Tuesday, January 1, 2008

Siyaasadda: Waa Muftaaxa lagu Gaadho Dhaqaale Urursiga











January 1, 2008
Politics: Visa To More Wealth

Dadka intooda badani waxa ay siyaasada u micneysteen in ay tahay wax lagu kasbado maal iyo qaninimo badan. Maxaa yeelay waxa la arkayaa iyada oo qofkii siyaasada soo galaaba uu noqonayo “maalin ku taajir”.

Siyaasi kasta oo xil loo magacaaba, waxa ugu horeeya ee uu ku kacaa waa hanti lunsi iyo musuqmaasuq, waxaanad arkeysaa durba isaga oo la leeyahay wuxu jeexday daaro, wuxu iibsaday guryo, wuxuu buuxsaday bangiyo dibada ah, wuxuuna bilaabay ganacsiyo hor leh.

Maxaa keenay in arintaasi dhacdo?

Jawaabtu waxa weeyaan siyaasiga, ayaa aaminsan in isaga kii uga horeyeyna uu sidani oo kale yeelay, siyaasiga, ayaa aaminsan in xilku meerto yahay, markaa inta aan laga qaadin waa in uu ka sii daldashaa. Siyaasiga Afrikaanka ahi sidoo kale wuxu aaminsan yahay in nin kastaaba uu meesha u joogo reerkooda, markaa waa in uu tuunbana reerkooda afka u geliyaa, tuunbana waa in uu isagu afka gashadaa!

Siyaasaga frikaanka ahi, inta badan ma garwaaqsana waxa dhabta ah ee loogu dhiibay xafiiska iyo xilka, ma garwaaqsana in xilka loogu dhiibay inuu horukac iyo horumar sameeyo, ma dareensana in bulshadu ka sugayso isbedel horumarineed oo deg deg ah. Wuxuuse aad u yaqaana waxa isaga u danta ah (one man climate),taasi oo run ahaantii ah waxa maanta abuuray carqaladahan badan.

Fiisuhu waa ogolaansho lagu galo dal kale, maanta sidaasi oo kale siyaasadii waxay noqotay wax lagu galo caalamka qaninimada.

Siyaasiyiinta badidooda, gaar ahaan kuwa Afrikaanka ahi, waxay siyaasada u adeegsadaan hab iyo qorshe ay ku lunsadaan kuna hantiyaan hanti badan, siyaasiyiintu maanta waxay ka mid yihiin dadyowga ugu qanisan bulshada dhexdeeda, maxaa yeelay waa kuwa guranaya inta badan lacagta iyo xoolaha dadka ay u taliyaan.

Habka hanti lunsi ee siyaasiyiintu ku kacaan wuxu noqon karaa mid u qeybsama laba qeybood, kuwaasi oo kala ah mid si toos ah loo arkayo oo dadku ay daawanayaan iyo mid si dadban u socda. Tusaale mashaariicda iyo qorsheyaasha hoose ee siyaasiyiintu la leeyihiin maalgeliyayaasha dibada, wuxu u suura geliyaa siyaasiyiinta hab hoose oo ay ku kasbadaan lacag badan.

Siyaasiyiinta Afrikaanka ah,marka la rabo in wax la marsiiyo ama wax laga dhameeyo waxa ugu badan ee loo bandhigaa waa in la iskaga laaluusho lacag iyo maal.

Waxyaabaha ugu waa weyn ee lagu eedeeyo siyaasiyiinta Afrikaanka ahi, waa musuq maasuq iyo hanti lunsasho aan xad laheyn, musuq maasuqaasi oo u soo jiida badi sumcad xumo iyo maalmul xumo labadaba, siyaasiyiinta qaarkood waxay kala kulmaan musuq maasuqa ay ku kacaan arimo ay ka mid yihiin,in dadku ku naco, in wadanka dibada looga masaafuriyo, in la xidho iyo ugu danbeyntii in lagu dilo oo lagu khaarajiyo.

Waxaan odhan lahaa siyaasiyiinta Afrikaanka ahi, ha ka digo rogtaan habkan qudhunka ah ee ay siyaasada u qeexdeen, hana ka daayaan dalalkooda ay xukumaan musuq maasuqa iyo hanti lunsiga ay ku hayaan.

Maanta soomaliland haddaad tusaale u soo qaadato waxay ka mid tahay wadamada yar yar ee soo koraya ee ka tirsan Africa, waana wadan run ahaantii u baahan horo kac weyn, hase ahaate himilada Somaliland rabto inay xaqiiso waxa hortaagan, maamul xumo iyo musuq maasuq ay ku kacayaan madaxdiisu.

Madaxda Somaliland waa kuwo intooda badan lagu eedeeyey musuq maasuq,iyo hanti lunsasho badan, waana kuwo runtii wadanka dhaqaalihiisi u isticmaalaya si shakhsiyeed, halka dadkiisii ay ka baahan yihiin. Markaa waxan odhan lahaa musuq maasuqa iyo hantilunsiga dalka iyo dadka ha laga daayo.si wadanku uu u sameeyo isbedel dhaqaale oo baaxad leh.
Abdifataah Mahamed Ahmed

No comments: