Friday, January 4, 2008

Madaxwaynaha waxaan Leeyahay Dalalkan aad Tagaysaan u sii Diyaar Garooba



















“Madexwaynaha iyo waftigiisana waxaan leeyahay dalalkaa aad tagaysaan u sii hub-gurta oo idinka oo u diyaar garoobaya taga,” Dr.Axmed Xuseen Ciise.

--------------------------------------------------------------------------------



Dr.Axmed Xuseen Ciise waxa uu sidaa ka sheegay shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Madaarka magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dbadiisa.()
hadhwanaag 2008-01-03 (Hadhwanaagnews) Hargeysa-(HWN)- Xogyaha arrimaha dibada xisbiga Kulmiye, isa markaana ah musharaxa labaad ee Madaxtinimada Xibiga Kulmiye Md Xuseen Axmed Ciise, ayaa ku baaqay in Somaliland ka faa’idaysato fursadaha badan ee wakhtigan Adduun-weynuhu ku qiimaynayaan.

Xuseen Axmed Ciise waxa uu sidaa ka sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Madaarka magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka dbadiisa.

Waxaana uu sheegay in wakhtigan Somaliland ay fursad u heshay in Addun-weynaha badankiisu indho gaar ku eegayaan. “Run ahaantii ma doonayo in aan jeediyo wax hadal ah, oo dhawaan ayaan u qaban doonaa ummadda war ku saabsan safarkaygii dibedda, laakiin laba arrimood oo yar-yar ayaan doonayaa in aan ka hadlo, labadaa arrimood waa laba arrimood oo fursad weyn u leh Somaliland, oo mudan in ay ka faa’iidaysato.” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay.

Waxaana uu intaa hadalkiisa raaciyey “Arrinta ugu horreysa, socdaalkaygii waxaan ku soo arkay in adduun-weynaha badankiisu ay maanta arkayaan Somaliland oo ay indho gaar ah ku eegayaan, gaar ahaan dawladihii maanta aduunka ka talinayay, taas oo aad u muhiimsan, waxaan sheegayaana arrintaa Somaliland inay ka faa’iidaysato fursadaa cusub ee soo baxday, waxaana loo baahan yahay haddii aynu nahay reer Somaliland in laga faa’iidaysto fursadahaas, waayo fursado hore ayaa innaga lumay 17-sannadood ee aynu haysanay madaxbannaanideena.”

Mar uu ka hadlayey safarka Madaxweynaha waxa uu yidhi “Sidaa daraadeed safarka uu Madaxweynuhu ugu baxay dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanan u rajaynayaa guul, waxaanse leeyahay maanta adduunku waa macaash doon oo cid wax bilaash kuu siinaysaa ma jirto.

Madexwaynaha iyo waftigiisana waxaan leeyahay dalalkaa aad tagaysaan ka sii hub-gurta idinka oo u diyaar garoobaya taga, wax baa Somaliland laga doonaya iyaduna waxbay doonaysaa, labada wax waa inay islahaadaan, waa in aad la tagtaan khibradii, diyaargarowgii iyo wadahadal aad la galaysaan waddamada aad tagaysaan iyo wixii ay Somaliland u qaban lahaayeen.” Ayuu yidhi Axmed Xuseen.

Waxaa kaloo uu sheegay in Somaliland lee dahay cadaw badan, isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar-garoobo. “Waxaynu ognahay in aynu leenahay cadow badan, haddii aynu reer Somaliland nahay, waad maqlayseen dorraad markii la ogaaday in iftiin yari u baxay, dadkii innaga soo horjeeday ee cadowgeena ahaa ay maryihii dhegteen. Cadowgaasna waa in aynu ka diyaar garownaa, marka aynu qaran ahaan wax u doonayno waa in aynu isku duubnaanaa.” Siydaa ayuu yidhi.

Kol uu ka hadlayey doorashooyinka oo uu ku tilmaamay fursada labaadna waxa uu yidhi “Fursadda labaad, had iyo goor waxaynu ka cabanaa hoggaanka. Maanta toddoba bilood ayaa innaga xiga waqtigii doorashooyinku dhici lahaayeen, waana waqti aad u yar, doorashooyinka madaxtooyada iyo tan deegaanku marka la gaadho waxaan leeyahay ummadda reer Somaliland nidaamka dimuqraadiyadda waxa loo sameeyey in aad hoggaanka ku doorataan, haddii uu idinka xumaado aad ku beddeshaan, markaa waxaan idin leeyahay ummadday ka digtoonaada oo hoggaanka aad dooranaysaa ka baaraan degga, waxad haystaan fursad aad mar kale ku doorataan hoggaan cusub, haddii aad ka cabateen kii hore, oggaada fursaddii way idinku soo noqotay, waxaanan leeyahay bishan bisheeda yeydaan caban, doorta ciddii maamuli lahayd dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka oo adduunka innagala mid dhigi lahaa, markaa laba fursadood ayeynu haysnaa ee aynu ka faa’iidaysano.” Sidaa ayuu hadalkiisii ku soo af-meeray.

Intaa ka dib waxaa ka mid ahaa su’lihii ay weydiiyeen weriyaashii ka qaybgalay shirkiisaa jaraa’id iyo jawaabihii uu bixiyeyba.

S: Waxaad tahay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xisbiga muraacidka ah KULMIYE, sideed u aragtaan dhawaaqa ka soo yeedhay Cabdillaahi Yuusuf iyo socdaalka Madaxweyne Rayaale ku tagayo waddamada reer Galbeedka ah iyo mudaharaadada la sheegay in lagala hortagi doono?

J: Cadawgeenu marka iftiin yari dalkeena u soo baxay ayey qayliyeen oo meel walba istaageen, kuwa leh Daahir Rayaale ayaa lagu mudaharaadayaa waa beentood, oo aniga ayaa Washington deganaa, oo dadka reer Somaliland cid kaga badani ma jirto. Waa laga yaabaa in yar oo aan waxba ahayni inay meelahaa ka qayl-qaylyaan, ciddina waxba innagama qaadi karto ee waa in aynu innagu isku duubnaanaa.

S: Rajo intaa le’eg ayaad ka qabtaa in aad ku soo baxdo tartanka jagada Madaxweynimo ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa?

J: Arrinta xisbiga bil iyo shan casho ayaan ka maqnaa dalka, xisbiga dhexdiisana rag baa ii joogay, arrinta xisbiga gudihiisana inay doorasho xalaal ahi dhici doonto iyo in aanay dhici doonin halkan kama sheegi karo hadda.

S: Waxaad ka soo laabtay socdaal aad ku tagtay dalka dibeddiisa, waxaanad tilmaantay in ay jiraan isbeddelo siyaasadeed cusub oo reer galbeedku ka qaateen qaddiyadda Somaliland, iyada oo Madaxweynuhuna safar ugu kicitimay waddamadaas, markaa waa maxay arrimaha aad sheegtay in Somaliland u baahan yahay iyo kuwo looga baahan yahay?

J: Somaliland laba waxyaabo ayey leedahay, kiiska ay aqoonsiga ku doonayso waa kiis adag oo aad u wanaagsan, markaa Madaxweynaha Somaliland iyo waftigiisu waa ay kala hadli doonaan, iyaga ayaana go’aan ka gaadhi doona arrimaha ay Somaliland uga baahan yihiin. Qaddiyadda Somaliland-na waa mid ay ka soo dhaadhicin doonaan weftigaas.

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com Reporter

No comments: