Tuesday, January 1, 2008

Somaliland Ictiraafka ay Ka Raadinaysay Beesha Caalamka 17 kii sano ee ina soo Dhaafay , Maxaa Rayaale Hortaagan?
















(Hadhwanaagnews) Hargeysa:-

Prof Axmed Al-zhari oo ka mid ah aqoon-yahanka waa-weyn ee reer Somaliland ayaa ka digay khaladaadka fara badan ee ay ku kacday Xukuummadda Rayaale ee ay caadeysatay ay dhaawac weyn ku keentay ictiraafkii Jamhuuriyada Somaliland ka raawilaysay inay ka hesho beesha Caalamka,isla markaana ku taliyey in meel looga soo wada jeesto danta qaranka.

Sidaa waxa uu Prof. Al zhari ku sheegay qoraal dheer oo uu maanta nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey Xafiiska Wararka ee shabkada Hadhwanaagnews.com ee Magaalada Hargeysa. Kaas oo oo isugu jiray hoga tusaalayn iyo waano dhaxal gala.

Waxa uu u dhignaa sidan:-

“Somaliland waa dal jira,Laakiin aan weli beesha caalamka ka helin aqoonsi caalami ah,ummadda S/land waxay suurogalisay inay S/land noqoto Dal Nabdoon oo lagu soo hiran karo.

Guushii ugu weyneyd ee ay S/land gaadhay waxay aheyd markii ay Nabad-Gelyo ku dhamaadeen doorashooyinkii kala danbeeyay tii deegaanka,Madaxtooyadda iyo baarlamaanka oo sidii ay ku dhamaadeen iyo wanaagii shacbiga S/land muujiyay caalamkuna inoo qiray inaynu nahay dad wax qabsan kara oo la jaanqaadi kara Beesha Caalamka, hirgelin karana dimuqraadiyad dhab ah een looga baran wadamada Afrikaanka ah, shacbiga S/land waxay ilaashadeen nabad-gelyadoodii dhib kasta oo ka soo gaadhay iyagoo uga dan lahaa inay ka midho dhaliyaan himiladoodii aheyd inay maalin maalmaha ka mid ah helaan aqoonsi caalami ah waa Dalka ay ka jirto shaqo la’aan baahsan.

Shacbiga S/land wuxuu degel-fadhi ahaa 17 sanno ooy raasamaal cun ahaayeen waxay Samir iyo Iimaan ku gaaban dhulkooda, nabadooda iyo Dawladooda wixii cashuur lagu yeeshana wey bixiyaa iyagoo DuruufunBiet tin gi chua, vao day coi di http://thucaithoi.xlphp.net

adag ku nool yihiin. Dadku maalinba maalinta ka danbaysa way
Biet tin gi chua, vao day coi di http://thucaithoi.xlphp.net
badanina way inoo hadhsanyihiin wixii innoo qabsoomay waxay ku timi Midnimo, Wada-tashi , Ismaqal, Isqancin, iyo isku Duubnaan .


Dhacdooyinka dhacay, xaalada uu dalku ku suganyahay iyo daruufaha qalafsan ee Dadweynuhu ku noolyahay waxay shacbiga S/land ee nabada jecel, ee samirka badan ku abuurtay werwer, walaac iyo niyad-Jab-weyn waxaa umadda isu-qaban waayay baahida aynu u qabno aqoonsi caalami ah iyo talaabooyinka uu M/W Rayaale ku talaabsaday Sanadkan dhamaaday 2007 arrimahaas oo ah kuwo aan la liqi karin iyo gefefka siyaasadeed ee laf-jabka ah oo gil-gilay JSL, waxay keentay Su’aalo adag oo ah:-

Horta M/W Rayaale ma doonayaa In la aqoonsado S/land? Haddii uu doonayo aqoonsi muxuu waxan ugu Talaabsaday?

Dhacdooyinka sameemeynta weyn ku yeeshay Ictiraaf-Raadinta:-

1. Xadhigii saddexda suxufi ee haatuf
2. Xadhigii Madaxda Urur Siyaasadeedkii Qaran
3. Fara-gelintii xukuumaddu ku samaysay Ururka Xuquuqul ee insaanka Shuro-Net.
4. Cabudhinta saxaafadda madaxa-Banaan
5. Xukuumadda M/W Riyaale oo ku dhaqmiweyday miisaaniyaddii Golaha Wakiiladdu ansixiyeen 2007 ka.
6. Xukuumadda M/W Rayaale oo soo bandhigiweyday xisaab-xidh cad dhawrkii sanno ee u danbeeyay, 2003.2004, 2005.
7. Dastuur Jebinta
8. Muddo kordhintii Golaha Guurtida oo baal marsaneyd distoorka JSL.
9. Muranka Distoorka
10. Musuqmaasuq baahay, iyo
11. Cadaalad-darada garsoorka

Hadaba haddii ay xukuumadda M/W Riyaale doonayso aqoonsi ay ka hesho beesha caalamka waa inay sida ugu dhakhsaha badan u saxdaa qaladaadka Laf-Jabka ah ee saameynta weyn ku yeeshay aqoonsiga S/land.

Beesha Caalamku aqoonsiga S/land Shuruudaha ay ka dooneyso waxaa ka mid ah:-

Shuruudahaas oo ah:-

1. In ukuumadda S/land aanay sinaba u fara-Gelin Hayadaha xuquuqul insaanka.
2. In ay xukuumadda S/land xaq-dhowrto oo ilaaliso xuquuqda aasaasiga ah ee Muwaadiniinta S/land sida xorriyatal-qowlka, rayi-dhiibashada iyo xorriyadooda.
3. In aan saxaafada madaxa banaan la cabudhin.
4. In ay xukuumadda S/land joojiso xadhiga xaq-darrada ah ey ku xidhayso muwaadiniinta S/land, isla markaas qof aan dambi galin laga la bixin Gurigiisa.
5. In muwaadiniinta loo ogolaado inay dhigaan banaan baxyo ay ku cabirayaan tabashadooda.
6. In aanay xukuumadda fara-gelin suuqa-xorta ah
7. In aanay xukuumaddu fasixin Ururo cusub oo ka qeyb-gala tartanka, doorashooyinka Dawladaha hoose.
8. In Doorasho xor ah oo xalaal ihi waqtigeeda ku dhacdo.
9. In xukuumadda S/land laga helo xisaab cad sanad-walba
10. In ay xukuumadda S/land si degdeg ah oo bilaa shuruud ah xoriyadeeda ugu soo celiso.
11. In xukuumadu si rasmi ah ugu dhaqanto distoorka qaranka

Haddii xukuumadda S/land ay tix-gelin weydo arrimaha kor ku xusan waxay iba-kuryeynaysaa ictiraafkii shacbiga S/land u haraadanaayeen, 17ka sanno ah, sidoo kale waxa hakad geli kara ololaha Ictiraaf-raadinta, waxay kaloo Niyad-Jab weyn ku keeni kartaa qurba-joog S/land iyo saaxiibada S/land ee had iyo goor ololaha ugu jira sidii ay S/land u heli lahayd aqoonsi ay ka hesho Beesha Caalamka.

Arimaha kale ee Madaxweynaha Umadda S/land ka sugayso in uu si deg-deg ah wax uga qabto:-

1. Balan qaadkii Madaxweynaha in Burao lacagta Giinbaarta ah laga beddelo.
2. Idaacaddii Qaranka ee dalka oo dhan laga dhageysan lahaa
3. Sicir bararka shacbiga S/land naafeeyay
4. Maraakiibta shisheeye ee xaalufisay baddeena
5. Xukuumadda tirada badan ee tayada-daran oo Madaxweynuhu dhowr-goor balan qaaday In uu dhisayo xukuumad tiro-yar oo tayo leh.
6. Ciidamada aan derajo laheyn.

Arrimahaas kuma xidhna beesha caalamka ee waxay ku xidhanyihiin Madaxweyne Riyaale sida uu u Fuliyo.

Xukuumadu waa inay ixtiraanto garashada Ummadda S/land marka ay wax u sheegayaan.

Masuuliyadda ugu saraysa ee qaranka S/land waxay dusha ka saaran tahay madaxweynaha wixii fashilaad siyaasadeed ah, dub-U-dhac, dhaliilo ah ama khilaafaad ah ee ku timaada qaranka isagoo ka masuul ah haddii guul ama wanaag yimaado(Sida guusha Ciidanka Qaranku ka soo hooyey xuduudaha bariga) madaxweynahaa iska leh.

Waxa M/W Rayaale ka dhego-adaygay codsiyadii faraha badnaa ee ugu imanaayay gude iyo dibedba khaasatan Beesha caalamka ee loogu baaqaayey inuu ka joogsado falalka cawaaqib-xumo ku keeni kara geedi socodka ictiraaf-raadinta Somaliland,Niyad Jabna ku keeni karta dadka u ololeeya qadiyadda ictiraafka S/land meel ay joogaanba.

Madaxweynaha Amaanada cirkaa diiday oo dhulkaa diiday oo bani-aadamkaa xanbaartay, Ummadda S/land dhibta heysata adigaa lagaala xisaabtamayaa masuuliyadu waa garashada waa jibaadkaaga, Samirka, Dulqaadka, Cafiska,Go’aan qaadasho,Naxariista aad dadkaaga u naxariisatid waa qiimeynta aad qiimeyso kolba xaalada dadkaagu ku jiro, waa inaad ummadaada ma qasho.

Madaxweyne wixii aad balan qaado waa inaad sidiisa u fulisaa oonad ka bixin balantiisa.

Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta, Waxgaradka, Ummadda S/land iyo inta damiirkoodu nool yahay maaha wax ay liqi-karaan dhacdooyinkii dhacay sanadkan, 2007ka qaar kale oo badan ayaa leh, sowkan Duqii Dib-u-noqday sanadkan M/W Rayaale wuxuu muujiyay wixii uu awood lahaa.

Dalkan iyo dadkiisu waxay ka dagaalameen oo halgan dheer u galeen cadaalad darro ku habsatay oo ay waayeen meel ay xaq-soor la helayaan oy u dacwoodaan, maantana tiibaa heysata Cadaalad darro baahdaa, Nabad la’aan bay dhashaa, Dawlad xumina, Dawlad la’aan bay dhashaa dadka iyo Dalkuba isbedel deg-deg ah ayuu u baahanyahay.

Cadli baa wax doojee wax kaloo ragd deeqoo dadka lagaga eed baxo nin u dooney heli waa (Gaariye)

Distoorka Qaranka iyo xeerarka ka farcamay waa ka ilaalinaya Xukuumadda, Golayaasha, Xisbiyadda, shacbiga iyo qaranimadda S/land maxkamadda weynu leenahaye haddana Ummaddii Cadaalad-Darro ayey ka cabaneysaa, maxaa meesha ka maqan? Ma waxa meesha ka maqan garsoor caadil ah, Ilaah yaqaan ah, isku kalsoon oo xaqa iyo baadilka kala saara.

Garsoorka Alla ma yaqaan aj oo anni ima yaqaan ah oo M/W Rayaale yaqaan ihi gar iima galo, Haddii aanu jirin garsoor dhexdhexaad ihi oo u dhaxeeya xisbiyadda, sidee bay ku dhaceysaa doorasho xor ah oo xalaal ihi? Baahi –weyn ayaa dadku u qabaan in si deg-deg ah loo helo garsoor Sinaa, Cadaalad ku dhisan oo madaxbanaan.

Madaxweyne, madaxdii Urur siyaasadeedka Qaran xuquuqdoodii siyaasadda u soo celi, ha kula tartamaan wax kale oo raali-gelinayaa ma jirto, Halkee bay kaga taalaa Distoorka Qaranka, UCID, UDUB, KULMIYE, ayaa aj saddexda xisbi oo weligood jiraya? miyaanay kooto aheyn(Monopoly)? Miyaanay xad-gudub–ku ahayn xuquuqda muwaadiniinta S/land ee disrtoorka u damaanad qaaday? Isma qaba karaan Somaliland waa Dimuqraadi iyo saddex xisbi oo qudha ayaa kooto ku haysanaya saaxada siyaasadda S/land.

Hadii Madaxweyne aanad furin Diiwan-Gelinta Ururo siyaasadeed oo cusub kana qayb-gala tartanka doorashooyinka Golayaasha Deegaanada Dawladaha hoose, waxaad jebisay qodobada 22aad, 32aad, iyo xeer No. 14//2000. taasi oo ah nidaamka keli ah oo loo mari karo cida noqonaysa Saddexda xisbi ee ku-meel-gaadhka ah oo noqonaya Saddexda xisbi ee ugu cadbadnaada Somaliland sida ay Ictiraafka beesha caalamka kaga heli kartaa waa iyadda oo si dhab ah ugu dhaqanta nidaamka Dimuqraadiyadda ay qaadatay.

Saxaafada iyo Xuquuqda aadamaha:-

Distoorka Qaranku wuxuu si cad u qeexayaa in saxaafada Somaliland tahay mid-xor ah oo madaxbanaan, waxyaalaha ugu mihiimsanan ee Beesha caalamku innoogu soo joogsato ay kow ka tahay hanaanka dimuqraadiyadda, habka asxaabta badan, Saxaafadda iyo warbaahinta kale waxay ka mid yihiin xorriyaadka asaasiga ah ee rayi dhiibashada waxay ka wiil yihiin oo u hadlaan dadweynaha oo wixii warar ah iyo xaaladaha jiray ka haqabtiraan (Warbaa u gaajo badan), Talaabooyinka ay xukuumadda S/land ku aamusiisay hayadihii Xuquuqul Aadamaha waxay khatar weyn ku tahay hanaankii dimuqraadiyadda iyo Aqoonsiga S/land.

Sicir Bararka:-

Dadweynuhu wuxuu maanta ku suganyahay duruufo aad iyo aad u adag, iyadoo awelba Ummadda reer S/land ay maalinba maalinta ka danbeysa sii faqriyayeen oy sii kordhaysay baahida iyo saboolnimadu, haddana waxay aad iyo aad u sii laban- laabantay intii sicir-bararka iyo qiima jabka Dollarku dhacay, Danyartii waxaa ku habsaday laba dhibaato oo isbarkan ,haddii aanay xukuumaddu si deg-deg ah wax uga qaban sicir-bararka ku dhacay maceeshad quutal daruuriga ah iyo qiima-jabka Dollarka, waxay keeni kartaa kacdoon Dadweyne iyo Nabad-Gelyo Xumo.

Dhaqaalaha:-

Xukuumadu iyadaa dhaqaalaha iska curyaamisay oo Dekedeedii Berbera xidhay oo is-cunaqaba-taysay, cashuurtii dalkan au ku wadi laheyd si toos ah ugu wareejisay Boosaaso iyo Djibouti xoolaheenii waxay ka dhoofeen Djibouti iyo Boosaaso le-yadii ganacsatadu u heysteen dhoofinta Xoolaha Nool ayaa la yidhi xoolo kama dhoofin kartaan Dekedda Berbera oo ninka Aljaabiri ayey kooto xooluhu ugu xidhan yihiin –Siyaad-Barre ayaa arrintaas ka xishooday in xoolaha kooto nin qudha loogu xidho, waxaa kaloo dalka jiray oynu wada ogeyn shaqo la’aan baahday oo ku keliftay Dhalinyarta inay si is-miidaamin ah u tahriibaan oo badweynta ku madhaan, Dhalinyartaasi oo ah u baxii iyo xoogii berito hogaamin lahaa Dadkan, iyo Dalkan JSL waa naruuro la’aan, waa rajo la’aan wax ay da’yartu U tahriibayaan ee naftooda u miidaaminayaan waa nasiib darro iyo hogaan xumo ku habsatay ubuxii Dalka.

Marka xaalado adag ay S/land la soo derseen waxaa inoo caado aheyd In danta guud iyo difaaca Qaranka meel kaliya looga soo wada jeesto.

Umadda reer Somaliland waxay xukuumadooda ka sugayeen inay u horseedaan hab nololeed dhalin kara nabad,Cadaalad, Shaqo iyo horumar ay mar uun ku nastaan,qofka ma horjoogsan karo waxa ay shacbiga reer Somaliland doonayaan khilaafaadka siyaasadeed laguma xalin karo xadhiga, Cabudhin,xoog iyo caga-jugleyn Madaxweyne, fadhigaa fadhi kale uga noqo.

» Bulshadeenu Waa Duul
» Daacad iyo Xishood Badan
» Dun Xarriira weeyaan
» Cidna uma darraadaan
» Dar Allay ku dhaqantaa
» Dareen waw dheg-weyn tahay
» Ogow doqonse maahe
» Qofka maamul dalabliyo
» Dabbaal-Joogto Hoosiyo
» Dibindaabyo Uga Maqan
» Deg-deg uma Tilmaamaan
» Nabar kulama Duulaan
» Dibay ugu Muddaystaan
» Dulmigiisu waw Kayd

(Daalacan-Hadraawi)

Waxaan Ummadda reer S/land u rajaynayaa sannadka cusub Nabad,
Bash-bash iyo barwaaqo iyo aqoonsi caalami aj.”

HAPPY NEW YEAR

Prof. Ahmed Al-Azhari
Email: Somalilandhelp@yahoo.co.uk

No comments: