Sunday, January 13, 2008

Komishinka Doorashooyinka Somaliland Maxaa Khibrado uga soo Korodhay Doorashooyinka Kenya 2007













Komishinka doorashooyinka Somaliland maxaa khibradoo uga soo korordhay doorashooyinkii Kenya ee 2007kii:-


Xubnaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka iyo Xisbiyada Mucaaridkaa waxaa lagu marti qaaday inay goobjoog ka noqdaan siday u dhacayso doorashooyinkii Kenya ee Decemebr 27, 2007 si ay khibrad iyo waayo aragnimo uga soo qaataan hawshaa mas’uuliyadda ballaadhan leh ee loo dhaariyey iyagoo diyaargarow ugu jira sidii ay xilkaa culus ee loo igmaday uga soo bixi lahaayeen waa hadday dhaartii ay galeen ka dhab ahayd ee aysan noqon iska dhaaro wax ku noqon mayside ayna noqondoonin sidii Komishinkii hore ee markii xilka laga qaaday caddeeyey inaysan caddalad ku maamulin doorashooyinkii ay ka mas’uulka ahaayeen soona saareen xisbiyo aan cod badan bulshada ka helin waxayna ahayd in maxkamad loo soo hortaago oo waxay mudanyihiin la mariyo waa markay jirto hay’ad caddaalada oo ka garsoorta fulinta sharciga iyo xuquuqda muwaadiniinta kana madaxbannaan xukuumadda.

Xubnahaasi waxay cadeeyeen inay sifo goobjoogayaaloo kale uga qayb qaateen habkii doorashooyinku u dhacayeen oo ka koobnaa ta golaha Deegaanka, Barlamaanka iyo ta Madaxweynaha oo mar qudha laga wada qabtaay meesha Somaliland 3 jeer la kala qabto taasoo kallifta dhaqaale badan iyo waqti kuluma ay keenina kartu falal nabad gelyada wax u dhimi kara maadaama ay caddaalad darradu tahay ta Afrika aafaysay oon lagaba aqoon ixtiraamka qawaaniinta, dastuurka u yaalla iyo rabitaanka shacabkooda laakiin ay wax isdhaafdhaafintu u noqotay ta qudhee ay u arkaan halyeynimo iyo wiil-waalnimo ku dhisan qabyaalad iyo musuq-maasuq taasoo aakhirka dhaxalsiisa waxaysan ka soo kaban doonin.

Waxaynu aad ula soconay siday u dhacday doorashooyinkii dalka Kenya oo ilaa iyo 1963 kii 3 madaxweyne oo qudhihi xukumka dalkaa qabteen (Joome Kiinyaati, Daaniyaal Arab Mooy iyo Mwia Kibaaki) waxayna daboolka ka qaaday inaysan Kenya dhaamin Afrikaanka intiisa kale oo aanba laga aqoon kalmadda doorashooyin iyo wax dimoqraadiyad la yidhaahdo ee Kaligood-taliyaali talada iska haystaan ilaa inta ay ka dhimanayaan waxayna sii diyaariyaan qofkii baddali lahaa sida waxa loo yaqaan Crown Prince ama Waliyul-Cahdi aan meelnaba uga ool xeerarka iyo nidaamkooda dawladnimo hase yeeshee noqday wax u xidhan hadba ninka madaxweynaha ka ah meesha, wax ka hor imaan karaana aysan jirin ee dalka iyo dadkuba isagay u afduuban yihiin wayna ina soo martay nidaamka afduubka siyaasadeed ee keenay aafadan xalkeedii noqday in loo kala dheereeyo kii isagu warmaha isugu keen dhiibay hortaagannay inay laba Soomaaliyeed isa-salaamaan wax kaleba ha inoo danbeeyeene, waxaadna la socotaan laba ninoo mas’uula oo wada ahaan jiray ciidamadii Somaliya inay dayuurad wada raaceen oo aysan awood u lahayn xataa inay isa-salaan illayn Amxaarbaa hoos ka qooraansanayee!

Waxay ahayd wax la sii saadaalinayay inaysan si caddaalada u dhici doonin doorashooyinkii Kenya ee ay noqondoontu miday dawladdu ku shubato beenna ka sheegi doonta xaqiiqdii codbixinta sababna u noqondoonta dagaal sokeeye iyo dhiig ku daata marka axsaabta mucaaridkaahi diidaan natiijada ka soo baxda ee guddida doorashooyinku soo saaraan. In kastoo Kenya ay leedahay saaxiibo ka fiican saaxiibada Somaliya misna meel fitno ka bilaabatay si loo qaboojiyaa waqti dheer bay u baahantahay iyo dawladaha reer galbeedka oo si degdega u soo kala dhexgala meesha Somalidii la isaga dhexbaxay sida xabaal iyo ninkeed loo kala tagyee dunidii nagu noqotay oo aynu la’nahay cidaynu u ciirsanno oo wax nagala qabata xaalkan cakiran oo boqolaalka qabqable isku keen haystaan meelay wax u wadaanna aan cidi ogayn xataa iyagaba ku dhahoo. Waa musiibo culus ummad dhan oon awood ulahayn inay furdaamiso amay ay xal ka gaarto markay ku timaado arrin xasaasiya oo la xidhiidha Qaranimadooda iyo mustaqbalka ubadkooda.

Haddaba aan u soo noqonno dulucda maqaalka oo ahaa maxay ka soo kororsadeen Komishinka doorashooyinka Qaranka Somaliland doorashooyinkii Kenya oo lagu casumay inay kormeerayaal ka noqdaan si ay khibrad uga soo qaataan ay uga faa’idaystaan doorka ay ku yeelan doonto qabsoomidda doorashooyinka dalka ee la saadaalinayo in la qabandoono bartamaha sannadkan 2008 iyadoo ififaalaha muuqda uu mugdi wayni ku jiro inay dhici doonto waqtigii loogu tala galay maadaama 5tii sanoo ina dhaaftay aan waxba laga qaban ee si ula kacah ay xukuumadu ishortagtay wax kastoo ummadda horumar u ah kala dirtayna Komishinkii hore oo la odhan karo khibrad ahaan iyagaa mudnaanta kowaad lahaa in lasiiyo inay hawlaha doorashooyinka soo socdana loo xil saaro laakiin waxaad moodaa in dantii laga lahaa markii laga gaaray la kala diray oo qaar kaloo dhaga xidhan la soo magacaabay.

Magaacaabidda guddidan cusub waa waqtigu ha ka dhaco intaysan wax barnaamija dagsan ama aan wali fahmin sida loo maamulo doorashooyinka iyo waajibaadka ka saaran laakiin dawladdu ay ka leedahay dangaara oo macnihiisu yahay inay waqtiga ku dheeraysato iyo qawda maqashii waxna ha u qaban. Waxaana u daliila 5tii sano oo la soo dhaafay maxaa ka hirgalay wixii la isku ogaa oo ahaa diiwaangalinta codbixiyaasha, furiddia Ururo siyaasadeed oo ka qayb gala doorashooyinka dawladaha hoose iyo Komishinka oo soo dhammaystira barnaamijkii iyo waqtigii doorashooyinku dhici lahaayeen. Waxaadna la socotaan inay xukuumaddu ka badin wayday waqtiga intaa le’eg in la isku haysto laba ninoo MD Daahir Riyaale si gaara u doonayay inuu ku soo daro Komishinka doorashooyinka oo golaha Wakiiladu ka diideen oo waqtigii oo dhammi kulumay waajibkuna waxaa weeye inaan loo kordhin mar danbe ee dawladdu ay xilka wareejiso marka waqtigii loogu daray dhammaado deetana iyadoo la siman xisbiyada mucaaridkaa ay ka qayb qaadato doorashooyinka Qaranka haddii kale xaalku wuxuu noqon doonaa hadba ugu dara sannad iyo dheeraad aan waxba lagu hagaajinayn ee uun ah meesha kana muuqda waxna haka qabanina.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay caddeeyeen inay khibrad ka soo kororsadeen wixii ka dhacay doorashooyinkii dalka Kenya oo ay yidhaahdeen markii hore si wanaagsan bay wax u socdeen oo meel kasta waanu tagnay dadkana su’aalo badan baannu waydiinay laakiin nasiib darro ku dhawaaqistii natiijadii doorashada ka soo baxday ee ahayd inuu madaxweyne Kibaaki marlaab ku guulaystay isla markiina loo dhaariyey 5 sanoo danbe waxay keentay dhibaatooyin fara badan oo dhimasho iyo barakacba lahayd. Waxay ballan qaadeen inay aad uga digtoonaan doonaan inay ku tillaabsadaan qaladkii Komishinka Kenya galay oo yidhi ma hubno inuu Kibaaki guulaystay ee waa nalagu amray inaan beentaa ku dhawaaqno taasoo wixii ay keentay laga wada dheregsanyahay.

Gabagabo: Haddaba seebay uga digtoonaan karaan qaladkii uu galay komishinka Kenya maadaama aan komshinka Somaliland isba uusan u madaxbannaanayn hawlihiisa ee si toosa xukuumaddu gacanta ugu hayso ee xaalkoodu uusan dhaafsiisnayn caalamka tusa inaad dimoqraadiyad ka hirgaliseen Somaliland. Komishinkii hore waxay ahaayeen kuwii musuqmaasuqay codkii xisbiga Kulmiye oo been ku soo saaray Daahir Riyaale laakiin Siilaanyaa noqday nin go’aan adag qaatay kana tanaasulay xaqiisii ee saw la iskuma rogmadeen hadduu u dhaqmi lahaa sida Raili Odinka oo lagaga shubtay marlaabdse Siilaanyo ma aqbali doonaa! Jawaabtu waa maya ee ama dhaartaan gasheen u fuliya sidaad Alle horti u ballan qaadeen inaad si caddalada wax ku maamulaysaan dalkana aydaan ku soo hoggaamin doonin burbur iyo dagaalo ka dhasha musuq-maasuqa doorashooyinka. Waana wax ka dhaca Afrikaanka iyo been abuurka doorashooyinka sidii kuwii odhan jiray “wuxuu helay 99.99% iyo meeday codadka inta maqani DAA MU”AAMARAH” Hana qaadanina ballan qaadka xukuumadda iyo waxaan idinka dhigi doonaa!! Iyo xoogaa yaroo laaluusha oo hoosta la idiin galiyo idin kana dhigi doonta af wax cunay xishoo!!! Ee xaqa u hiiliya eegana aafada ay keeni karto been abuurka doorashooyinka ka dhasha mana foga in la sii xasuusnaado wixii ka dhacay Kenya iyo.

Wa billaahi tawfiiq iyo Allaah mahadle

No comments: