Wednesday, January 2, 2008

Waxaa la yidhi dacawo meeshay macal ku baratay bay macaluul ugu bakhtidaa!!!













Marka hore salaam guud marka xiga sannad wanaagsan waxaana Ilaaha wayn ka baryayaa inaad ku waartaan caafimaad, nabad gelyo iyo himiladiina oo idiin hirgasha sannadkan 2008 ka. Haddaan intaa ku dhaafo salaantii islaamku isku lahaa iyo bogaadintii sannadka cusub waxaan jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo siyaasadda habawgaa ee horjoogaha kooxda Mbagaati uu shalay kaga dhawaaqay magaalada ay go’doonka ku yihiin ee Baydhaba isagoo aysan hadalkiisa ka muuqan wax mas’uuliyada, waayo aragnimo iyo munaasabadda kala guurkaa (2007-2008) ee nin madaxweynaahi ummadiisa hadal wanaagsan iyo bogaadintii sannadka cusub uu hawada u soo marin jiray. Waaba inuu wax bogaadiyee hambalyadiisii waxay noqotay guubaabo dagaal, colaad horleh, isku dirka dadka somaliyeed ee uu horey u burburiyey uu kuna faani jiray inuu yahay ka burburiyey qaranimadii dalkiisaa khaas ahaanna kuwa Somaliland oo maanta meel uga soo wada jeeda ilaalinta qaranimadooda iyo nabadgelya guud ee dalkooda. Waayaabe dadyahow Odayga maad wax u sheegtaan soo indha caddaa ma waxyibaa ku soo dagay, ma isagaaba ka soo bogtay xanuunkii iyo safarkii dheeraa ee uu soo maray waa maxay dagaalkan nagu waabariistay mise waa ninna caadadi ma daayo cirkuna caadku kama tago, goormuuse Cabdullaahi Yuusuf noqon doonaa nin ku cibrad qaata wixii soo maray iyo guul darrida uu ka keenay hammigiisii ku dhisnaa qabyaaladda iyo Soomaali nacaybka oo akhiiran dhaxalsiisay guul darrada ku habsatay dalkii Soomaaliya la odhan jiray, waaba inuu ku cibro qaatee haddu colaad horle usoo miciyo lisanayaa.

Hadduu garan waayay ninkii sheeganayay madaxweynihii Soomaaliya inuu idiinku hambalyeeyo sannad khayr qaba, hadal naxariisi ka muuqatana u soo jeediyo shacabka uu sheeganayo inuu mas’uulka ka yahay anaa idiin hambalyeynaya idiinkuna ducaynaya inuu Raxmaanku idinka qaado dhibaatooyinka uu idin baday dawlad ka khayr badan ta Mbagaatina idiinku baddalo. Waa u caado inuu mar walba ku faano dhibta iyo khasaaraha uu u gaystay dadka Soomaaliyeed kamana waayo aragoobo ee waligiis wuxuu u dhaqmaa sidii nimaan dhimanayn oo waligi soo taagnaanaya sidii loo soo waxyooday wayse imaan maalinteeda iyo nin walow camalkaaga iyo xisaabta Alle. Barigii Sayid Max’ed Cabdulle Xasan jabhadka ahaa ayaa waxaa askar u ahaa maleeshiyo aan lahayn tababar ciidan iyo disibiliinkii ciidamada ee waxay ahaayeen dad reer miyi ah oo si jaah wareersan maskaxdooda loogu abuuray inay yihiin mujaahidiin la dagaalamaya GAALO dalkii qabsatay. Markaa looma kala sheegin kay la dagaalamayaan inuu Gaalka cad yahay iyo inuu yahay qof kastoo indhahoodu qabataan oon ku xadraynayn AABU SEEYIDIIN hadduu doonaba ha ahaado Soomaalidii reer miyiga hayd oon waxba kala ogayn. Maleeshiyadaas oo loo aqoon jiray DARAAWIISH waxaa lagu guubaabin jiray gacan waliba waxay gooysay leedahay oo sayidku ula jeeday nin walba wuxuu gaysto aakhiraa lagula xisaabtami doonaa laakiin Daraawiishtii waxaa loo fahmsiiyay nin waliba intuu xasuuqo oo dad dilo baa sayidku ku abaal marin doonaa waxay khasaare gaysteenna ninkii ogi waa ogyahay nin kalena loo sheegi mayo, dadbaana sii aaminsan in xasuuqii DARAAWIISHTA wax lagu hanan karo oo u soo kiraystay cadawgii ummadu lahaan jirtay inuu u aargooyo markay aargoosan kari waayeen amayse noqotaa dagaal waa galin dambe.

Waqtiggi dalkii Somaliya la isku odhan jiray laga maamuli jiray Muqdisha looma eegi jirin cidnaba aqoonteeda, khibraddeeda iyo daacadnimadeeda ee waxaa loo eegi jiray WAA AYO iyo YAA WATA taasina wax inagu cusub may ahayn ee waa mid soo jiitamaysay sanooyin badan keentayna dib u dhac ku yimid adeegii dawladda laga sugayay ee gobolladii dalku ka koobnaa aan si caddaalada loo wada gaarsiin. Waxaa hubaala in gobollo aad uga hormarsanaa xaggaa aqoonta, ganacsiga, dhismaha, maamulka dawladda iyo tacliinta dib loo celiyey aadna loo xasiday noloshii ka jirtay ee gobolladaasi haysteen waligeedna lama arag dawlad ka hinaasta xoogaa horumaroo ay gaareen qaybo ka mida dalkii ay xukumtay aan ka ahayn faqashtii ina soo martay. Markaad eegtaan dadkii maamulka dalka hayay siiba kuwii gobolladii la odhan jiray waqooyiga (NORTH) maantana ah Somaliland waxay ahaan jireen qaar ka qatan aqoonta maamulka waxayna u dhaqmi jireen sidii dad aan u dhalan dalka oo dhaqaale ururis mooyee wax kale meesha umay joogin waxayna dadaal dheer usoo gali jireen sidii loogu soo baddali lahaa gobolladii waqooyiga la odhan jiray oo looga bartay macal wayn oon dhammaanayn waxayna ahayd nin walbow meeshaad ka soo gaarto ka gooso waana ta keentay inay ka samri waayaan macashii oo ay mar walba la taagan yihiin Somaliya kala go’i mayso iyagaana kala gooyay dalka markii nidaamkii dawladnimo ay u baddaleen nidaam qabiilnimo, duul allowna kuugu filin cibro qaadasho waxa Muqdisha ka socda waxaana dhaba odhaahdan “ dacawo meeshay macal uga baratay macaluul ugu baqtidaa”.

Waxay u muuqataa inuu Odaygu intii uu isbitaalka ku jiray Ilaah ka tuugayay inuusan dhiman isagoon Af iyo addinba uga hiillin kooxdii u igmatay inuu Etoobiya ku soo hoggaansho shacabkii reer Muqdsha isagoo shaadh dawladeed u soo gashaday laakiin ahayd aargoosi qaawan oo fashil mooyee aan wax natiijaa laga hayn marka xaalkiisu wuxuu marayaa la kici waayay dhibtii Muqdishee aan u tallowna xaggaa iyo Somaliland si dabku u wada gaadho Geeska Afrikoo dhan isagoo is leh ama laynoogu garaabaa waase haadday riyadiisu shaqayso. Odaygu maruu la hadlayey kooxdiisa sacabka u garaacda wuxuu yidhi “Somaliya in ay isku duusho oo waxeeda isku qabsato, iyada oo ujeedadeedu tahay in Somaliya la kala jar-jaro, dawlada Fadaraalka ah iyo qof Somali muwaadin ah midna yeelimaayo.” Ayuu yidhi Cabdikaahi Yuusuf, oo intaa hadalkiisa raaciyey isaga si toos ah ula hadlaaya Madaxweyne Rayaale “Nimanka soo duulay ee Maamulka Rayaale hogaaminayo laga aqbalimaayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali maayo in ay dad Somali ah Goboladoodii in ay xoog ku qabsadaan, dabadeedna markaa in ay xoog kula go’aan laga yeeli maayo.” Haddaba waxaa afkala qaadnoqotay iyo waxaan wali nin madaxweyne sheeganayaa ku dhawaaqo markuu yidhi Muqdishana waxaa qabsaday dawladda Etoobiya oo saaxiib soo jireena aynu nahay Laascaanoodna waxaa qabsaday cadaw ka soo duulay Hargeysa oo kala goynaya Soomaaliya. Taas kaliyihi layaab may ahayn ee waxaad bal eegtaa wuxuu ku andacoodaa inuu madaxweyne ka yahay dawlad federala markaa seebuu u qabsan karaa ama ciidan gumaystaa ugu soo horkaci karaa dadka reer Muqdisha oo diidmada qayaxan iyo dagaalka kala horyimid Itoobiyaankii iyo kooxdii bilaa damiirka ahayd ee soo horkacday, haddayse Frederaalnimo jirto waa inuu isagu noqdaa tusaale wanaagsan oo uusanna faragalin reer Muqdsha iyo ummuurahooda sida Puntland oo kale maxaase ku nannaabiyey Hawiye iyo deegaankooda haddusan aargoosi ahayn.

Gabagabo: Waxaa wax lala yaabo ah nin da’ah oon caafimaad qabin kuna soo jiray colaad joogtaa iyo nacayb uu u qabo qaar ka mida shacabka Soomaaliyeed kuna taamaya aargoosi iyo allow yaa roga oon waligiis lagu arag wax lagu farxo inuu maanta isagoon ka soo bogsan diiftii xanuunkii hayay uu ku dhawaaqo colaad iyo dagaal iyo sidii loo sii kale fogayn lahaa ummada Soomaaliyeed. Waxaa habboon qofku inuu marka hore isagu hoos isku eego intuusan wax ka fog u hanqalyo taagin si uusan meel cidlaa ugu soo dhicin, Somaliduna waxay tidhaahdaa miro faraq ku jira miro geed saaran looma daadiyo ee Odaygu amuu iska kala tuuraa kooxdiisa sacabka u garaacda ee Baydhaba ku xanniban waaba inuu ku soo duulo Somaliland e. Cabdullaahiyo marka hore soo baro sida durbaanka lootumo heeladiyo sacabkiyo boodada ciyaartiyo dhaantadu siday tahay iyo siduu dhaqanku ahaan jiray. Haadaan in yaroo guubaabaa ku soo afjaro maqaalka waxaan leeyahay Daahir Riyaale waad hurudaa ismana ogid ee dadkaaga midee oo si niyad samiya ula xaajood mucaaradka siiba Urur Siyaasadeedka Qaran oo aad is hortaagtay xaqoodii dastuuriga ahaa una hoggansan xeerarka iyo dastuurka waddanka u yaal haddii kale Somaliland ma heli doonto cid difaacda maalintay timaado oo adaa lagaaga bixi doonaa adna sidaadii baad cagaha wax ka dayidoontaa adoon waxba hubsan ee ogow dawlad aan haysan kalsoonida shacabkeeda waxay noqotaa sida ta Reer Mbagaati oo kale oo dhaafi la’ inay isku qabqabsadaan jagooyin aan la ogayn cidda ay ugu adeegayaan illayn dalkoodii waa la haystaaye. Haddiise laga waayo madaxweyne Daahir Riyaale inuu qaato talooyinka wanaagsan ee waxgaradka Somaliland habeen iyo maalinba dhagta ugu shubayaan waxaa loo qaadanayaa inuu hoosta kala socdo ina Yuusuf Yey ee dadow halla ogaado!!!

Wa billaahi tawfiiq iyo Allaah mahadle iyo sannad wanaagsan 2008

Qalinkii: Shueib A. Gabose
Canada, Toronto

No comments: