Wednesday, January 2, 2008

Madaxweynaha SL Mudane Daahir Rayaale oo maanta u kicitimay Dalka Maraykan














By: Admin on 01/02/08

Madaxweyne Rayaale oo maanta u kicitimay Dalka Maraykan.

Wefi uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland Rayaale kuna weheliyaan Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdillaahi Maxamed Ducaale ayaa maanta u kicitimay dalka maraykanka hadaba ka hor intii aanu ka duulin madaarka Hargaysa ayuu madaxwaynuhuu warsaxaafaded kaga xog waramay muhiimada safarkiisan iyo dalalka uu aadayaba. Isagoo ku bilaabay hadalkiisa sidan:-

“Waxaan halkan hambalyo uga jeedinayaa dadka sanadka cusub inuu ilaahay sanadka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo barwaaqo bash bash iyo horumar waxaan ka hadli lahaa laascaanood oo aanan in badan ka hadal Laascaanood dalkeenii weeye meel cusub oo aynu tagnay maaha tagista aynu Laascaanood tagnayna dawlad ahaan waxaanu balanqaadaynaa inaanu waxbadan ka qabano oo aanay kuwii hore wax ka qaban oo ay ka mid tahay xaga horumarinta,durtaba xafiisyadii Laascaanood ka jiray waanu dayactirnay gurmadna intii ay dawladu gayn karaysayna way geeyeen dadwaynaha halkaa degana kalsoonidoodii way soo noqotay waayo aragbay u yihiin waxyaabihii ay halkaa kala kulmeen taasi intaas baan kaga baxayaa.



Waxaan kaloo idiin sheegayaa nabadgelyadu waa wax qaaliya somalina meelkasta oo ay ku nooshahay waxaynu kaga horaynaa waa nabadgelyada iyo horumarkaa aynu hayno taasna waxaa inagu waajiba oon dadka leeyahay hala ilaaliyo oo halagu adkaado hadii ay rag badan idhaahdaan mustaqbalkaa madow waxaan idiin sheegaya inuu mustaqbalku bright yahay horaynu u soconaa wax madoobi ma jiro insha alaah wax inoo kordha mooye wax dibu dhaca la kulmi mayno.
Safarkayga hadaan wax ka iftiimiyo waxaan sii mari doona Addis-Ababa waxaan la kulmi doonaa madaxdaa Addis-Ababa waxaan kala hadli doona waxyaabaha danaheena ah ee inagaga xidhan waxaan kaloo mari doona England iyagana waxaan kala hadli doonaa markastaba wixii danaheena iyo waxay inoo qaban karaan mustaqbalka ugu danbayntiina waxaan u sii dhaafi doona Dalka Maraykanka hadii alle idmo oo iyagana aanu kawada hadli doono sidii mustaqbalka Somaliland iyo maraykanku wax u wada qabsan lahaa
Wuxuu dardaarankaygu yahay in wada jirka iyo midnimada qarankeena lawada adkeeyo isku mid la ahaado meelna aynu uga soo wada jeedno. Somaliland inay team kaliya tahay baan aaminsanahay xisbiyadu way tartamayaan lakiin inuu tartankaasi xarago noqdo ayaan marwalba soo jeedinayaa kubada meel kaliya ayeynu u wada laagaynaa oo inagu isku dhalin mayno waa inay noqotaa inaynu ujeedo qudha leenahay Somaliland bari ilaa galbeed waa ummad kaliya waa ummad isku dala oo isku dan ah waxaan idinku boorinayaa warbaahinta markasta inaad xoojisaan warbaahintuna waa hadba sidaynu u isticmaalno sida negative hadaynu u isticmaalno inaga ayey dhaawac inoo gaysanaysaa xaga waanagsan hadaynu u isticmaalana waxbay inoo taraysaa aniga qiimo badan baad iigu fadhidaan waxaanan idinku boorinayaa inaad qaybtaa ka ciyaartaan.”

Source goljano

No comments: