iyo Somalia iyo Madax kala oo ka socday Wasaaradda Arrimaha Debedda.
Isla maanta waxa uu Madaxweynaha iyo weftigiisu la kulmay, Madaxa la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo madax sarsare oo ka tirsan Xafiiskiisa.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay si rasmi ah u bilaabeen Isniintii dorraad oo ku beegan 14/10/08 kullamadoodii u horeeyay, kuwaas oo ay wada hadal rasmi ah kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan wasaarada Arimaha Dibedda oo ay ka mid tahay kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debedda Dr. Jendayi Frazer iyo dhammaan hawlwadeenada xafiiskooda iyo kaaliyaha Xog-hayaha Gaashaandhiga ee Arrimaha Africa, Ms. Theresa M. Whalan oo uu kula kulmay Xarunta Petagon-ka.

Sidoo kalena, waxa xubnaha wefiga Madaxweynuhu kulan la yeesheen masuuliyiinta Haya’adda USAID oo iyadu dawlada Maraykanka u qabilsan Horumarinta Caalamiga, intaas ka dibna waxa Madaxweynaha iyo wefdigiisu wada hadal dheer la yeesheen La taliyaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Africa, Mr. Bobby J. Pittman oo isagu ku soo booqday Huteelka ay deggan yihiin.

Sidoo kalen, Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxa ay habeenimadii Salaasada ka qayb Xaflad ballaadhan oo jaaliyadda Somaliland u qabatay, kullankaas oo Madaxweynuhu ugaga xog-waramay Jaaliyadda xaaladda dalku halka ay marayso iyo wixii u qabsoomay iyo waxa aynu rajeynayno inay dhawwaan inoo qabsoomaan, hadalkaa Madaxweynaha kadib, Jaaliyaddu waxay halkaasi

Madaxweynaha ku weydiiyeen su’aalo farabadan oo dhammaantood Madaxweynuhu uga jawaabay.
Kullamadaas waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Arrimaha Debedda, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, Wasiirka Caddaaladda Axmed Cali Xassan Wasiir-ku-xiggeenka Qorsheynta Axmed Xaashi Cabdi, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha Axmed Maxmed Ciise iyo Marwada Madaxweynaha Marwo Hudo Barkhad Aadan

TogdheerNews
Hargaysa.