Thursday, January 3, 2008

Axmed Washington Wakiilka EU da Maxaa Dalka Looga Saaray?

Asraarta Ku Xeeran Erigii Wakiilkii Hore Ee EU-Da U Fadhiyay Somaliland

Hargeysa, January 2, 2008 (Haatuf) – Dabayaaqadii bishii October , 2005, waxa xukuumadda madaxweyne Riyaale ay dalka Somaliland ka caydhisay wakiilkii Komishanka Yurub xilligaasi u fadhiyay Magaalada Hargeysa, Axmed Maxamed (Axmed Washington) oo ay ku eedaysay inuu ku kacay falal ku lidi ah qaranimada Somaliland.

Ma jirin wax tafaasiil ah oo ay xukuumadda Somaliland ka bixisay sababaha dhabta ah ee ku kaliftay inay dalka ka saarto Axmed Washington, iyadoo markii ay arrintani dhacday ay dadku isweydiinayeen tolow waa maxay dambiga uu galay ee madaxweyne Riyaale-na maaransiin wayday inuu ninkaasi dalka ka caydhiyo. Ra’yal caamka intiisa badani waxay isku qanciyeen in kolay ay wax weyni jireen maadaama u madaxweynuhu ka badheedhay inuu go’aankaasi qaato, isaga ogaa in talaabadani ay iska horkeeni karto Somaliland iyo deeq bixiyayaasha reer Yurub ee kaalmadda siiya Somaliland oo ka kooban in ka badan 23 dal oo xubno ka ah Midawga Yurub, kuwaas oo u Axmed Washington ahaa xilligaas wakiilkooda u fadhiya Somaliland.

Hase yeeshee, waxa isla xilligaas soo shaac baxayay warar sheegayay in eriga Axmed Washington uu ka dhashay arrin gaar ah (Personal) oo dhexmartay isaga iyo qasriga madaxtooyadda.

Wararka caynkaas ah nuxurkoodu wuxuu ahaa in sababta Axmed Washington loo caydhinayay aanay dhaafsiinayn madaxtooyadda oo ninkaasi laga qaniinay, waxaanay wararkani sii xoogaysteen oo jiritaankooda la sii rumaystay wax yar ka dib markii ay xukuumadda Somaliland ogolaatay in Axmed Washington dib ugu so laabto magaalada Hargeysa, xilkiisii horena halkii ka sii wato.

Haddaba Wargeyska Haatuf ka dib markii u baadhitaan ku sameeyay dhacdadani, wuxuu halkan idiinku soo bandhigi doonaa asraarihii ku xeernaa erigii Axmed Washington iyo asbaabaha dhabta ee loo cuskaday.
Qaybtii 4aad
Wasiir Axmed Xaaji Daahir wuxuu markii hore isku dayay inuu Axmed Washington hoos ahaan dalka uga saaro, waxaanu niman arrinta judhiiba wax ka weydiiyay uu u sheegay in aanu isagu shaqo ku lahayn eriga Washington balse uu yahay amar xagga sare kaga yimid.

Hase yeeshee kadib markii ay arrintu soo shaac-baxday ee Saxaafaddu ka hadashay, Axmed Xaaji Daahir way la noqon weyday inuu runta ka sheego siday wax u dhaceen. Intuu is lahaa wax dambabas ayuu dhiiqooyin kale sii galay.

Shir saxaafadeed uu arrintan kaga hadlayay oo uu Hargeysa ku qabtay 6/11/2005, waxa wasiirka la weydiiyay su’aal ahayd “Yaa ku siiyay awoodda aad nin noocan ah ku saarayso, miyaanay ahayn shaqadii wasaaradda Arrimaha Dibadda?”
Axmed Xaaji Daahir wuxuu iska yidhi oo uu ku jawaabay “Waa run oo wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa leh [Shaqadan] laakiin annagu maadaama aan lana ictiraafsanayn ma lihin kala-dambeynta noocaas ah, sharcigana kuma dhaqanno. Dee markaas aniga uun baa intaan fakiray ayay ila noqotay in aan sidaas sameeyo.”

Ina Xaaji Daahir dalka uu sumcadiisii iyo karaamadiisii dhulka la dhacay waxa kaga weynaa difaaca Mr. Rayaale oo uu isku haleyn weyn ku qabay, waxaana xaqiiqawday in labada ninba aanay cidna wax iskaga tirinayn oo sida ay doonaan dalka iyo dadkiisaba ka yeeli karaan.

Waayo tan oo kale waa tii ay dawladuhu ku dhici jireen ee xukunka lagaga tuuri jiray Maxkamadna lagu horkeeni jiray cidda dambigaas oo kale qarankooda ka gasha. Laakiin ina Xaaji Daahir taagga isagaaba tirsanayay in lagu khaldamay, waxaanu shirkaa jaraa’id ku sheegay inuu la yaaban yahay dadkan ka qaylinaya nin dalka laga saarayo maadaama ayuu yidhi aanay jirin cid hore oo ku qabsatay dhawr ka mid ah shaqaalaha hay’adaha caalamiga ah oo uu isagu hore dalka uga eryay.

Ina Xaaji Daahir weli wuxuu xubin ka yahay golaha Wasiiradda Somaliland, waxaanu muddo 4 sannadood ah soo silcinayay wasaaraddii Qorsheynta ka hor intii aan muddo haatan sannad-ku-dhawaad ah laga soo bedelin ee aan la geyn wasaaradda Warfaafinta.

Axmed Xaaji Daahir waa nin beel ahaan ka soo jeeda gobolka Boorama, laakiin wuxuu ku soo barbaaray magaalada Hargeysa oo qoyskoodu degganaa.
Axmed wuxuu muddooyinkii dambe ku noolaa qurbaha waxaanu sannadihii u dambeeyay deggenaa dalka Kanada halkaas oo uu wakhtiyada qaar jaadka ku iibin jiray.

Marka taariikhda siyaasadda Somaliland ee xilliyadii lixdamaadkii dib loo jaleecdo, waxa marxaladdaasi lagu tilmaami karaa mid uu saameynta ugu weyn ku lahaa Madaxweynihii geeriyooday ee Somaliland, Marxuum Maxamed I. Cigaal, halka Xaaji Daahir-na (Wasiirka aabihii) ka mid ahaa shakhsiyaadka ugu mudakarsan ee farta lagu fiiqo marka la eego Beesha Gadabuursi dhexdeeda ama bulsho-weynta Somaliland-ba.
Madaxweyne Cigaal oo lagu yaqaanay in mararka qaarkood uu hab hiddo-raac ah ku doorto cidda uu xukuumaddiisa ku soo darsanayo ayaa dadka qaar rumaysan yihiin inuu Axmed Xaaji Daahir isagu dibadda uga yeedhay oo uu Marxuumku doonayay inuu doorashada teeramka dambe ku beddelo Daahir Rayaale oo isagu ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Cigaal.

Ilo xog-ogaal u ahaa arrintan oo ka waramaya siduu ku-talo-galku ahaa ayaa waxay sheegeen in Daahir Rayaale oo shirweynihii beelaha Somaliland ee Hargeysa 1996/1997 loogu doortay inuu noqdo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, markii uu ogaaday qorshaha lala damacsan yahay uu bilaabay inuu raadsado fiiso uu dalka Kanada ugu dhoofo.

Laakiin Cazaawa-jallaha Illaahay ayaan sidaas qadarin oo waxa 3-dii May 2002 geeriyooday Madaxweynihii dalka, Marxuum M. I. Cigaal, waxaana dhaxlay oo Madaxweynihii Somaliland noqday Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa ku-xigeenkii Cigaal ee fiisada doon-doonayay.

Axmed Xaaji Daahir markii uu arkay in aan meesha wax u oolin ayuu go’aansaday inuu Kanada-diisii iskaga noqdo. Hase yeeshee isaga oo inuu ambabaxo u diyaargaroobaya ayaa waxa u yeedhay Daahir Rayaale waxaanu u dhiibay wasaaraddii Qorsheynta, tallaabadaas oo ujeedada keliya ee Rayaale ka lahaa ahayd inuu ku raaligeliyo amaba ku aamusiiyo beesha Maxamed Case, taas oo ay ka soo jeedaan Xaaji Daahir iyo rag kale oo madax dawladeed iyo siyaasiyiinba soo noqday.

Haddaba haddii aynu dib ugu soo noqono sheekadii ahayd asraartii ku xeernayd erigii wakiilka Komishanka Yurub, bishii October 2005, waxa jirtay arrin layaab leh oo dhacday muddo yar ka hor intii aan warqadda eriga Axmed Washington la keenin xafiiska EC-da…
La soco …………

No comments: