Sunday, January 13, 2008

Madaxweyne Riyaale iyo Waftigiisii oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Maraykanka
















Madaxweyne Riyaale iyo Waftigiisii oo Lagu Soo Dhaweeyay Dalka Maraykanka

Written by Faysal Cabdilaahi
Saturday, 12 January 2008

ImageHargeysa(Hormoodnews)-Waxa saaka waabarigii gaadhay caasimada dalka Maraykanka ee Washington DC waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ee maal-mahan booqashada ku joogay dalka Ingiriiska.

Wefdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxa halkaasi ku soo dhaweeyay Wakiilka Somaliland ufadhiya Dalka Maraykanka iyo dadweyne tiro badan oo ka mid ah jaaliyada Somaliland oo ka kala yimid gobollada dalka Maraykanka iyo Canada , saraakiil ka tirsan Maraykanka , waxana Madaxweynaha iyo wefdigiisa lagu qaaday baabuurta aanay xabadu karin ee loo yaqaano Secret Service, waxana la dajiyay huteelka weyn ee la yidhaahdo May Flouwer oo ku yaala badhtamaha magaalada Washigton, sidaa waxa noo xaqiijiyay maanta afhayeenka jaaliyadaha Somaliland ee North America Khadar X. Maxamuud Qoob Cadde, ahna Gudoomiyaha jaaliyada ururka dhalinyarada ee Washigton.

Wefdigan uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland waxa ka mid ah Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Huda Barkhad Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibada JSL Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale , Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe, Wasiirka Caafimaadka Mudane Cabdi Haybe , Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Mudane Axmed Xaashi iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Ciise.

Waxa la filayaa in ay joogi doonaan dalka Maraykanka muddo Shan cisho ah , halkaasi oo ay kulamo la yeelan doonaan Saraakiil ka tirsan xukuumada Maraykanka iyo jaaliyada Somaliland ee dalkaasi.

Faysal Cabdilaahi.

No comments: