Saturday, January 5, 2008

Safiirka Mareykanka ee Addisababa oo casho soo dhaweyn ah u Sameeyey Wefdigii Madaxweyne Rayaale














Written by Faysal Cabdilaahi
Saturday, 05 January 2008

ImageAdiss(Hormoodnews)Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Itoobiya , ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Madaxweynaha JSL iyo wefdigii uu hogaaminayay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Addis ababa.

Warsaxaafadeed ku saabsan casho sharaftan oo uu na soo gaadhsiiyay Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani ayaa u qornaa sidan:

‘'Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa Xalay waxa Casho Sharaf ugu sameeyay, Xarunta Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Dalka Ethiopia, Mudane, Donald Yamamoto, oo ah Safiirka Maraykanka u fadhiya Dalka Ethiopia, cashadaasi oo ahayd soo dhaweyn loo sameeyay Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa intii cashada socotay lagaga wada hadlay arimo farabadan oo khuseeya danaha labada waddan, iyo sii xoojinta xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada Dal iyo gogol xaadhka Safarka Madaxweynuhu dhawaan ugu kicitimi doono Dalka Maraykanka.

Ugu dambeyntii, Madaxweynuhu wuxuu uga mahad celiyey Safiirka soo dhaweynta qiimaha leh iyo casha sharafta uu u fidiyeyba.

Kullankaasi waxa uu ku soo gabagaboobay jawi aad u wanaagsan''.

No comments: