Tuesday, January 1, 2008

Rayaale ma ku dhaqmi doona la dagaalanka Musuq Maasuqa ee uu maanta ansixiyey?
















By: Admin on 12/31/07

Sida aynu la socono waxa madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu ku soo celiyey Golaha Wakiilada xeerar farabadan oo ay hore u soo ansixiyeen waxa kale oo la ogsoon yahay qaar kalena way wali horyaalan oo aanu dhaqan gelin taas oo golaha wakiilada iyo xisbiyada mucaaradka ahi ay had iyo jeer ku dhaliilaan madaxweyne Rayaale inaanu tix gelin shuruucdaa ay soo saran hayadaha sharco dejintu, sidoo kalane ay ku dhaliilaan inaanu kuba dhaqmin kuwa uu dhaqan geliyo.

Dhaqan gelinta xeerkan waxa loo arkaa wakhtigan inuu madaxwyne Daahir Rayaale doonayo inuu kaga xuubsiibto arrimaha musuqmaasuq ee ku baahay wasiiradiisa uu hormoodka u yahay iyo masuuliyiinta kale ee qaranka oo si xisaabtan la’aan ah dakhligii dalka iyo danta guud

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa Maanta soo saaray Go'aan ku saabsan dhaqan gelinta xeerka ka hor taga Ku tagri falida hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuq Maasuqa, iyada oo ay hore u ansixiyeen xeerkan Golaha Wakiilada iyo Golaha Wasiirada .

Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge ayaa isaga oo dhamays tiran u qornaa sidan:

''Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu Maanta Soo Saaray go’aan ku saabsan dhaqan gelinta Xeerka Ka Hortaga Ku Tagri Falida Hantida Qaranka iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa .

Madaxweynuhu isaga oo tix gelinaya Ogolaanshihii Golaha Wasiirada iyo Go’aankii Golaha Wakiilada Somaliland ee ku salaysnaa go’aankaasi oo ay hore u ansixiyeen , waxa uu go’aansaday in uu dhaqan galo Xeerka Lambarkiisu yahay 302/2007 oo la xidhiidha Ka Hortaga Ku tagri falida Hantida Qaranka iyo La Dagaalanka Musuq Maasuqa , xeerkaasi oo waafaqsan qodobka 75-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaa daraadeed, ay lagama maarmaan tahay in go’aankaasi uu si rasmi ah u dhaqan galo, loona faafiyo ''

No comments: