Sunday, January 27, 2008

Mareeyaha Dekedda Berbera oo shir Jaraa'id Faahfaahin kaga Baxiyey waxyaabihii sannadkan ku soo kordhay Dekedda






By: Maxamud on 01/27/08

Maareeyaha Dekada Magaalada Berbera Eng: Cali Maxamed Cumar C/laahi(Xoor-xoor) oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay dekeda Magaalada Berbera ayuu ku sheegay inay kordheen sanadkii 2007 dii badeecadaha dekada ka soo dega iyo xoolaha ka dhoofa dekedaas.

Eng: Cali Xoor Xoor waxa uu sheegay alaabaha dekada ka soo degay sanadkii ina dhaafay ee 2007dii inay ku kordheen, 1300 koontiinar halka bagaashka dekada ka soo degaa ay ku kordheen 80,000tn marka la barbar dhigo sanadkiii 2006 alaabaha dekeda ka soo degay.

Dhinaca kale waxa uu Cali Xoor xoor sheegay inay dhoofka xoolaha ku kordheen sanadkii dhawaa hal Milyan, boqol iyo sagaal iyo sagaashan kun oo neef marka la barbardhigo sanadkii 2006kii.

Shir Jaraa’id ee uu maareeyuhu ku sheegay korodhka alaabaha ka soo dega kana dhoofa dekeda Berbera waa warbixin uu maareeyuhu sanad kasta kaga war bixiyo dhaqdhaqaaqa dekeda waxaanu warbixintiisan ku xusay inay sanadkan dekeda meelo ka mida ku kordhiyeen dhismooyin cusub una soo iibiyeen dekada qalab dhan 600,000 waxaanu xusay inay sanadkan u qorshaysan tahay inay dekeda u soo iibiyaan laba wish oo waaweyn.

Mar uu ka hadlayey Eng Cali Xoor-Xoor alaabaha ay ganacsatada Itoobiya kala soo degaan dekada Magaalada Berbera ayuu sheegay inuu hoos u dhac weyni ku yimid oo aanay sidii hore ahayn, balse waxa uu xusay inay jiraan ganacsato Itoobiyaan ah oo badeecado kala duwan kala soo dega dekeda Berbera.

Mar uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay cabasho inta badan laga sheego inay isku milmeen Masuulka Dekeda iyo Maamulka kastamka dekada Berbera oo dhalisa inuu hakad galo shaqo maalmeedka dekada, ayuu Cali Xoor-Xoor sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo dadka kaga yimaada dhinaca labada waaxood ee kastamka iyo dekeda iyo shaqaalihiisyba inay ku kooban yihiin shaqadooda ah rarka, dajinta iyo dayactirka dekada oo kaliya oo aanay jirin wax hawl maaliyadeed ah oo ay gacanta ku hayaan ka maamul ahaan

No comments: