Thursday, January 24, 2008

Hay'adda Habitat oo 86 Guryo ah ka Hirgalisay Xaafadda Cabdi Iidaan





















Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN)- Maayarka Caasimada Hargeysa Inj Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa maanta xadhiga ka jaray 86 guri, oo ay Hay’adda UN-Habitat dad danyar ah uga dhistay Xaafada Cabdi Iidaan,gaar ahaan Ayax labaad ee Magaalada Hargeysa.

Guryahan ayaa qayb ka ah mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo 340 guri, oo 87 ka mid ah hore loogu qaybiyay dadka danyarta ah ee degan xaafadaasi Ayaxa, iyada oo ay Mashruucan maal-galisay dawlada Jabaan, isla markaana ay hirgalinaysay Hay’adda UN-Habitat, sidoo kalana Hay’adda Cuntada aduunka ee WFP bixisay Raashinkii ku baxay muddadii dhismahaasi socday.

Xaflada xadhiga laga jarayay 86 Guri, ee ay Hay’adda UN-Habitat dhistay, ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirro ka tirsan xukuummada Somaliland, oo ay ka mid yihiin Wasiirkaa Arrimaha gudaha Cabdilaahi Ismaaciil Cali Cirro, Hawaha guud Md. Siciid Sulub Maxamed, arrimaha qoyska iyo horumarinta Marwo Faaduma Suudi Xasan, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir, Agaasimayaasha waaxaha dawlada qaarkood, Masuuliyiin ka kala socday Hay’adda UN-Habitat, Hay’addaha UN-ta, WFP, Guddida Xaafada, xubno ka socday Hay’adda wadaniga ah ee Havoyoco iyo marti-sharaf kale.

Ugu horeyna Duqa Caasimada Hargeysa, Inj Xuseen Maxamuud Jiciir, oo furitaankii Munaasibaasi ka hadlay, isla markaasna xadhiga ka jaray guryahaas dadka danyarta ah loo dhisay, ayaa sheegay in Guryahani ay yihiin kuwo mihiim u ah dadka danyarta ah ee ku dhaqan Hargeysa,.

Maayarku, waxa uu sheegay in Guryahan dadka si bakhtiyaa-nasiib ah loogu qaybiyay, si aan la isugu qab-qabsan. Balse ay dawladu ka war haynayso gacan ku hayntooda, isla markaana aan la ogolayn in la kala iibsado, cid la siiyay mooyaane cidkalena aanay gali Karin.

“Guryahan lama kala iibsan karo, oo imikaba ninka la arko isaga oo iibinaya, waa laga qaadayaa, qof kale oo miskiin ah ayaa la siinayaa. Kuwo hore oo imika la ii sheegayo in la kala iibsadayna ma dhici karto, oo ninka iibsaday lacagtii ayaa ka khasaartay, ka iibiyayna waanu ka qaadaynaa.” Sidaa ayuu ydhi Maayarku,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray, “Waxaanu shanta kun idiinka qaadayno, ee aanu idiin leenahay guryaha dawladaa leh waa taa, oo intaad iibisaan ayaad buurta Sheekh Cumar noo dagaysaan, taana ma ogolin.”

Waxaanu xusay in ay diyaar u yihiin ka qayb-qaadashada qaybo kale oo la dhisi doono, isla markaana ay wax ka bedali doonaan habkii kuwii hore loo dhisay, una wajihi doonaan qaab kaa hore ka dhib-yar.

Sidoo kale, waxa isnha Xafladaa ka hadlay Wakiilka Xafiiska Nairobi u fadhiya Hay’adda UN-Habitat, Mr Felipe Divorce, oo isagu dalka u yimi wareejinta guryahan.Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi,

“Mashruucan guryaha loogu dhisayay dadka danyarta ah, waxa loogu tala-galay ama u-jeedadiisu ay tahay in hooy ay helaan, isla markaana noloshooda ay horumariyaan dadkan danyarta ahi.” Ayuu yidhi felipe Divorce

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi. “Mashruucani muu ahayn wax bisil oo dadka afka loogu gurayo. Laakiin waa mid ka dhashay is-kaashi ka yimi dawlada Hay’adaha iyo dadweynaha, taas ayaana inoo suuragalisay in aynu la kala wareegno maanta guryahan.”

Waxaanu sheegay in mashruucani yahay mid dadka danyarta ahi ay ka faa’iidaysanayaan. Isaga oo carabka ku dhuftay in Hay’ad ahaan ay ku talo-jiraan in mashruucan mid la mid ah ay ka hir-galiyaan Xaafada Sheekh Cumar ee Magaalada Hargeysa. Isaga oo tilmaamay in hadii la is-kaashaado in horumar la gaadhi karo.

Mr. Filiep Devorce, mar uu ka hadlayay tirada guryaha u qorshaysan inay dhisaan wakhtiyada soo socda waxa uu yidhi, “Marka hore waxa la qorsheeyay 340 guri in la dhiso, ilaa imika waxaynu ku guulaysanay 173 guri inaynu dhisno. Way naga go’antahay inta hadhayna in aanu dhisno, dedaal badana waanu ku bixinaynaa.”

Mr. Filiep, Waxa uu aad ugu mahad-naqay Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan dhinacyadii gacanta ka gaystay dhamays-tirka hawshan iyo dadka Xaafada ku nool, oo uu ku amaanay samir badnaan.

Waxa isna halkaa ka hadal ka jeediyay Madaxa Hay’adda cuntada aduunka ee WFP, u fadhiya Xafiiskeeda Hargeysa Mr. Amadou Sameko, oo sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in maanta la wareejiyo guryahan. Isaga oo sheegay in Hay’adoodu bixisay Raashinkii mashruucan ku baxay.

Wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed, oo ka qayb-galay xafladaas, ayaa isagu si weyn ugu mahad-naqay Hay’adda UN-Habitat, oo uu sheegay in ay wax muuqda dadka iyo dalkaba u qabatay. Isaga oo xusay in dawlada Somaliland isku hawsho sidii wax loogu heli lahaa danyarta.

Siciid Sulub, waxa uu sheegay in ay hawshani ka mid tahay hawlaha Wasaaraddooda. Ugu dambayntiina waxa uu u soo jeediyay dadka guryaha ku guulaystay in ay ilaashadaan, kuwa aan ku guulaysanina ay wakhtigooda sugaan.

Sidoo kale waxa Munaasibadaa guraha xadhiga laga jarayay hadal ka jeediysay Wasiirka Wasaaradda qoyska iyo horumarinta arrimaha bulshada,Marwo Faadumo Suudi Xasan, oo iyadu gacan laxaad leh ka gaysatay qaban-qaabadii iyo hirgalintii dhisitaanka guryahan. Waxaana ka mid ahaa hadaladeedii

“Aad iyo aad ayaan ugu farxay in guryahan la idinku wareejiyo, iyada oo aad kaga raysan doontaan hooy la’aantii idin haysatay.” Sidaa ayay tidhi Marwo Faadumo Suudi.

Waxaanay sheegtay in ay dawlad ahaan tix-galin siin doonaan mar walba dadka danyarta ah sidii wax loogu qaban lahaa.

Waxa isna madashaas ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo sheegay in ay dadkan guryaha la siiyay ay yihiin dadkii wadanka ka barakacay wakhtigii dagaalada.

“Dadkan aad aragtaan maanta, waa dadkii ka barakacay Somaliland ee guryahoodii la dumiyay, maantana Xaafadaha Hargeysa shanta Waaxoodba intan iyo in ka badan ayaa dhaxanta jiifta.”ayuu yidhi Wasiir Cirro

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali Cirro waxa uu ku dooday oo uu yidhi “Waxaan idinka codsanaynaa Hadii aad tihiin Hay’addaha, idinka oo il-naxariis leh ku eegaya, kuwii horena ku mahad san inaad u kordhisaan ayaan idinka codsanayaa.”

“Anaguna dawlad ahaan waxaanu ku dedaali doonaa sidii wax loogu heli lahaa dadka danyarta ah.” Ayuu yidhi Wasiir Cabdilaahi Cirro.

Guddoomiyaha Xaafada Ayaxa labaad, Marwo Foosiya Axmed Ismaaciil, oo kalmadeeda halkaa ka tidhi, ayaa aad ugu mahadnaqday Hay’adihii fuliyay dhismaha guryahaas, oo ay ku tilmaantay kuwo ay dadka danyarta ah ee xaafada degani aad ugu baahnaayeen, isla markaana ay kaga bixi doonaan hooy la’aantii haysatay. Iyada oo sheegtay in lacag mashruucii hore loogu talagalay ay lunsadeen Guddi ay Xaafadu hore u lahayd.

Iyada oo arrimahaa ka hadlaysana waxa ay tidhi, “Waxaanu ka codsanaynaa Masuuliyiinta UN-Habitat iyo Masuuliyiinta dawladu in ay noo dhisaan qaybta hadhay, hawsha ay fuliyeena waan ku amaanayaa Hay’adda UN-Habitat iyo cida kala qayb-qaadatay sida ay dadka danyarta ah ugu hirgaliyeen in ay helaan guryo. Iyada oo mashruucan markii hore la lunsaday, oo ay lunsadeen Guddigii naga horeeyay, balse Guddidayadan dambe aanu ku guulaysanay sidii aanu u dhamaystiri lahayn. waxaana laga lunsaday mashruuca lacag badan oo ah194001$ (Sagaal iyo tobankun,afar boqol iyo hal Dolar), waxaanu jecelahay in laga daba tago lacagtaa maadaama danyarta loogu talagalay in halkan loogu dhiso, oo ay dawladu daba-gasho.”

Guntii iyo gaba-gabadii Munaasibadaas, waxa shahaadooyin-sharafeed lagu gudoonsiiyay Wasiirka qoyska, Maayarka Hargeysa, Guddoomiyaha Xaafadaas iyo xubno kale. shahaadooyinkan oo ay soo diyaarisay Hay’adda UN-Habitat, waxay ugu talagashay xubnahan oo ay sheegeen in ay si wadani nimo leh uga hawl-galeen hirgalinta guryahan,

Hadhwanaagnews.com/Office
Hargeysa/Somaliland

No comments: