Saturday, January 26, 2008

Abwaankii Weynaa Ee Caanka ahaa Marxuum Xasan Sheekh Muumin oo Maanta si Heer Qaran ah Loogu Aasay Magaalada Boorama















(Muuqaalka Dadkii Aasayey Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin)


hadhwanaag 2008-01-26 (Hadhwanaagnews) Boorame.(HWN):- Alle ha u naxariistee waxaa maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal Abwaankii wayna ee ka caanka ahaa dhulka ay Soomaalidu degto Marxuum Xasan Sheekh Muumin Xaaji Gaafane, oo 17 bishan aynu isku jirno 2008 ku geeriyooday Magaalada Oslo ee dalka Norway.

Aaska marxuumka waxaa ka qayb-galay Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi, Wasiirka Madaxtooyada Md. Nuur Aamin, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], Madaxda Gobolka Awdal, Xildhibaano ka kala socday labada Gole Barlamaan Guurtida iyo Wakiilada, Bahweynta Fanka, Aqoon-yahano, wax garad iyo boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Boorama iyo Wefti ka socday Dawlada Jabuuti.

Ugu horayn Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md Nuur Amiin, oo uu soo wakiishay Madaxweyne Rayaale qaabilaada maydka Marxuum Xasan Sheekh Muumin, ayaa u mahad celiyey weftigii ka socday Jamhuuriyada Jabuuti sida qiimaha leh ee ay ugu soo gubiyeen Maydka marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin.

“Waxaanu aad iyo aad uga mahadnaqaynaa waftiga heer Qaran ee Jabuuti ka yimi, sida wanaagsan ee ay Marxuumka u soo agaasimeen iyo sida habisamida ah ee ay u soo gaadhsiyeen Garoonka Boorama.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyada Md Nuur Amiin.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxaa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan kale oo doonayaa inaan iyana halkan ka sheego in Madaxweynaha JSL Md Daahir Rayaale Kaahin, ducadii iyo tacsiyadii u soo diray Marxuum iyo Eheladiisii Alle ha u naxariisto, qabrigana ha u waasiciyee.”

Waxaa isna halkaa ka hadlay hogaamiyihii Weftiga siday maydka Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin ee reer Jabuuti Xaashi Cabdilaahi Qodax, oo ah la taliyaha Madaxweynaha Jabuuti ee dhaqanka, waxaana uu hadalkiisii ku bilaabay “Waxaa anagu baroordiiq iyo tacsi aanu u sidnaa qoyskii u ka baxay Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, oo ahaa nin Abwaana oo ka gedisnaaa Abwaanada Soomaliyeed, oo Sugaantiisu ay ka gedisan tahay. Waxa uu ahaa nin cabqari, Filasoofara oo Illaahay ku shubay xirkmad.” Ayuu yidhi Xaashi Cabdilaahi .

Waxaana uu hadalkiisa inaa raaciyey oo uu yidhi “Riwaayadiihiisii waxaan ka xasuusanahay Garaabidhaan iyo Shabeel-nagood, oo Shabeel-naagood uu turjumay Pr. Andrefisk, oo ay meteshay kooxdii Shakisbear. Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin gaar ahaan anaga waxa uu ahaa duqayagii, oo labada dal-ba [Somaliland iyo Jabuuti] way tirsadaan, oo Jabuutiba kuwaas ayaanu jeclayn.”

Wasiirka Wasaarada Dalxiiska Hiddaha iyo Dhaqanka Somaliland Md Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo ka hadlayey taariikhda Marxuum Xasan Sheekh Muumim waxa uu yidhi “Xasan Sheekh Muumin ruuntii waa nin la wada garanayo, Filasoofar ayuu ahaa, Macalin ayuu ahaa, inagamuu dhimane ee aqoontiisii iyo waanadiisii way inala taalaa, Jiil-walba oo kaca oo Ummadeena ka mid ahi, waa wax ay qaadanayaan.”

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey “Runtii waxaanu leenahay Illaahay raxariistii Jano ha ka waraabiyo, oo qabriga ha u waasiciyo, Ummada reer Somaliland-na samir iyo iimaan ha ka siiyo.”

“Wasaarada Dhaqanka iyo dalxiis-ahaan waxa uu ka mid ahaa Abwaaniintii waa-waynayd ee aanu tirsanaynay. Heesta Qaranka ee Calanka Somaliland isaga ayaa lahaa. Waxaan leeyahay maanta tiir adag ayaa inaga tegay.” Ayuu yidhi Wasiirka dhaqanka iyo dalxiiska Cabdirisaaq.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud [Siilaanyo], oo ka qeybgalay aaska marxuum Xasan Sheekh Muumin ayaa Ilaahay Marxuumka uga rajeeyay inuu naxariistii jano ka waraabiyo isla markaana waxay ka warameen kaalintii uu kaga jiray horumarinta iyo kobcinta fanka Somaliland, waxana ay dhambaalo tacsi ah u direen qoyskii iyo ummada reer Somaliland ee uu ka baxay.

Maxamed Daahir Afrax, oo ka mid qorayaasha waaweyn ee Ummada Soomaaliyeed, isla markaana wax badan ka qoray taariikhdii fanka ee Abwaan Xasan Sheekh Muunin, oo ka hadlayey taariikh nololeedkii Marxuumka iyo inta uu ka yaqaanay waxa uu yidhi. “Maanta waa maalin murugo leh, waa maalin aanu wadacayno Tiir-dhexaad inaga dhex baxay Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin Illaahay Janadii haka waraabiyee”

“Waxa uu safka hore kaga jiray Tiir-dhexaadyada maskaxda dadka Soomaaliyeed, waxa uu wax weyn ku soo kordhiyey aqoonta bini’aadamka guud ahaan, gaar ahaana-na waxa uu dadka Somalida u ahaa Abwaan, Macalin, waxa uu ahaa nin la hiigsadaa, waxa uu ahaa sama-talis.” Ayuu yidhi Maxamed Daahir,

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa uu ku caan ahaa Abwaan Xasan Sheekh Muumin nin Sugaantiisa wanaaga ugu dagaalama, xumahana ku diida, waxa uu ahaa samadoon.”

“Waxaan intaa iyo in aad uga sii badan-ba hubiyey muddo ka badan malaha 25 sannadood oo aan baadhitaan iyo u fiirsi ugu jiray Sugaantiisa iyo muridiisa. Aniga si gaar ah ayuu runtii ii taabanayaa, waxaana aan isku tirinayaa in aan safka hore kaga jiro dadka uu ka geeriyooday ee loo tacsiyaynayo.” Ayuu yidhi Afrax.

Waxa kale oo uu sheegay Maxamed Daahir Afrax in uu muddo laga joogo toban sanno uu Magaalada Boorama kula kulmay marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin oo uu ka duubay waxyaabo badan oo ku saabsan sugaantiisa. Waxaa kale oo uu tilmaamay in qaybo badan oo ka mid ah sugaanta marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin lagu qoray Afafka Carbiga iyo Igiriisiga, oo loo turjumay.

Waxaa isna wax laga waydiiyey sooyaalkii taarikheed ee marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin Md Xasan Guure Jaamac, oo ka mid ah aqoonyahanka iyo Odayaasha reer Somaliland, isla markaa xog badan ka haya taariikhda fanka marxuum Xasan Sheekh Muumin.

“Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, muu ahayn nin qoys, muu ahayn nin gobol, muu ahayn nin Somaliland-na, waxa uu ahaa nin intaaba ka wayn, waxa uu ahaa beni’aadamka dadka ugu qiimaha badan, oo Sugaantiisa uu cabirayo ayaad ka arkaysay.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure.

Isaga oo hadalkiisa sii waxa uu intaa raaciyey, oo uu yihdi “Markii la bilaabay halganka Soomaaliyeed gobonimodoonkiisa ama uu Afrikaba ka bilaabantay, wakhtigaa hore waxaa wadanka laga qaadi jiray Heeso Carabiya, oo Ururada iyo ducooyinka laga qaadi jiray.”

“Markaa marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, waxa uu ka mid ahaa raggii u horeeyey ee Af-Soomaali-ga hees ku tiriya, ee Hees waddaniya ku tiriya. Waxaana uu iigu sheegay in ay dhawr iyo Afartankii ahayd, ilaa iyo imika waxa uu ka hadli jiray waayaha Jooga iyo Mujtamaca uu la nool yahay waayaha uu marayo, isaga oo had iyo jeer ka hadli jiray waxa ay danta Ummadaasi dal ahaan, Diin ahaan iyo dad ahaan-ba ku jirto, waxaana aad ka arkaysaa Sugaantiisa,”ayuu yidhi Xasan Guure.

Mar uu ka hadlayey Xasan Guure Jaamac Riwaayaddii Shabeel-naagood ee uu alifay marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin, waxa uu yidhi “Riwaayadii Shabeel-naagood [dabayaaqadii lixdamaadkii] waxa uu tiriyay aniga oo dhalinyaro ah, cajiib ayey ahayd in uu is garab dhigo dab dhaxamooday, suura-gal maaha, dawaa bukootay, yacnii suura-gal maaha beni’aadamka caqligiisa. Laakiin wacdigii uu markaa ku jiray ayay ahayd.”

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan xasuustaa wakhtigaa waxaa lumay kala dambayntii, ixtiraamkii, Odaygiibaa taladii ka baydhay, oo dawlada xukumka Ummada kii hayay ayaa ka baydhay. Nimkii loo xidhan jiray, haddii adduun loogu xidhan jiray, haddii talo loogu xidhan jiray, hadii Diin loogu xidhan jiray intiiba way ka baydhay.”

“Marka waxa uu noqday ninkii lagu diirsanayey dab dhaxamooday, ninkii sheekha ahaa markii uu dabriwaayey xumaantii kuna dhaqmi waayey waxa uu sheegayey, waxa uu noqday dab dhaxamooday, waxa uu noqotay dawo bukootay. Waxaa kale oo cajiib ahaa markuu is garab dhigay Sakaaro iyo Maroodii, Shimbir iyo Goroyo.” Ayuu yidhi Xasan Guure.

Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa isna sheegay geerida ku dhacday marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin in aanay ahayn mid looga naxayo, balse ay tahay mid ilaahay ugu naxariistay.

“Waxaa weeyaan geerida ku dhacday marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin tu aan uga naxayno maaha, waa tu ilaahay u naxariistay, oo Sammada ka amray in intaas oo khalqi ahi in ay isugu yimaadaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Miigane.

“Markaas intaa oo Ummad ah oo isugu yimi oo ku tukaday, oo u duceeyey, waxaana aynu inteenaasi ka markhaati kacaynaa in uu ahaa nin ehlukhayra.” Ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Barkhad.

Maxamed Rashiid Sheekh Xasan, oo ka mid ahaa dadka uruuriyey suugaanka marxuum Xasan Sheekh Muumin, oo ka hadlayey sooyaalkii taariikheed ee abwaanka waxa uu sheegay in aan la soo koobi karayn taariikhdii fanka ee Marxuum Abwaan Xasan Sheekh Muumin iyo mahadhooyinka suugaanta ee uu ka tegay.

Waxaana uu soo jeediyey Maxamed Rashiid in loogu magacdaro meelaha caanka ah si aanu magaciisu hadhin, isla markaana loogu xasuusnaado.

Alle ha u naxariistee, Marxuum Xasan Sh. Muumin waxa uu ku dhashay Boorame 1931, waxana uu ku barbaaray, waxbarashadiisana ku qaatay Boorame iyo Saylac. Waxa uu ifka kaga tegey 70 qof oo isugu jira wax uu dhalay iyo wax ay sii dhaleen

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (C/Heersare)
Hadhwanaagnews.com, Reporter.
Online Boorame/Somaliland

No comments: